SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
 
Daabaco Boggan | Print

WEFDIGII INGIRIISKA AHAA OO BOOQASHO KU TEGAY MANDHEERA IYO BERBERA

Wefti uu hogaaminayey Wasiirka u qabilsan xukuumadda Ingiriiska Arrimaha Africa Mr. Chris Mullin iyo weftigii uu hoggaaminayay oo booqashada maalmo ah ku yimid dalka Somaliland ayaa shalay subax u bixitimay Dugsiga Tababarka Mandheera iyo Magaalada Berbera e ku taalla Xeebta Badda Cas.
 

Mr. Chris Mullin, iyo weftigiisa oo booqashada Berbera ay ku wehelinayeen labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda iyo Gudaha Somaliland, Marwo Adna Aadan Ismaaciil iyo Md. Ismaaciil Aadan Cismaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Ciger Cumar.

Waxa ay ku sii hakadeen Dugsiga Tabobarka Booliska ee Mandheera oo ah Dugsi Qadiimi ah oo u dhisay Maamulkii Mustacmaradii Ingiriisku, taas oo ahayd Xarunta Tabobarada ee Ciidanka Booliska ee Somaliland, Mr. Chris iyo weftigiisu intii ay booqanayeen Dugsiga Mandheera oo ay hadda ku xaraysan yihiin dufacad Ciidanka Booliska ah oo ku qaata tabobar layli askarnimo iyo Barashada Shuruucda Booliska, waxa ay la kulmeen saraakiisha Maamulka Dugsiga tabobarada Mandheera oo warbixin ka siiyey taariikhda Dugsigaas, iyo dufcadaha Ciidamada tabobarka ku qaatay, kuwa uuu ugu dhammaaday iyo kuwa hadda ku jira iyo baahiyaha ka jira.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Cige ayaa warbixin ka siiyay Dugsiga Tababarka Mandheera isaga oo uga waramay xaalada dugsiga iyo baahidooda waxana uu u balan qaaday Mr. Chris Mullin in uu wax kala qaban doono wixii karaankooga ah iyagoo imikaba ayna ka maqnay caawimada dowlada Ingiriisku siiso Dugsigaa. Ugu dambayntiina, waxa uu halkaa salaan sharaf kaga qaatay Ciidan Boolis ah oo tabobar ugu socdo Dugsiga Mandheera.

Sida oo kalena Mr. Chris Mullin intii ay dhexda ku sii jireen waxa uu u bax xusuus ah oo lagu xusay dadkii ku dhintay Dagaaladii 1aad iyo 2aad ee Adduunka sii dhigay Taalada Cumar ku joog oo ku taalla Duuleedka Tuulada Dacar Budhuq.

Mr. Chris iyo weftigiisa markii ay gaadheen Magaalada Berbera halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Masuliyinta Dowladda iyo Dad tiro badan. Mr. Chris intuu uu joogay Berbera waxa uu booqday Xarunta Dowladda Hoose ee Dekedda berbera, Xarunta Mashruuc Millaxda lagu sameeyo oo ku yaalla Xeebta Batalaale iyo Xerada Ciidanka Badda ee Magaalada Berbera, waxana warbixino kaga dhegeystay masuuliyiinta Maamusha goobahaas.

Mr. Chris iyo weftigiisu markii ay dhammaysteen socodkii ay ku marayeen Xarumaha ay booqdeen ee Magaalada Berbera, waxa qado sharaf ugu sameeyey Guriga Martida ee Berbera, Mayirka Magaalada Md. Cabdi Jaamac Ducaale (Cabdi Musbaar). Waxana Mr. Chris ugu mahad celiyey Masuliyiinta Maamulka iyo Dadweynaha Magaalada Berbera sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen. Mayirka Magaalada Cabdi Jaamaca Ducaale ayaa xafiiskiisa ku gudoonsiyay Hadyad Hidiyo dhaqanka Somaliland ah

Waxa kale oo uu Weftigu u gudbay Dekeda Berbera iyagoo meelo badan oo dekeda ka mid ah kormeel ku maray waxana uu halkaas oo uu kula kulmay Maayirka Dekeda Berbera Cali Cumar (Ali Xoor xoor), halkaas oo uu ka siiyay warbixin iyo sida ay ku shaqayso Dekeda Berbera Maayirku. Intaa ka dibna waxay u sii gudbeen dhinaca Ciidamada Ilaalada Bada isla markaana ay Isaga iyo Wasiiradii la socday salaan ka qaateen Ciidamada

Waxana uu weftigu soo socodkii soo ay ku hakadeen Degmada Dacar Buruq halkaas oo uu kula kulmay Odayaashi degaanka ee wakhtigii Ingiriiska la shaqaynayay, halkaas oo dad aad u faro badan ku soo dhoweeyeen waxayna ku soo noqdeen magaalada Hargeysa 5 Galabnimo

Weftiga Mr. Chris oo maanta soo gebogebaynaya safarkooda Somailand inta aanay gelinka dambe ka dhoofin dalka waxa ay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Labada Gole ee Baarlamaanka. saddexda Xisbi Siyaasadeed iyo Ururada Bulshada Rayidka ah

WAXAA SOO DIYAARIYEY WARBIXINTANI WERIYAHA HALGANEWS U JOOGA MAGAALADA HARGEYSA CABDIFATAX XASAN, WAXAANA SOO TABINAYA HADDA MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2004

Sidee Loo Arkay Dalbashada Ciidamada Shisheeye ee Hub Kadhigista Soomaaliya
Aragtiyaha kala duwan ee ku aadan dalabka Madaxweynaha ee Ciidamada Afrikaanka... warbixin... Guji... Oct 25

somaliaSOMALI ACTION ALLIANCE IYO HAWLGALKA ISBADDELKA BULSHADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MINNESOTA
Soomaalida ku nool Minnesota, USA waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000, kuwaas oo Guji..


Soomaaliya oo AU Weydiisatey 20,000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah::
iyo kal-fadhi kusaabsan Soomaaliya oo  Lagu Qaban doono Brussels.
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD