SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Maxaa Arimaha Soomaaliya Ka Dhigay “Ma Dhamaato” 

Ayadoo sidaan la socono ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed soo foodsaartay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay:- Collaado soo noqnoqda oo kala ujeeddo ah. Dhimasho, dhaawac iyo naafow haleeley boqolaal kun oo qof.  Barakac boqolaal kun ugu baydadeen, ayagoo basan-baas qaba baalaha adduunka,  ama bahdoodu meelahay Soomaaliya ka dagi jirtay u haajirey, bar adduunyo wixii  ay dhaqdeena ka faro maran.  

Burbur aan aaboyeel lahayn oo loogaystay hantidii dalka, mid guud iyo mid gaar loo leeyahayba, qaar faro badana burcadnimo lagu dhacay. Caado laga dhigtay ka been sheegid iyo in la baal maro shuruucdii bulshada ilbaxa ah xakamayn jiray (diinta Islaamka, dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalidu lahaan jirtay ama qawaaniinta madaniga ah ee dowladuhu isku maamulaan iwm).  

Baalo-rif ku dhacay madax dhaqameedyaydii iyo culumadii looga  dambeyn jiray bulshada arimeheeda. Xoogaysi ururo ku dhisan danaysi oo isu kaashada aragti iyo hadaf ay wada leeyihiin, ayagoon dhag u dhigin rabitaanka iyo fikriga bulshada iyaga ka badan iskuna qanciya taada wado!  

Raadin hanti lagu yeesho dalka iyo dibadda, ayadoo la qabatimay in xaaraantu aysan xalaasha ka duwanayn ee lagu fakaro sidii xoolahaas lagu heli lahaa, ama dad ha lahaado ama ha laga tabco xaalufin badda iyo biriga loo gaysto oo inkaar iyo cawaaqib xumo laga dhaxlayo.  

Hal hayskii dhaxal galka ahaa, ee haddaaqiisa Soomaalidu caanka ku ahayd sanadihii afartamaadkii “Soomaaliyey toosoo.. isku tiirsanaada” oo loola jeeday midaynta umadda Soomaaliyeed ee dunida kaga gaarka ahayd lahaansho af isku mid ah, diin mid ah (islaam) iyo hal dhaqan-dhaqaale,oo meesha ka baxay,ayna badashay bulshadii oo ay kala qaybsadeen inteedii badnayd:- 

  • 1.       Madax jifiyeedyo danaysi loo caleema saaray
  • 2.       Madax diimeed iska hor jeeda.
  • 3.       Madax siyaasadeed intooda badani burburkii la   kowsaday
  • 4.       Hantiilayaal dhawaan soo if baxay oo bur-burka ku tabcaday oo an la is waydiin meesha xoolahoodu ka soo jeedaan.
  • 5.       Qolo loogu yeero madaxda ururada bulshada.
  • 6.       Dalalka caalamka oo Soomaalida dalba intii u baydaday la hayb noqotay.

Tiro badan oo Soomaali ah oo isku dayay inay qaataan quruxna bidaan dhaqankii iyo diimihii quruumaha ay u qaxeen, laakiin si khaldan ugu dhaqmay oo bulshadii dhaqankaas iyo diintaas lahaa la yaabeen.  

In la qabatimay in laga jeesto oo aan daryeel iyo kutaxaluqid la siin ilihii dhaqaalaha (xoolaha iyo beeraha) oo dhaqan ahaan nolosha Soomaalidu ku tiirsanaan jirtay, ayadoo badiba bulshada Soomaaliyeed intii ku howlanaan jirtay; tacabka beeraha ay noqdeen qaar ku jira xeryaha qaxootiga ee dalalka dariska ah, qaar badana dibadda loo daabulayo (12,000) ayaa haatan in la qaado u diyaarah, ayagoo nolosha dibadda naf biday, halka in badananina ay gobolada nabadda ah ee Soomaaliya xoogsi u joogaan, ayadoo dhalintii xoogga u lahayd dhaqidda xooluhu ay ku soo urureen magaallooyinka, ayna qabatimeen balwado iyo nolol qaabab fool xun lagu raadsho, xoolihiina waayeelka looga soo dhaqaaqay, taasoo keentay inaad aragto geel ku dabran guryaha miyiga agtooda ciidan xumo darteen.  

In Soomaalida dibadda looga taliyo, saamaynta shisheeyuhuna lagama gudbaan noqotay. In ku dhow kala bar bulshada Soomaaliyeed meel ay joogaanba (miyi, magaalo iyo dalka dibaddiisa) oo qabatimay balwado siyaabo kala duwan halis ugu ah umadda Soomaaliyeed - taas oo aysan ka badbaadin qayb kasta oo bulshada kamid ah Soo badashada dad badan oo Soomali ah  oo ku faana inay qaateen diin iyo dhaqan kale diyaarna u ah inay fidiyaan, ayagoo ka faaiidaysanaya inaysan jirin cid si adag uga hor imaanaysa, waxayna bulshada badankeedu rumaysatay intay waxbarasho iyo qalin wax ku raadin lahaayeen, nolosha iyo aayaha danbena ku dhisi lahaayeen, inay ka fududahay in dhaqaale deg deg ah lagu heli karo ,ayadoo qori la qaato, la abaabulo koox burcad ah, la taageero cid lacag haysata oo dan leh, dhul lagu habsado, dibad iyo dalshisheeye  oo loo hanqaltaago, ayadoo arimaha aan kor ku soo xusay ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ku habsaday ummadda soomaaliyeed dhowr iyo tobanka sano ee aan soo dhaafnay, oo ahaa sanadihii Soomaalidu caanka ku noqotay is dilka, nabad iyo maamul diidka, dal kacararka, dabargo’a ku dhacay dadka laga tirada badanyahay, duur joogta, deegaamadda hawdka ahaan jiray oo dhuxul dhoofin darteed dab la qabadsiiyaya, darxumada iyo daryeel la,aanta  ku dhacday diinta iyo dhaqanka dadkeenii hore.  

Beenku doodka iyo duudsiga xaqa iyo diidmada dareenka dadka waxgaradka ah iyo bulshada inteeda badadan kuwaas oo daliil kastoo ay keenaan loo dhag raaricin, ayadoo waliba aysan muuqan xal soo dhow iyo in lagu heshiinkaro, shir kasta oo soomaali isugu timaado waa lagu kala tagaa iyadoo bulsha weynta soomaaliyeed aanan waxba loo qaban, tusaale ahaan:- Dowladii carta lagu soo dhisay oo uu madax ka ahaa Abdi Qasim Salad Hassan, maxay dadka iyo dalka Somalia u qabatay, wuxuu shirkii carta u muuqday mid isugu yimaaday shacab kaliya oo waliba ay u badnaayeen Somaalidii dibada ku nooleed, waxase lataaban karaa in hal hogaamiye kooxeed laga waaye shirkaas, marka shir kasta oo loo qabto Soomaalida waxay hogaamiyaasha siyaasada qaarkood is waydiiyaan marka horeba! 

  •     Yaa shirkan qaban qabanqaabinaya ama  lug ku leh?
  •      Ujeedooyinka laga leeyahay maxay yihiin?
  •     Shirku danahayga ma taageersanyahay mise waa  ku lid?
  •      Ra’yigayga dantaydu ku jirto shirku ma soo dhawaynayaa    mise waa ka kor imaanayaa .
  •      Dadka shirka ugu cod badan   awal ma isku dhinac baan ka ahayn arimaha soomaliya mise kala aragti.

 

Waaya aragnimadii aan  ka dhaxalnay shirarkii badnaa ee loo qabtay xal u helida  dhibta dalkeena ka taagan dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxay ina tusaysaa in hada  jawaabaha su’aalaha kor ku qoran  koxaha qaarkood ula muuqdaan kuwo aan  iyaga qancin, kana biya diidaan shirarka islamarkaasna tuhunka ka qaada sida wax u socdaan, kuwaas oo caadaysta inay shirka marna ka baxaan marna ku soo noqdaan oo canbaareeyaan xubnaha shirka mas’uuliyadiisu saaran tahay iyo cida taageersan, kuna hanjaba inay shirka fashilinayaan haddii aan la qaadan fikirkooda, iyagoo hadiiba ku  baaqa durbaan tumid cusub, raadin xulafaysi hor leh oo ku dhisan  qabiil iyo danno foolxun oo lagu sii kala durkinayo ummadda soomaaliyeed. Sidaas darteed  maadaama sidaan la socono shirka Soomaalida ugu socday Wadanka Kenya, waxaa 10 October 2004 la lagu dhawaaqay Dowladii Somalia, loona magacaabay Madaxawaynaha Dowlada Federaalka Somalia, Abdullah Yusuf Ahmed,  waa shirkii ugu horeeye ee hal hogaamiye kooxeed ee ka dhisan wadanka Somalia aanan ka maqnaan, oo waliba ay ka dhex muuqaan baarlmaanka dowlada cusub, waxaa mudo kadib dowlada cusubi ay dooratay R/W cusub ee Somalia Ali Mohammed Ghedi, iyada oo aan wada ogsoonahay dowladii lasoo dhisay oo waliba aan dibadii kasoo dhamaan wadankiina gaarin ee golaha baarlamaanku kala laabteen kalsoonidii ay hore usiiyeen, balse dadaal fara badan oo uu sameeye Madaxwaynaha Somalia Abdullah Yusuf Ahmed iskuna dayay in uu dib usoo caleemo saaro baarlamaankana ay cod kale u bixiyaan si ay kalsoonidii hore loo riday loo soo celiyo, Madaxwaynaha waa uu ku guulaystay arrinkaa, R/W Ali Mohammed Ghedi wuxuu ka dhaartay baarlmaanka hortiisa uuna ballan ku qaaday in uu dowlada iyo dalka iyo dadka soomaaliyeed uu si daacad ah ula shaqayn doono, balse aysan ku  wada qancin kooxaha shirka loo qabtay,  go’aankooduna noqdo  inaysan raali ka noqon si yaabaha aan kor ku xusay dartood, xal iyo heshiis loo dhan yahayna ay adagtahay in la helo, ayaa waxay u muuqataa in arimaha Soomaaliya ay markasta noqoto ‘madha maato’

 

WQ. Ismail Mahmoud
Dubai – United Arab Emirates

Ismoma114@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004


»DACWADA CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen
»Fadeexaddii 2004 & Qarniga (Samsam Yarey) Cabdi
»"Digniin ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" | C/rashid
»
Riyadii Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA NOLOSHA DHULKA  [Mohamed A.]
»Nelson Mandel: Madaxdii Adduunka: Qarniyada 20aad & 21aad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD