SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Barnaamijkii Radio Xoriyo
22 May 2007.
 
Dagaallo ciidamada cadowga lagu naafeeyay oo Ogaadeenya ka dhacay.
 
Bayaan ay soo saareen gudiga Fulinta JWXO.
 
Dadka ay Telefonadu Guryaha ugu jiraan ee Magaalada Qabridahare oo lacag aad u badan lagu soo dalacay.
 
Dowladda Talyaniga oo sheegtay in ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Somaliya iyo in aan DFKM  loo dhanayn.
======================  
 
 Dagaallo ciidamada cadowga lagu naafeeyay oo Ogaadeenya ka dhacay.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo
badan oo si wayn cadowga loogu naafeeyay oo ka dhacay meelo ka mid ah dalka
Ogaadeenya.

12/05/07 weerar lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo uu lahaa ciidanka
gumaysiga Itoobiya oo maraysay Shaygoosh, waxaa lagu gubay hal baabuur oo
wayn, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkii iyo wixii saarnaa oo dhan.

15/05/07 Dhadhame, oo ka tirsan degmada Fiiq, dagaal wayn oo ka dhacay waxaa
ciidanka cadowga lagaga dilay in ka badan 160 askari. Waxaa sidoo kale
cadowga dagaalkaas lagaga gubay labo baabuur oo waawayn.

13/05/07 Baka, oo degmada Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa caowga lagaga gubay
hal baabuur oo kuwa ciidanka qaada, waxaana halkaas ku bas-beelay baaburkaas
iyo ciidankii saarnaa oo lagu qiyaasay 60 askari.


16/05/07 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya si qasab dadwaynihii degganaa
uga rareen tuulooyinka kala ah Laasoole, Dawacaale iyo Qarsoodi, oo ku
yaalla nawaaxiga Shilaabo, waxayna dadwaynahaas u rareen dhinaca Shilaabo.
Waxayna ciidammada cadowgu  gubeen tuulada Dawacaale.

Sidoo kale Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa hal baabuur ka gubay ciidankii
cadowga ee dadwaynahaas qasabka ku rarayay.

Dhinaca kale waxay ciidammada cadowgu billaabeen inay dadwaynaha ku qasbaan
in dhulka baadiyaha ah laga soo guuro oo tuulooyinka iyo magaalooyinka laga
ag-dhawaado. Waxaa sidoo kale dadwaynaha lagu qasbayaa in loo gooyo kaadhadh
aqoonsi, si dhaqdhaqaaqooda loo kantaroolo.
 
 
Dadka ay Telefonadu Guryaha ugu jiraan ee Magaalada Qabridahare oo lag aad u badan lagu soo dalacay.
 
Dadka guryahoodu ku jiro khadka Telefonka ee Magaalada Qabridahare ayaa lagu soo dalacay lacag aad u badan oo ayna ku hadlin. Lacagtaas ayaa lagu sheegay 5000 kun ilaa inta u dhaxaysa 40,000 oo birr una dhiganta $ 8oo USD ilaa $5,000 USD.

Xafiiska Boostada iyo Telefonada ee Gumeysiga Itooboya ayaa soo dalacy lacagtan, iyada oo aan dadka  loo kala eegin in khadka Telefonku u furan yahay, ama ka xidhan yahay oo uu u soo dhaco iyo in lacagta intaas dhan qofku ku hadley iyo in kale. Dadka ayaa lagu amrey in ay lacagtaas ku bixiyaan dhamaadka bishan May 2007, qofkii ku bixin waayana amar lagu siiyey Milatariga Itoobiya in ay la wareegaan guriga uu Telefonku ku jiro.

Sidoo kale, dadka Magaalada ayaa waxay falkan guracan ku eedeynayaan ninka u sareeya Maamulka Dabaqoodhiga ee lagu magacabao Lugbuur iyo midka Maamulkaas u qaabilsan xaga Nabadgelyada oo booqasho hagardaamo ku jooga Magaalada Qabridahare.

Arintan foosha xun ee ka dhacdey Qabridahare ayaa la saadaalinayaa in ay ka dhici doonta dhaman Magaalooyinka Ogadenia ee leh isgaarsiinta Telefonada oo awalba aad u tayo hooseeyey.

Ma aha markii ugu horeysay ee shacabka dan yarta ah ah laga qaado lacag Gibir ah, waxaana kal hore ay qaar kamid ah Dabaqoodhiga Doolka ah geeyeen fikir ah in dadka u dhashay Ogadenya ee dibadaha jooga ee guryahana ka dhistay wadankoodii laga qaado 5,000 oo bir hadii kale guriga lagala warego.

Lacagahan ayay dowlada gumaysiga Itoobiya u isticmaali doontaa mushaaradka ciidamada gumaysiga ee itoobiya.

 
Bayaan ka soo baxay kulankii Guddiga Fulinta ee JWXO

Guddiga Fulinta ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa kulan
yeeshay intii u dhaxaysay 15 � 19/05/2007, kaasoo lagaga dooday qodobo badan
oo khuseeya halganka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay iyo sida loo
maarayn karo xaaladaha cusub ee ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika.

Kulaknku wuxuu si qodo-dheer u falanqeeyay, una qiimeeyay xaaladda
gobolkaGeeska Afrika, guud ahaan iyo gaar ahaan xaaladda Halganka Xaqa ah ee
Ogaadeenya. Kulanku wuxuu hoosta ka xarriiqay in taliska dhiigya-cabka ah ee
Addis Ababa uu marxalad xun marayo, qabsashadii Soomaaliya ka dib, isla
markaana ay qabsashada Soomaaliya tahay billowgii burburka taliskaas.

Waxaa muuqata inay Itoobiya ku fashiltay qabshadii Soomaaliya oo ayna ka
helin ujeedooyinkii ay ka lahayd oo ay ka mid ahayd daciifinta halganka
shacabka geesiga ah ee Ogaadeenya. Waxaa la isla gartay in maanta ayna jirin
maalin uu ka xoog badan yahay halganka Ogaadeenya, ciidanka cadowguna uu ka
tabar daran yahay oo ka mooraal xun yahay, taasoo laga akhrisan karo
baxsashada iyo amar-diidada ku sii kordhaysa ciidammada Itoobiya.

Markii xaaladahaas oo dhan la qiimeeyay wuxuu kulanku soo saaray go�aamadan
soo socda;

1- Ka dib markii Itoobiy qabsatay Soomaaliya wuxuu galay Geeska Afrika
marxalad cusub, taasoo waajib ka dhigaysa in shacabka Ogaadeenya halgankiisa
xaqa ah uu sii labanlaabo oo uuna marna u dabcin cadowga gumaysiga Itoobiya.

2- Guddiga Fulinta ee JWXO wuxuu hanbalyo iyo bogaadin u soo jeediyay
Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya CWXO guulaha waawayn ee is-dabajooga
ah ee uu ka soo hoyiyay goobaha dagaalka, wuxuuna ku boorriyay inuu sii
labanlaabo hawlgallada uu cadowga la beegsanayo.

 
3- Sidoo kale wuxuu Guddiga Fulintu ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa
shacbiga Soomaalida Ogaadeenya, gude iyo dibadba, siduu u taageero
halgankiisa xaqa ah.

4- Kulanku wuxuu beesha caalamka ee nabadda jecel ugu baaqay inay tallaabo
ka qaadaan gumaadka aan aaba-yeelka lahayn ee ciidammada Itoobiya ka
gaysanayaan dalka Ogaadeenya, isla markaana Itoobiya ku cadaadiyaan inay
joojiso falalkaas argagixisada ah ee bani�aadamnimada ka dhanka ah.

5- Kulanku wuxuu bulsha waynta caalamka ugu baaqay inay u gurmadaan
dadwaynaha Ogaadeenya ee ku tabaalaysan dalka Ogaadeenya gudihiisa iyo
dibadiisaba, ka dib markii ay dhibaatooyin ka soo gaadheen abaaraha
is-dabajooga ah iyo barakicinta uu ku hayo gumaysiga Itoobiya, wuxuuna
hay�adaha samafalka ah ka codsanayaa inayna u dabcin hanjabaadaha kaga
yimaada taliska Addis Ababa ee ah inayna ka hawlgali karin Ogaadeenya.

6- Guddiga Fulintu, isagoo tixraacaya go�aamadii hore ee Jabhadda, wuxuu mar
kale uga digayaa xukuumada gumaysiga Itoobiya iyo sharikadaha shisheeyaha
ahba inay isku dayaan inay ka faa�iidaystaan khayraadka dabiiciga ah ee
Ogaadeenya.

7- Kulanku wuxuu ku baaqay in laga hortago, lana fashiliyo qorshayaalka
gumaysatada Itoobiya ku doonayso inay halganka Ogaadeenya ujeedadiisa iyo
nuxurkiisa kaga been-sheegto.

8- Kulanku wuxuu sidoo kale ku baaqay in la sii xoojiyo midnimada iyo isku
duubnaanta shacabka lama loodiyaanka ah ee Ogaadeenya, isla markaana laga
hortago qorshayaasha uu cadowgu doonayo inuu ku kala qaybiyo.

9- Guddiga Fulinta ee JWXO wuxuu ku baaqay in la sii xoojiyo iskaashiga ka
dhexeeya JWXO iyo ururrada ka soo horjeeda gumaysiga Itoobiya.

10- Wuxuu kulanku go�aamiyay in shacabka Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay
hiil iyo hooba lagu taageero, si ay ugu guulaystaan halganka ay dalkooda
kaga saarayaan ciidammada itoobiya ee  sida gardarrada ah ku qabsaday.

11- Kulanku wuxuu ku baaqay in si degdeg ah oo aan shuruudi ku jirin
Itoobiya ugala baxdo ciidammadeeda dalka Soomaaliya.

12- Guddiga Fulinta ee JWXO wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay taliska
Itoobiya ku cadaadiyaan inuu joojiyo siyaasadiisa dhul-ballaadhsiga ah, isla
markaana uu u hooggaansamo go�aankii guddiga xadka ee Eriteretaya iyo
Itoobiya.
 
13- Kulanku wuxuu canbaareeyay fal kasta oo argagixiso ah, ha ahaado mid
xukuumadeed, mid shakhsiyeed iyo mid kooxeedba e.

14- Kulanku wuxuu beesha caalamka u sheegay in furaha nabadda iyo
xasilloonida gobolka Geeska Afrika uu yahay xal u helidda qadiyada
Ogaadeenya, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay inay xukuumadda Itoobiya
ku cadaadiyaan inay oggolaato xaqa ay shacbiga Ogaadeenya u leeyihiin inay
aayahooda ka tashadaan.


Guddiga Fulinta ee JWXO
19 May 2007

 
 
 
 
Dowladda Talyaniga oo sheegtay in ay ciidamada Itoobiya ka baxaan Somaliya iyo in aan KMG dawlada loo dhaneen.
 
Wasiir K/xigeenka arimaha dibadda dowladda Talyaaniga Mss. Patrizia Sentinelli oo dhowaan booqasho ku tagtay caasimadda Somaliya, ayaa sheegtay in aan loo dhameyn dowladda KMG ah ee Somaliya.
 
Waxaan aaminsanahay bey tiri in xukuumadda Somaliya aanay howleheeda iyo waajibaadkeeda gudan karin, sababtuna waxay ku sheegtay xukuumadda Somaliya oo aan loo dhameyn isla markaana aanan matalin guud ahaanba kooxaha dalka ka jira.
Mss Santineli oo u warameysay idaacadda SAWA ee dalka Mareykanka ayaa muujisay sida ay uga rajo qabto in dowladda Somaliya ay qaadato tallaabooyin u suurta galinaya in xukun wanaag ay la timaado kana hir galiso dhamaan dalka.
 
�Suurto gal maaha bey tiri inaanu dowladda Somaliya ku tilmaamno dowlad loo dhan yahay sababtoo ah wax tix galin ah ma aanay siinin dustuurka dalka u yaalla wayna ku xad gudubtay.
Dhinaca kale Waxa ay sheegtay in dowladdeedu ay ku baaqday in ay ciidamada Itoobiya si dag dag ah uga baxaan dalka Somaliya si loo soo dhameystiro ciidamada wali kala dhantaalan ee midowga africa ka jooga Muqdisha. .
 
Mar wax laga weydiiyay in ay jawaab ka heleen dowladda Itoobiya iyo in kale waxay tilmaamtay in iyagu ay baaqaasi si cad u jeediyeen isla markaana ay tahay arrinta ugu muhiimsan ee ay Itoobiya ka doonayaan in ay ciidamadeeda kala baxdo Somaliya si howsha loogu gacan baneeyo ciidamada Midowga afrika oo ay sheegtay in talyaanigu uu wax ka bixinayo qarashka ku baxaya ciidamadaasi.
 
 
22  May 2007
C/nuur Sh. Maxamed
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM � 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

May 23, 2007

Lix halkaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada, haddii luqunta sare leydin jaro lugaha meermeersha!  Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com