SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Wararkii: May 14, 2007

  • Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Itoobiya
  • Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya wuxuu soo dedejinayaa Burburka Itoobiya ...
  • Dilkii loo gaystay saraakiil ka tirsan la dagaalanka Argagixisada waxa uu ahaa mid…
  • Dagaalo qaraar oo labo beelood ku dhex maraya deegaano ka tirsan Gobolka SH/Dhexe ..
  • Ciidamada Uganda oo Muqdisho ka wada howlo lagu saarayo Miinooyinka ..
  • C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Beesha reer Xaaji Suleymaan..
  • Beesha Murusade oo taageertey Dowladda balse ka cabaneysa ...

Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Itoobiya

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa waxay dhigeen mudaharad ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin duulaanka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya iyo xasuuqa dadka Soomaaliyeed lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho. In kabadan 200 qof ayaa galabnimadii Jimcadii isugu soo baxay barxadda hore ee baarlamaanka Canada (Parliament Hill), kaddibna waxay socod ku tageen Safaarada Maraykanka ee ku taal wadada Sussex drive, ugu dambayntiina waxay gaareen safaarada Itoobiya oo ku taal wadada Slater Street.

"Itoobiya haka baxdo Soomaaliya, Maraykanku ha joojiyo dagaalka Maqaar-saarka ah, Meles Zenawi ha dhaco, dilka hala joojiyo, gumeysi ma ogolis, xasuuqa hala joojiyo..." ayaa ka mid ah erayadii ay ku dhawaaqayeen dadka mudaharaadka dhigayey. 

"Aaway Canada, waa maxay jawaabta ay dawladanadu ka bixineyso masiibadaas" ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah arday, waxana uu intaas kudaray "ilaa hadda wax aan aamusnaan ahayn kama maqal dawladanada."

Sawirada ka daawo halkan.... GUJI...


Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya wuxuu soo dedejinayaa Burburka Itoobiya ...

Qoraa ka tirsan Shabakada Arabic-Online ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedeaalka ay xasuuq ka gaysteen gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay barakaciyeen ilaa iyo dad gaaraya hal Milyan oo qof. Qoraagu waxa uu sheegay in joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay soo dedejin karto burburka wadanka Itoobiya, haddii aysan Ciidamada Itoobiya sida ugu dhaqsiyaha badan uga bixin gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Aboole uu ahaa mid ka yimid joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kale qoraagu waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya xitaa ay ka faa’iideysan karto dowladda Ereteriya, madaama ciidamada Itoobiya xoogooda ku maqan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, waxaa kale oo uu sheegay in deegaano ka tirsan wadanka Itoobiya iyana ay ka bilowdeen dagaalo u dhexeeye dad ka kala soo jeeda Islaam iyo Kirishtaan kuwaas oo isku gaysteen khasaarooyin naf iyo maalba ah, qoraagu waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Itoobiya haatan ay isugu soo hareen beesha uu ka soo jeedo Miles Zenawi, iyadoo inta badan ciidamada ka goostaan ciidamo ka soo jeeda beelaha kale, kuwaas oo gala dalalka deriska la ah Itoobiya.

Dilkii loo gaystay saraakiil ka tirsan la dagaalanka Argagixisada waxa uu ahaa mid…

Iyadoo maalintii doraad ahayd Magaalada Muqdisho lagu dilay afar sarkaal oo ka tirsan qaybta waxa loogu yeero la dagaalanka argagixisada ee Dowladda Federaalka kaddib markii gaari ay saarnaayeen loo dhigay Miino meel fog laga hayey, ayaa sariikaashaani waxaa dilkooda lagu tilmaamay mid si aad ah loo soo qorsheeyey iyadoo dowladda federaalka ku tilmaantay mid ay ka dambeeyeen kooxaha argagixisada ah.

Dilka Saraakiishaan ayaa Dowladdu Federaalku u xirxirtay dhowr qofood oo la sheegay in ay ka ag dhawaayeen goobtii uu ka dhacay qaraxaasi, hase yeeshee qaar ka mid ah dadka xirxiran qaraabadooda ayaa sheegay in dadkooda si gardaro ah lagu haysto, isla markaana qaarkooda lagala baxay guryahooda.

Saraakiishaan oo hawlo dhinaca la dagaalanka waxa loogu yeero la dagaalanka aragagixisada ka waday Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dilkoodu is bedel weyn ku keenay xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho oo waayadanba ay ka jireen qaraxyo tan iyo intii la magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Max’ed Dheere.

Qaraxaan waxa uu ku soo beegmay xili uu Magaalada Muqdisho soo gaaray kaaliyaha xoghayaha arrimaha Bini’aadannimada ee Qaramada Midoobey, waxaana la sheegay in wafdigaani sida ugu dhaqsiyaha badan uga ambabaxeen Magaalada Muqdisho kaddib markii loo cabsaday ammaankooda, iyadoo Max’ed Dheere dhawaan wareysi uu bixiyey in Dowladda Federaalka ay gacan bir ah ku qaban doonto amniga Magaalada Muqdisho.

Dagaalo qaraar oo labo beelood ku dhex maraya deegaano ka tirsan Gobolka SH/Dhexe ..

Wararka naga soo gaaraya gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in deegaano ka tirsan gobalkaasi, gaar ahaan deegaanka Ceel-Garas ay shalay ka dhaceen dagaalo u dhexeeya labo beelood oo hal beel ka soo wada jeeda, waxaana dagaalkaasi ku geeryooday ilaa iyo 15 qofood, waxaana lagu gubay ilaa iyo dhowr iyo taban beerood iyo dhowr iyo toban tuulo. Dagaalkaan ayaa waxa uu salka ku hayaa aano qabiil oo horey u dhacday.

Maamulka Cusub ee Gobalka Sh/dhexe oo shalay ciidamo u diray halkaasi ayaa ku guuldareysatay in uu kala dhex galo labada beelood, waxaana lagu waramay in ciidamadaasi ay dib isaga soo laabteen Magaalada, sidoo kale ma jiraan wax odoyaal ah oo ku kala dhex jira labada beelood, hase yeeshee waxaa soo gaaraya labada beelood baaqyo lagaga dalbanayo in ay dagaalka joojiyaan oo la wada hadlo.

Ciidamada Uganda oo Muqdisho ka wada howlo lagu saarayo Miinooyinka ..

Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa shalay bilaabay hawlo miinooyinka kaga saarayaan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii u dhexeeyey Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo dhianc dhinac ah iyo kooxihii ka soo horjeeday.

Ciidamaan oo miinooyinka ku baaraya qalab casri ah ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay qarxiyeen dhowr miino oo la dhigay wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada Uganda kala shaqeeyaan saarista miinooyinka si looga badbaadiyo dadka waxyeelada ay leeyihiin.

Ciidamada Uganda oo tiradooda lagu sheegay 1500 oo askari, ayaa sidoo kale waxay Magaalada Muqdisho ka bilaabeen hawlo ay ku nadiifinayaan qaar ka mid ah jidadka Muqdisho oo ay buux dhaafiyeen qashan, sidoo kale waxa ay taakuleyn u fidiyeen dadkii ka barakacay dagaalkii Muqdisho.

C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Beesha reer Xaaji Suleymaan..

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalmahan waday kulamo uu la yeelahay beelaha Soomaaliya, kaddib markii Muqdisho uu ka dhacay dagaal aad u qararaa oo gaystay khasaar naf iyo maalba leh, waxa uuna madaxweynaha shalay la kulmay siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan Beesha Reer Xaaji Suleymaan, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii ay beeshu uga qayb-qaadan lahay nabad ka dhacda Muqdisho, iyadoo Madaxweynuhu uu dhageysytay cabashooyin ay soo jeediyeen beeshaasi, oo la xiriirta dhinaca Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay mushkiladda ugu weyn ee ka taagan dalka haddii la nabadeeyana dalkiisa intiisa kale uu nabad noqon karo, waxaana ka mid ahaa xubnihii ka qaybglay kulankaasi Wasiirka Arrimaha Gudaha Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere), Xildhibaan Cali Calas Qaarey, Xildhibaan Max’ed Jaamac Furux, Xuseen Siyaad Qoor-Gaab, Axmed Diiriye Cali, Suldaan Cali Axmed Nuur, Xuseen Siyaad Shirwac, iyo xubno kale oo fara badan.

Beesha Murusade oo taageertey Dowladda balse ka cabaneysa ...

Siyaasiyiin, Odoyaal iyo culima’udiin ka tirsan Beesha Murusade ayaa shalay kulan ku yeeshay Hotel Amiira, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii ay beeshu door muhiim ah uga qaadan lahayd hawlaha nabadeynta ah ee ka socda dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxay kaloo beeshu kulankooda uga hadashay cabashooyin ay ka tirsaneyso dowladda Federaalka oo la xiriira dhinaca awood qaybsiga.

Wasiirka Beeraha C/qaadir Nuur Caraale ayaa waxa uu sheegay in Beesha ay si buuxda u taageersan Dowladda Federaalka balse loo baahan yahay in si cadaalad ah wax lagu qaybsado, waxaa kaloo uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro ummadda Soomaaliyeed taas oo lagu gaari karo nabad buuxda, sidoo kale waxaa ka hadlay Xildhibaan Cabdi Max’ed Dhuxulow (Dheg-Dheer) oo isna sheegay in Beeshu ay wixii haatan ka dambeeya ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Dowladda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 207

Qarax ay ku dhinteen Saraakiil ka tirsan Nabadsugida Dowladda Federaalka
::Daahir Riyaale “Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho
::Geedi oo xilkii ka qaadey Xuseen Caydiid iyo Barre Hiiraale.
::Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaarey Magaaladda Jowhar
::Wadada isku xirta muqdisho iyo Baydhabo iyo Burcadda
::Ururka B/Afrika oo Itoobiya iyo DFKMG ku eedeeyey..
::30 Neef oo Geel ah oo loogu deeqey maamulka banaaadir
::Wakiilka UN ee soomaaliya oo ku baaqey in Maxkamadaha
::Dalka Ereteriya oo ay ku qulqulayaan kooxaha sida aadka
::Dowladda Uganda oo qoraal u dirtey Ururka Midowga Afrika
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... May 13

Masaajidada Magaalada Muqdisho Oo Qaarkood Hoy U Noqday Ciidamada Ethiopia
.Ganacasadde Caan ah Oo ay Af-duubteen Itoobiyaanku...
.Musharax isu Soo Taagay Xilka Madaxweynanimo ee DGPL
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... May 12

maaweeloCadde Muuse Waqtigii uu u Qabtay in Shirkadaha Batroolku ay Hawshooda bilaabaan oo ku ekaa May 11
Saddex bilood ayaa ka soo wareegtey markii uu Madaxweynaha DGPL sheegay in ay mudo 3 bilood gudahood ah ay ku imaan doonaan shirkadaha macdanta si ay u hawl galaan. Haddaba mar haddii waqtigii la dhaafay Akhri

Wafdigii uu hoggaaminayay wakiilka Xoghayaha Guud ee UN u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay qarax sababay inuu deg-deg dib ugu laabto Nairobi... Akhri....

suuriyaUrurka Ardayda Soomaaliyeed Ee Suuriya Oo Qabtay Xaflad Sharafeed Loogu Mahad- Celinayey Ganacsade Reer Suuriya Ah Oo Wiil Soomaaliyeed Gargaar U Fidiyey... Akhri..

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com