Barnaamijkii Radio
Xoriyo
08 May 2007.
Dagaallo cadowga lagu jabiyay oo Ogaadeenya ka dhacay.
Kulano Jaaliyadaha Ogaadeenya yeesheen
K/kuxigeenka 2aad ee Jwxo oo khudbad dheer ujeediyey jaaliyada Menisota ee
Maraykanka.
Shir ka dhacay London iyo Northampton ee UK.
======================
Dagaallo cadowga lagu jabiyay oo Ogaadeenya ka dhacay
Wariyaha RX uga soo
warrama gobolka Nogob ee dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo
lagu jabiyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya oo badankoodu
ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan gobollada Nogob iyo Jarar.
05/05/07 Isku-dhoonley dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 9
askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay. Dagaalkani wuxuu dhacay, ka dib markii
04/05/07 ciidammada cadowga Isku-dhoonley dhexdeeda lagaga dilay 3 askari,
kuwaasoo la toogtay iyagoo ku hawllan boobka hantida dadwaynaha.
02/05/07 Kabtii-naag, oo u dhaw Dalaad, waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku
weerareen kolonyo baabuur ah oo ciidammada cadowgu watay, waxayna ka dileen inta
la ogyahay 6 askari, 7 kalana way ka dhaawaceen.
29/04/07 weerar mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen kuwa cadowga
ee fadhiya Isku-dhoonley, waxay ugu gaysteen khasaare lixaad leh oon
faahfaahintiisa la haynin.
28 - 29/04/07, weerarro mir ah oo laba habeen oo isku xiga lagu qaaday Jeerinka,
oo fiiq ka tirsan, waxaa cadowga loogu gaystay khasaare ballaadhan oon
faahfaahintiisa la haynin.
28/04/07, Isku-dhoonley, weerar mir ah oo ciidammada cadowga lagu qaaday, waxaa
la gaadhsiiyay khasaare ballaadhan.
26/04/07 Dagaal ka dhacay Qudhac-Maydal, oo Fiiq iyo Baabili u dhexaysa, waxaa
cadowga lagaga dilay 8 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 26/04/07 Goomaar, oo degmada Shaygoosh ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa
cadowga lagaga dilay 4 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
23/04/07, Koora celista Dharkaynley, oo Dhagaxbuu ka tirsan, dagaal ka dhacay
waxaa cadowga lagaga dilay 11 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
23/04/07 Dagaal sidoo kale ka dhacay Qudhac-Maydal, waxaa cadowga lagaga dilay 6
askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
22/4/07 Dagaal ka dhacay Qabta, oo Sagag ka tirsan, waxaa cadowga lagaga dilay 7
askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
20/04/07 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya hawlgal ka fuliyeen degmada Fiiq,
oo laga warhelay malleeshiyo Dabaqoodhi ah oo halkaas lagu soo uruuriyay,
waxaana Dabaqoodhigii hawlgalkaas lagaga dhaawacay 4, waxaa sidoo kale
ciidammada xoreynta isu soo dhiibay labo ka mid ah.
17/04/07 dagaal ka dhacay Birta Dheer, oo Toon-ceeley u dhaw, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 17/04/07 waxaa ciidammada gumaysiga baabuur Uuraal ah lagaga gubay
Gasaangas, iyadoo baabuurkaas iyo wixii saarnaaba ay halkaas ku bas-beeleen.
16/04/07 Dhanqa, oo Fiiq ka tirsan, weerar oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku
qaadeen kuwa cadowga ee halkaas ku sugan, waxaa cadowga loogu gaystay khasaare
lixaadle oon faahfahintiisa dib ka soo sheegi doono.
Dhinaca kale ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya waxay markii ay
taariikhdu ahayd 24/04/07 dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Guuleed
Maxamuud Sh Xuseen. Waxay sidoo kale isla taariikhdaas ciidammada gumaysigu
tuulada Lehelow ka soo qaqabteen, ka dibna ku soo xidhxidheen xabsiga Wardheer
dadwayne rayad ah oo badan, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Sulub Mohamed Cilmi
2- Xaliimo Sanbuur iyo
3- Xamdi Qorane Sanbuur
Kulano Jaaliyadaha Ogaadeenya yeesheen
Wariyaha RX uga soo warrama dalka UK ayaa noo soo sheegay in jaaliyadaha
Ogaadeenya ee dalka UK ay meelo kala duwan toddobaadkii hore ku qabteen shirar
looga arrinsanayay arrimaha halganka. Shirarkan ayaa ka dhacay magaalooyinka
Birmingham iyo Norhampton.
Shirarkan ayaa lagaga falanqooday sidii loo kordhin lahaa taageerada loo fidiyo
ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee dagaalka kula jira xukuumadda gumaysatada
Itoobiya, isla markaana dunida loogu soo bandhigi lahaa xadgudubyada ay
xukuumaddaasi ka gasho dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
Dadwaynihii shirarkan ka qayb galay ayaa dhammaantood muujiyay sida ay ugu
faraxsan yihiin guulaha waawayn ee ciidammada xoreyntu ka soo hoyiyayaan kuwa
gumaysiga Itoobiya, waxayna dadwaynuhu si gaar ah ugu riyaaqeen hawlgalkii
Cobolle ee dhawaan ay ciidammada xoreyntu ku jabiyeen ciidammada gumaysiga ee
ilaalada ka hayay sharikad laga leeyahay dalka Shinaha oo shidaal ka qodaysay
nawaaxiga Cobolle.
Dadwaynaha ayaa qiray sida ay u taagersan yihiin siyaasada JWXO ee ah in la
ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah ee Ogaadeenya, isla markaana laga horeeyo
xukuumadda gumaysiga Itoobiya ee u soo haliilaysa.
Dadwaynuhu waxay ballanqaadeen inay sii labanlaabayaan taageeradii dhinac walba
ahayd ee ay la garab taagnaayeen dagaalyahamiinta xoreynta Ogaadeenya iyo
siyaasada toolmoon ee JWXO ku hagayso halganka Ogaadeenya oo u muuqda inuu galay
marxaladihii midha-dhalka.
Sidoo kale Jaaliyadda Ogaadeeniya ee wadanka Sweden ayaa todobaadkii hore isagu
timid shir ballaadhan oo ay Jaaliyadu isaga xogwarramaysay hawlgakii Cobolle iyo
guud ahaan arrimaha ku cusub halganka Ogaadeenya.
Jaaliyadu ayaa hawlgalkaas ku tilmaantay mid geesinimo ah oo lagu difaacayay
sharafta iyo khayraadka ummada Ogadeniya.
Jaaliyaddu, iyadoo ku hadlaysa magaca dadwaynaha Ogaadeenya eek u dhaqan dalka
Swedan, waxay ugu baaqday shirkadaha hungurigu kaga jiro inay Ogadeniyan ka
fuliyaan hawlo shidaal qodis inay joojiyaan damacaas oo ay sugaan waqtiga ku
haboon, oo ah marka ay ummada Ogaadeenya u madaxbannanaato inay aayaha dalkeeda
iyo dadkeeda ka taliso.
08 May 2007
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay
15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada &
Sabtida 7:00PM 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2007


|