SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  GABAY
Daabaco Boggan | Print


PuntlandGov iyo Qoraalka uu arrintaa ka Diyaariyey SomaliTalk: Akhri Qormadii Puntland Protect Group.. Guji


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Gabay: GUUBAABO QARAN...

W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle

Email: abdalle9@hotmail.com

10/31/2006

Faafin: Nov 5, 2006


Hordahc:

Dhammaanba ummadda soomaaliyeed waxan u diraynaa salaan. Bacda salaan, waxan halkan idiin ku soo gudbinaynaa gabaygan la yiraahdo GUUBAABO QARAN, kaasoo ka hadlaya xaaladda guud ee dalka. Maaddaama lagu ogaa abwaanku inuu bulshada tusaaleeyo, waxan halka kaga qisoonaynaa horay iyo gadaal wixii waddanku soo maray iyo weliba saadaal xagga mustaqbalka ku aaddan. Akhris wanaagsan. 

Afeef:

Gabaygan la magac baxay GUUBAABO QARAN waa mid xambaarsan ulajeeddooyin badan, kana duulaya waqtiga haatan waddankii ku sugan yahay. Qofkii raba inuu faallo ka bixiyo ama wax naga weydiiyo, waxan jecelnahay inaanu ku degdegin oo marka hore si fiican gabayga u dhuuxo/fahmo. Mahadsanid. 

  1. Gabaygiina waa kan: W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle 

  2. Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey

  3. Oo gabow haleeloo gadhkiyo guudka ka caddaaday

  4. Oo gooni socodoo beryahan gabay itaalkiisu

  5. Ay gaaja kala qaartayoo gibil madoobaadey

  6. Oo goodirkii iyo ka qaday geriga jiidhkiisa

  7. Gawskiisa hilib uu geshaa bilo kusoo gaadhey

  8. Hadba wuxu yar gaan-gaambiyoo gorodda laadshaaba
    Koluunbaa nasiibku u geshaa gaan wax weerariye

  9. Raxan dibi ku gawdiida baa guulle kulanshaaye

  10. Gaaddada kolkuu soo dhigtoo gooha damin waayo

  11. Goosha iyo yaridkaa ka baqa inuu gallaaftaaye

  12. Kolkuu goosto dhawr jeer ayuu gudub u foofaaye

  13. Aniguna geddiisii ninkaa gaydh qabaan ahaye

  14. Kolkii la is giguun-baan sedkay gobol cantuugaaye

  15. Maantana gedaha muuqdabaan gebi ka faalloone

  16.  

  17. Afartaasi arartaan guntiyo gamasyadaydii dheh

  18. Mawjado is garaaciyo baddoo gebiga soo jiidhay

  19. Gu’ga oo kaliil soo curtiyo gumucyadiisii dheh

  20.  

  21. Wax dhaaxaan u geylamay inaan sharaftii giijaaye

  22. Qarannimada garab joogsadoo gaadhka ka hayaaye

  23. Gungumiyo abees wixii na ganay goodkii nagu yaacay

  24. Gafaniyo qaniinkii na jaray garabcaddii naaxday

  25. Goblamooyinkii Xamar dunshey guduridii leeftay

  26. Kuwii gawracee maatadii gobolba meel aadshey

  27. Gaala raacyadii soo bixiyo goosatiyo tuugta

  28. Ee godanba magac u baxshee calamadow gaaftey

  29. Giddi xabashi noo soo gashay ugu gargaareene

  30. Gabbal baasi maantuu u dumay geyiga Soomaali

  31. Ee calankii gaashada lahaa cadowga loo geeyey

  32. Godkii nala ku ridey baan wallee gudhada jiifnaaye

  33.  

  34. Afartaana gees baan u dhigay oo ma gaasiro eh

  35. Gawdhgawdhi maayee murtida maydin garansiiyey

  36. Gunta gabayga meeshaan u wado ma u gawaan raacshey

  37.  

  38. Kud ka guur qanja u guur hadday gelinba kuu joogto

  39. Gudcur dama adoo gudaya iyo gegi habaas weynle

  40. Geed qodax ku saydhiyo adoon gocondhadow jeedin

  41. Galawgiyo waraabuhu aduu kugu guraabaasay

  42. Gurraacada maskiyo kuu ureen gocorka waabaydu

  43. Gawdiisa fooraha aday dhiillo kugu gaaxdey

  44. Gii’diisa aar goonlihii gebi ka yeedhayso

  45. Gurdankii dugaagiyo adoon geedka kala saarin

  46. Oo habas ku guul guuli iyo jalawda guumaystu

  47. Oo aan gayoobine deyoow gees u dulugleeyey

  48. Xiddigaha middii galac tiraad guruxa saartaaye

  49. Gaaraa bidhaankaad iftiin gibina mooddaaye

  50. Geddaasaa naflaydii arlada ugu guhaadoone

  51. Dawlad garab gashiyo waa ka samir qaran golayntiise

  52. Gar cadaawe goob lasku galay meel la kala giigay

  53. Giniista Afrikaankiyo Amxaar gacan togaaleeyey

  54. Gamboolayda carabtuna Namruud kuu gol qabataysay

  55. Godob maammul lagu soo dhisoo gubadka uun yaalla

  56. Geeddiga dameer lagu rariyo gaabis socon waayey

  57. Geedkaa ha gaadhina sirbaa lay gunaanadiye

  58. Shir kastoo la galo waa illeyn gocasho kuu reebye

  59. Ummaddaa la kala gawdhiyee ee la kala gooyey

  60. Danteedii hadday garan lahayd dhibi ma gaadheene

  61.  

  62. Afar kale gadaafaha nabsigu gelinba waa cayne

  63. Girligaanka soo guuxi iyo sebenka gii’leeyey

  64. Quwadaha gedoodiyo magliga soo gangaansamay dheh

  65.  

  66. Ayaamahan is gurayiyo waqtigan sii gabaabsiyaya

  67. Gumaadka iyo aanada batiyo dhiigga gobo’leeyey

  68. Geyigeer abaaroobey iyo badaha soo guurey

  69. Kaymaha galoolkii madhee qudhacu gaajooday

  70. Ee ay goofafkii haawadeen gu’gu ka soo raagey

  71. Webiyadan yaxaaskii ka gudhay hoos galgalanaayo

  72. Dabaylaha gufaacada kacshee eed gudgude mooddo

  73. Xayawaanka gaag belay ee goostay faracoodu

  74. Muslinkaa la gaasiray naflaha gawda laga saaray

  75. Gulufkaa kharribay Jeejniyee lagu dul gawriirshey

  76. Gardarrada mutuxan iyo hadh galay gamaska dhiigaystay

  77. Ciraaq gabawarkeediyo afghan garabka naafoobey

  78. Falastiin gabbood li’ida iyo silica loo geystay

  79. Diinteer kun gaan noqotay ee la isku gaadaayo

  80. Guutooyinkeer wayraxee miinada u gaatey

  81. Ee gaban is miidaamiyiyo gabadh itaal mooday

  82. Ummadaha is garab roorayee godinta soofaystay

  83. Hubka soo gardaadsanahayiyo belada guuxaysa

  84. Gumucyada atomikaadka iyo sumaha gawdiida

  85. Giddigoodba waa aakhir saban gebagebayntiiye

  86. Fidnaa soo gafuur weyn wallee nabadi waa gawe’

  87.  

  88. Afar kale digniin gaara iyo gole ka faallayn dheh

  89. Waaga galalacdiisiyo shamsada gumucyadeedii dheh

  90. Axmed Gurey gammaankuu watiyo gulufyadiisii dheh
     

  91. Kol hadduu abwaan gabay tirsho amase geeraaro

  92. Garashiyo aqoontii naflaha ugu galliimeeyo

  93. Sow meesha inuu soo geshaa gob’oda sow maaha?

  94. Geeska Afrikaad baa beryahan galow ka qayshaaye

  95. Gurmadyaa lakala geynayaa labada geesoode

  96. Gujo nimay ku raagtoo naxdini goob walba u joogto

  97. Geerida horteedii nimuu goosmay ubadkiisu

  98. Oo gacaladiisii hadh galay iilka lagu gaabshey

  99. Wuxu gooho leyl dhexe cidlada ciil la golosleeyo

  100. Ninkii gacan u fidiyaba marbuu gacalkii moodaaye

  101. Godob buu tirsanayaye haduu dirirta soo gaadho

  102. Gaashaan biriyo buu noqdaa geesi aan biqine

  103. Gudeeddii dagaal oogihii loogu gorofaadshey

  104. Jihaadkuu la galay suudi iyo duulki garab joogey

  105. Galladdii ka soo waaddaybaa loo gol leeyahaye

  106. Goortay maxkamaduhu hanteen guusha libinteeda

  107. Xaqu inuu gardaadinahayaa guurow loo tumaye

  108. Kolkii ay Indhacadde u godleen lays-la-garan waaye

  109. Shuurada kolkii lagu galda’ay gole la maageeray

  110. Ee gaysh qabiila ah la yiri qabo guddoonkeeda

  111. Ee gaar ahaan looga dhigay lays-la-garan waaye

  112. Agoomaha gunuusee Markiyo, Gedo ku baayaalay

  113. Guutada intay garab marsheen gebi ma laaceene

  114. Goortay Kismaayo u gudbeen lays-la-garan waaye

  115. Burco gelelefkeediyo fidnada haatan gami weyday

  116. Hiiraan wadaaddada gabbacan ee gilgilanaaya

  117. Gaalkacayo goortay damceen lays-la-garan waaye

  118.  

  119. Afar kale gorfayn iyo talaan uga gudbaayaaye

  120. Guubaabo mooyee arrini waa mid gaammuraha’e

  121. Garba duubi maayee runbaa lagu guddoonshaaye

  122.  

  123. Xaajadii gurracantaa in badan laga giriifaaye

  124. Xaqu gaabin maayee haddii diinta lagu gooyo

  125. Geyigaan ku noollahay haddii nuurku wada gaadho

  126. Godan waliba waa doogsanlaa guulle idankiise

  127. Waxse gama’a ii diidayee dhiilladay geliyey

  128. In khamiis la ii soo gashado ii gabbado tuuge

  129. Kolkaa inay gablooshaan ka biqi la is gabraartaaye

  130. Dhaawac goorrintaa muuqatiyo galabba reer laynta

  131. Waxa soo gumaamadan qalbigu ila gulaallaaye

  132. Goblamoow Zinaawiga amxaar gaadhka daba jooga

  133. Iyo guul darraystaha la jira garab ka doonaaya

  134. Giddigood jihaadigu hadduu gaar isugu qaysho

  135. Talibaan geddoodii haddii guriga loo waabo

  136. Oo tima-caddiyo geyshyo kale la isku soo gaadho

  137. Haddii la isku galo xeradayada la isku soo giirto

  138. Oo maatadii goommanayd gu’ iyo dayrtiisa

  139. Lago gubo maadaafiic mar kale kuma gelaayaane

  140. Gashi waxad ka doontaa nimaad geda taqaannaaye

  141. Ninkii gabadin kuu rari haddaad igu gargaar weydo

  142. Durba looma guuxee hubsaad kaga geyootaaye

  143.  

  144. Afar kale xusuus guud haddaan gobol ka soo qaato

  145. Oo aan gondaha hoose iyo dhawro gogosheenna

  146. Runtu inay gawaan jooga tahay gar alle sow maaha?

  147.  

  148. Dadkaygoow garaadkiinna lumay gocasho oygiina

  149. Guuldarradiyo ceebtiyo wexeer ciilku nagu gaaxdey

  150. Guhaaddiyo dhibkii layna baday kama gedoodaane

  151. Waa hooyo kii guursadaa waa adeer gar-ahe

  152. Ninkii idin gumaadaad xumaan ugu garbaysaane

  153. Good laba afla ah iyo kolkay mici gabaarraydu

  154. Idin goosataa baad ilmada gobo’ ka siisaane

  155. Kolkuu gacan ku dhiigluhu ilkaha gabal idiin muujo

  156. Sacabkow garaacdaan sidii geesi caan baxaye

  157. Gadaalna uma dhugataan wuxuu geystey waa hore’e

  158. Shalaytoo gabaahiiradii oonku idin gooyey

  159. Gacma hoorsigii iyo qaxii gaaja dalandoolka

  160. Maata gawracii gees ka gees dhiiggu gabaxleeyey

  161. Godkay maanta taalbaa ka daran gabawarkeenniiye

  162. Caqligaan gulaallayni waa garan karaayaaye

  163. Anna waan gorfayn jiray murtida gole ka fuulkeede

  164. Guntina mayo dhuuxiyo laftaan idin garwaaqsiine

  165. Guubaabo qaran baan tirshee geliya laabtiina

  166. Afartaana gibilkaan ku xidhay gabayga aashayda

  167. Maansadan ga’leyda ah anaa guulle ii wacaye

  168. Gefna lama hadlee gabayga waan soo gunaanadiye

  169.  

  170. Toban iyo lix sanay gaaxsanayd gobada maandeeqe

  171. Gacan midiglihii dheelmiyaa weli guhaadayne

  172. Geesna uma bed qabo oo hadday gooha oloshaaye

  173. Gabanaday dhashiyo waa le’deen kii godli lahaaye

  174. Gaajay u hoobteen dadkii gebi ku noolaaye

  175. Siday u gudhay goonyaha arlada geeri loo badaye

  176. Gasiin kale ha joogee baryaad gorofsanaysaane

  177. Dirirkii gu’yaad iyo la waa gamashki dayreede

  178. Gawlaha diraaceed la mood xays gabaabsiya’e

  179. Isha gulucle soomaalidaa silic la gawdiidda

  180. Waxay galabsadeen baad ilaah kaga gudaysaaye

  181. Maantana gufaacooyinbaa soo gadaal noqone

  182. Geyigaa ogoomoobey baa loo gol leeyahaye

  183. Gadhwadeen Amxaar iyo wadaad madaxnimow gaaftey

  184. Iyo cadow gabraartaa hodiyo goosatiyo tuuge

  185. Garab sheegte oo qarankayagii waa gelgelintaase

  186. Gawaan raacu yeelkiis nimaan taa ka gubanayne

  187. Gumownaye ha noolaatadii yaa mar kale geeya!
    Gumownaye ha noolaatadii yaa mar kale geeya!
    Gumownaye ha noolaatadii yaa mar kale geeya!

W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle
Email: abdalle9@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2006

»Afka hilibki Shiikh Max’ed bay weli ku haystaane.. | Abshir Bacadle
»SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO... | Daldhaa
»
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday | C/raxmaan
»ILAAHOW ITOOBIYA IYO ERITEERIYA DHEXDOODA NAGU CAYMI


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD