Foojignaanta Ciidamada Ammaanka ee Qaranka
Suudaan oo La KordhiyeyDalweynaha
Suudaan waxa uu ka mid yahay dalalka bariga iyo bartammaha Afrika kuwa ugu
ciidan badan marka lala barbardhiga dalalka dhiggiis ah ee ay jaarka yihiin,
waxaana xadduud uu la leeyahay sagaal dal, islamarkaana waa dalka Afrika ugu
baaxadda iyo ballaca weyn.
Dhanka kale ciidamada nabadsugidda ee
Suudaan ayaa ah kuwa si aad u foojigan, maxaayeelay waxaa jira dhibaatooyin
siyaasadeed oo dalka dacalla badan kaga furan waayadan dambe, iyo dalka oo
midda rubuc-qarni ah dagaal sokeeye kaga furnaa dhanka koonfureed, balse
hadda u eg inuu soo afjarmaya oo xal waara loo helay dadaal dheer kaddib.
Caasimadda Suudaan ee Khartoum waa
caasimadda ugu ballaaran xarumaha qaaradda Afrika balse ugu nabadgalyada
badan marka loo eega caasimmadaha dhiggeed ah gaar ahaan kuwa jaarka ah.
Waxaad Khartoum ku arkeysaa qof balaayiin
lacag ah bac ku sita oo jidka iska maraya cidina ay wax u dhimmeynin
halka magaalada Nairobi oon mudda ku noolaa lacagta aan bannaanka lagu
sarifan karin burcad iyo tuuga kala jaar ah oo jadiin doon ah awgeed.
Khartoum waxaa lagu magac aabaa caasimatu-salaam
ama caasimaddii nabadda, islamarkaana ciidamada qalabka sida iyo
shacabka waxaa ka dheeeya xiriir wacan oo wanaagsan, kaladambeyn,
xaqdhawr iyo tixgalin baaxad leh; indhahaaguna marna kuma dhacayaan
askari qof shacab ah u gafaya ama ku gaboodfalaya; halka Kenya la oran
karaya ma jira wax xiriir ah oo shacabka iyo ciidamada ka dhaxeeya.
Ayadoo ay arrimahan oo dhan yihiin kuwa
ay Khartoum la kali noqotay, ayaa waxaa sitimaanadan sare loo sii qaaday
foojignaanta ciidamada ammaanka ee qaranka; kaddib markii asbuucii ina
dhaafay afgami dhicisoobay uu dhacay, waana markii labaad ee ay laamaha
ciidamada fashiliyaan iskuday noocaas ah sannadkan. Waxey ciidamada
gacanta ku dhigeen hub sharcidarro ah oo la doonayay in ammaanka iyo
xasillonida dalka lagu qulqulateeya waa sida hadalka loo dhigaye.
Taasina waxey keentay in ay asbuucan ciidamada booliska baaritaan
baaxad weyn ka billaabaan gudaha caasimadda iyo dhammaanba meelaha ay
tuhmayaan iyo in lagu canaantay ilaalada xadduudaha in ay guntiga
dhiisha isaga dhigaan si loo baajiya argagixisa kasta oo dhan ka ah
nabadda dadka reer Suudaan.
Maalintii shalay ayey ciidamada dhawr
jeer i weydiiyeen aqoonsigeyga aan dalka ku jooga waxeyna aheyd markii
iigu horreysay ee aan arrinkan la kulmo sanooyinkii aan Khartoum joogay,
sidaas darteed waxaan taasi ku tilmaami karaa xaaja ugub ku ah
caasimadda Khartoum.