BISHAARO
DUGSIGA
QURAANKA MACALIM JAMAC
Dugsi lagu
dhigayo Quraanka oo leh jiif laguna
magacaabo dugisga Macalin Jaamaca oo ah
dugsi casri ah oo ah kii ugu horeeyay ee
laga hirgaliyo Somaliya ayaa waxaa dhawaan
laga furayaa magaalada Gaalkacyo. Dugsigaan
oo loogu talo galay caruurta ka soo noqota
dibadaha ee jaaliyadaha Somaliyeed ayaa
waxuu xiriir wada shaqeyn ah la leeyahay
dugsiga caanka ah ee Yamayska Gaalkacyo.
Maamulka dugsiga cusub ayaa waxay u
sahlayaan aradada qurbaha ee wali aan la
qabsan wadanka sidii ay u heli lahaayeen
waxbarashadii maadiga ahayd ee dibada ay ku
haysteen mid ka fiican oo qaasa iyo iyadoo
lagu tarbiyadayn doono diinta Islaamka.
Ardayda subaxdii waxay dhigan doonaan
dugsiga Yamayska Gaalkacyo oo leh waxbarasho
ku saleysan manhajka wadanka Kenya.
Macalimiintiisuna yihiin maclimiin Kenyan ah
oo leh waxbarasho jaamacadeed iyadoo ardada
wax lagu bari doono Luqada Af Ingiriisiga.
Nasasho yar ka dib ayaa galabtii ilmaha
waxay dhigan doonaan Quraanka Karimka ah oo
ay barayaan macalimiin xaafidiin ah. Waxaa
kaloo la barayaa ilmaha aadaabta suuban ee
Islaamka. Waxaa intaas waliba u sii dheer
iyadoo ilmaha laga caawin doono casharada
dugsiga laga soo siiyo(home work).
Waxaa xusid mudan in dugsigaan cusub loogu
magac daray Macalin Jaamac oo ahaa
macalinkii ugu horeeyay ee Somaliya ka
hirgaliyay dugsi quraan casriyaysan ka dib
markuu wax ku soo bartay dalalka Carabta.
Haddaba qofkii doonaya faahfaahin dheeri ah
waxuu kala xiriiri karayaa maamulka dugsiga
cusub masuuliyiintiisa kuwooda dibada ku
sugan oo kala ah:
Imaaraadka
Hussein Ali Dirshe
0971506548803
Email:
dirshe@emirates.net.ae
London -
UK
Mohamed Ali Dirshe
07951897047 (T Mobile)
02084892457 (Shaqo)
02073886421 (Guri)
Email:
dirshem@yahoo.co.uk
London -
UK
Sh Mukhtaar Hirsi Nur
07886657113
01753578506
Email:
muktarnur@yahoo.com
Scandinavia
Mohammed Abdi Ali (Bile)
46 733096856
Email:mohammed.abdi2@comhem.se
Minneapolis – USA
Warsame Kayton
6124834140
Email:
warsamesomali@yahoo.com
Minneapolis – USA
Dr Abdirashid Shire
Mobile: 507 271 2667
Emial:
drshire@yahoo.com
Australia
Dr Ahmed Warsame
613 - 9372-1181
Email:
egal4@iprimus.com.au
Faafin: May
21, 2007