SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taariikhdii Innaga iyo Xabashi - Qaybta 2aad

Qore : Faisal Salah,
 E-mail: fisalsh@hotmail.com

Imaam Axmed Guray (1506 1542)

Qaybtii: 1aad | 2aad |

Waxa uu ahaa Imaam Axmed Gurey Ragii ducaada ahaa ee aadka ugasoo horjeeday in jihaadka laga joojiyo gaalada itoobiya ,waxa aay muslimiinta ugaysanayeen awgeed,taasoo keentay in musliimiinta laga qaadijiray markaas lacag baad ah (Jizya) .

Dagaalo badan kadib waxaa dhacday in Imaam Axmed guray lawareegay Harar, dabadeedna wuxuu bilaabay weeraro jihaad ah oo isdaba jooga.Waxa uu galay dagaalo ba,an mudona socday ,mahadhana reebtay ,ilaa hadana laxasuusto lana ilaawi karinin.

Dhulka Tigreegu ka degaan Ethiopia waa inta ka calaamadsan khariidaddan oo ah maapka Ethiopia oo lagu darsaday dhulka Soomaalida ee Somali-galbeed

Taasi waxay keentay in muslimiintii mudada dheer gumaysiga kujirtay ay dhiiranaan iyo farxad gelisay,ciidamadii Imaamkana si xad dhaaf ah loogusoo biiro. Dabadeedna waqti yar kadib waxay ciidamadii muslimiintu bilaabeen inaay cagta mariyaan gobaladii itoobiya sida Amhara ,Laasta, Shawa. Boqorkii itobiyana ucararo Eksuum oo markaas galeen gobolka tigreey. Waxaana lagusoo rogay markan inaay bixiyaan iyagu lacagta (Jizyada) qaniimobadana weey furteen muslimiintu,dad ayuuna imaamku usaaray amuurahaas nadaamiya.

Mulimiintina waxa uu Imaamku usheegay oo Harar kagadhawaaqay qofna inaanu maanta kadib cabsanin, qofwalbina hawlihiisa wato ,waxaana lajoojiyay dulmigii waxa sugaymay cadaaladii ,waxa uuna naxariis umuujiyay dadkii maatada ahaa .Waxa kaloo uu aad uxanaaneeyey dumarkii laga dhintay iyo ogoontiiba ,waxa uuna nin aan xaqa qofna uga hibaysanin. maalintaas waxii kadanbeeyey uu duulaan kuqaaday xabshida kiristaanka ahayd ,maxaa yeelay waxay weligoodba soo weerarijireen muslimiinta ,waqtiyadii Sacaduddiin iyo kuwii kadanbeeyeyba,iyo weliba waqtigii Garaad Abwan,waxayna kulakicijireen muslimiinta waxaan la,arag lagana sheekaynkarinin sida dil,dhac ,qafaal iyo inaay gubaanba.

Waxaa xusid mudan in waqtigii Imaam axmed guray saldanada dalka uu hayay suldaan maxamed Bin Aazar Bin abuubakar Bin Sacaduddiin mudo dhan 30 sano. Suldaankuna jihaad ayuu lagalay gaaladii itoobiya waase lagaga adkaaday muslimiintii weliba dad badan laga laayay. Kadib Suldaankii iyo Imaam Axmed guray weey iskhilaafeen,waase ladhexdhexaadiyay in suldaanku suldadiisa magaceeda haysto Imaam axmed gureyna kuxigeen unoqdo Axmedna waa ogolaady,hasae yeeshee hadana suldaankii iyo Imaam axmed weey iskhaalaafeen hadana dagaal ayaa dhacay ,suldaankiina dagaalkaas ayuu kudhintay taladii dalkana waxaa uharay Axmed guray ,laakiin waxa uu suldaan umagcaabay ninkii dhintay walaalkiis Cumar diin.

Imaamku waxuu kahor kamid aahan jiray ciidamadii Garaad Abwan ee fardoolayda ,waxaana Garaad abwan xukunka kalawareegay Mansur Bin maxamed Bin maxfuudBin maxamed Bin Garad Adish.

Markaas ayaa waxaa duulaan soo qaaday baaderi xabashi ah oo layiraahdo DEJEL JAAN oo ahaa nin macangag ah,waxaanu hogaaminayay baaderiyaal farabadan.Waxa uu usoo dhowaaday muslimiintii dadna waa laayay ,waxna wuu dhacay,dumarna waa qafaashay weliba,dumarka uu qafaashayna waxaa kamid ahaa nin madaxdii muslimiinta hooyadii kamid ahayd oo layiraahdo Amiir abuubakar qudeyn hooyadiis.

Imaamkii ciidan ayuu kaxaystay waxaanu kadabategay baaderigii iyo ciiidankiisii ,waxayna kulakulmeen meel layiraahdo DIIR ,waxaa meeshaas kadhacay dagaal culus waxaana guulaystay muslimiintii,waxayna qabsadeen 500 nin ,waxaana imaamkii kusoo noqday xaruntiisii isagoo faraxsan oo guul xambaarsan, markaas imaamku waxa uu jiraa 21 sanno de,diisu keliya. Waxaa markaas kadanbeeyey dagaalo waxay ahaayeen kuwa isdaba jooga waxaana kamid ahaa goobihii dagaalada ba,ani kadhaceen FADJAAR,QIIJI WANBAARIYAH oo kadhacday Dawaara iyo dagaalkii UFAAT oo sida lasheego haweenaydiisu imaamka lasocotay dagaalka.,waxayna muslimiinta qabsadeen oo furteen waxaan latirinkarin .

Dagaalkaas UFAAT kadhacay waxaa laguqabsaday boqorka xabashida habaryartiis,waxaana Imaamkusiiyay wasiirkiisii CADLI ,kadibna waxuu boqorka xabashidu ku furtay 50 uuqiyo oo dahab guduuudan ah.Kadib waxaa hadana lafurtay oolaqabsaday dagaal magaalada ANDUUNKIYA ,waxa uu galay kanisadii weyneyd magaaladaas iyadoo aay lajirto lana socoto xaaskiisi DOOLINBIRA oo ahayd gabdhii uu dhalay Amiir maxfuud,waxaa kaloo lasocday saraakiilbadan kana mid ahaa Amiir xuseen Al geteri oo xukumay DAWAARO markii lafurtay kadib oo amiir CALI oo xukumay CUNQUUT markii lafurtay kadib.

Waxaa kaloo kamid ahaa rag badan sida GARAAD AXMOOSH, KOOSHIN ABUUBAKAR, iyo sheekhii saahidka ahaa Xaamud binu sheekh waashire

Dabadeed waxaa Imaamkii ukacay magaalada JANDALBA waana magaalo uu xukumay boqorkaxaabshidu ,waxaase deganaa dad muslimiin ah aad ayayna Imaamkii usoo dhaweeyeen waxayna hadiyad usiiyeen 20 uuqiyo dahab ah xaaskii Imaamka DOOLINBIRA ,Waase kadiiday Imaamku ,waxayna u ergoodeen inuu hadiyada ka aqbalo ragii madaxda ahaa ee lasocday waase laga diiday ,wuuna ku adkaystay imaamku inaanu qaadanin hadiyadaas ugaara xaaskiisa waxaa uuna yiri iima banaana inaan qaato waxa uuna kudaray hantidi maalka muslimiinta eenafaqada jihaadka lagu bixinaayay.

Bishii Rajab taariikhda hijriyada 935 ayaa Imaamku kabaxay magaaladii JANDABALAH ,waxuuna ku noqday magaaladii HARAR isagoo guul xamaarsan hadana .

Markuu Imaamku kusoo laabtay Harar Waxa uu qaylo dhaan udiray Beelaha soomaalida ,weyna ajiibeen jihaadkiina xoog ayay kusii yeesheen.Qabiiladii ugu horeysay oo jihaadka ajiibta waxay ahayd HABAR MAGDI waxay yimaadeen iyagoo uu hogaaminaayo odaygoodii Axmed Gurey Bin Xuseen Al-Soomaali waxay Harar layimaadeen aaladoodii iyo fardahoodiiba aad ayuuna Imaamku ugu farxay, waxa buuga ama kitaabka uu qoray carab faqiih kusheegay in Bartire inuu habar magdi yahay inkastoo uu hadana meelo kaleeto kuxusay si toos ah magaca qabiilka Bartire .Bartire waa qabiil soomaaliyeed oo dega Jigjiga iyo dhulka kudhoow waxayna kamid ahaayeen qabaai,lkii soomaaliyeed ee jihaadka Imaamka lafdhabarta u ahaa.

Waxaase suurta gal ah iyana inaay tahay HABAR MAGAADO oo kulmisa afar ilma sheekh isxaaq ah oo kala ah Garxajis, Awal, Arab iyo Ayuub. Carab Faqiih wax badan ayuu kaqoray jihaadka Imaamkana wuu lasocday.

Waxaa ku xigay qabiilka Gari koonbe oo uu hogaaminaayo odaygoodii iyana Mataan Bin Cusmaan Bin Khaalid Al-soomaali waxay soo bandhigeen aaladoodii iyo hubkoodii falaarihiina wey soo xirteen ,fardahana waa fuuleen ,waxaana lasocotay Imaamka walaashiis oo uu qabay odaygoodu.Waxay iyana degaan Jigjiga iyo agagaarkeeda waxayna ahaayeen niman fardooleey ah waxaana oday u ahaa garaad Mataan Imaamkana walaashi qabay ahaana geesi weyn oo soomaalida meelo badan dagaal geliyay.

Kadibna waxaa yimi qabiilka Sarbe oo uu hogaaminaayo odaygoodii suldaan Maxamed oo aay dhashay Imaamka eedadiis ,waxaana uu watay dagaalyahano gaaraya 1060nin. Waxaa dib udhacay qabiilka Mareexaan sababtoo ah ninka umadaxda ahaa oo la oranjiray XIRAABO ayaan nin toosan ahayn ,kadibna Imaamku jagadii ayuu kacasilay ,waxa uuna ku fariisiyay wiilkii uu dhalay walaalkiis ,markaasaa waxaa kayimid 800 nin oo mujaahidiin ah oo isugu jira fardooleey iyo luglayba. Qofka akhriya kitaabka uu qoray carab faqiih waxa uu arkayaa si faahfaahsan kaalinta weyn ee aay kaga jireen jihaadka ,mareexaan waxaay ahaayeen qaansooleey shiishka caan ku ah waxaana xiligaas oday u ahaa Axmed xiraabo ,kadibna bedelay nin uu adeer uyahay oo jihaadka sifiican ugu hogaamiyay reerka.

Waxaa kaloo yimi qabaa,ilada kamidyihiin kuwa dadkii muslimiinta kamid ahaa iyo soomaaliba sida qabiiladan:qabiilka ZAMAN BARAH, qabiilka BARZA, qabiilka YIGLEH, qabiilka GAASAAR ,qabiilka CARABTA KHAAN, qabiilka ILQE, qabiilka YABARRE , qabiilka HARTI, qabiilka GARAAN, qabiilka MASARRE, qabiilka BARSUUB,Iyo qabiilooyinka XARLE, Gurgure.

Qabiilka Barsuub ,waxay umuuqataa inuu yahay qabiilka Barsuug oo dega inta udhaxaysa jigjiga iyo Baabili, kamana mid ahaa qabiilka Arab sheekh Isxaaq ,waxayna kamid ahaayeen qaabiilada soomaaliyeed ee kaalinta weyn kagalay jihaadka Imam axmed gurey.

Qabiilka Gurgure ,waxay ahaayeen qabiilada soomaaliyeed oo iyana dagaalka jihaadka Imaamka wacdaraha kadhigay sida uu qoray carab faqiih kitaabkiisa,waxayna hada degaan Diridhabe iyo agagaarkeeda ,waxaana waagaas oday u ahaa Garaad cabdi waxayna caan ku ahaayeen shiishka iyo fardo fuulka iyo weliba gaashaan kudagaalanka.

Qabiilka Hawiye waxay iyana caan ku ahaayeen shishka iyo fardofuulka iyo weliba gaashaan kudagaalanka qaybo badan oo kamid ahna waxay weli deganyihiin Harar iyo baabili,kaalin muuqatana ayay kulahaayeen jihaadka ,lama sheegin cidii odayga u ahayd xiligaas.

Qabiilka Hartiga waxay waagaas deganaayeen maydh ,iyagana lamasheegin nin oday u ahaa waagaas waxayna ahaayeen niman dagaalka ku ba,an oo seeflay ah kuna qamaama gaalada markaay arkaanba ,dagaalkana muslimiintii kaleeto ayaa qabqabatay kuna yiri suga oo samra inta gaaladu kasoo dhawaanayso.

Markaan waxaa Imaamku bilaabay inuu dagaal weyn isu diyaariyo ,dhulka xabashidana ku dhex tiimbado ,birtuu tuntay, seefuhuu afaystay ,warmuhuu sikhlay, ciidiinkii ayuu ururiyay, khasnaduhuu furay, xataa waxuu iibiyay dahabkii haysteen xaasaskiisa iyo alaabtii gurigiisa.Dabadeedna waa soo dhaqaaqay iyadoo aay lajirto haweentiisii Doolinbira oo weliba markaas uur leh waxayna yimaadeen zefa. Waxaa si fiican usoo dhaweeyey GARAAD DIIN BINU AADAM oo nin wanaagsan ahaa wuuna marti geliyay.

Sidoo kaleeto waxaa sameeyey oo marti geliyay GARAAD SHAMCOON iyo GARAAD KAAMIL oo ahaa Imaamka seedigii iyo AMIIR MUJAAHID ,dhamaantoodna siwanaagsan ayay Imaamka uwada martisooreen unasoo dhaweeyeen.

Xaaskii Imaamka waxay kudhashay ZEFA wiil uu ubixiyay Muxammed ,waxayna umul ahaan ugu hartay meeshaas iyadoo lajoogta Imaamka walaashiis MU`NISSA .

Markaas waxa Imaamku kuwajahnaa kuna socday boqorkii xabashida WANAAJ SAJAD oo kusugnaa dhulka BADAQI .Boqorka xabashidna waxaa uu bilaabay abaabul ciidamo ka urursado Tigrey,Aaqo, Goojaam, iyo dadka dega Canquut, Jan, Qadah, iyo kuwo kaloo badan.

Waxaana gilgilatay xabashidii markaay maqleen Imaamka iyo ujeedadiisa.Markaas baadiriyada tigreegu waxay dhamaayeen 24 baaderi oo midkastaaba hogaaminaayay ciidan lixaad leh.Waxaa baaderiyada tigreega lasocday Nin layiraaho Cismaan dharaar Cali oo ahaa nin diinta karidoobay ,ninkaas waxay qafaasheen berigii suldaan maxamed markaasuuna ridoobay ilaa uu ka gaaray inu noqdo baaderi ,waxa uuna dhalay caruur badan oo kiristaan noqotay ,laakiin waagii danbe islaamka ayuu kusoo noqday weliba jihaadkii wuu kaqayb galay ilaa uu ku shahiiday.

Boqorkii xabashidu qaylo dhaan ayuu dirsaday qabaailadii xabashida si looga hortago ciidamada Imaam Axmed gurey waxuuna kusugaayay AMXARA iyadoo ciidamo kaleetona joogaan BAADIQI.Imaamku waxa hadafkiisu ahaa inuu ku furto kaniisada weyn ee Baadiqi ,xabashiduna waxay isku dhaarsadeen inaan Imaamku soo gaarinin kaniisadan ilaa kadhamaanayaan dagaal .Waxaa lasheegay fardaha xabashidu inaay tiradoodu dhamayd 16000 faras ,raga lugta ahna 200 000 sidaas darteed ayaa dagaalada SHABASKUURAH udheeraadeen qoloba mar gusha qaadan jirtay .

Imaamku waxa uu gudagalay inuu ciidankiisa nadaamiyo goobaha dagaalka ,waxa uuna uqaybiyay ciidiinkiisii sidan.

Suldaan Cali oo habaryartii dhashay iyo sheekh Anaz Bin sheekh Shehab Bin cabdulwahaab iyo qabiilka ZAMAN BARAH, qabiilka BARZA, qabiilka YIGLEH, qabiilka GAASAAR ,qabiilka CARABTA KHAAN, qabiilka ILQE, Iyo qabiilooyinka XARLE waxuu dhigay dhinaca midigta.

Qabiilka GARI KOONBE,qabiilka MAREEXAAN, qabilka YABARRE , qabiilka HARTI,qabiilka GARAAN,qabiilka MASARRE, qabiilka BARSUUB iyo qabiilka HAWIYE oo iyagu kuligood soomaali ahaa waxa uu dhigay dhinaca bidixda ,qabiilkasatana waxaa horjoogay odaygooda ama duqooda.

Imaamku waxuu istaagay dhexda isagoo aay lajiraan fardoolaydii muslimiinta ugu fiicnaa sida Amiir xuseen Gatiri ,Amiir saxarboy maxamed ,Farshaxan Cali ,iyo asiirka nuur Ibraahim,Amiir mujaahid, Farshaxam suldaan,Cabdinaazir,sheekh daaweh, Abuubakar qudeyn ,Farshaxam diin,Garaad Axmedoosh ,Sabrudiin, Gaasa Cumar ,Garaad cismaan Jawhar iyo rag lamid ah..

Waxa uu soo soocay Imaamku 50 000 geesiyaal ah oo horay dagaalada uso galay waxa uu ku amray inaay iyagu agtiisa joogaan ,waxa uu kusoo biirshay 300 kamid ahaa ciidankii qabiilka Hartiga iyo 400 qabiilka Yabarre ah oo uu kusoo doortay dagaalyahanimada .Saddexda boqol ee Hartigu waxay ahaayeen seefleeyda ,afarta boqol ee yabarre waxaya ahayeen falaarleey.

Dabadeedna labadii ciidan waa laysu muuqday ,mslimiintu waxay noqdeen sidii bar cad oo dibi dhogor madow kutaala ,yaraantooda marka loo eego ciidanka kasoo horjeeday.Imaamku wuu ukhudbadeeyey muslimiintii isagoo jihaadka ku dhiirigelinaya ,waxaa uuna akhrinaayay aayadka kujira qur,aanka suuratu Tawba.Weiliba ayaadan dhahaysa.

Alle waxuu mu.miniinta kaiibsaday naftooda iyo maalkooda janaduuna siiyay iney dartii udagaalamaan ,waxna dilaan lana dilo ,balan uu Alle ku qaaday kitaabadiisa Tawraada iyo Injiilka iyo qur,aanka .Markaaseey muslimiintii khushuuceen oo yiraahdeen aanu dagaalku kuqaadno oo bilowno ,waxuuna ku yiri Imaamkii sugnaada oo meelihiina taagnaada hana kubilaabina ilaa aay soo dhaqaaqaan iyagu ,warmahana hoga,leebkana qaansada saara ,Gabaadkana xirta ,talaabana haqaadina idiinkoon alle xuseynin.

Akhri Qaybta 3aad iyadoo dagaalkii bilowday foodana lays daray.

Qore : Faisal Salah,
 E-mail: fisalsh@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 11, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH