SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
 
Daabaco Boggan | Print

Golaha Baarlamaanka DGPL oo Doortay Gudoomiye Cusub.

Waxaa maanta oo ay taariikhdu 30 Octobar 2004 kalfadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha wakiilada DGPL lagu doortay Guddoomiye cusub.

Maanta ayaa waxaa isa soo sharaxay sadex xubnood oo ku tartamaya siday u hanan lahaayeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada waxa ay kala ahaayeen musharaxiinta: Cismaan Dalmar Yuusuf, Yuusuf Bootaan, Axmed Jaamac Diiriye.

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabMadaxweyne kuxigeenka DGPL oo socdaal ku soo gaaray Boosaaso
Waxana uu halkaas ku qabtay shir ballaaran oo... Guji...

Musharixiinta ayaa Golugu u ogaaladay toban daqiiqo oo uu kaga hadlayay Taariikh nololeedkooda iyo waxqabadkoodii.

xubnaha soo xaadiray fadhigaa ayaa ahaa 36 mudane, habka doorashada ayaa u dhacday in Mudane walbaa in uu cod qarsoodiya ku doorto cida uu u dooranayo Gudoomiyaha Baarlamaanka ka dibna uu ku ridayo sanduuq.

Wareeggii hore ee codaynta aayaa waxaa halkasi guushii ku raacday musharax Mudane Cismaan Dalmar Yuusuf oo helay cod dhan 22 halka uu Yuusuf Bootaan ka helay 12 cod, Axmed Jaamac Diiriyana ka helay hal cod laba cod ayaa xumaaday midana waa ka baxay

waxaa natiijadii Doorashada ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada DGSPL Cali Saxar Guuleed oo si ku meel gaara loogu magacaabay Gudoomiyaha Golaha kadib ayaa waxaa Qudbadii la wareegay Gudoomiyaha loo doortay Golaha Wakiilada Cismaan Dalmar Yuusf oo kuli Baarlamaanka hambalyo u diray sida ay u dhanyihiin Gudoomiyaha cusub ayaa durba eed uga tuuray Dusha Dagaalkii ka dhacay aaga Aricadeye in ay gardaro ku ahayd Dadka Reer Puntland waliba reer Sool waxana uu Codsadey in ay u Gurmadaan dhamaan Reer Puntland Caalamkuna Arko gardarada aan geedna loogu soo gaban.

Waxa ay Mudanaayasha kala noqdeen kalsoonidii Gudoomiha Baarlamaanka Yuusuf Xaaji saciid Taariikhdu markay ahayd 28 Octobar 2004 iyagoo saakana cod u qaaday halka ay isku raaceen in uu kaba mid noqon karin Golaha wakiilada oo Xubin nimadiisii lagu wareejiyo Cidkale

Arintaa Baarlamaanka ka dhawaajiyay maanta iyo Maalmihii hore ayaa dadka siyaasada uu kuur galaa ay ku tilmaameen arin keeni karta jah wareer Halka Gudoomiyihii Yuusuf Xaaji saciid uu ku andacoonayo in uu yahay Gudoomiyihiisii oo arintaa ay tahay mid mu,amaraad ah oo ay ka dambeeyaan Madax ka mida Golaha Xukuumada.

Isbadalkaan siyaasadeed ayaa ah mid ku soo aaday xili ay ka jiraan dagaalo Gobolda Sool iyo sanaag oo ay ku dagaalamayaan Maamulka Puntland iyo Somaliland.

Dhanka kale waxaa maanta u kicitimay magaalada garoowe ee Caasunada DGPL Gen: Cade Muuse oo la hadal hayo in uu ka biyo diidsanyahay arintaa oo uu doonayo in uu kala hadlo Madaxweynaha DGPL Maxmed Cabdi xaashi.

c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD