SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 
Daabaco Boggan | Print

BEENI RAAD MA LEH!

3-Sano,6-bilood iyo dhowr iyo toban maalmood kaddib shirkadda Al-Barakaat oo wax dambi ah lagu waayay

FBI "Waqtigii iyo dadaalkii aan ku bixinnay baaritaankii Al-Barakaat waxay ku habooneyd in aan meel kale ku bixinno"

Al-Barakaat Case Study : The Somali Community and al-Barakaat [PDF]
ISHA: www.9-11commission.gov

Hadalkan oo ay FBI-du sheegtay waxa uu geba-gebo u ahaa qoraal dheer oo uu soo saaray Guddigii dowladda Mareykanka ay sameysay qaraxyadii 11-kii September kaddib, kaas oo loogu magac daray "Guddigii 11-ka September". Guddigan ayaa soo saaray buug aad u weyn oo muujinaya geba-gebadii baaritaan dhowr sano socday oo lagu sameeyey Ururradii iyo shirkadihii ay dowladda Mareykan-ku ku sheegtay in ay xiriir la leeyihiin argagixisada. Qaybta 5-aad ee buugaasi ayaa si gaar ah looga hadlay Shirkadda Al-Barakaat ee Soomaaliya, iyadoo laga qoray 36-bog oo lagu soo bandhigay natiijadii kama dambeysta ahayd ee baaritaankaasi, taas oo lagu sheegay in haba yaraatee ay shirkaddaasi wax lug ah ama xiriir ah la lahayn waxa ay ugu yeeraan "Argagixisada"

Geba-gebada qoraalkan aadka u dheer ayaa hay’adda FBI-du ku sheegtay in ay jeclaan lahayd in waqtigii iyo dadaalkii faraha badnaa ee uga baxay baaristii shirkadda Al-Barakaat in ay ku bixiso goob kale, taas oo micneheedu yahay in ay ku hungoobeen beentii ay markii horeba ku xayireen hantidii Soomaaliyeed ee shirkadda Al-Barakaat. Dib u soo noqoshada Shirkadda Al-Barakaat ayaa fursad u noqon karta Malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo lacagtoodu ka xayirneyd.

Warqad ku socota Congress-ka Mareykankaiyo madaxweyne Bush oo ay soo saareen duubabka dhaqanka..

Duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka codsanayaan Congress-ka USA iyo Madaxweyanha waddankaas George W. Bush in xayiraadda saaran ay ka qaadaan Shirkadda Al-Barakaat, isla markaana ka saaraan liiska waxa lagu sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-qaacida. Waxa ay sheegeen duubabka dhaqanku in xoolaha laga xayiray shirkaddaasi ay ahaayeen hanti ay leedahay ummadda Soomaaliyeed oo muddo 14-sano ah ku soo dhex jirtay dhibaato, ayna doonayaan in ay helaan hantidaasi ka maqan, waxaa kale oo dowladda Mareykanka laga dalbanayaa in muddadii ay xayiraadda saarneyd shirkaddaasi laga bixiyo magdhow ama khasaare ah ee soo gaaray shirkaddaasi, waxaana ay sheegeen in shirkaddaasi aysan lahayn haba yaraatee wax dembi ah, ayna u shaqeyneysay shacabka Soomaaliyeed.

"Dowladda Mareykanka oo ah dowlad ku shaqeysa Dimuqraadiyadda oo diiddan cadaadiska iyo caburinta waa in ay shirkaddaasi ka saartaa liiska argagixisada, siina deysaa hantida Ummadda Soomaaliyeed ee xayiran" ayay yiraahdeen odayaasha dhaqanka.

Ugu dambeyntii waxa ay sheegeen haddii Dowladda USA ay shirkaddaasi ka saari weyso liiska argagixisada, isla markaana ay u fasixi weyso lacagta ka xayiran waxa ay keeni kartaa calool xumo iyo colaad soo kala dhex gasha labada shacab, waxaana ka mid ah duubabka dhaqanka ee soo saaray qoraalkan Suldaan Xeyle SUldaan Cismaan, Malaaq Cali Malaaq Aadan, Ugaas Bashiir Ugaas Xasan, Nabaddoon Shire Dalfac, Suldaan Max’ed Cali Ugaas, Nabaddoon Maxamuud SH. SIciid, Nabaddoon Xasan Cali Barre, Nabaddoon Xasan Xaaji, Nabaddoon C/llaahi Cismaan Max’ed iyo nabaddoon Axmed Xaaji Max’ed. Codsigan waxa uu ku soo beegmay xilli hay’adda FBI-da baaritaan iyo wareysiyo ay ka qaadday 2,000,000-qof oo SOomaali ah ku ogaatay in shirkaddaasi aysan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada. uuna u magacaabi doono shaqsi aqoon iyo khibrad u leh xilkaasi.

FAAH-FAAHIN DHEERAAD AH OO KU SAABSAN WARBIXINTII FBI-DA EE SHIRKADDA AL-BARAKAAT

(Laba Milyan oo qof oo Soomaali ah iyo 10-kun oo File oo baaris lagu sameeyey)

Warar horudhac ah oo la sheegay in ay ka soo bexeen Xafiiska FBI-da ayaa lagu soo bandhigay geba-gebadii natiijo ka soo baxday baaritaanno socday 3-sanodhowr bilood, taas oo ay wadday hay’adda FBI-da, kuna saabsanaa kala shaandheynta liiskii dheeraa ee uu Mareykanku ku tixay magacyada ururro, shirkado iyo shaqsiyaad ka soo jeeda dalal Islaam ah oo ay ku sheegeen in ay xiriir la leeyihiin waxa ay ugu yeereen argagixisada.

Natiijadii Baaritaanka ayay FBI-du ku sheegtay in shirkadda Al-Barakaat ee dalka Soomaaliya aysan haba yaraatee wax xiriir ah la lahayn Ururka Al-Qaacida iyo ururrada la midka ah. Guddi ay Dowladda Mareykanku u xilsaartay Arrimaha Argagixisada iyo FBI-da oo baaritaankan wada sameeyey ayaa waxay sheegeen in ay baaris ku sameeyeen dad Soomaaliyeed oo kor u dhaafayay 2-Milyan oo qof oo iyagu ka mid ahaa macaamiishii shirkaddii Xawilaadda ee Barakaat, sidoo kale waxa ay baaris ku sameeyeen 10-kun oo File oo ay lahayd shirkadda Al-Barakaat, waxay kaloo wareysiyo la sameeyeen shaqsiyaad muhiim ah oo ka tirsan shirkadda Al-Barakaat oo iyaguna gaarayay illaa 23-qof oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Shirkadda Al-Barakaat Axmed Nuur Cali Jimcale.

Telefishinka Dalka Sweden ayaa noqday warbaahintii ugu horreysay ee warbixinta FBI-da sii deysa, waxaana TV-gu uu sheegay in uu warbixintan si toos ah uga helay FBI-da, Barnaamij uu TV-gu ka sameeyey arrintan ayuu ku wareystay Wakiilka Shirkadda Al-Barakaat ee dalka Sweden Axmed Cali Yuusuf Galool.

Waxaa kaloo barnaamijkaasi ka hadashay Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalka Sweden oo iyadu hadallo diblomaasiyadeed uga codsatay dowladda Mareykanka iyo Qarammada Midoobay-ba in ay wax ka beddelaan go’aannadii ay horey uga qaateen Shirkadda Al-Barakaat.

Waxaa barnaamijkaasi ka baxayay TV-ga dalka Sweden sidoo kale ka hadlay Xubin ka tirsan Baarlamanka dalka Sweden oo sheegay in wax lala yaabo ay tahay in saddex sano kaddib FBI-du ay tiraahdo shirkadda Al-Barakaat wax dembi ah ma leh. "Annagu horey ayay noogu muuqatay in shirkaddaasi aysan wax xiriir ah la lahayn Argagixisada" ayuu yiri xubintaasi ka tirsan Baarlamanka dalka Sweden.

 waxaa inoo  suuro gashay in aaan uu gaar ah la yeelano Axmed Cali Galool oo ah Wakiilka Shirkadda Al-Barakaat ee dalka Sweden, waxaana marka hore weydiinnay sida TV-ga dalka Sweden uu warbixintan ku helay, waxaana uu yiri "Telefishinka dalka Sweden waxa uu ka mid yahay Telefishinnada adduunka ugu faca weyn, uguna hor marsan, waxa uu dhisan yahay 115-sano, waxaana uu xiriir wanaagsan la leeyahay caalamka oo idil, warkan ku saabsan shirkadda Al-Barakaatna waxa uu toos uga helay Xafiiska FBI-da dalka Mareykanka".

Axmed Galool mar aan weydiinnay halka ay arrintu mareyso waxa uu noo sheegay in ay rajadu wanaagsan tahay, markii horena ayba ogaayeen in waxa lagu eedeynayo ay tahay gar-darro, haddana uu xaqii soo daahiray, tallaabadan cusubna ay keeneyso in shirkaddii Barakaat ay dib u soo ceshato mageceedii iyo sumcaddeedii, waxaana rajeynaynaa ayuu yiri in goor dhow dowladda Mareykanka ay jawaab ka bixiso arrintan.

Axmed oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in garyaqaankooda oo lagu magacaabo Thomas Okson oo arrintan ka hadlayay ayaa yiri "Waa jariimo in 4-sano ku dhowaad ay xayirnaato shirkadda Al-Barakaat", wuxuuna xusay in markii horeba eedeynta Barakaat ay ahayd mid been ah oo la soo dhoodhoobay, wuxuuna dowladdiisa Sweden u soo jeediyey in ay magdhow ka bixiso xiritaankii Xafiiska Al-Barakaat, isla markaana ay cudur-daar siiso dadkii lahaa.

Axmed waxa uu xusay in Baaritaanka ay sameysay FBI-da iyo weliba Guddiga dowladda Mareykanka ee arrimaha argagixisada uusan si sahal ah ku imaan, balse ay gacanta mariyeen wax alla iyo wixii Document ah oo ay shirkaddu lahayd iyo iyagoo tixraac iyo dabagalba ku sameeyey macaamiishii xiriirka la lahayd shirkadda Al-Barakaat dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey, sidoo kale waxa ay wareysiyo kala duwan la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Barakaat oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaana kaddib u caddaatay in haba yaraatee aysan wax xiriir ah shirkadda Al-Barakaat la lahayn Ururka Al-Qaacida iyo ururrada la midka ah.

Axmed Galool waxa uu sheegay in FBI-du ay qoraalkeeda dhab uga sheegtay shirkadda Al-Barakaat, iyadoo ku xustay in ay shirkaddaasi ku noolaayeen Malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo intii ay xirnaydna ka muteystay dhibaatooyin fara badan, wuxuuna ugu dambeyntii sheegay in uu rajeynayo in maalmaha dhow ee soo socda laga qaadi doono cunna qabateynta shirkadda Al-Barakaat.

E-Mail - amiinkhasaaro@hotmail.com ama

amiinkhasaaro@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2004


Soomaaliya oo AU Weydiisatey 20,000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah::
iyo kal-fadhi kusaabsan Soomaaliya oo November 28keeda Lagu Qaban doono Brussels.
Guji...

Xaflad lagu soo Dhawaynayey Dawlada Cusub ee Soomaaliya
iyo dareenka jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark Guji...

Siminaarkii Labaad ee uu Qabto Uruka SSUF
Ururka Isbahaysiga Dhalinyarada Somaliyed ee Sweden (SSUF) ayaa... Guji...

Ra`isul Wasaaraha Dalka Sweden oo la kulmay Gudoomiyaha Xisbiga SSUP

DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar Mayoow oo 10-sano ahaa qunsulka kumeelgaalka ee Soomaaliya u fadhiya dalka UAE, kaddibna si rasmi ah markale dawladii carta u magcaywday qunsulka Dubai ayaa... Guji... Oct 21

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD