Qabuuro Dagaal-Ooge?
mise
Qabuuro madaxweyne?
Dulucda Mowduucani waxay tahay:
Qaabkii loo aasi lahaa iyo halkii lagu aasi lahaa
Dagaal-Ooge geeriyoode isagoo sheeganaya “madaxweynennimo”. Waxaynnu
tusaalena u soo qaadanaynaa kornayl
Cabdullaahi Yuusuf Axmed
H o dh a c
Qore: Maxamed Xirsi
HerMoham@aol.com
Dadka qaarkiis ayaa ka sii dardaarma
halka lagu aasi doono maydkooda walow ay mar-marka qaarkood adagtahay in la
fuliyo dardaarankaas caqabado awgood sida qofkii oo ku geeriyoodey meel ka
fog halkii uu sheegtay, sababo dhaqaale, meeshii oo loo diidey, dadkii aasi
lahaa oo isku khilaafay, geerida oo ku timid xaalado khaas ah sida inuu ku
dhinto shil diyaaradeed, badda amaba la waayo meel uu ku dhintay iwm .
Dad kale waxaa lagu duugaa qabuuro
gaar ah maadaama ay ka tirsanaayeen qayb khaas ah ee bulshada sida:
geesiyiin naftooda u huray difaaca dalkooda (kuwaas kuma jiraan kuwa
dadkooda u laaya micne la’aanta ama bililiqaysa, burburiya, guba magaalooyin
iyo tuulooyin dalkooda kaddibna yiraahda: “waan xoreeyey ama xoraystay”),
reer boqor, ciidan, koox diineed, qabuuro qoys iwm, halka kuwo kale lagu
duugo qabuuro takooran oo lagu duugo dadka la necebyahay sida Dagaal-Ooge,
khaa’inul waddan ama dad u le’day cudurrada halista ah oo sida sahlan
laysugu gudbiyo sida daacuun-caloolaha.
Bal haddana aynnu saadaalinno sidii
wax noqon lahaayeen haddii markaan uu marxuumku ahaan lahaa kornayl
Cabdullaahi Yuusuf.
Waxaynnu tusaale ahaan ka soo
qaadaynaa ama jilaynaa isagoo kornaylku ku geeriyoodey markii ay dhowaan
Nairobi ku soo weerareen niman dabley ah oo an la garanayn gurigii uu
martida ku ahaa.
Geerida Cabdullaahi Yuusuf waxaa
durbadiiba ka dhalan lahaa su’aalaha soo socda iyadoo muranka ugu xooggani
uu ku saabsanaan lahaa darajadii la siin lahaa kornaylka, micnaha in uu ahaa
madaxweyne iyo inuu ahaa dagaal-ooge.
-
Su’aasha kowaad
waxay noqon lahayd: horta yaa dhintay?.
Jawaabta su’aashaan ayay dadku u qaybsami
lahaa 2 nooc.
Nooca
hore waa dadka aysan u kala soocnayn erayada
qabqable dagaal iyo madaxweyne kuwaasoo qaba: qabqable waa madaxweyne/madaxweynana
waa qabqable. Kuwani waxay la mid yihiin dadkii oran jirey: Cali
Mahdi waa Caydiid/Caydiidna waa Cali Mahdi (2dan qabqable isku mid ayay
ahaayeen xagga sharka iyo wax burburinta waxaase halqabsigaan loola jeeday
way heshiiyeen taasoo loogu qalbi qaboojinayey dadweynihii Soomaaliyeed oo
ku noolaa Muqdisho ee ay labadaas dagaal-ooge madaafiicda ku duqaynayeen si
naxariis darro ah” waqtigii ugu xumaa dagaalkii USC dhexdeeda 1991kii.
Halqabsigaasi wuu soo noqnoqday hase yeeshee nasiib darro waligiis ma
rumoobin, Caydiidna wuu la dhintay sharkiisii iyagoo aysan heshiin labadii
qabqable ee Cali iyo Caydiid.
Dadka ay
isku midka u yihiin dagaal-ooge iyo madaxweyne waa badi Soomaalidii ku
xaraysnayd Embagathy iyo dableyda qabqableyaasha dagaalka u jooga Somalia
kuwaasoo xiriirka u dhexeeya qabqablahoodu uu yahay waxa ay murtida
Soomaalidu ku tilmaanto “dameer iyo labadiis dhegood”, “nin iyo kabihiis”
iwm.
Nooca
2aad waa dhammaan dadyowga miyirka qaba hadday
ahaan lahaayeen Soomaali, Ajnabi iyo Dawladaha intaba kuwaasoo kulligood
aqoon u leh inuu kornayl Cabdullahi Yusuf yahay dagaal-ooge aan ehel u ahayn
madaxweynennimo xilkaasina uu u jiro masaafada u dhaxaysa Cirka iyo Dhulka,
haddiiba erayga “madaxweyne” loola jeedo jagada adduunku u yaqaan qof ay
qowmiyadi u dooratay inuu madax u noqdo (fadlan akhri maqaalka cinwaankiisu
yahay Intaanan dhiman dheere iigu yeera) oo bil ka hor ku soo baxay
shabakadaha internetka oo ay ka mid yihiin Somalitalk, Allgedo, Horsedned,
Somaliweyn si ad uga bogatid harraadka uu kornayl Cabdullaahi Yuusuf u qabey
in maalin uun loogu yeero “madaxweyne”, walow ay tany maanta ku noqotay “shimbiri
maalin bay dab qaadday maalintiina gurigii hooyadeed ayay ku gubtey”
-
Su’aasha labaad
waxay tahay, sidee ayaa la yeelayaa meydka marxuumka?
I yadana
waxaa dabcan ka soo bixi lahaa afkaaro aad u kala fog oo ay ka mid yihiin
kuwa soo socda:
- Reer Embagathy qaarkood iyo
dabcan Dawladaha IGAD waxay oran lahaayeen waxaa geeriyoodey
madaxweynihii Soomaaliya sababtoo ah isma burin karaan oo kalmaddii
shalay laga maqlay ayaa afkooda ka qoyan.
Qolada kaliya oo la hubo in ay aad uga nixi lahayd geeridaasi waa
Xabashida maadaama ay waayeen wiil baarri ah.
o
Soomaaliya ma filayo in ay dad badani indhahooda
ka tiri lahaayeen illin ka soo daadata hase yeeshee ay u badan tahay in ay
dhici lahayd taas caksigeed (doollo caddayn), micnah, dad badani uma ooyeen
geerida kornayl Cabdullaahi marka laga reebo kooxaha soo socda:
qawlaysatadii la bililiqaysatay Puntland; calooshood u shaqaystayaashii u
ahaa ilaalada gaarka ah; 2da kooxood ee “Timo weyn iyo Heemo” oo sheegta in
ay yihiin wadaaddo hase yeeshee ah khuraafaadleyaal la sheegay in ay u
faaliyaan kornaylka; iyo ugu dambayn “reer cabdullaahi” oo ah magac cusub oo
hadda la jaanqaaday kornaylka.
-
Su’aasha saddexaad
waxay ahaan lahayd, xaggee ayaa lagu asturi lahaa meydka marxuumka?
Jawaabta su’aashaani ma aha mid sahlan waxaana
carrabka lagu dhufan lahaa meelaha soo socda:
-
Xamar:
Dad ayaa markiiba la soo boodi lahaa: “kornaylku wuxuu ahaa
madaxweynihii Soomaaliya saas darted waa in lagu aasaa magaalo madaxda
Xamar” hase yeeshee qaar kale ayaa ugu jawaabi lahaa: “oo reer Xamar
noloshaba kuma rabin umana oggolayn inuu Xamar cag soo dhigee maxay ku
falayaan meydkiisa?” Reer Muqdisho qaarkiis waxay oran lahaayeen:
“ninku dhibkiisii inakala teg meydna cidna wax ma yeeli karee aynu
sharafta ka xigno oo iska dayno ha la keenee ka dibna aynnu isu
diyaarinno in aysan gadaashiis cidina ku fakarin in ay gashato
“kabo/kobo” ka weyn.
Qaar kale
waxay oran lahaayeen: “waa yahaye qabuurehee ayaa lagu duugayaa?”
Kuwo ayaa ugu jawaabi lahaa: “Koofurta Xamar, Qabuuraha 21 Okoobar ama
Tribunka darisna ha looga dhigo Cabdirashiid Cali Sharmaarke ama Janan
Caydiid (saaxiibkiis)” (akhristow iga raalli noqo waayo ma hubo in
Caydiid uu ku aasan yahay qabuurahaas iyo in ay qabuurahaasi wali jiraan, in
la degey ama la biliqaystay) hase yeeshee waxay qiyaastaydu i siinaysaa inuu
halkaas ugu duugan yahay 3 sababood: b) in ay qabaa’ilka Hawiye qaarkood
Caydiid ugu yeeri jireen “madaxweyne”; inuu isla dadkaas u lahaa darajo
“halyeynimo maadaama dableydii uu hoggaaminayey ay Xamar ka saaray Maxamed
Siyaad Barre iyo j) in qaybtii USCda oo uu xukumey ay ka talinaysey goobta
uu ku yaal qabuurahaasi). Dadkaan waxaa loogu jawaabi lahaa: “Cabdirashiid
Cali Sharmaarke oo Soomaaliya madaxweyne u ahaa waqti nabadeed isla markaana
ahaa nin ehelu diin ah oo badi Soomaalidu ay jeclayd ayaa loo diidey in lagu
aaso meesha uu hadda ku xabaalan yahay waxaana u diidey dad reer Xamar ah oo
sheegtay in ay meeshaasi ahayd “goof” (cad dhul ah) oo ay gaar u leeyihiin
taasoo khasabtay in laga iibiyo dhulkaas” (Dad badani waxay
aamminsanaayeen in diidmadaasi ay ka wayneyd lahaansho gaar ahaaneed ee goof
hase yeeshee ay salka ku haysey inuusan marxuum Cabdirashiid u dhalan Xamar,
saas darteed, Cabdullaahi taas waa kala mid Cabdirashiid waxaana u dheer in
laga necebyahay Xamar saas awgeedna ay adagtahay in la oggolaado in
meydkiisa lagu ag duugo Cabdirashiid). Dad kale waxayba qabaan in aysan
habboonayn in qabqable dagaal lagu ag duugo oo daris looga dhigo madaxweyne
Soomaaliyeed oo sharci ahaa, waxayna ka cabsi qabaan in dariskaas haddana
lagu biiriyo Aden Cabdille Cismaan marka ay u timaaddo tii Alle. Dad kale
ayaa ayagu qaba aragti sii xag jirta oo meydka marxuumka ka sii fogeyn
lahayd Xamar ayagoo leh : “Walow uu Cabdullaahi Yuusuf saaxiib la ahaa
Caydiid, sharka iyo dagaal-oogennimadana ay wadaagaan, haddana uu Caydiid
ahaa “halyeyga” qabaa’ilka Hawiye ama ugu yaraan qaybo ka mid ah, sidaas
darteedna aysan marna yeelayn in deris looga dhigo Cabdullaahi Yuusuf oo ka
dhashay qabiilka ay tartamaan ee Daarood haddana uu kornaylku u soo dhigtay
inuu Hawiye u buuxiyo jagadii ay isla iyagu ka disheen ama awgeed u dileen
Caydiid”.
Qaar kale
waxay oran lahaayeen: “Janan Maxamed Siyaad Barre oo Soomaaliya xoog ku
haystey 21 sano, dunidu u aqoonsanayd madaxweynihii Soomaaliya isla markaana
ahaa kii ugu xukun qallafsanaa oo soo mara Soomaaliya ilaa ay qaadatay
xornimadeedii 1960kii, waxaa lagu aasay Garba-Haarrey oo ah halka ay deggan
yihiin reerka Marreexaan oo uu ka dhashay Xamarna looma haweysan oo marnaba
ma suurto gasheen in la keeno oo lagu aaso meydkiisa.
Sidee ayay
markaas suurto gal u tahay in ay dad ku fakaraan ama ay haweystaan in
kornaylka oo dagaal-ooge ahaa hase yeeshee ay Xabashidu ugu wanqashay inuu
yahay madaxweynihii Soomaaliya si sahal ah loo keeno meydkiisa looguna duuga
Xamar?” (runtii waxay Soomaali badani jeclaan lahaayeen in kornayl
Cabdullaahi Yuusuf lagu ag duugo Janan Caydiid halkaasna laga dhigo qabuuro
takooran oo lagu duugo dhammaan dagaal-oogeyaasha ka dibna la tusiyo
jiilasha soo socda ee Soomaalida taariikh ahaan).
Prof
Maxamed Cali Geedi oo isaga shaki uga jiro inuu sii haysanayo jagada lagu
sheegay “ra’iisul wasaare” mar haddii uu xijaabtey ninkii u magacawday ayaa
reer waqooyi Xamar u soo jeedin lahaa in marxuumka lagu aaso waqooyiga Xamar
asagoo Abgaal ku beer-dulucsanaya: “ogaada marxuumku waa ninkii madax inooga
dhigay dawlad Soomaaliyeed markii u horraysey”. Hase yeeshee Muuse Suudi
ayaa markaas oran lahaa: “war ninka kobahaygii gashaday ma arki karo
meydkiisa; laakiin Maxamed dheere oo ka urinaya Xabashida iyo Diin nacaybka
ayaa oran lahaa: Jawhar ii keena meydka si ay u dallacdo taariikhna u
yeelato maadaama lagu duugay madaxweyne (Maxamed dheere wuxuu dabcan ka mid
yahay dadka qaba inuu geeriyoodey madaxweyne maadaama ay isku jaal ahaayeen
marxuumka.
-
Baydhabo:
Shariif Xasan oo ah ninka baarlamaanka beenta ah ka ah
guddoomiye iyo Xasan hebel Nuur (shaati-guduud) waxay oran lahaayeen:
meydka “madaxweynaha” ha lagu aaso Baydhabo waayo iyada ayuu rabey inuu
geeyo dawladda oo taariikh noo sameeyo oo ay Baydhabo dhabbe halaq maray
ama saadaal u noqoto in ay mustaqbalka noqoto caasimaddii Soomaaliya
isla markaasna Xabashida ayaa nagu abaalmarinaysa ayadoo ay intaas
dheertahay in ammaanka ay ilaalin doonaan ciidammo isku dhaf ah ee
Xabashida iyo Puntland oo uu hoggaaminayo Moorgan.
-
Garoowe:
Garoowe waa bugcad uu hore ugu habsadey kornaylku (ka dib markuu
taageero buuxda oo hub, lacag iyo ciidanba ka helay Xabashida) walina u
carbuunan oo ay u sii hayeen taageerayaashiisii (dabley iyo dab-laaweba)
haddii uu ku soo hungoobi lahaa Nairobi sidaas darteed waxaa la hubaa in
ay inaga iibin lahaayeen in uu ka geeriyooday halyey ay jeclaayeen
inkastoo an shaki ku jirin in ay qaarkood muujin lahaayeen oohin iyo
shucuur been ah iyo qalbi faraxsan iyagoo malaha ku fakaraya in ay
dhaxlaan booskiisii.
-
Qardho:
Qardho in lagu aaso waxaa durbadiiba la soo boodi lahaa Janan Cadde
Muuse. Jananku wuxuu reer Qardho ka iibinlahaa afkaaro riqiis ama
khiyaali ah oo ay ka mid yihiin: b) Puntland waxaa waligeed
haysanaya taageerayaashii Cabdullaahi Yuusuf sidaas darteed dhibaato uma
gaysan doonaan meesha qabrigiisu ku yaal; t) Qardho waxay noqon
lahayd caasimadda Puntland iyo xarunta ganacsiga, bankiga dhexe iwm,
waayo dad badan ayaa soo booqan lahaa qabriga “madaxweynaha” oo Soomaali
iyo ajnabiga leh oo ay ka mid yihiin madaxweynayaal, safiirro iwm; anigu
waxaan noqon lahaa madaxweynaha Puntland; kornaylka waxaa lagu duugi
lahaa meeshii uu inooga laayey dad badan oo taasi waxay tusaale u noqon
lahayd qofka qaatilka ah; ugu dambayn, waxaa halkaas iiga hari lahayd
dembigii aad ii haysateen oo ahayd in aan ciidankii Golaha Badbaadinta
Puntland (GBP) u hibeeyey Cabdullaahi Yuusuf hase yeeshee ay ahayd
siyaasad qoto dheer oo aan damacsanaa.
-
Boosaaso:
halkaas waxaa ka bilaaban lahaa dagaal sokeeye Alle oo
uga miciina mooyee. Sabab?(why?) Burburkii Soomaaliya waxaa xoojiyey
markii Xamar laysugu geeyey wax kasta oo uu lahaa Qarankii Soomaaliya:
awood siyaasadeed, dhaqaalihii (beero, bunuug, ganacsi dibed iyo gudo,
amaankii, adeeggii guud iwm) kadibna uu soo jiitey kumaankun dad ah oo
magaalooyinki, tuulooyinkii iyo miyigaba uga soo qaxay shaqo la’aan,
ammaan la’aan adeeg guud la’aan. Taasi waxay dhashay inuu Xamar noqon
waayey meel hanan karta Soomaali oo dhan sidaas darteedna uu hal mar
qarxay. Boosaaso sidaasoo kale, markii la soo dumiyey dhammaan
gobolladii iyo magaalooyinkii kale ayay noqotay meel laysugu geeyey wax
kasta, saas ayayna khatar u tahay khatar qarxasho waayo albaab kasta
waxaa ka soo jeeda “malluug” uu meesha suray kornayl Yeey.
-
Gaalkacyo:
Timo weyn iyo Heemo (kor ayaynu ku soo sheegnay waxa ay yihiin 2dani)
waxay oran lahaayeen Mudug way rogmanaysaa haddii aan lagu duugin walow
ay labadoodu isku qabsan lahaayeen inuu mid waliba ka tirsanaa
“xertooda” oo uu haystey “jaazadooda” saas darteena uu xaq u leeyahay in
lagu duugo qabuurahooda. Odayaal uu ku hilay darajooyin been ah iyo
qolyo kale waxay iyaguna oran lahaayeen Mudug ayuu ku dhashay, Caydiid
iyo USC ayuu ka difaacay, SSDF ayay nooga le’deen rag badan isaga
daraaddiis, saas darteed waa in lagu duugaa Gaalkacyo ama tuuladii uu ku
dhashay
-
Lascaano:
Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu oran lahaa, aniga ayaa hadda
ah madaxweynihii Puntland, weli kalama wareegin xilkii marxuumka, hadda
aniga ayaa iska leh go’aanka meesha lagu duugayo saaxiibkay (haddee
diktatoornimada iyo uur iyo af is khilaafsani waa wixii ay ku
shirkoobeene), sidaas darteed waxaa lagu duugayaa Laascaanood. Reer
Laascaanood waxaa laga iibin lahaa oo uu sabab ka dhigi lahaa:
1.
in ay taasi muujinayso in uu laascaano ku duugan yahay madaxweynihii
Puntland isla markaana ah madaxweynaha Soomaaliya saas darteedna ay
Somaliland ka quusato in ay dib u sheegato Sol iyo Sanaag & Buuhoodle oo tan
qiil laga dhigto haddii laysla tago maxkamad
2.
in daraawiishtii puntland ee kornaylku ay yihiin kuwa mar kasta ka
caabbiya Laascaano weerarrada Somaliland
3.
in ay Laascaano ka soo bogsooto fadeexadii dilkii Madaxweyne
Cabdirashiid Cali Sharmaarke mar haddii ay soo dhowaysey duugteyna meydkii
madaxweyne kale oo Soomaaliyeed
-
Nairobi:
ugu horrayn,
in kornayl Cabdullaahi Yuusuf
lagu ag duugo Jomo Kenyatta sinaba ha ugu riyoon waayo taariikhda Kenya
ayaad meel uga dhacaysaa maadaama uu J K ahaa nin u soo halgamay
xornimada Kenya. Sidoo kale, Kenya waxayba hore ugu wargeliyeen
kornaylka iyo kooxdiisa inay dalka dhaqso uga baxaan sidaas darteedna
sinaba uma oggolaan lahayn in meydkiisa lagu aaso Nairobi ama meel kale
oo ka mid ah Kenya. Si kastaba ha ahaatee, haddiiba ay u oggolaadaan
sabab bani’aadamnimo awgeed in lagu duugo dalkooda, waxaa la gayn lahaa
Qabuuraha masaakiinta oo ku yaal Kariokor ama Eastlight (Islii). Sida
la ogyahay, marka uu geeriyoodo qofka keenyaanka ahi waxaa lagu aasaa
qabuuraha halka uu ku dhashay ama degaanka qabiilkiisa ayadoo meydkiisa
la soo safriyo haddii uu ku dhinto meel kale: metel, haddii uu yahay qof
Kuukuuyo u dhashay waxaa lagu duugaa degaanka Kuukuuyada gaar ahaan
tuuladii reerkooda; haddii uu yahay Mukambo tuuladiisii iwm.
-
Addis Ababa:
Ilaa iyo inta uu Ethiopia xukumo taliska Melez Zanawi ee
Tikrega waxaan shaki inooga jirin in meydka kornayl Cabdullaahi Yusuf si
loo ekaysiiyey “xushmayn” loogu duugi lahaa Addis Ababa. Taasi maaha
jacayl ama xurmo qalbiga jirta ee waa mid la xiriirta danta Xabashida
iyo soo jiidasho tusaale u ah waxa ay Ethiopia ka filan karaan nimanka
kale ee Soomaaliyeed oo daacadda u ah sida kornayl Cabdullaahi. Haddii
aynnu si kale u niraahno, Xabashidu ma jecla Cabdullaahi Yuusuf iyo mid
kale oo Soomaaliyeed ee waxay jecel yihiin shaqada ay u qabanayaan.
Zanawi wuxuu cudurdaar ka dhigi lahaa: Maadaama Xamar oo ah
caasimaddii Somalia aysan ahayn ammaan, meydka madaxweynaha (waa jagadii
uu isagu u magacaabaye) waxaa si ku meelgaar ah loogu haynayaa Ethiopia
waxaana Somalia lagu celinayaa markii ay nabad noqoto. Waxaaba laga
yaabaa inuu Zanawi qabrigaas khaaska ah ka dhisi lahaa xarun (base) ama
qolka shirarka Soomaalida (Hall) si uu ugu soo jiito dagaal-oogeyaasha
kale Soomaalida iyo taageerayaashii kornaylka hase yeeshee dantiisu ay
tahay inuu ku bah dilo (humiliation) Soomaalida. U malee in hoolkaas
loo bixin lahaa “Abdullahi Yusuf Conference Hall”!. Maxaad haddaba u
malaynaysaa haddii la afgambiyo Zanawi? Waxaan filayaa in aadan igu
diiddanayn in xabashiga la wareega xukunka Ethiopia aysan waqti ku
qaadateen inuu burburiyo ama gubo qabrigaas iyo xaruntaas maadaama uu ka
urinayo saaxiibtinnimadii Zanawi iyo kornaylka, hase yeeshee isaguna
wuxuu isla markiiba kasban lahaa adeegayaal kale ee Soomaali sheegato ah
waayo danka ay Xabashidu ka leedahay Soomaaliya mar walba waa joogto.
Qore: Maxamed Xirsi
HerMoham@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004
»DACWADA
CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen
»Fadeexaddii
2004 & Qarniga (Samsam Yarey) Cabdi
»"Digniin
ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" |
C/rashid
»Riyadii
Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta
Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida
dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA
NOLOSHA DHULKA [Mohamed A.]
»Nelson
Mandel: Madaxdii Adduunka:
Qarniyada 20aad & 21aad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|