SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 8, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (98), Muqdisho (102), Beledweyne (105), Baydhabo (113),  Galkacyo (134),
Sarbeebtii Diinaari

Wararkii: Apr 8, 2007

  • 67-qof oo Soomaali ah oo habeenkii labaad ku xiran Garoonka Diyaaradaha Entebbe Airport ee wadanka Uganda.
  • Xasan Qalaad oo lagu dhaawacay albaabka hore ee Dekedda Muqdisho.
  • Jandayi Frazer oo qorsheyneysa inay Nairobi kula kulanto odayaasha beelaha Hawiye..
  • Dowladda Federaalka oo soo dhaweysay heshiiska Xabad joojinta ee ay wada gaareen Odayaasha Beelaha..
  • Xuseen Caydiid ”Waa in Ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka soomaaliya..”

67-qof oo Soomaali ah oo habeenkii labaad ku xiran Garoonka Diyaaradaha Entebbe Airport ee wadanka Uganda.

Waxaa garoonka Entebbe Airport oo 35-km u jira caasimadda wadanka Uganda ee Kampala ku xiran dad qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo fakaday dagaalaada ka socda Magaaladda Caasimidda Soomaaliya ee muqdisho, waxaana dadkan oo tiradoodu dhan tahay 67-qof ku rafadsan yihiin habeenkii labaad gudaha garoonka Diyaaradaha Entebbe.

Ilaaladda Garoonka ayaa diiday in dadkan ay u gudbaan magaaladda Kampala, looguna dhifto fiisaha dal ku galka Baasaboorada ay wataan, hase ahaatee waxaa isku dayay in dadkaas ka soo daayaan garoonka madaxda Xaafiiska Jaaliayyda Soomaalida (Somali Community) ee wadanka Uganda iyo sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Kampala, hase ahaatee waa u suuro gali weysay in ay ku guuleystaan soo deynta dadkaas masaakiinta ah.

Dadkan oo u badan Waayeel, Haween iyo Carruur ayaa sidaas oo kale Police-ka wadanka Kenya, gaar ahaan ilaaladda Garoonka Jomo Kinyato ay Habeenkii sabtida ku celiyeen Garoonka magaaladda Nairobi oo ay Transit ku ahaayeen, iyagoo sheegay in baaritaan ay ku sameynayeen, waxaana dadka oo dhammaantood ka soo qaxay magaaladda musiibadu ka taagan tahay ee Muqdisho ay dhibaato xoog leh ku heysaa Garoonka Entebbe ee duleedka Magaaladda Kampala.

Madaxda garoonka Entebbe iyo Ciidanka Police-ka Uganda ayaa sheegay in dadka ay kaliya sii deyn karaan markii ay helaan dabiin uga timaada dhinaca UN-ka, gaar ahaan Hey'adda Qaxootiga ee UNHCR, iyadoo dadka Soomaalida ah ee degan Magaaladdan Kampala ay dadaal ugu jiraan sidii loo sii deyn lahaa dadkaas dhibaateysan, waxay ku howlan yihiin sidii UN-ku u soo damiinan lahaa dadka xaniban.

Dadkan oo ay keentay Diyaaradda Kenya Airways ayaa gaajo, daal, jiro iyo Kaneecaba ay ku heysataa gudaha Garoonka oo aysan ka heleyn wax adeeg ah, sida Cunto, cabitaan iyo meel ay dhinaca dhigaan oo ay ku nastaan, iyagoo Police-ku ku horay iridda laga soo galo garoonka, inkasta oo xoogaa yar oo raashin iyo biyo ay u geeyeen gabdho Soomaaliyeed oo degan magaaladatan Kampala, waxaana dhib kale oo ku aaday quudinta dadkaas uu ka taagan yahay iyadoo garoonku uu ka durugsanyahay Caasimadda oo qof kastahu uusan tagi karin.

Caqabadda ugu horeysa ee sababtay in dadkan Soomaalida ah lagu qash-qashaado Garoomada Uganda iyo Kenya ayaa ah iyadoo ay soo qaldeen shirkadihii ka soo qaaday Soomaaliya, waayo waxay u soo jareen Ticket hal weji ah ama Go, arrintaas oo qalad ku ah safraha, waayo markii aad u socoto wadanka aad u dhalatay ama Passport-kiisa heysta ayaa qaadanka kartaa Ticket hal safar ah, waxaana arrinkaas u sii dheer in Ticket-ku uu ahaa mid aad qaali u ah oo looga soo iibiyay lacag gaaresa 1,500-dollar sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhibanayaasha, waxaana Dowladda Uganda ay sheegtay in qaladkaas uu yahay kan ugu horeeya ee lagu heysto dadkan Soomaaliyeed ee ka soo baxsaday Dhibka xooga leh ee ka taagan Casimadda Soomaaliya.

Haddii ay suurogal noqonweyso in UN-ku uu dadkaas damiin ka soo fasaxo Dowladda Uganda, waxay noqoneysaa in dadkaas oo qaarkood xanuuno iyo dhaawacyo iyo cabsi ay qabaan uga soo cararay Muqdisho in lagu celiyo musiibadii ay ka soo fakadeen, arrinkaas oo dhib kale ku ah dadkaas Soomaaliyeed, laakiin dadaalka ay wadaan walaalahood ku nool Uganda ayaa u muuqda in dadkaas ay heli doonaan magan-galyo Nabadeed oo dowladda Uganda u fidiyo, iyadoo ilaa galabta iyo caawa ay dadaallo wax ku ool ah ay wadeen Safaaradda, guddiga iyo Xaafiiska Soomaalida ee Uganda.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue), Email: farahblue_545@hotmail.com
Kampala-Uganda, +256-774228112


Xasan Qalaad oo lagu dhaawacay albaabka hore ee Dekedda Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada ee arimaha Maaliyadda Xasan Cabdule (Qalaad) ayaa shalay ku dhaawacmay albaabka hore ee Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, kadib markii rag ka tirsan ilaaladda Dekedda ay rasaas ku fureen. Xasan oo sida la sheegay uu dhaawac ka soo gaaray Bowdada ayaa haatan lagu daweynayaa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in maanta loo qaado Magaalada Nayroobi.

Dhaawaca Xasan Qalaad ayaa waxaa ka soo baxay warar kala duwan, qaar ayaa waxay sheegayaan in si ulakac ah ay u dhaawaceen Dableydii ku sugneyd Dekedda horteeda, warar kale ayaa waxay sheegayaan in markii hore uu dhex maray muran ciidamo ka tirsan Waaxda canshuurada ee Dekedda, kadib markii Xasan Qalaad uu warqado ay canshuur ku qaadayeen uu ku tilmaamay kuwo been abuur ah, taas oo ay si weyn uga caroodeen kadibna ay rasaas ku fureen.

Waa mas’uulkii labaad oo ka tirsan Gobalka oo lagu dhaawaco xiisadaha ka taagan Magaalada Muqdisho, waxaana horey qarax miino loogu dhaawacay ku xigeenkii Duqa Magaalada ee arimaha Siyaadda iyo Nabadgelyada Cumar Sabriye Shaaweeye.

Jandayi Frazer oo qorsheyneysa inay Nairobi kula kulanto odayaasha beelaha Hawiye..

Warar aanu ka helnay Magaalada Baydhyabo waxay sheegayaan in kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Qaaradda Afrika Jandayi Frazer ay qorsheyneyso in ay Magaalada Nayroobi kulan kula yeelato Odoyaasha Beelaha Hawiye si looga hadlo xaaladda Murugsan ee ka taagan Magaalada Muqdisho, kadib markii dagaalo lagu hoobtay ka dhaceen Muqdisho.

Jandayi ayaa mar ay shalay la hadleysay Golaha Baarlamaanka ayaa waxay si weyn u soo dhaweysay heshiiskii xabad joojinta ee ay wada galeen Saraakiisha Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye.

Kulankaan oo lagu waday in uu ka dhaco Magaalada Baydhabo ayaa baaqday kadib markii Odoyaasha Beelaha Hawiye ay sheegeen in xaalad ammaan aawadeed aysan u tagi Karin Magaalada Baydhabo, hase yeeshee waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay kulan la yeeshaan Jandayi Frazer, iyadoo maanta la filayo in ay Odoyaasha Beelaha Hawiye ay kulan la yeeshaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya si looga wada hadlo waxyaabaha ka dhiman heshiiskii xabad joojinta ee horey loo gaaray, waxayna dadka qaar ay yididiilo ka muujiyeen in heshiiskaan ay ka soo bixin karaan go’aano wax ku ool ah oo la xiriira xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka oo soo dhaweysay heshiiska Xabad joojinta ee ay wada gaareen Odayaasha Beelaha..

Iyadoo ay horey u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda in aysan raali ka aheyn heshiiska xabad joojinta ah ee ay wada galeen saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa haddana maalintii shalay ahayd war ka soo yeeray Wasiirka arimaha gudaha Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere), waxa uu ku sheegay in Dowladda Federaalka ay si weyn u soo dhaweneyso heshiiska xabad joojinta ee ah wada galeen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya, isagoo ku tilmaamay mid wax ka taraya nabadgelyada Magaalada.

Gacma Dheere waxa uu sheegay in heshiisku uu ku wanaagsanaa inay wada yeeshaan Odoyaasha Beelaha iyo Dowladda, si looga wada hadlo Xaaladda cakiran ee ka taagan Magaalada Muqdisho.

Gacma Dheere waxaa kale oo uu sheegay in saacadaha soo socda ay kulan wada yeelan doonaan Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Dowladda Federaalka si looga wada hadlo Arimaha ka taagan Magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa sheegay mar uu wareysi siinayey Idaacadda VOA in Dowladda aysan wax xabad joojin ah la geli doonin wax ugu yeeray kooxo aragagixiso ah, isagoo Odoyaasha Beelaha Hawiye ku tilmaamay kuwo gabaad siinaya Aragagixisada, hase yeeshee waxaa cad in Odoyaasha Beelaha Hawiye ay ka dhabeeyeen heshiiska xabad joojinta ah ee ay la galeen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, iyadoo dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey aysan wax xabad ah ka dhicin Magaalada Muqdisho.

Xuseen Caydiid ”Waa in Ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka soomaaliya..”

Xuseen Max’ed Caydiid oo ah Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka hawlaha Guud iyo Guryeynta ayaa shalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Ereteriya Afakwarke waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday Xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay dhawaan ka dhaceen dagaalo lagu hoobtay.

Xuseen Caydiid waxa uu sheegay in Ereteriya ay ka mid tahay IGAD ayna door ku leedahay arimaha Soomaaliya, isagoo sheegay in Ereteriya ay dooneyso ama ay daneyneyso sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa.

Xuseen Caydiid waxa uu soo jeediyey in Ciidamada Itoobiya ay si dhaqsi leh uga baxaan dalka Soomaaliya, maadaama ay ka baxeen heshiiskii hore loo wada gaaray oo ahaa in ay Dowladda gacan siiyaan oo keliya.

Xuseen Caydiid waxa uu hoosta ka xariiqay in uu naftiisa iyo maalkiisaba u huri doono difaaca dalka, isagoo sheegay in wadamo kale uu kala hadli doono Arimaha Soomaaliya si xal deg deg ah looga gaaro.

Xuseen Caydiid dhawaan ayuu tagay dalka Ereteriya, waxa uuna ku biiray kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka ee ka soo horjeeda Joogista Itoobiya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Beesha Dhulbahante oo Cambaareysay Xasuuqa Kasocda Muqdisho...
Waxgaradka Iyo Isimada Beesha G/ SSC Oo Cambaareeyey Xasuuqa Ay Wadaan "Kooxda C/laahi Yuusuf"... Akhri..

C/Laahi Yuusuf iyo Geeddi oo Wafti Maraykan ah Kula Kulmay Baydhabo
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo R/Wasaare Prof Geeddi oo gaarey Magaalada Baydhabo ayaa... Akhri...
 


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com