Wararka Magaalada
Boorame::::
Dhismaha jidka Lamiga ee Dhex mara
Boorama oo mudo bill ah gudeheed ku bilaaban doono...
Boorama: Maayorka Boorama Md C/rahmaan Shide Bille ayaa shalay ku
dhawaaqay in jidka mara badhtamaha Boorama uu mudo bill ah gudeheed ku
bilaaban doono dhismihiisa oo ah mid laami ah iyada oo maalmaha soo socdana
uu maamulkiisu rajaynayo inay soo gaadhaan dekada Ber Bera shixnadihii
daamurka ee hawsha lagu socodsiin lahaa.
Dhawaaqan Shalay ee Maayorka degmada Boorama ayaa noqonaya hadii uu fulo
jidkii u hoereeyay ee laami ah ee tan iyo xiligii ay bilaabantay in magaalo
ahaan loo dego waxaanu maayorka oo shalay shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa
uu ku bilaabay" qorshahayga maanka iigu jiray ayaa ahaa inaan arko Boorama
oo mar uun jid laami ah leh waanay noo rumoobaysaa insha Allah,shan iyo
tobanka cisho ee soo socda ayaan rajaynaynaa inuu barbera soo gaadhaan
Koontiinaradii daamurkii hawsha lagu fulin lahaa oo qiimihiisu tobankun oo
Doolar nagu joogo waxaana naga sii bixiyay oo noo dalbay muwaadinka la
yidhaa Xasan Cali Cismaan[in afbalaadh] oo aanu halkan uga mahadnaqayno,waxa
kale oo isna mahad naga mudan Idiris Cunaaye oo isna markii uu awoodayada
arkay naga damaanad qaaday in wadadu marka ay soo gaadho geerashka carabka
uu isna ilaa Hutelkiisa Rays oo qiyaastii dhan 500 mitir samayn doono
daamurkii iyo wixii kale ee loo baahnaana waa uu dalbay,runtiina waxa ay
mudan yihiin labadaa muwaadin in loo mahadnaqo inta kalena ku daydaan,mida
kale waxaanu qandaraskii samaynta jidkan la galnay shirkadii samaysay wadada
jig jiga yar ee magalada Hargaysa oo qalabkii loo baahnaana haysata"
Maayor Bille waxa kale oo bulshada ku booriyay sidii ay uga qaybqaadan
lahaayeen adeegyada D/hooe ku hawlan tahay oo ah mid umada loogu adeegayo
jadkan hada ha noqoto ,nadaafada oo iyana dhawaan uu bilaaban doono
barnaamij iyo olole wax lagaga qabanayo kaas oo ah mid ilaa tuulooyinka
gaadhi doona,marka lagu daro kor u qaadida adeegyada caafimaadka
waxbarashada iyo biyaha oo hadaba ay deegaanada degmada iyo tuulooyinkeeda
ka wado hayada Unicef iyo D/hoose oo is kaashanaya,waxaanu dadwaynaha ugu
baaqay in quruxda iyo bilicda deegaanka la wada leeyahay sidaa awgeedna qof
kasta looga baahan yahay inuu ka qaybqaato,digniin culusna waxa uu u
jeediyay shirkadaha laydhka,biyaha iyo telefoonada oo uu uga digay
biitooyada ay wadooyinka dhexddooda ka qoteen iyo xadhkaha ay geedaha iyo
meel walba mariyeen kuwaas oo ku amray inay ka fogaadaan meelaha wadooyinka
hadii kale talaabo adag iyo ganaaxba laga qaadi doono.
Ugu dambayntii waxa uu bulshada reer Boorama ku baraarujiyay Xuska maalinta
qaranka soomaaliland ee 18 ka May iyo sida loogu baahan yahay in dadwaynuhu
isugu soo boxo una wayneeyaan

Wariye C/raxmaan Maxamed Habane
Email habane777@hotmail.com
ama habane777@yahoo.com tel/no 4456903
Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2007


|