Ummadda Soomaaliyeed uma cusba
hagardaamooyin ay u gaysteen dad ka dhashay.
Marxalado kala duwan waxaa ina soo
maray niman Soomaaliyeed oo iyagu fursado iyo duruufo kala duwan u helay
inay abaabushaan quwad maaddi ah sida ciidan, hub iyo hanti guud iyo mid
gaarba oo ay inaga boobeen.
Nimankaasi waxaan anigu ugu magac
dari lahaa “Boqoshaa ama Like” sida Soomaalidu u taqaan, afafka qalaadna loo
yaqaan Mushrum, Funghi iwm.
Boqoshaagu waa geed khudradeed
dhulka uga soo baxa si dhaqso badan isagoon la beerin. Waxaa laga cunaa
dalal badan ee dunida hase yeeshee Soomaalidu ma cunto walow uu ka baxo
dalkeeda.
Geedkaas oo qaab ahaan isu wada eg
ayaa qaarkiis yahay sun qofka ku khatalma oo cunaa uu la kulmayo dhimasho
degdeg ah. Waa meesha laga yiraahdo nicmo waliba nuqsaanteed leh.
Qoysaskii ay u dhasheen nimankaasi
laga yaabee in ay u wada damaashaadeen sidii caadada u ahayd Soomaalida
marka uu wiil u dhasho, hase yeeshee ma aysan ogeyn in ay dhaleen oo
bulshada ku soo darsadeen “wiil baas” (Boqoshaa sun ah ama geed qadhaadh).
Waxaa jira geedo ay Soomaalidu u taqaan “geed xaraar (qadhaadh)” oo aysan
dadka iyo xoolaha midkoodna cunin.
Nimanka aynnu ka hadlaynaa waxay
kuwoodii hore iyo kuwooda dambeba lahaayeen calaamado ay ka siman yihiin ama
ay isaga daydeen kuwaasoo ay ka mid yihiin: xoog wax ku muquunin, kali tashi,
sokeeye xasuuqid (waa Soomaalidee), arxan la’aan, hanti boob burcadnimo ah,
Diinta Alle caasiyid iwm iyagoo intaas oo afcaal shaydaannimo ah u
adeegsanayey maan-gaabyada bulshada. Fadlan hoos ka akhri magacyada kuwii
nimankaasi ugu sharka badnaa oo soo mara taariikhda Soomaalida kuwaasoo aan
u turin bulshada Soomaaliyeed xitaa xilliyada ay inagu habsadaan
musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, cudurrada faafa, colaado ay iyagu
huriyeen iwm. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa dabkii munaafaq shido muslin
baa ku gubta.
Bal haddana aynnu jalleecno/eegno
magacyadii ay la baxeen nimankaasi baas. Waxaa ka mid ahaa: Sayyid,
Sarreeye, Jabhaha, Mujaahid iwm: magacyadan oo dhammi waxay tilmaamayaan
kali talisnimo, cabsi galin iyo amar-ku taaglayn. Magaca guud oo ay isugu
iman karaan waa Dagaal-Ooge oo ah shakhsiga magaca u sida kooxda hadba wax
cadaadinaysa.
Sidaan kor ku soo xusay, Dagaal-Ooge
ama Boqoshaa wuxuu adeegsadaa maan-gaabyada bulshada.
Wuxuu markaa isagu ka dhigan yahay
boqoradda shinnida halka adeegayaashiisu ay ka dhigan yihiin raxanta
shinnida oo samaysa malabka isla markaana ah ilaalada boqoradda. Haddii aan
si kale u cabbiro, Boqoshaagu waa abbaanduule wuxuuna adeegsadaa ciidan la
mid ah askarta shinnida kuwaasoo wax kasta u qaniina daacadna u ah isaga.
Waynnu wada garan karnaa in uusan
nin kali ahi baabi’in karin Qowmiyad (Nation) dhan hase yeeshee waxa
dhibaatada ina gaarsiinayaa waa kuwa ugu caqliga liita wiilasheenna oo uu
adeegsado abbaanduulahaas jinni. Sida badan, ninkaasi wuxuu reebaa magac
xun oo laga naxo marka la maqlo; sidoo kale, shinnidiisu waxay iyana
yeeshaan magacyo aan la jeclayn sidaasoo kale.
Inta aynnu ka xasuusanno raq ku
raaxaystayaashii (dhiigyacabyadii) soo maray taariikhda Somalia waxaa ka mid
ahaa:
1 - Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Ninkaas waxaa la siiyaa labo darajo hase yeeshee waxaa ka mayray
darajooyinkaas inuu ahaa dilaa daran. Labada darajo waxay ahaayeen:
o
b) isagoo nebcaa si xunna ula dagaallamay gaaladi
Soomaaliya u timid gumeysiga;
o
t) inuu ahaa gabayaaga ugu weyn Soomaalida inta la
xasuusto. Adeegayaashii ama shinnidii Sayidka waxaa lagu xasuustaa magaca
“Daraawiish” oo iyagu dadka si naxariis darro ah ugu layn jirey warmo, seefo
iwm oo ugu badnaa qalabkii ay adeegsan jireen waqtigoodii.
2 –
Janan Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa dilaa weyn. Wuxuu xukunkii
Soomaaliya boobay waqti uu soo ifbaxay hubka wax gumaada. Ninkaasi wuxuu
isna adeegsan jirey ciidammo jinni oo leh magacyo baas sida: Guulwadayaal,
NSS, Hangash, Dhabar-Jabin iwm kuwaasoo dhammaan ahaa “shinni dadka u
cadaadisa.
3 –
Janan Maxamed Farax Caydiid. Ninkaasi wuxuu isna ahaa “belo” loo soo
diray Soomaaliya iyo dilaagii ugu weynaa uguna axmaqsanaa (doqonsanaa) oo
soo mara taariikhda Soomaaliya. Ninkaasi wuxuu adeegsadey waxa lagu
magacaabo “Mooryaan” magacaasoo haddii loo rogo af Soomaali kale la micne ah
“cayr” ama waxba laaweyaal ama mucsur (fadlan yaan erayga loo qaadan qoyska
Soomaaliyeed oo loo yaqaan magacaas kaasoo ka bilowda xaraf wayn). Shinnida
mooryaanta Caydiid waxay uga duwan yihiin kuwii ay adeegsadeen labada nine e
hore waa iyagoon dhaafin wixii dhulka ka korreeyey iyo wixii dhulka ka
hooseeyey labadaba; magacyo kale oo loo yaqaan waxaa ka mid ah: “diirato,
fiiqato, qodato, dheddig waa dheddig iwm”. Dad kale waxay mooryaanta ku
mataleen “aliens: people from other planets or extraterrestrials”
oo afafka qalaad qaarkood la micne ah dad ka yimid meel ka baxsan koonka/dhulka
uu aadanuhu ku noolyahay. Mooryaantu waa kuwa ay Soomaaliya ka degi
la’dahay 15 sano.
Nasiib darrada hadda taagani waxay
tahay, iyadoo ay “mooryaantii” is abaabushey isuna beddeshey wax lagu
magacaabay “dawlad”, mana filayo in ay cidina i waydiin doonto yaa u
madax ah mooryaanta Soomaaliya maanta taasoo aynnu wada ognahay in
ay yihiin kuwa hor boodaya kooxda ay Xabashidu ku caleemo saartay xerada
Mbagathy ama “doofaarrey” ee Nairobi, Kenya.
4 – Kornayl Cabdullahi Yusuf
Axmed. Asagu waa ayax teg eelna reeb waana
haraadigii kuwii doonayey in ay xukunka dictatooriyada Somaaliya ka dhaxlaan
Maxamed Siyaad Barre. Sida ay cid waliba ogtahay, wuxuu kornaylku u xusul
duubayey 30meeye sano inuu maalin uun fariisto kursiga ugu sarreeya qaran
Soomaaliyeed asagoon kala jeclayn inuu ku fariisto qaab xaaraan ah iyo qaab
xalaal ah, iyo inuu ka haro magac fiican iyo magac xun midna.
Kornaylku wuxuu isagu uga duwanaa
3dii nine e ka horreysey isagoo ujeeddadiisaas xukun doonka ah u adeegsadey
kuwa ugu xun cadow ay Soomaaliyi leedahay oo ah “xabashida”.
Shinnidii uu ninkani adeegsan jirey waxaa ka mid ahaa: dableydii SSDF oo loo
yiqiin dhafoor-qiiq, jirri, calooshood u shaqaysteyaal iyo xabashi.
Inkastoo uu dagal ooguhu ama
boqoshaagu cadaadis badan ku hayo dableyda u adeegta, haddana wuxuu ku hayaa
laaluush joogto ah si ay u kordhiyaan daacadnimad ay u hayaan.
Shaqada adeegayaashooda (shinnida)
dagaal oogayaashu maaha oo kaliya laynta iyo boobka dadweynaha marka uu ku
fasaxo “abaanduulahoodu” maadaama uusan u hayn mushahaar; ee waxay tahay in
ay u sacabiyaan oo indho la’aan ku ayidaan (full suppor) damacooda waalan ee
siyaaso ku sheeg ama hankooda xukun doonka taasoo ah calaamad kale oo ay ka
siman yihiin dagaal oogeyaashu kuwo hore iyo kuwa dambeba. Boqoshaa ama
dagaal ooge kasta waxay adeegayaashiisu ugu yeeraan erayga “Aabbe”: Sayid
Maxamed Cabdille Xasan waxay ugu yeeri jireen “Aabbe Sayidii”; Maxamed
Siyaad waxay oran jireen “Aabbe Siyaad”; Caydiid waxay oran jireen “Aabbe
xoreeye”; Kornayl Cabdullahi Yuusufna waxay yiraahdaan “Aabbe geesi”. Marmar
dhif ah ayay dhacdaa in ay Boqoshaaga shinnidiisu ku gadoodaan oo ka amar
diidaan, afgambiyaan amaba meleggiisa joogaan. Ilaa hadda waynu ognahay in
ay Caydiid dileen kuwii uu tababaray; regiimkii Maxamed Siyaad ay
afgambiyeen kuwii uu tababaray, haddana ay faro ba’an ku hayaan Cabullaahi
Yuusuf haraadigii labadii janan (Siyaad & Caydiid) iyo isaga shinnidiisii oo
wada jira.
Tusaalaha arritaan dambe meel fog
kama doonaynno ee waxaa inaku filan waxa ka socda Nairobi, Kenya:
Shir ku sheeggii ay Soomaalidu ku
xoonsanayd 2da sano dalka Kenya waxaa isugu tegey dad 3 nooc ah:
o
b) nooca 1aad waa dhammaan dagaal-oogayaashii
Soomaaliya oo tiradoodu 50 kor u dhaaftay;
o
t) adeegayaashoodaii (shinnidoodii) iyo
o
j) dad tiro yar oo isugu jira aqoonyahan rag iyo
dumarba iyo odayaal kuwaasoo aan wax cod ahba ku lahayn shirkaas hase
yeeshee meesha u tegey “ha la rooraan run moodey”.
Maxaa meeshaas ka dhacay?
Mar mar ayay Boqoshaaga u socon
waydaa “shimbirayohow heesa sida aan kor ku soo sheegay oo ay shinnidiisu ku
soo jeesataa waase marka ay u helaan geesinnimo.
Kooxda Nayrobi fadhida ayaa hadda u
eg in ay heleen wxoogaa geesinnimo ah ka dib markii ay dhowaan ka
horyimaadeen kornayl Cabdullaahi Yuusuf ayagoo si sahlan u kala tuuray wixii
ay xabashidu u dhoo-dhoobtay oo loogu magac daray xukuumadda. Ayaamo ka sii
horna waaba iyagii ka diidey in uu cid aan baarlamaan kusheegga ka tirsanayn
uusan u magacaabi karin xil golaha xukuumad ku sheegga.
Waxaa markaas is waydiin leh, xaggee
ayay haddaba ka keeneen geesinnimadaas shinnidii Boqoshaagu?
Aniga jawaabtu waa ii sahal oo waxay
ka keeneen joogitaanka dalka dibeddiisa. Haddii ay joogi lahaayeen gudaha
Soomaaliya waxaa hubaal ah in aysan taasi sahal u dhacdeen.
Sababtu waa “fuleynimada” Soomaalida
sidii uu hore ugu tilmaamaya Sayid Maxamed Cabdille Xasan markii uu tiriyey
gabaygiisii “Ta’leyda” oo an ka soo qaatay dhowrkan beyd:
-
o
Soomaali anigaa tamminay Tiilka ay tahaye
-
o
Anigaa tafnidey meeshan iyo Toban
jirkaygiiye
-
o
Anuu iga tus qaataa ninkaan Teeda
garanayne
-
o
Waa wada tukiyo fule hadday Rag isu
tookhaane,
-
o
Tumaalliyo talaamiid ka siman Tororog
Beenaade
-
o
Taraawiixda Sonkaa waxay Tuman Ciyaaraahe
Halkaas waxaa inooga soo baxay in
midka lagu gadooday uu yahay Boqoshaa sun ah (Dagaal-Oooge) kuwa ku kacayna
ay yihiin Shinnidii uu adeegsanayey xaaladdaasoo aynnu ku soo gabagabayn
karno oraahda ah:
“Shaydaan waa yahay wax
Hooyadiis dila; Habar shaydaanna way tahay wax la dilo”
Qore: Maxamed S M Xirsi
HerMoham@aol.com