SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

WARQAD FURAN : HOGAAMIYE DHAQAMEEDYADA  SOOMAALIYEED

Ujeedo : shirka dib-uheshiisined ee xamar june 07

Waxaa iga gudoontaan salaan qiimo badan oo xambaarsan salaanta islaamka( as wr wb ) ee qiimiga badan,waxaan doonayaa inaa idin soo marsiiyo warqad furan bogaga saxaafada Soomaalida oo ku saabsan shir la doonaayo in lagu qabto dhawaan magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo ay iclaamiyeen dowlada ku meel gaarka ah garabkeeda uu  ku adeegto  gumeysiga Tigreega, si ay beesha caalamka ugu qaldaan shir dib u heshiisineed qabashadiisa oo ujeedooyin badan laga leeyahay,si loogu qaldo ra’yi caalamka.

Hadaba  waxaan rabaa inaa horta hore sharaxaad idin ka siiyo waxa la isku heysto iyo sida la rabo in looga gudbo, taas oo u baahan in laga eego meelo badan,inta aan loo guda galin in shir loo qabto dadka Soomaaliyeed ee mudada dheer u oomanaa nabad , nolal iyo dowlad cadaalad ah.

Shirka la rabo in la qabto waxaa la doonayaa in uu noqdo sidatan:

·         In shirka ay maamulaan shaqsiyaad aan kalsooni & sumcad ka heysan  dadka Soomaaliyeed sida  qabqable dagaal ALI MAHDI MOHAMED  &  kuwa ka sii liita,oo aan dhaxdhaxaad ka ahayn waxa la isku hayo.

·         In qaab beeleed loo qabto oo ay dhamaan hogaamiye dhaqameedyada Soomaaliyeed ka soo wada qayb galaan si ay mar 2aad u soo xulaan kuwa dowlada sheeganaya.

·         In ay maamulaan  shirka kooxaha sida  SSRC & IGAD (KENYA , TIGREEGA, UGANDA)

·         In beesha caalamka lagu qaldo  shir did u heshiisined baan qabanay,oo ay ka soo qayb galeen 3000 qof .

·         In lacag badan lagu cuno oo lagu soo qaato qabasho magaca shir aan nuxur lahayn.

·         In shirka aysan ka soo qayb galin dadka ka soo horjeeda qabsashada Tigreega & xasuuqa ay ka wadan dalkeena.

·         In shirka ay ka soo baxaan shaqsiyaadka hada Tigreega ku xasuuqay maatadii ummada Soomaliyeed.

·         In la daboolo dhibaatada iyo dulaanka ciidanka cadawga ee dalkeena heysta.

Waxaa aad  muhiim u ah in odayaal dhaqameedyada Soomaaliyeed inay fahmaan waxa la isku hayo iyo sida ay uga qadan karaan doorka kaga aadan badbaadinta dadka Soomaaliyeed .

·         Soomalidu iskuma heysato qaab beel ee waxa la isku hayaa waxaa weeye oo ubaahan in ay dadka Soomaaliyeed fahmaan waa qaab siyaasadeed & aragtiyo kala duwanansho oo salka ku heyso gumeysi u adeeg iyo gumaysi diidnimo

·         Ugu horeyn waxay dadka intiisa badan ay qabaan in dalkeena Soomaaliya la heysto,loona baahan yahay inta ummada Soomaliyed wada hadlin dalka laga saaro ciidamada Tigreega  qabsaday dalkeena & kuwa UGANDESKA ee kharinaaya heysashada dalkeena la heysto.

·         Waa in shir siyaasadeed la qabtaa oo ay isa soo hor fariistaan kooxaha loolanka ka dhaxeeya sida

·         Kooxda SSRC MBAGATHI ee Tigreega ku shaqeysto

·         Siyaasiyiinta baarlamaanka xorta ah ee jooga ASMARA ee diiday in ay dalkooda kaga iibsadan gumeysiga Tigreega darajo been ah.

·         Maxkamadaha Islaamka ee jooga gudaha iyo dibadaba

·         Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada joogta dalka gudahiisa iyo dibadadiisaba

·         Waa in shirka lagu qabtaa goob dhaxdhaxaad ka ah kooxaha is haya ,waana inay shirka maamulaan dad dhaxdhaxaad ka ah amuuraha la isku hayo oo aamin ah.

·         Waxaas oo dhan waxaa ka horeeya in Tigreega & Uganda ay ciidamadooda dalka ka baxaan bilaa shuruud inta aan shirkaba la qabanin.

·         Hadii la isku af garto in ciidamo la keeno Soomaliya, waxay u taal dadka Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaliyeed si ay u noqdaan wax la isla ogolaaday oo lagu wada qanac san yahay.

Waxaan  Isimmada ,Ugaasyada, Malaaqyada  Garaadyada,Wabarada , Odayaal dhaqameedyada Soomaaliyeed ka codsanayaa inaysan u horseedin dadka Soomaaliyeed shirqoolkii shirkii lagu qabtay Kenya ee socday 3 sano, ee aan ka dhaxalnay dowlad ku sheega  baday mugdi iyo taariikh xumo dalkeeni dadkeeni iyo diinteenii ,ee maanta gumeysi xun oo raqiis ah gacanta  u galisay Soomaaliya inaysan mar labaad u shirqoolin kooxaha doonaya in dalkeeni sharafta iyo qiimaha lahaa u hoos geyaan MELEZ ZENAWI oo ay u soo baxdo dowlad kale oo ka sii liidata tan oo gumeysi u adeeg ah.

Marka waxaa la idinka rabaa inaad si cad oo geesinimo leh u diidaan kuwa doonaya inay beesha caalamka u tusaan inta ay shir shirqool ah qabtaan idinkana sidii wax magarato oo kale  idin isticmalaan oo ay hadhow ka soo saraan dowlad raqiis ah oo u adeegta gumeysiga Tigreega ee xasuuqay dadkii aad u aheydeen madax dhaqameedyo , ee u diiday dalkiina inuu caalamka wax la qaybsado,waxaan dhamaanten ka wada dharagsan nahay in Ethopia ay na daba socotey  500 sano ka badan ,maantana ay heshay waxay ku taami jirtey oo ah in dalkeena gacanta ku dhigto iyadoo adeegsaneysa damiirlawayaal aan dadnimo iyo diin toona lahayn oo raba un inu noqdo un madax si u wax u dilo waxna u dhaco oo aan dan iyo heelo ka lahayn guud ahaan dadka Soomaliyeed xataa kuwa u qabiilka ku sasabto ee madax martey u gurbaan tunka qabqablayaasha u adeega Gabre

Odayayaal Ali Mahdi waxa uu doonaya waa labo mid:

·         Inuu lacag ka sameeyo shirka ama inu qaato jagada raisal wasaarenimo

Si u fushado danahiisa gaarka ah,ee fadlan si cad bayaan uga soo saara oo u bandhiga doorkina Soomaalinimo ,Islaanimo iyo Wadaniyadeed ama Odeytinimo ee idin kaga aadan amuuraha ka taagan dalkeena si loo helo xal waafi ah oo lagu badbaadiyo dadka iyo dalka.

Beesha caalamka warqad u qora una sheega inaydan ka qayb galeynin shir shirqool ah oo ay kooxi wadato.

In baaritan lagu sameeyo xasuuqi ka dhacay dalkeena 17 sano iyo kan maanta ay ka sameyeen ciidanka TIGREEGA ,UGANDA & kuwa ay ku adeegato ee Soomaali ku sheega ah.

Ugu dambayn waxaan ka rajeynayaa in odayaal dhaqameedyada Soomaaliyeed ay wada xiriiraan meelna ay isla dhigaan sidii dalkeena looga saari lahaa dhibaatada heysata, taas oo ay badeen wadamada dariska noo ah sida Ethopia,Kenya,Uganda & Damiirlawayasha ay ku adeegato ee Soomali ku sheega ah ee sheeganaya dowlad Soomaaliyeed ,oo aan ka gubaneynin waxa Gabre ku haayo oo bahdilida ah ,una diir naxaynin dadka maatada ah ee aan waxba galabsan ee loo dilaayo Diinta ay qaateen iyo sunaha ka muuqda iyo wadaniyada Soomaaliyeed.

Waxaan idin rajeynayaa in caqligina u u shaqeeya xaga fiican oo usan u shaqeynin dhanka xun ee ah in Soomaali loo gumeeyo ETHOPIA & KENYA,waa in dadkiina badbaadisaan , oo aad aaqiradiina ka fakarteen.

Gunaanadkeygu waxaa weeye inaydan yeelin shir aan loo dhamayn oo laga ilaaliyey dadkii ehelka ama xalaasha u ahaa mustqabalka jiritaanka dowladinimo Soomaaliyeed oo xor ka ah gumeysiga madow ee aan dooneynin waxa Soomali rabta oo ah Dowladnimo ,Soomaalinimo ,Islaanimo iyo sharaf karaamo leh oo Soomaali ku yeelato dunida aynu ku nool nahay.

Taariikhda ayaa idin xusi doonta sida ay wax badan u xustay taariikhihii hore , waxaa la jooga waqti xun oo lagu kala garto keena wanaagsan iyo keena xun ,hadaa racdaan qabqablayaal damiirlawayaal ah oo ka amar qaata shisheeye daciif ah & inaa ka hor imadaan ama ku raacdan ,hadaa raacdaana waxay idin tahay karaamo daro iyo aaqiro beel ,hadaa ka hor imadaan oo aad u cadeysaan inaydan raali ka ahayn waxay wadaan ,ummadda Soomaaliyeed way idin qadarin doonaan magaca wayn ee aad huwan tihiina way idin ku tixgalin doonaan insha allah .

Balanteenu waa inaydan yeelin wax u soo dhoodhoobay dagaal ooge iyo u adeego Tigree ka qayb galkooda

Shacabka Soomaaliyeed waa in aad ku dadashaan sidii ummada Soomaaliyeed dhiibaatada heysata looga saari lahaa loogana hor tagi lahaa shir shirqool ah oo la rabo in mar 2aad dowlad fashilantey oo ay fashiliyeen kuwii soo dhoodhoobay inaysan mar 2aad ka yeelin in sameeyan shir la mid ah kii ay dalkeena ku shirqooleen oo ay ka soo baxeen damiirlawayaal dagaal oogayal ah oo shacabka Soomaaliyeed mudo 17 sano ah madaxa isku galinayey si u garaan danahooda qaaska ah oo ku dhisan xukun jacayl ,boob hanti qaran dil iyo cadaalad daro.

Tusaale hogaamiye kooxeedyada dhamaantood ha joogaan koonfurta ama waqooyi bari & waqooyi galbeedba waxay xaalufin ku hayaan qeyraadkii dalkeena bad iyo bari ,waxay heshiisyo kula galeen wadamo kale inay badeena xaalufiyaan iyagana xoogaa sandareerto yar ah ay ka qataan.

Caruurta Soomaaliyeed wax ma qoraan waxna ma aqriyaan ,nolol fican ma heystaan dadka Soomaaliyeed ,wax daryeel caafimaad ,waxbarasho iyo nolol aayatiin wacan ,waxaas oo dhan waxaa sameeyay waa kuwii aad ku taageerten maskax yaradiina ,in nina dharag la jiifi waayo iyo in nina gaajo la seexan waayo ,waa nasiib xumo dib u jaleecso qabqablayaasha waxa ay idin tareen iyo waxay idin ka hor istaagen oo nolol iyo mustaqbal ah,waxaa la joogaa waqtigii laga xoreyn lahaa dalka qowleysatada heysata iyo kuwa ku qaraabta qabyaalada ee dhamaantood Tigreega uu kuwada adeegto.

Mahadsanidin

Somalia Soomaali baa leh

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

Afeef: Arargtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com