SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GURBIYE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Taxanaha "Gurbiye iyo 100 Su'aal"..exculisive

gurbiyeAbdi Aziz Ahmed Gurbiye,
Commentator & Author
Email: gurbiye@hotmail.com


Mise Xal Sadexaad ayaad Haysaan?!!

Xaaladda Somaliya waxaa falanqeen kara uun qof dulqaad badan, waxaan usoo joognay 16-sano oo dagaalo sokeeye ah,16-shir dib u hishiisin,6 madaxweyne,dagaalo u qarxay sabab iyo sabab la'aan,barakac afarta jiho ah..Nin walbow naftaa,Ummad wada bukaan socod ah,liis walba oo dunidan ka sameyso arimaha Dagaalada,Faqriga iyo Cudurada..Somalida Raqam Qiyaasi ah ayey ka haysataa!!

Dalkeena iyo dadkaba waxay tusaale u noqdeen dagaalo aan marnaba is taageen,faqri iyo gacan hoorsi,abaaro daba-dheeraaday,dalalka qaar kooxaha isbadal-doonka waxaa lagu cabsiiyaa Somaliya iyo xaaladeeda,todobaadkan shir jaraa'id uu qabtay waziirka warfaafinta Falastiin Moustafa Bargousi kadib dagaalo Gaza ku dhex maray ururada Faxti iyo Xamaas ayuu ku yidhi"marna ma ogolaan-doono in Falastiin isku badasho Somaliya cusub"!

Tan iyo markii ay burburtay maamulkii dhexe ee Somaliya 1991-dii,shirar badan oo dib u heshiisiin lagu sheegay ayaa dhacay,arinta la yaabka leh mar walboo shir la qabto inta shirka ku sugan daacad uma noqdaan,inta dalka ku suganna waa usii biro tuntaan,dagaal hor leh ayaa si fudud u bilawda.....su'aashu waa: halkuu qalad ka jiraa? Xalkase Ma Cid ama Beelo gaar ah ayuu gacanta ugu jiraa? Ma Somali mise dalal shisheeye? furihii xalka ma lumay mise waa la xaday?!

Waxaa kaloo iswaydiin mudan,shirarkaas dhacay wali Ma looga hadlay sababihii dhaliyay buburkii Somaliya 1991-kii,beelahii Cuqdadda isu qabay ma is cafiyeen? Mise beelo hor leh ayaa Yasid iyo quursi"others"lagusii fogeeyay,shirarkaas aqoonyahanka iyo xikmadda mala qiimee Mise dilaa iyo passport ayaa qiimaha lahaa.....Maxaase diiday in Qaamuuska Siyaasadda Somalida lagusoo daro:wada hadal Somalida dhexdeeda ah iyadoo aan loo kala tarjumeen,gor-gortan,isu tanaasulid....iyo in Maslaxadda guud laga hor mariyo midda gaar ah.

Waxaa kaloo muhiim ah in Hogaamiyaasha Somaliya qirtaan guul darro 16-sano ah... Halloo aqriyo dhacdooyinka caalamka: Aaway jose maria Aznar-kii Spain,dalka Maraykanka waxaa is casilay Doland Rumsfeld,waxaa la casilay Colin Powell,xitaa George W. Bush maalmihiisa"Oval office-ka"waa tirsamaan oo wadada ayuu kusoo jiraa kadib markii dhawaan labada aqal ee dalkaas"House of Representatives and Senate"ay la wareegeen Xisbiga Democrats-ka,sidoo kale Tony Blair Xizbiga shaqaalaha ayuu dhawaan iska casilay oo xiliga aan maqaalkan qoraayo waxay Xizbiga shaqaalaha hogaanka cusub u doorteen dhaqaalo-yahanka Gordon Brown,sidoo kale Blair waxaa uu boorsadiisa kasii qaadana "10 downing Street",Israel iyo jabkii ka raacay dagaalkii ay la galeen Hizbullah-da lubnan waa qiso kale,dhawaan waxaa soo baxay Taqriir loo yaqaano'Winograd report',fadeexaddan waxay la tagtay Amir Peretz, Ehud Olmert iyo Xizbiga Kadima maalmo madow ayaa sugaayo!

Hadiise hogaamiyaasha Somalida sida caadada ah diidaan waxa maqaalkan ku qoran,si wanaag ah umadda uga hortagi waayaan,maba ka hortagi doonaane,is casili waayaan,maba is casili doonaane,xasuuqa sii wadaan,waaba sii wadi doonaane,shisheeye kal-kaal noqdaan,waaba noqon doonaane,danta guud diidaan,waaba diidi doonaane,xaaladda iyo sidaan ku jirno ku raali noqdaan,waaba ku raali noqon doonaane.......markaas aqristoow waa laba arin midkood: inaan iska qabanno iyo in Ilaahay naga qabto!

Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,
Commentator & Author.
Email: gurbiye@hotmail.com

Afeef: Arargtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com