SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 29, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (88), Muqdisho (92), Beledweyne (95), Baydhabo (103),  Galkacyo (124),
Sarbeebtii Diinaari

Ugu Yaraan Toddoba Ciidamada Itoobiya oo Khamiistii Lagu Diley Dagaalkii Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa tibaaxay in dagaalkii Khamiistii ka dhacay magaalada ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof oo badankoodu shacab ah, inkasta oo tirada dhabta ah ee shacabka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalkaas aan la xaqiijin karin.

Waxaa wararku intaas ku dareen in dagaalkii Khamiistii ay ku dhinteen ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, iyadoo ay jiraan warar tirada intaas aad uga badanaya. Waxaana wararku sheegeen in gaari nooca Uuraalka loo yaqaan laga gubey ciidamada Itoobiya. Waxaana meyka askartaas la sheegay in lagu jiidey wadooyinka magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa waxaa ka qayb qaatay diyaaradaha dagaalka ee helikoptarada ee Itoobiya kuwaas oo duqeeyey Muqdisho.


Guri holcaya, Muqdisho, Sawirka: AFP, Mar 29, 2007

WARARKII: March 29, 2007

Dagaal Kharaar oo geystey waxyeelo aad u balaaran ayaa ka soconayo qeybo badan oo ka tirsan magaalada muqdisho .

Dagaal balaran oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa haatan magaalada muqdisho waxaa uu uga socdaa si ba'an iyada oo dagalkaani ay qeyb ka yihiin diyaradaha qumaatiga u kaca ee xanbaara gantaalada culculus ee loo yaqaano helekobtarada kuwaas oo madaafiic culculus la beegsanaya kooxaha dagaalamaaya oo ka soo horjeeda ciidamada dowlada fedraalka KMG iyo kuwa la jaalka ah ee reer Ethiopia.

Dagaalkaan oo bilowday goor sii horeysay oo saaka ah kana bilowday laba goobood oo kala ah wadada warshadaha iyo wadada isku xirta xaafadaha xararyaale iyo ifka xalan ayaa waxaa ay geysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac aan la soo koobi Karin.

Dagaalkaan ayaa waxaa ka hadlay dowlada fadaraalka KMG iyo beelaha hawiye waxgaradkooda kuwaas oo hadalo kala duwan ka soo saaray isla markaana ay qoloba qoloda kale ay ku eedeysay in ay iyadu bilowday dagaalkaan .

Wasiirka arimaha gudaha ee dowlada fadaraalka KMG Soomaliyeed Maxamed Maxamuud Guuleed (gacmo dheere ) oo shir jaraa'id ku qabtey magaalada muqdisho isaga oo ka hadlayey dagaalada hada socdo kuwaas oo uu ku macneeyey in ay yihiin kuwo u dhaxeeyo ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia oo gacan siinaya iyo dhalinyaro la marin habaabiyey oo si qaldan wax oogu sheegay (waa sida uu hadalka u dhigaye) wuxuuna intaa ku daray in dhawaan la soo afjari doono isla markaana amaanka la sugi doono .

Dhinaca kalane afhayeenka beelaha hawiye ayaa dhinaciisa sheegay in lagu khiyaamay xabad joojintii ay la gaeen dowlada Ethiopia balse ay dhinacooda isdifaacayaan .

Dagaalka maanta ayaa isku mar ka bilowdayxerada shirkole, guulwadsaasha ,gubta ,warshadii sigaarka iyo taraqa ,xaafada ceymiska oo sida wararku sheegayaan uu guri ku yaala madfac uu ku dhaawacay ilaa iyo 6 qof oo rayid ah, hal xaafada towfiiq gantaal lagu soo riday taangi iyo xabad hoobiye ay ku dhacday uu ku dilay 7 qof dhaawacayna 12 kale oo dhmaantood ahaa dad rayid ah.

Sidoo kale rasaasta ka dhacda BMka ayaa nin geed hoostiis fadhiyey lug ka jartey, iyada oo diyaaradaha dagaalka ee ciidamda cirka ee Ethiopia ayaa si toos ah u garacayeen xaafadaha Hodan iyo howlwadaag kuwaas oo nin dameer wata ay ku dileen isgoyska howlwadaag .

Gantaala diyaaradaha goobaha ay ku dhaceen ayaa waxaa ay kala ahaayeen xaafadaha black sea, al-baraka ,xamar jadiid ,miisaanka dhuxusha ,xarar yaale , taleex madiina , isgoyska howlwadaag ,gubta, iwm.

Waxaa xiran dhamaan ganacsigii iyo shirkadihii xawaaladaha. Wadooyinka ayaa waxaad ku arkeysaa dad si teelteel ah u socdo, ma jiraan gaadiidka BL ka oo shaqeynaya, waxaana hakad ku yimid isu socodka dadka iyo gaadiida.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in waxyeelo ay soo gaartey mid ka mid ah taangiyada Ethiopian-ka, sidoo kale dadka isbitaalada la geeyey ayaa la sheegay in ay garayaan ilaa lixdan qof in ka badan, lamase oga khasaaraha rasmiga ah ee uu geystey dagaalkaan.

Dadka odorosa arimaha dagaalada ayaa waxaa ay sheegayaan in ay suurta gal tahay dagaaladaani in ay ku sii fidaan gobo cusub. Waxaana  haatan la sheegayaa in ciidamo kale oo Ethiopan ah oo wata gaadiidka dagaalka ay haatan ku soo fool leeyihiin magaalada muqdisho kuwaas oo sacadihii la soo dhafay ka soo gudbay xadka labada dal, waa sida wararku sheegeen'e.

Dhinaca kale ciidamo ay leedahay dowlada fadaraalka KMG oo ku xaraysnaa xerada tababarka ee bali doogle ayaa iyana la sheegay in ay u soo ruuqaansadeen dhinaca magaalada muqdisho waxaana la sheegay in ay soo gaareen magaaladd Afgooye.

Wararkii Saakay hoos ka akhri...

Daryanka Rasaasta kala duwan iyo dhawaqa madaafiicba Goobta oo ay saaka Muqdisho ku waabariisatey

5:30 saaka waaberigii waqtiga salaada ka dib ayaa Magaalada daafaheeda waxaa laga maqlayey dhawaqa rasaasta, halkaasi oo uu ka bilawdey dagaal aad u culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Iska hor imaadkaan hubeysan ayaa waxa uu ka qarxay markiisii hore agagaarka wasaaradii gaashaandhigga kuna fiday qeybo badan oo magaalada ka mid ah iyada oo ugu danbeyntiina si fool ka fool ah la isaga horyimid xaruntii xisbiga hantiwadaaggii Kacaankii Soomaaliyeed iyo Muqdisho stadium, halkaasoo ay dagaal xoog leh ku soo qaadeen Ciidamada dowladda fadaraalka iyo kuwa Ethiopianka oo is garabsanaya.

Dagaalka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhacay wasaaraddii hore ee xafada wardhiigley, waxaana la sheegay in Ciidamada Ethiopia oo gawaari dagaal oo isagu jira taangiyaal iyo uraalka inay gudaha u galeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan waxaa la arkayey iyaga oo dhexmaraya jidka warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka xoogiisa ayaa waxa uu ka socdey (xilligii warkan la qorayey) xaafadaha towfiiq warshada Baastada, Huruwaa ilaa degmada wardhiigley.

Khasaaraha saakay ka dhacay Muqdisho si dhab ah looma xaqiijin karo inta uu dhanyahay.

Dhawaqa hoobiyayaasha iyo Madaafiicda oo aan kala go'lahayn ayaa si weyn looga maqlayaa Magaalada Muqdisho iyadoo meelo ka fog fog ee Magaaladana ay waxyeelo gaarisiinayaan madaaficdaasi.

Wararka ayaa waxaa kale oo ay sheegayaan in ay dhacday dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba leh walow aan la qiyaasi karin khasaaraha dhabta ah ee uu geystey dagaalkaan soo cusboonaaday saaka.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623


Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo Shaqadii Lagu Soo Celiyey...

(Maarso 29, 2007): Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegay in wareegto uu saaray Madaxweyne Kuxigenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac, uu ku caddeeyey in shaqadii lagu soo celiyey Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland ee shalay xukunka laga fariisiyey. Wareegtada ayaa la sheegay in lagu raali geliyey taliyaha Ciidanka DGPL, Siciid Cali Xaaji Siciid, waxaana la sheegay in sababtii shaqada looga fariisiyey taliyaha ay ahayd mid khaldan oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa ahaa kii markii hore ansixiyey wareegto uu soo saaray wasiirka arrimaha Gudaha ee DGPL ee jagada looga qaaday taliyaha, taas oo su'aasha is weydiinta leh ay tahay: Maxaa madaxweynuhu arrinta markii hore u hubsan waayey intii uusan ansixin in jagada laga qaado taliyaha?.

Warka qaabkii jagada markii hore looga qaaday talihaha hoos ka akhri:

Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland oo Shaqadii Laga Fariisiyey...

(Maarso 28, 2007): Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegay in taliyihii ciidanka DGPL, Siciid Cali Xaaji (Siciid Karaama), shaqadii laga joojiyey. Arrintaas oo la sheegay in lagu caddeeyey wareegto ka soo baxday Wasiirka arrimaha gudaha DGPL, Axmed Cabdi Xaabsade, wareegtadaas oo sida la sheegay uu ansixiyey madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac. Waxaana xilka loo sii xilsaaray kuxigeenkii koowaad ee ciidanka DGPL, C/Casiis Siciid Maxamuud (Gacamey).

Waxaana wararka ka imanaya Puntland ay sheegeen in sababta taliyaha booliska shaqada looga joojiyey ay tahay kaddib markii uu taliyuhu xabsiga ka sii daayey nin magaciisa la yiraahdo Maxamed Cali Xaashi oo la sheegay in loo haystey dagaal uu la galay DFKMG iyo Puntland, Xilligii ay maxkamadahu maamulayey in badan oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Wararku waxay intaas ku dareen in ninkani uu muddo ku jirey xabsiga magaalada Boosaaso isagoo aan maxkamad la soo taagin, taas oo ka soo horjeeda qaanuunka u deggan DGPL, taas oo sida la sheegay taliyaha ciidanka Booloska Puntland, Siciid Karaama, uu codsaday in ninkan caddaalada la hor geeyo ama la sii daayo, sida wararku sheegeen markii uu jawaab sugan ka waayey maamulka sare ee DGPL waayey uu Taliyuhu xorriyadiisii u celiyey Maxamed Cali Xaashi.

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, weli wax war ah arrintan kama soo saarin maadaama mar sii horeysey laga soo xigtey in uu sheegay in uu cafis u fidiyey dadkii uu ku sheegay in ay taageereen maxkamadaha. Cadde Muuse waxa uu hadda safar aan hore loo sii sheegin ku joogaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, safarkaas oo waxa uu ku saabsan yahay aysan xukuumadiisu u sharraxin shacabka Puntland.

Siciid Cali Xaaji (Siciid Karaama) ayaa jagadaas taliyaha ciidanka Booliska Puntland waxaa loo magacaabay kaddib markii uu is-casiley talihii hore, Yuusuf A. Khayre.

Muqdisho: Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha oo howlahooda ay hakad galeen...

Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha oo ah labo ilo dhaqaale oo aad u muhiim ugu ah shacabka ku nool Gobalka Banaadir ayaa haatan u muuqda kuwo hakad uu soo galay hawlahoodii kaddib markii ay saameeyey dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Diyaaradihii rakaabka ahaa ee ay lahaayeen shirkadaha ayaa iyagu gebi ahaanba joojiyey imaanshaha garoonkaan, kaddib markii diyaarad laga lahaa wadanka Belarusia lagu soo riday duleedka Magaalada Muqdisho.

Maamulayaasha Shiradaha ayaa la sheegay in ay Dowladda ka codsadeenin Diyaaradahooda ay ka soo degaan Garoomada Belidoogle iyo Lambar Koton.

Dekedda weyn ayaa iyana hawlaheedii waxaa istaajiyey markii dhowr jeer dekeddaasi duqeyn loogu geysay, waxaan augu sii darmsamay markii ay Ganacsatadu sheegeen in ay waxba kala degi doonin ilaa wax laga bedelo canshuurta lagu kordhiyey.

Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi Yuusuf iyo Ganacsatada.

Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta Madaxtoonyada ee Villa Somalia kulan ku yeeshay ganacsatada wax kala soo degi jirtay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, waxaana kulankasi looga hadlay sidii ay dowladda FKMG u dabcin lahayd ama ay wax uga bedeli lahayd canshuur la dul saaray badeecooyin ka soo dega Dekedda weyn ee Muqdisho kaddib markii ganacsatadu ay walaac ka muujiyeen arintaasi, kuna tilmaameen mid aan waqtigaan la qaadan Karin.

Ganacsatadu waxay madaxweynaha u gudbiyeen in canshuurta lagu soo rogay badeecooyin ay saddex jibaar ka badan tahay middii hore, iyagoo sheegay in dalka haatan ay ka jirto daruufo dhaqaale, kulankasi oo saacado qaatay ayaa waxaa goob joog ka ahaa ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa, wasiirka arimaha gudaha Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere), Wasiirka Ganacsiga C/llaahi Axmed Afrax, iyo xildhibaanada kala ah Max’ed Qanyare iyo Muuse Suudi Yalaxow, ganacsatadii halkaasi ka hadashay ayaa waxay sheegeen in canshuurihii lagu soo rogay badeecooyinka ay ka duwan yihiin kuwa laga dejiyo dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo, waxay kaloo sheegeen in aysan waxba ka soo dejin doonin Dekedda weyn ee Muqdisho ilaa wax laga bedelo canshuurtaasi, waxaana markii dambe la isku afgartay in loo saaro guddi ka kooban afar xubnood oo ay ku jiraan Wasiirka arimaha gudaha iyo wasiirka Ganacsiga.

C/naasir Axmed Aadan (Seerjito) oo lagu dilay Muqdisho…

Cabdi Naasir Axmed Aadan oo mar ay si aad ah isugu dhawaayeen General Max’ed Faarax Caydiid ayaa lagu dilay agagaarka Taleex ee Magaalada Muqdisho, Xiligii la dilayey C/naasir waxa uu watay gaarigiisii, kadib markii uu soo weeraray nin ku hubeysan Bastoolad oo aan la garaneyn, waxaana lala dilay labo nin oo kale oo gaariga Saarnaa sidoo kale waxaa la dhaawacay Darawalkiisii.

Goobta lagu dilay C/naasir Seerjito ayaa waxa ka ag dhawaa Ciidamada Dowladda FKMG iyo kuwa Uganda, iyadoo markii la dilay la sheegay in dadkii halkaasi ka dhawaan ay ka kala carareen, warar ayaa waxay sheegayaan in gaarigii uu watay isna la qaatay.

C/naasir Seerjito ayaa 2005 waxaa dhaawac loogu gaystay agagaarka Maxkamaddii Islaamiga ee Xararyaale waxa uuna mudo ku jiray isbitaalka, ilaa iyo haddana lama garanayo sababta loo dilay, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in C/naasir Seerjito uu mar hore ka fariistay siyaasadda, hase yeeshee xiligii Dowladdii Carta ayaa laga dhigay qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta.

Odoyaal iyo Siyaasiyiin ka tirsan beesha Jareerweyne oo soo dhaweeyey..

Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta Beesha Jareerweyn iyo qaybaha bulshada Rayidka ayaa soo dhaweeyey dadaalada xabad joojinta ah ee ay wadaan Odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, isla markaana dagaalka Magaalada Muqdisho lagu soo afjarayo.

Eng. Ibraahim Maadeey Axmed oo ah Guddoomiyaha garab ka mid ah ururka SAMO ayaa sheegay in ay tahay mid lagu farxo dadaalkaas xabad joojinta ah, isla markaana ay isku soo dhaweyn karto dhinacyada Xukuumadda Federaalka iyo Odoyaasha Beesha Hawiye.

Guddoomiye Eng. Ibraahim wuxuu kaloo wax lagu farxo uu ku sheegay in Odoyaasha Beesha Hawiye dhawaan eheladooda ku wareejiyeen Maxaabiis ay tiradoodu gaareyso ilaa iyo 18 maxbuus, isagoo Xukuumadda Federaalka dhinacooda ka cosaday in maxaabiistii ay horey u soo wareejisay Xukuumadda Kenya ay iyana ku soo wareejiyan Odoyaasha Beelaha Hawiye si meesha looga saaro khilaafkii u dhexeeyey labada dhinac, iyo in shirka dib u heshiisiinta laga soo qaybgeliyo mas’uuliyiintii Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, taas oo horseedi karta nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata.

Dhinaca kale afhayeenka dadka soo barakacay Dr. Cukaash Cabdi Buule ayaa sheegay in ay si aad ah ugu riyaaqsan yihiin xabad joojinta iyo dadaalka nabadeed ee ay wadaan Odoyaasha Beesha Hawiye, taas oo fursad siineysa buu yiri in dadkii horey uga barakacay Muqdisho ay dib ugu soo noqdaan goobahooda, kuwaas oo haatan ku dhibaateysan goobihii ay u qaxeen.

Kulankii Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saarkiisha Uganda

kulan si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxaa wada yeeshay Odoyaasha Beelaha Hawiye oo iyagu dhawaan heshiis xabad joojin ah la sixiixday Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi si aad ah loogu lafaguray xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, iyo sidii nabad rasmi ah loogu soo dabaali lahaa Magaalada.

Kulankaan oo qaatay dhowr saacadoos ayaa saraakiisha Uganda waxay u mahadceliyeen Odoyaasha Beelaha Hawiye oo iyagu ka dhabeeyey heshiiskii xabad joojinta, waxayna ugu baaqeen in halkaasi ka sii wadaan heshiiskaas xabad joojinta, sidoo kale saraakiisha Uganda waxay sheegeen in iyagana dhinacooda ay gacan ka gaysan doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho.

Xaaji Cabdi Iimaan oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in beelaha Hawiye ay mar kasta diyaar u yihiin in nabad lagu soo dabaalo Magalaada Muqdisho, waxa uuna u soo jeediyey saraakiisha Uganda in ay dhex dhexaad ka ahaadaan arimaha isbahaysiga siyaasadeed ee ka jira dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Kulankaan waxaa ka qaybgalay ila iyo 75 xubnood oo ka tirsan Odoyaasha Beelaha Hawiye, waxayna sidoo kale kulan la yeesheen, madashada Bulshada rayidka ah kaas oo ka dhacay xarunta nabadda iyo wadatashiga, waxayna u soo jeediyeen Odoyaasha Beelaha Hawiye in ay ka dhabeeyaan heshiiska xabad joojinta, isla markaana ay ka hor tagaan wax kasta oo carqaladeynaya heshiiskaasi.


Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Goobo ay ka mid yihiin Dugsigii Sare ee Booliiska, Golaha Murtid, Xarunta Gaadiidka Qaranka iyo ..

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shalay soo kormeeray dhowr goobood oo ay Dowladdu u qorsheysay in uu ka dhaco shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana goobahaasi ka mid ah Dugisigii Sare ee Booliiska, Golaha Murtida iyo Madadaalada (Tiyaatarka), xaruntii hore ee Gaadiidka Booliiska iyo Garoonka K/cagta ee Koonis, waxaana goobihii uu tagay wasiirka ku soo dhaweeyey dadka gacanta ku haya, waxayna u sheegeen Wasiirka in ay diyaar u yihiin in goobahaasi lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

Goobaha uu Wasiirku soo kormeeray ayaa waxaa qaar ka mid ah ka muuqday burburkii dagaaladii Sokeeye, waxa uuna Wasiirku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dayactiri doono, Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay afartaa goobood uu hal maaliln ka furmi doono shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo uu horey u iclaamiyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka kaas oo lagu wado in uu dhaco 16-ka April ee soo socota.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

March 29, 2007

::: Maxaad ka Taqaan Taariikhdii Jeneraalkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid


Ciidamada Itoobiyaaan ah oo Galay Kulliyaddii Hore ee Jaalle Siyaad..
.Warar dheeraad ah oo ka soo baxay qarixii Darmooleey..
.Saraakiil ka tirsan Uganda la kulmaya Odayaasha Beelaha
.Maxaa ka soo baxay kulankii Yuusuf iyo Qabqablayaasha..
.Wafdi ka socda Midowga Afrika oo ku soo fool Muqdisho..
.Soomaaliya iyo Itoobiyaan lagu daadiyey Xeebaha Yemen..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan.... Mar 28

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com