SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Somalia: The Other (Hidden) War for Oil

Freedom for Ogaden, the Wests Last Choice in Africa

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Somaali Galbeed ma Xoroobi Doontaa?

Xasan Maxamad Ibraahim
xasanyare@msn.com

Soomaali galbeed waxaan ula jeedaa dhulka soomaaliyeed ee ay itoobiya haysato waxaana magacan u doortay laba sababood awgood:

1.  1. Magacan wuxuu kulmin karaa dhamaanba soomaalida dhulkaas degen maxaa yeelay waxay isla ogolyihiin inay dhamaantood soomaali yihiin.

2.  2. Soomaali galbeed wxaa dhulkaas u bixiyay soomaali erayga ogaadeeniya se waxaa bixiyay gumeysigii dhulkaas xabashida ku wareejiyay sidaas darteed ilama wanaagsana inaan isku dhajino eray bxintaas gumeysiga ee aan ilaahy dartiis loola jeedin ee danta laga lahaa ay ahayd in saamaalida la kala qaybiyo oo la isku diro si ay  u ilaawaan cadowga ay leeyihiin ee dhulkooda haysta, marka aan sidaas leeyahay ma aha inaan necbahay qabiilka soomaaliyeed ee magacaas leh ee waxaan ka hadlayaa in ay habboontahay in la adeegsado magac soomaalidu isla ogoshay si looga gudbo caqabadaha ka dhalan kara isticmaalka magac loo arko inuu qabiil ku gaar yahay.

Waxaa la isweydiin karaa maxaa xilligan loo keenay su'aasha ah soomaali galbeed ma xoroobi doontaa? Iayada oo soomalaidii kale ee xorta ahaydba ay gacanta u gashay gumeysiga itoobiya? Waxaase keenay su'aashan in xilligan laga hadlo arrimo ay ka mid yihiin:

1.  1. Markii mugdigu xoogsado waxaa meel fog laga arkaa wax kasta oo iftiin ah haba yaraadee mar kasta oo oonku qofka ku batana waxaa usoo dhowaada meeshii uu biyo ku ogaa haba fogaatee, waxaan hadalkaas uga socdaa in xilligan culaysku ku sii batay dadka soomaaliyeed si fiican loo arki karo inta xorriyaddu soo jirto iyo sidii gumeysiga la isga qaadi lahaa ama tabihii la adeegsan lahaa.

2.   2.Itoobiya weerarka ay soomaaliya ku soo qaadday hadafka ugu muhiimsan ee ay ka leedahay waa in la illaawo soomaali galbeed oo waxa laga hadlaa uu noqdo sidii bal jamhuuriyadda kaliya looga saari lahaa, ama ay u sii dheerayn lahayd sii haysiga soomaali galbeed, laakiinse waxay aniga ila tahay naagtii xaabda qaadi weyday ee sii badsatay ama tuuggii in la qabto ka baqday ee dhankii laga jiray u sii cararay, qormadanna waxaan ka rabaa inaan tilmaamo inaan marna la illaaweynin soomaali galbeed wax kasta oo ay itoobiya samaysaba.

3.   3. Xilligan waxaa kacsan dareenka soomaalida oo dhan in la soo qaado soomaali galbeedna waxay ila tahay inay ka qayb qaadanayso sidii loo smayn lahaa ra'yil caam guud oo soomaali oo dhan ah si ay u suurta gasho in si midaysan looga howl galo sidii dhulka soomaliyeed loo wada xoreyn lahaa meeshana looga saari lahaa in soomaali galbeed ama qayb kale la illaawo.

 Soomaali galbeed ma xoroobi doontaa?

 Inta aynaan su'aashaas haa ama maya kaga jawaabin bal aan eegno arrimo badan oo aan isleeyahay waa muhiim in la soo qaado si loo gaadho jawaab sax ah.

1.   1. dhulka soomaali galbeed waxaa deggan shacab ka midaysan dhinaca diinta dhaqanka luqadda iyo taariikhdaba halka gumeysiga haysta ayna jirin hal arrin oo ay isku waafaqsanyihiin, taasina waxay mustaxiil ka dhigaysaa in dadkaasu ku raalli noqdaan gumeysiga noocaas ah haba dheraato taariikhda uu waddanka haystaye, waana tan ilaa iyo hadda kacdoonku u socdo iyada oo hal qarni ka badan ay ka soo wreegtay qabsashadii dhulkaas.

2.   2.  dhulkan xilligii la qabsaday iyo cidda qabsatay iyo dadka iska leh intaba waa la yaqaannaa sida falastiin iyo kashmiir iyo meelaha la midka ah, cid kasta oo u dhaqdhaqaaqdana haddii ay dadaasho khasab bay dunida kaga dhigi doontaa in codkeeda la maqlo.

3.   3.  dadka reer soomaali galbeed waxay xaq u leeyihiin inay xornimadooda gaadhaan sida dunida kaleba u gaadhay mana dhicin hadda ka hor inay ka tanaasuleen xaqaas maantana waxaa la hubaa haddii afti laga qaado inay dooranayaan inay aayohooda ka tashadaan xorriyaddoodana la siiyo, sida la yidhaahdana ma lumo xaq ninkii lahaa daba joogo tusdaalena waxaa ku filan falastiin.

4.   4. dowladda itoobiya ee gumeysata dhulkaas ma aha dowlad sii haysan karta maxaa yeelay waxaaba ka badan mashaakilkeeda daakhilaga ah ee ka haysta qowmiyadaha faraha badan ee kala diinta, luqadda iyo dhaqankaba duwan ee isu cadowga ah,  waxaa intaas dheer wax dadku ku aqbali karaan ma jiro gumeysigeeda maxaa yeelay waxaan faqri iyo dib u dhac ahayn lagama dheefin.

5.   5.  xoogagga iska caabbinta gumeysiga ee islaamiga  ama wadiniga ah ee ka jira soomaali galbeed waxay si xidhiidh ah u wadeen dagaal aan kala go' lahayn in ka badan 15 sano taas  oo aan horey u soo dhicin kacdoonadii hore ee ku dhammaan jiray wakhti aad u kooban, arrintaas oo daliil u ah in dadka gobolkaasi ay soo kordheyso xamaaska ay u qabaan inay ka hoos baxaan gumeysiga iyoobiya, waxa kale oo arrinkaas tusinayaa in kacdoonka maanta jira ee adkeystay in ka badan 15 sano uu leeyahay asaas shacbi ah oo uu ku taaganyahay maxaa yeelay ma jirto taageero dibadeed oo soo gaadha sida la ogyahay marka laga reebo wax aan badnayn oo ururada qaarkood ka helaan ereteriya.

 Arrimahaas iyo kuwo kaleba waxay si cad u tilmaamayaan in xornimada soomaali galbeed ay maanta ka dhowdahay intii hore, haddii si fiican loo habeeyo dadaalka loogu jiro in dadkaasi iska rogaan heeryada gumeysiga. Suura gal iima aha inaan wakhti ama maalin sheego maxaa yeelay waxa maqan ilaahay kaligii uunbaa og laakiin wax kasta oo dunida ka dhaca waxay leeyihiin hor dhac lagu sii garan karo ilaahay idankii, sidaas darteed waxaan odhan karaa hordhacyadaas aan soo sheegnay iyo kuwo kaleba waxay ina tusinayaan in goor ay noqotaba ay dadka reer soomaali galbeed xornimo gaadhi doonaan in shaa allaah.

 Maxaa hortaagan xornimada soomaali galbeed?

 Waxsaa jira caqabado lagu sheegi karo inay yihiin kuwo hortaagan in soomaali galbeed xorowdo waxaana ka mid ah :

1.   1.   jahliga ballaadhan ee haysata bulshada dhulkaas daggan oo keenay hooseyn xagga wacyiga ah, taasoo gumeysiga u sahashay inuu dad badan mar walba ku qanciyo in dhibaatada uu umadda ku hayo ay tahay maslaxad bulshadu u baahantahay, layaabna malaha maxaa yeelay qofka jaahilka ah waxaa sahlan in lagu qanciyo in dantiisu ku jirto in la dilo! Xeeladaha uu adeegsanyo gumeysigu si uu uga hortago xoogagga gumeysiga ka soo horjeeda waa kuwo daciif ah oo qofkii xiskiisu dhanyahay garan karo tusaale ahaan wuxuu odhanayaa dadka dagaalka nagu wada waa ajnabi oo ma aha reerihiinna iyada oo bulshadu ogtahay ragga hawlahaas wada in ina ayohooda xataa la garanayo wax kale iskaba daaye, hase yeeshee wacyi darradu waxay keentaa in dad badani waxaas rumeystaan oo ay ka shakiyaan xoogagaga ku howlan sidii xornimo loo gaadhi lahaa, waxaan ku filnayd bal inay eegaan gumeysigan isagu miyuu  la dhashay mise waa shisheeye? dadka  ay ku  laynaysose yey yihiin soo umado kala duwan ma aha?.

Gumeysigu wuxuu qabsadaa sida uu maalik ibni nabi sheegay ciddii aqbali karta in la gumeysto aqbalaaddaasna waxaa u sabab wacyi darro uu jahli sababay, tusaale ahaan waxaan dhageystay aniga oo dhulkaas jooga 1993 dad ka doodaya in la xoroobo iyo in kale nin ka mid ah dadkii lahaa lama xoroobi karo ayaan weydiiyay sababta aan xornimo loo qaadan Karin wuxuuna ku jawaabay taar( hallow halowga lagu wada hadlo) ma haysanno, sanadkaas sanadkii ka danbeeyay iayana waxaan ka qayb galay shir ballaadhan oo lagu qabtay garbo waxaana dhageystay nin oday ah oo ka hadlaya in xornimadii loo baahnaa la gaadhay isaga oo shirka ka hadlaya ayuuna yidhi xornimo maanta waan haysannaa qabalaygii baan haysannaa!! Wax yaabo kale oo aan macno lahyenna wuu sheegay , qabalyga laftiisna anigu maba aqaan qalaadidiisase waxaan ku wadaa inuu afgaalaad yahay.

Dadka sidaas u hadlaya sida ka muuqata way miyir qabaan oo ma waalna laakiin waxaan odhan karnaa way dhoohanyihiin waxaana arrintaas ugu wacan aqoon darrada uu gumeysiga laftiisu abuuray.

2.   2. beelaha dhulkaas daga oo aan u dhannayn dagaalka gumeysiga lagula jiro iyo waliba khilaaf u dhexeeya xoogaga jihaadka iyo halganka ku jira, taasina waxay had iyo jeer kala dhantaashaa awooddii lagu kicin lahaa gumeysiga waxayna cadowga fursad u siisaa inuu marba qolo ka takhaluso.

3.   3.  qaadashada sababihii lagu guuleysan lahaa oo laga gaabiyay, maxaa yeelay ilaahay guusha wuxuu u sameeyay sababo qadari ah iyo kuwo sharci ah oo ciddii an qaadan ayna guul gaadhaynin sida isku duubnaanta raacitaanka manhajka ilaahy iwm.

4.   4.  waxaa lunsan jihada ay qadiyadani u socon lahayd oo ah dadka bud dhigaha u ah ee carab iyo muslimiin ah waxaana muuqata in dadka qaar ay la tahay in hiil laga helayo kuwii horay inoo shirqoolay " eelka kii dhigay u ergootooy" taasina ragaadka ayay sii fogeynaysaa , waliba waxaa intaas sii dheer in dadka qaar ay xataa soomaalida sidii cadow ula dhaqmayaan halka ay codowgoodii dhabta ahaan kalsooni siinayaan.

Duuflaalka noocaas ahina wuxuu cuskanyahay inaan dhab loo fahamsanayn cidda aan dagaalka kula jirno iyo cidda xigaalka noo ah, bal fiiri qadiyadda falastiin yaa cadow u ah yaase hiil iyo taageero la garab taagan America iyo ingiriis yay la jiraan ma falastiiniyiinta mise yuhuudda sidoo kale kashmiir yaa taagera yaase u cadow ah.

Mar kasta oo qadiyadan lagala fogaado ciddii lahyd oo hoosta loo galiyo cadowgeeda waxaa sii fogaanaya amaba lumaya rajadii laga qabay in xornimo la gaadho.

5.   5.  waxay qadiyadani ka qarsoontahay indhaha caalamka oo ay muslimiintu ugu horreeyaan dhibaatada ka jirta iyo jihaadka ama halganka ka socdana cidi ma oga taasina waxay hiil u tahay gumeysiga waxayna culeys ku tahay bulshada dhulkaas ku dhaqan. qarsoonaantan doorka ugu weyn waxaa ku leh warbaahinta reer galbeedka oo iyadu la safan gumeysiga itoobiya taasina la yaab ma leh waxaase layaab leh sida aan ilaa iyo hadda loo haynin warbaahin kasban karta kalsoonida bulshada oo hir galisa qadiyaddan, marka aan sidaas leeyahay kama wado ma jirto warbaahin ka hadasha arrintan ee waxaan leeyahay ma gaadhsiisna halkii loo baahnaa xagga tirada iyo tayadaba, qadiyadanina waxay u baahantahay warbaahin xoggan oo tayo leh haddii ay tahay idaacad talefishin, jaraa'id iyo bogag internet intaba.

Sidee xornimada lgau gaadhayaa?

 Kama hadlayo inta dagaal e la galayo qoryaha la isticmaalayo iyo dhaqaalaha sida loo adeegsanayo ee waxaan doonayaa inaan farta ku fiiqo arrimo aan is leeyahay lama huran bay u yihiin cid kasta oo doonaysa inay cadowgeeda ka guuleysato ama xornimo gaadho :

1. waa in si cad lo qeexo manhajka ( wadada ) uu qaadayo kacdoona la doonayo in xornimada lagu gaadho waana inuu noqdaa kitaabka ilaahay iyo sunnada nabiga   maxaa yeelay waa inuu jiraa halbeeg lagu cabbiro saxa iyo khaladka, meesha loo socdo iyo waxa la doonayo, haddiise ay xaajadu noqoto dooni badweyn lagu sii daayay oo aan jiheeye lahayn dadka watna aynna garanaynin meel ay ka yimaadeen iyo meel ay u socdaan haddii halaag laga badbaado lama gaadhi doono meeshii loo socday, arrintaasina waxay si cad uga muuqataa taariikhda halganadii kala danbeeyay ee soo maray gobolkaas waana waxa keenay wareerka iyo niyad jabka ilaa nin ku jiray halgankii 1977-kii uu yidhi:

 Xarba kii galloo aawadaa xabashi loo laaye

Xaraan laguu quuday iyo xoolo booliyahe

Xigaalada laguu soo dhac iyo xaas qaraaba ahe

Xabaalaha laguu buuxi oo xawli loo dhimaye

Nin xamaasad weyn kuu qabpp kugu xaq dhowraaya

Xigto iyo qabiil kuu madhyoo xoor midnimadiiye

Hadba xooggii kuu dhiidhiyaa guul xasilin waaye

Xornimooy xaggeed naga jirtaa waa xujiyo yaabe

 Mushikallas ilaa maanta taagan lagama bixi doono haddaan si dhab ah loo raacin toobiyaha kitaabka iyo sunnada lamana kala garan doono meel lasocdo iyo meel loo socdo midna xaajaduan waxay ku danbayn doontaa markay u fududahay hal bacaad lagu lisay.

3.   3. waa in la xaddidaa waxyaabaha ma guuraanka u ah umadda ee aan laga tanaasuli Karin wax kasta oo dhaca, haddii kale si dhib yar ayaa maalinba qayb looga tanaasuli doonaa qadiyadiina sidaasey ku lumi doontaa, baryahan danbena waxaaba soo baxaya aragtiyo odhanaya itoobiya wax ha la iskala qabsado hana laga tanaasulo xornimadii oo dhan!.

4.   4. waa in dhammaanba qabaa'ilka dega dhulkaas laga qayb galiyo jihaadka iyo halganka gumeysiga lagula jiro maxaa yeelay diinta la difaacayo iyo dhulkuba wuu ka dhexeeyaa dadka dagan in qolo isku gaaryeesho ama lagu daayona ma aha, hadii kale arrintu waxy noqonaysaa dhari xaabo aan ku filnayn lagu kariyay oo markii tii hore dhamaato oo uu qaboobaba qayb kale lagu shidayo oo aan waligii bislaanaynin.

5.   5. waa in la dhuuxaa taariikhdii dheerayd ee la soo maray waana in laga faa'iideystaa khaladaadkii lasoo maray iyo waxyaabihii wanaagsanaa ee soo dhacay si aan loogu soo celcelin khaladaad horay u soo dhacay ama aan loo galin oodan horay loogu soo djabay.

6.   6. waa in la sameeyaa  gole shuuro ( wada tashi ) oo ka kooban culimo aqooyhan kale iyo madaxda qabaa'ilka dhukla dega oo gun dhig u noqda mashruuca xoreynta si qadiyaddu u yeelato miisaan la eg baaxaddeeda .

7.   7. waan in la saxaa jihada ay qadiyaddu u socoto oo loo soo jeediyo dhinaca bahdeed islaamka iyo carabta ah waana in meesha laga saaraa in gumeystayaasha loo kale ergoodo ama waraabe hilbo lagu rarto, marka aan sidaas leeyahay kama wado yaan saaxiibbo la kasban ama qadiyadda si fiican loo suuq geynin ee waxaan u socdaa yaan cadow la aaminin  sokeeyana la nicin.

8.   8. waa in dadweynaha jahliga laga saaro oo la wacyi galiyo waana in aad loo xoojiyo baritaanka shareecada maxaa yeelay diintu waa darbiga kala haya dadka iyo gumeysiga haddii ay duntana in khamrada la wada cabbo oo xornimoba hadalkeeda la dhigo ayaa ku xigta sida haddaba ka muuqata dadka gumeysiga la shaqaysta, ahmiyadda ay barashada diintu u leedahay xornimada dad badani maba oga waxayna la tahay in hees iyo faataadhug kale wax tarayaan dhab ahaanse waxaa umadaha xoreeya waa caqiidadooda ay rumaysanyiihiin.

 Yaa xoreyn doona soomalai galbeed?

 Ma rabo inaan sheego magacyada dadkaas ururada ay ka tirsanyihiin iyo qabaa'ilkooda ee waxaan tilmaami doonaa qaar ka mid ah sifooyinka dadkaasi leeyihiin:

 1.     dadkaasi waa dad tukada oo weyseysta ilaahayna ku xidhan marka aan sidaas leeyahayna mala awaal igama aha ee taariikhdii hore iyo tan maanta socotaba dadka umadda wax u qabtay waxay ahaayeen dad sifaadkaas leh, dib u fiiri dadkii gumeysigii hore kiciyay sayid maxamad, sheekh bashiir iyo sheekh xasan barsane iyo intii la socotayba waxay ahaayeen dad tukada oo ilaahay yaqaanna gumeysigana diin ahaan bay ula dirirayeen ee magac iyo mansab doon ma ahayn maantana bal eeg falastiin kashmiir shiishaan iyo filibiinba dadka umadda difaacaya ee jihaadka u taagan waa dad tukada o aan shilimaan iyo gawaadhi lagu qancin Karin si ay mabda'ooda uga tanaasulaan.

 Dadka caleenta qaadka daaqa ama buuriga sida waagada qudhqudhiya waxaa la ogaaday inayna umad u ciil dhicin Karin marag bayna leedahay  maxaa yeelay dadka noocaas ahi calooshooda mugged ayay qaadaan, bal xataa gumeysiga laftiisa ha weydiiyo in arritaasi dhabtahay!.

2.   2. waa in ay dadkaasi xor ka yihiin hawo aduun iyo magac jaceyl oo ay ilaahay kaliya adoomo u yihiin oo ayna waliba cid kale rajaynaynin ama ka baqanaynin, haddiise ay dhacdo dad iyagu naftoodu ay gumeysato ama qalbiga gaalo ka gumeysato inay umadda hor kacaan waxaa la arki doonaa iyaga oo dadkii oo dhan gumeysiga u dheelmay ama ula galay.

3.   3. dadkaasi waa inay yihiin dad wacyi iyo aqoon leh oo aan dhaga xidhnayn hadii kale weelkii madhan waa la dhaansadaa ugu yaraanna hawaa ku jirta haddii aan arrintaas laga taxadarinna  waxaa la arki doonaa dad dhaan ku maqnaa oo awrkii lumiyay ama birmad ahaa oo cadow lasoo guryo noqday ama ugu yaraan la siray oo lagu qanciyay inaan gumeysi la'aantii la noolaan Karin.

4.   4. dadkaasi waa inay yihiin dad mabaadii ee ayna ahayn dad qabiil qoys ama ashakhaas, maxaa yeelay dadka aan ka weyneyn qabyaaladda iyo wixii la mid ah umad ma hogaamin karaan haddiiba ay isku dayaanna waxay dhashaa tan ilaa maanta soomaaliya ka socota ee waddankii dhannaa gumeysiga gacanta u galisay.

5.   5. dadkaasi waa dad hammigooda ugu weyn uu yahay in umaddu ku taagnaato wadadii toosneyd ee ay ka soo gaadhay awoowayaasheed ee ahayd islaamnimada iyo qiyamkeeda, maxaa yeelay waxa umaddu hadda u halgamaeyso ma aha dhul sida loo sawiro maxaa yeelay dhulkii iyagaa deggan ka guurana lama laha laakiin waxa loo diidanyahay waa inay xor u noqdaan rabitaankooda ku saleysan islaamnimada waxaana la doonayaa in lagu sandulleeyo rabitaan iyo dhaqan ka soo horjeeda midkii ay lahaayeen.

Dadka ayna arrintaasi qiimaha la lahayn ee ay masjidka iyo kaniisaddu isugu midka yihiin ama asturka iyo qaawanaantu u simanyihiin ama ayna dhowrsanmanta iyo faaxishadu u kala duwanayn iyaga ayaaba dadka gaalada u galinaya una cabiidinya, taasina waxay keeni doontaa in la iska illaawo ciddii xornimada rabtay iyo ciddii laga xoroobayay mar haddii dhaqan iyo rabitaanba la wadaago gaal iyo islaamna la kala garan waayo.

Xasan Maxamad Ibraahim
xasanyare@msn.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com