SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taariikhdii Innaga iyo Xabashi - Qaybta 1aad

Qore : Faisal Salah,
 E-mail: fisalsh@hotmail.com

Qaybtii: 1aad | 2aad |

HORDHAC:

Awalan Waxaan  Salaan Islaamka kusalaamayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed ee Islaamka ah .Bacada Sallaan: Waxaan rabaa inaan halkan kusoo bandhigo taariikhda dhabta ah ee inaga iyo xabashi si aay ufahmaan taariikhda jiilka yar yar ama soo koraya sida umadwaliba dadkeeda ugadhaxasho taariikhda dalkeeda ama dadkeeda . 

Waxaan kasoo guuriyay taariikhdan iyadoo ku qoran buwaag rag hore qoreen ,ilaahaay ha xafidee weliba Buuga magiiciisu yahay (Innaga iyo Xabashi)oo ah buug aad uqiimo badan,waxaan iskudayayaa inaanan waxbana kudarin qoraalka qoraaga laakiin dadku fursadaas ka faaiidaystaan maanta oo baahideedu muuqato .Maadaama aanan halmar soo wada qorikarin waxaan marba soo gudbin doonaa qay qayb. 

GOGOLDHIG TAARIIKHEED: 

Waxaan soomaalidu wada ogsoontahay yar iyo weyn in xabashidu shacbiga soomaaliyeed cadow utahay. Cadaawadaasi waxay salku kuhaysay diin,waana mid soojireen ah oo quruumo badan soo taxnayd. 

Xabashida gaalada ahi waxay kamid  yihiin kiristaanka kuwa ugu macangagsan ee looyaqaano (ORTHODOX), waxay iskumeel kawada cabaan SERBIYIINTA. 

Waxaa kaloo xaqiiqa ah in xabashida aay cadaawad uhayso muslimiinta kunool itoobiya iyo inta deriska la ah iyo muslimiinya oo dhanba. 

Iyadoo qofwalboo soomaali ah uu ogsoonyahay xaqiiqdaas ,oo naaska hooyadiis uu kanuugay,ayaa hadana soomaalidu mar mar badan arintaas hilmaansanyihiin,xabashiduse marnaba mahilmaamsana mana ilowdo. 

Waxaa is xusuusin mudan maxay kaqabtaa xabishidu soomaaliya ,dad iyo dalba? 

Waxaa haboon in tariikhda dib loo eego.In latixraaco dagaaladii qotada dheeraa ,ee taxanaha ahaa ee soomaalida iyo xabashida dhexyaalay quruun badan,hadbana mar laba kacleeynayay,maantana marxalad cusub galay/kujira. 

Dagaalkii dhex maray muslimiinta iyo gaalada itoobiya ilaa  dhamaadkii qarnigii 19aad. 

Waxay itoobiya keli latahay in kaniisadeeda ORTHODOX –ka ahi aay tahay tan nasaarada Africa ugu qadiimsan marka laga reebo kaniisada hooyo ee qibdiga ah ee masar. 

Waxaa kaloo itoobiya ,gaar ahaan qowmiyada tigreedu ,leedahay caqiidada kudhisan boqoro iskala dhaxla oo aay rumaysanyihiin inaay farac kayihiin nebi suleymaan iyo boqoradii bilqiis.Sidaas ayaa cilaaqo weyni ugadhaxaysaa kaniisada itoobiya iyo boqoradeeda ama madaxdeeda,waxayna ku shaqeeyaan casabiyad diineed oo aay isuhaystaan inaay shucuubta kale ee la nool kasareeyaan. 

Taasi waxay dhalisay in maadaama ay dawlado islaami ah  kuhareeraysanyihiin iney dhulbalaarsi  galaan.Iyadoo ku xiran boqortooyinkii yurubta,waxay taageero ufidisay nasaaradii yaman ,sanadihii 523 – 525 miilaadiga boqorkii Eksuum(kaalb),Laakiin itoobiyaanku uyaqaaniin (Asbaxa),wuxuu qaaday dagaal bada ah oo uu ugu aarayay nasaaradii yaman. 

Boqorkii kale ee eksuum(Qabra Maskaal) waxuu Abraha udiray 570kii inuu kacbada soo dumiyo ,waa tii ilaahaay quraanka kaga sheekeeyey jabkii ku dhacay,waana sanadkii nebigu dhashay  nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee . 

Waxaana kuxigtay in eksuumiyiintii  Seyf bin dii yazan oo faaris kaashanaaya uu kasaaray yaman 

Markii islaamku soo shaac baxayna waxuu ku faafay hareeraha itoobiya  oo dhan ilaa aay kadhasheen dawlado islaamiya oo todoba laga sheego loona yaqaanay (Dawladihii diraaska islaamiga.Taasina mudo dheer  waxay dhalisay  dagaalo isdaba jooga  ee quruun badan socday inaay muslimiinta iyo gaalada  xabashida dhexmaraan ,guushuna hadba dhinac ayay ahayd .Xoogeeduna waxay bilaabantay markii boqorkii (YEKUNO AMALAK) xukunka qabtay 1270 – 1285m. 

Waxaa dhinaca muslimiinta aad ugua qayb qaatay (XAQUDDIN)waa suldaankii (UFAT),iyo suldaankii (DAWAARO) Inkastoo itoobiya ka adkaatay oo masaajidadii gubtay dad badana gumaysatay ,waxaa jihiidkii sii waday (XAQUDDIN 2) iyo walaalkiis (SACADUDDIN) iyagana waxay kudhamaatay in laga adkaaday  oo itoobiya saldhigoodii (Zaylac qabsatay 1402m. 

Laakiin muslimintii weey soo rogaalceliyeen oo (HARAR)ayaan markaan saldhig kadhigteen ,waxayna dhiseen imaaardii la oranjiray (CADL),taasoo hiil iyoo hooba unoqotay muslimiintii  itoobiya.Waxayna isku biirsatay shucuubtii dagaalka qaraarayd ee soomaalida iyo cafarta .Dgaaladii dhexmaray iyaga itoobiyaankana ilaa labo boqor aya aku nafwaayay 1412 – 1430m.Laakiin muslimiintana waxaa gaaray khasaarooyin iyo jabab badan oo aay kudhinteen dhawr suldaan ilaa 1445m. 

Mudadii udhaxaysay (1434 – 1468m) waxay ahayd waqtigii aay ugu xoogweynayd dawlada itoobiya xaga dagaalka iyo siyaasada maxaa yeelay intii kadanbaysay boqorada  itoobiya waxay kujireen difaacid dulaamada isaba jooga ahaa ee muslimiinta. 

Isbedelkaa xaga itoobiya waxaa lasocday isbedel xagga muslimiinta ah ,ee suldadii nimanka madaxda ee itoobiya heshiiskeeda waday ku daciiftay,kuana weynaatay awoodii nimankii ducaada iyo culimada ahaa eshacabka badidiisa ixtiraam iyo kalsooni ka haystay . 

Taasina mudo kadib waxay dhalisay iney soo baxaan rag madaxa oo mid walbaa labaxo (IMAAM) umadana ugu yeeraya in gaalada xabashida jihaadka aan laga joojin. 

Akhri qaybta 2aad ee jihaadkii Imaam Axmed Guray (1506 – 1542m).

Qore : Faisal Salah,
 E-mail: fisalsh@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH