SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 

Isbitaalada Madiina iyo Martiini oo maanta loo qeybiyay deeq gar-gaar ah

 

Isbitaallada magaalada Muqdisho qaarkood sida isbitaal Martiini iyo kan Madiina ayaa maanta loo qeybiyay deeq lacag ah oo ay ugu deeqeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden gaar ahaan magaalada Malmo.

 

Deeqdan lacageed oo dhameyd $,3200 oo dollar ayaa waxay u soo marsiiyeen Faadumo Sheekh Axmed oo wakiil ka aheyd jaaliyaddaasi, waxaana loo qeybiyay bukaanada ku jira isbitaallada Martiini iyo Madiina, sidoo kalena waxaa loo qeybiyay dhowr qoys oo ku barakacay dagaalladii Muqdisho ka dhacay kuwaasoo si gaar ah looga soo ururiyay ceelasha biyaha ee deegaanka Afgooye.

 

Deeqdan oo aheyd mid lacag caddaan ah ayaa waxay jaaliyadda Soomaaliyeed ugu talo galeen in isbitaallada ku yaala magaalada Muqdisho oo u qeybsan labo qeybood loo qeybiyo, waxaana isbitaalka Martiini ku jira askartii ka tirsaneyd ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku naafowday dagaalkii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ee sanadkii 1977dii, kuwaasoo ay ka muuqatay dhibaato aad u baaxad leh iyo raadadkii ay ku reebeen dhaawacyadii ka soo gaaray dagaaladaas, iyadoo qaarkoodna uu laxaadkoodu kala dhantaalan yahay sida Xuseen Xasan Cabdi oo labadiisa gacmood ku waayay, sidoo kalena waxaa ku jira qaar laxaadkooda aanu dhameystirneyn oo ka go’an gacmaha, lugaha, indhaha, qaarkoodna lagu riixayo gaariga cuuryaamiinta.

 

Taliyaha ciidanka cuuryaamiinta ee ku jira Isbitaal Martiini Cilmi C/laahi Carraale oo qaar ka mid ah deeqdaasi ka guddoomay ayaa si weyn uga mahad celiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku  dhaqan dalka Sweden gaar ahaan magaalada Malmo oo aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay soo gaarsiiyaan deeq noocan oo kale ah, wuxuuna ka codsaday jaaliyadaha kale eek u dhaqan dalka dibadiisa ah inay u gar-gaaraan walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

 

Dhinaca kale deeqdii maanta la gaarsiiyay isbitaalka Madiina ayaa waxaa ku jiray bukaan dhan 107 oo qaba dhaawacyo kala geddisan qaarkoodna ay ahaayeen kuwo ku jiray koomo.

 

Daahir Maxamed Maxamuud (Daahir Dheere) oo ah madaxa howlaha Caafimaadka ee isbitaalka Madiina ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan tahay in bukaanka jiifa isbitaalka ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa ay soo gaarsiiyaan deeqdan, wuxuuna Faadumo Sheekh Axmed oo iyadu wakiil ka aheyd jaaliyadaas ku amaanay dadaalka ay muujisay oo uu yiri waa mid aan weligeen xusuusan doonno, bukaankana ku reebi doonta xusuus gaar ah.

 

Lacagtan ay ugu talo galeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku dhaqan ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay xubnihii maanta loo qeybiyay, waxayna si weyn uga mahad celiyeen deeqdan wax ku oolka ah ee la soo gaarsiiyay.

 

Sidoo kale deeqdan lacageed ayaa maanta la gaarsiiyay qoysa agoon ah oo ka barakacay dagaalladii ka dhacay Muqdisho kuwaasoo ku sugan ceelasha biyaha, waxaana si gaar ah laysaga xil saaray qoysaskaas oo u badan kuwo agoon ah.

 

Cali Mahdi Max’ed oo shaaciyay inuu furmay wejigii koowaad ee shirka dib u heshiisiinta

 

Cali Mahdi Max’ed Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa shaaciyay inuu furan yahay wejigii koowaad ee shirka dib u heshiisiinta Qaranka oo dhici doona 14ka Jun 2007da.

 

Md. Cali Mahdi Max’ed wuxuu sheegay in guddigiisu ay durbaba gudo galeen qorshaha shirkaasi lagu wajahayay wuxuuna xusay in haatan ay diyaariyeen qorshaha la xiriira qabashada shirkaas, wuxuuna xusay in 28 xubnood ay haatan diyaar u yihiin inay u ambabaxaan gobollada iyo degmooyinka dalka uu ka kooban yahay si ay ula kulmaan masuuliyiinta gobollada iyo duubabka dhaqanka ee ku sugan gobollada, si ay ugu soo dirsadaan ergadii uga qeyb geli laheyd shirkaas.

 

Cali Mahdi wuxuu sheegay in wada tashiyo badan ay la sameeyeen waxgaradka, siyaasiyiinta, culimaa’udiinka, aqoonyahanka gaar ahaanna haweenka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan xildhibaanada dowladda Federalka si aan tallaab uga qaadano ayuu yiri wuxuuna sheegay in ergada tageysa gobollada iyo degmooyinka ay tagayaan 15 gobol, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Somaliland-na ay u dirayaan ergo caynkan oo kale ah si ay uga qeyb galaan shirka.

 

Cali Mahdi wuxuu sheegay in dhaqaalihii shirka lagu qaban lahaa aanay ilaa iyo hadda wax buuran laga haynin, wuxuuna baaq u jeediyay beesha caalamka inay si deg-deg ah u soo uruuriyaan dhaqaalihii shirkaasi lagu qaban lahaa.

 

Md. Cali Mahdi wuxuu sheegay in shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uu ka madax banaan yahay dowladda Federalka uuna yahay shir qaran oo Soomaali weyn lagu heshiisiinayo.

 

Md. Cali Mahdi Max’ed ayaa horay u sheegay in dhaqaale gaaraya 7 Milyan iyo dhowr boqol loo hayo, wuxuuna sheegay in shacbiga Soomaaliyeed ay la gudboon tahay inay fursaddan ka soo faa’iideystaan.

 

Xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya oo la xaqiijiyay inay ku sugan yihiin xilligan ciidamo Mareykan ah

 

Wararka ka imaanaya xadka isku xira Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaanna halka loo yaqaano Xaar-xaar ayaa sheegaya in ay halkaasi ku sugan yihiin ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo ka socda dowladda Mareykanka.

 

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadaasi ay toddobadkanba halkaasi imaanayeen kana noqonayeen, waxaana taasi u sii dheer in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee AC130 iyo kuwa helicopter-kaba ay haatan halkaasi dul heehaabayaan , iyadoo ujeedada ka dambeysana aan la garaneyn waxa ay tahay, balse waxaa la ogyahay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay goor sii horreysay xilli uu halkaasi ka socday dagaalkii u dhexeeyay dowladda Federalka oo kaashaneysa dowladda Itoobiya iyo maleeshiyaadkii Maxkamadihii islaamiga ahaa ay halkaasi dagaallo ka geysteen, lamana garanayo sababta haatan dib ugu soo celisay in mar kale lagu arko xadka u dhexeeya labada dal ee soomaaliya iyo Kenya, waxayse wararka qaar sheegayaan in ciidamadani ay ka soo dageen maraakiib dagaal oo la sheegay inay gudaha badda Soomaaliya dul ceegaagaan.

 

Max’ed Dheere oo wareegto xilkii guddoomiyanimada kaga qaaday guddoomiyihii Degmada Kaaraan Marwo Sahra xasan Caynte

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ed cumar Xabeeb (m.dheere) ayaa wareegto kaga qaaday xilkii guddoomiyanimada degmada kaaraan ee gobolka Banaadir Marwo Sahra Xasan Caynte oo iyadu 17 sano ku dhowaad guddoomiye degmo ka aheyd degmadaasi Kaaraan.

 

Wareegtadan ayuu Max’ed Dheere xilkii guddoomiyanimada degmada Kaaraan ugu magacaabay C/laahi Max’ed Rooble oo isagu haatan laga soo beddelay Degmada Balcad kaddib markii uu dhowr bilood ku magacawnaa xilkaas, waxaana xilkii guddoomiyanimada Balcad loo magacaabay Max’ud Xuseen Gudbaaye oo haatan si toos ah uga howl gala degmadaas.

 

Wareegtadan ayuu ku faray max’ed Dheere in madaxda gobolka Banaadir ay gacan ku siiyaan guddoomiyaha cusub ee degmada kaaraan gudashada xilkiisa.

 

Shirkii golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay qodobo dhowr ah

 

Shirkii golaha wasiirrada dowladda Federalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa maanta looga hadlay qodobo muhiim ah.

 

Kulankan oo ka dhacay xaunta ku meel gaarka ah ee golaha wasiirrada ayaa waxa ugu horreyn golaha la soo hordhigay qorshe guud oo ku saabsan wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka oo uu soo diyaariyay wasiirka wasaaraddaas Max’ed Ibraahim Xaabsade.

 

Sidoo kalena qoraalkaasi wuxuu ka koobnaa dhowr bog, wuxuuna ka turjumayaa qorshaha guud ee wasaaradda Gaadiidka ay ugu talo gashay gaadiidka kala geddisan ee dowladda iyo kan rayidka ah, qorshe dhameystiran oo ku saabsan howl galka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ay ugu talo gashay in lagu maamulo gaadiidka dowladda iyo kan rayidka ah, kaasoo loo qeybiyay dhammaanba xubnaha golaha wasiirrada si ay u soo akhriyaan ugana soo baaraan degaan si loo ansixiyo shirkan shirka xiga.

 

Sidoo kale shirkii golaha wasiirrada ee maanta ayaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha uu soo hor dhigay qorshaha amniga ee seddaxda bilood ee uu ku howl galayo booliiska Gobolka Banaadir, iyadoo loo qeybiyay 16ka degmo, sidoo kalena degmooyinka aan laheyn saldhigyo booliis si deg-deg loogu sameeyo, qorshahaasoo ka kooban afar qeybood oo ku wajahan howlgalka gobolka Banaadir, waxaana 10kii saldhig Booliis lagu kordhiyay labo saldhig oo noqonaya 18 saldhig, waxaana sidoo kale wasaaradda qorshuhu ay soo diyaarisay gaadiidka uu u baahan yahay ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, si loo xoojiyo nabad gelyada.

 

Gabagabadii kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay ra’iisul wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya prof. Cali Max’ed Geeddi oo ka warramay xaaladda guud ee uu dalka ku sugan yahay iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda, sidoo kalena wuxuu ka hadlay wufuudda dowladda ee ku sugan dalalka dibadda iyo howlaha ay halkaasi ka wadaan.

 

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu kaloo xubnaha golaha wasiirrada u sheegay in loo baahan yahay in wasaarad kasta ay diyaarsato xafiisyadeedii iyo gurigii uu degi lahaa wasiirka isla markaana si deg-deg ah looga baxo hoteelada ay xilligan wasiirradu deggan yihiin si loo yareeyo qarashka faraha badan ee ku baxaya golaha wasiirrada, wuxuuna si deg-deg ah u faray wasiirada inay u sameeyaan howlahaasi sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

Hay’adda World Vision oo isaga baxday degmada Waajid ee Gobolka Bakool

 

Wararka ka imaanaya magaalada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in hay’adda lagu magacaabo World Vision ee ka howl geli jirtay gobolka Bakool gaar ahaan degmada Waajid ay gebi ahaanba halkaasi isaga baxeen shaqaalihii iyo madaxdii hay’addaas.

 

Ka bixitaankan ayaa ka dambeeyay kaddib markii maleeshiyo hubeysan ay u hanjabeen madaxdii hay’addaas isla markaana ay magaalada ku daadiyeen waraaqo digniin ah oo ay ugu sheegayaan in hay’adaas ay si deg-deg ah u joojiso howlaha ay ka waddo halkaas, isagana baxdo gebi ahaanba gobolkaas.

 

Waxaa lagu warramayaa in dhammaanba madaxdii iyo shaqaalihii hay’addaas ay haatan ka dhoofeen degmada Waajid iyagoo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, mana cadde sida ay dib ugu soo noqonayaan mar kale, inkastoo maleeshiyaadkii hanjabaaddii geystay ay sheegeen masuuliyiinta degmada in xabsiga loo taxaabay ayna ugu baaqaan madaxda hay’addaas inay dib ugu soo laabtaan.
 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com