SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

Xildhibaan Gen.Maxamad Xaashi Gaani oo Galabta Maydiisa Laga Helay Qolka uu ka Daganaa Embagathi.

Canab Mumtaz.
Somalitalk.com

Marxuum Maxamad Xaashi Gaani oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah ayaa Galabta Laga helay isagoo mayd ah Qolka uu ka dagan yahay Embagathi ee xarunta shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed.

Marxuumka waxaa la sheegay in uusan qabin wax cudur ah waxa uuna seexday qolkiisa sida caadada ahayd habeenkii isagoo cidina aysan la seexanin oo kaligiis daganaa Qolkaas sida uu ii xaqiijiyay Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Maxamad Cumar Dalxa, waxaana dhacday in shaqaalaha guryaha hagaajiya ay damaceen in ay qolka marxuumka soo galaan balse ay ka waayeen wax shanqar ah,iyagoo qolalka inta badan soo gala subaxii,

Waxaa dhacday in markii dambe ay la kaashaadeen maamulka xafiiska iyo xildhibaanada qaarkood sidaasna lagu jabiyay qolkii uu daganaa marxuumka waxaana laga helay maydka marxuumka oo afka uu dhiig ka socdo.

Ilaa haddda lama ogaanin cidda ka dambaysay balse waxaa loo badinayaa in Amar Alle ku dhacay marxuumka, balse waxii ku soo kordha gadaal ayaad ku heli doontaan wararka ugu dambeeya.

Marxuumka Allaha U naxariisto waa qofkii labaad ee xerada dhexdeeda laga helo maydkiisa iyadoo aan la ogayn sababta iyo cidda dishayba balse waxaa socda baaritaan ay wadaan maamulka Xarunta iyo Baarlamanka Laf ahaantiisa.

Anab Mohamoud Abdulle <canabmumtaz@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2004

QARAX KA DHACAY GAROONKA WILSON AIRPORT EE NAIROBI
Qaraxan oo ay kenya sheegtay in uusan ahayn bomb waxa uu dhacay 4:30pm galabnimo ee shalay ayadoo... Guji.. Oct 18


WAR SAXAAFADEED: Somali Concern Group
waxaan soo dhoweyneynaa dhameystirka shirka iyo doorashadii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...

Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...

Warar Goos Goos ah::: Oct 17
»Wada hadal laga dhex wado Yalaxow, C. Caato iyo Madwayne C/laahi
»Madaxwayne C/laahi oo sheegay inay Muqdisho tahay Caasimadda
»Dowlada cusub oo loo soo jeediyey inay ka degto Magaallda Muqdisho
»Dr,C/qaasim  iyo Wafdi uu horkacayo oo maanta soo gaarey Muqdisho
»Xiriir telefon oo dhex maray m/weyne C/lahi iyo m/weyne Qadaafi
»Dalka Swedan oo lagu qabanayo shir looga hadlayo dib u dhiska
Dhammaan ka akhri halkan... Guji
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD