SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Walee ama aniga  la idooray ama dowladnimo diiday!
 
W/D Suldaan Nayruus Xaaji Aadan.                                                   
suldaan25@hotmail.com                                                    
suldan25@yahoo.com

Dec 29, 2004


Kadib  markii lariday dowladdii dexe ee Soomaaliya, ee uu  hogaanka u hayey Maxamed Siyaad Barre,  ayaa waxaa soo ifbaxay, hogaamiye kooxeedyaal farabadan, oo inabadan ku taamayey sidii  uu xukunku mar ooga wareega lahaa gacanta Siyaad Barre.

Qabablayaashaa  ayaa ahaa kuwo aanan kamidaysnayn sidii loo maarayn lahaa dalka iyo umadda soomaaliyeed haddii  laga takhaluso ama ay meesha kabaxdo dowladdaas.

Mid walboo horfiiqayaash kamid ah, waxaa u daganaa qorshe gaara, oo ah in uu  isagu maamulo ama looga danbeeyo xalka Sooomaaliya,  mudnaanna uu u leeyahay jagada ugu  saraysa ee dalka, haddii kalana  aysan waxba kahagaagayn  isku day kasta oo lagu raadinayo soo afjaridda dhibaatada Soomaaliya. 

Intii ay soomaaliya xukuumad la’aan ahayd, waxaa laqabtay shirar  farabadan oo gaaraya ilaa 15-shir, halkaasoo qabqablayaashu  marka ay isugu tageen la isla afgaran waayey  ama isla meel dhigi waayey sidii xukuumad loo dhisi lahaa, loona qaybsan lahaa awoodaha, taasoo keentay in ay dhibaatada Soomalaaliya jiintanto muddo dheer.

Shirkii lagu qabtay Tuuladda Carta ee waddanka Djibouti, oo ahaa midkii oogu rajada badnaa, laguna  soo dhisay  dowlad, ayaa waxay kasocon waysay hogaamiyaasha, oo iyagu kabiyadiiday, kalana hortagey dagaal. Mar wax laga waydiiyey mid kamid ah  hogaamiyayaasha sababta uu u diidanyahay dowladda Carta, ayaa wuxuu ku jawaabay haddii dowlad ladhisayo aniga ayaa mujaahid ah  xaqna  u leh Madaxa oogu sareeya ee dowladdaas, mid dadkale madax kayahayna  socon mayso mana ogalaanayo.

Markii ay Dowladdii Carta shaqayn waysay, ayaa haddana waxa lasameeyey isku day kale oo looga gol leeyahay sidii dib u heshiisiin loogu samaynlahaa loona dhammayn lahaa khilaafaadka u dhexeeya hogaamiye kooxeedyada kuhardamaya waddanka Soomaaliya. Waxaana la isugu geeyey dhammaantood waddaka Kenya, ayadoo ay dhexdhexaadinayaan waddamada dariska la ah Soomaaliya,  ee Djibouti, Kenya iyo Ethiopia. Waxaase is waydiin mudan shirka socday muddada dheer ay gaaraysa labadasano iyo siyaadada, oo aanan horay loo maqal shir intaasoo kale socday, maxay wax lataaban karo uga soo bixi la’yihiin? Maxaa hortaagan? Xageese laga haystaa?

Jawaabta su’aashaasi waa mid iska sahlan, oo cid kasta oo horay oola socotay xaaladda Soomaaliya ay fahmi karto.Haddii aanse anigu farta ku fiiqo, jaawaabtu waxay tahay wuxu shirkaani lasocon la’yahay waxay lasocon waayeen ku wii kahoreeyey, maxaa yeelay waxaynu wada ognahay damaca siyaasadeed ee uu hogaamiye kooxeed walba doonayo, taasoo ah WALLEE AMA ANIGA LA’DOORAY AMA DOWLADNIMO DIIDAY!.

 Arrinkaan waxaa laga dheehan karaa, wixii kadhacay maalinkii dhaweeto golaha baarlamaanka dhexdiisa markii lacasilayey xukuumaddii Prof Geedi. Waxaa la arkayey nimankii loomagacaabay wasiiradda oo dagaal gacan kahal ah bilaabay, markii ay  soo bandhigeen, qaar kamid ah xildhibaanda golaha baarlamaanka mooshin (motion)  iyaga ka dhan ah, laguna casilaayo xukuumaddaas. Qaar ka midah wasiiraddii lacasilay ayaa waxaa laga hayaa. ‘Haddii anaga xukuumadda yadii ladiiday sidee anaguna mid kale ku ogalaanaynaa?!’

Dhibaatada umadda Soomaaliyeed ayaa waxay ladhamaan la’dahay , damaca qaabka daran ee hogaamiye kooxeedyada, iyo dammiir la’aanta shacabka Soomaaliyeed, ee marwalba u hanqaltaagaya ama ka dhowraya xal nimanka isku xag-xagnaya  dal shisheeye dhexdiisa, oo ay sarriigtii marhore kadhamaatay.


 W/D Suldaan Nayruus Xaaji Aadan.                                                   
suldaan25@hotmail.com                                                    
suldan25@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2004


»SOOMAALIDU SAXIIB MA LEEDAHAY? | Raage
»Fiqado Makka Ayaa Lagu Diley! | Xoday
»Fursad Dahabiyaa ina Hortaal Doqoni Waa Mooge | Qays
»Ninka jooga Xamarow Xaabaashaada sii qodo | Wanaje
»Maxaa Arimaha Soomaaliya Ka Dhigay “Ma Dhamaato” | Ismacil
»‘Buufisku Madhabaa Misa waa Dhalanteed’? | Farxaan-ceynte
»MAXAAD LUQADAADA HOOYO UGA DOOR BIDAY AF QALAAD
»Qabuuro Dagaal-Ooge? mise Qabuuro madaxweyne? | Xirsi
»Laaluush iyo labeeb: Qoraalkii Shaafici
»Qodobka 49-laad Qaladkiisa Ma Geddi baa leh Mise C/laahi | Maryan
»DACWADA CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD