SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA
 
Daabaco Boggan | Print

JAALIYADA SOOMAALIYEED EE WADANAKA AUSTRALIA IYO SOONKA BISHA BARAKAYSAN.

Muslimiinta Wadanka Australia ayaa waxa ay bilaabeen bisha barakaysan taariikhdu marka ay ahayd  16/10/04 Sabtidii.  Ayada oo uu soonka kusoo beegmay xili laga sii baxayayay qaboobihii Winterka oo uu bilaabanayo xiligii kulaylaha Summerka.   Marwalba ayaa soonku wuxuu uu kusoo beegmi jiray xiliga kulaylaha  ayaa waxaa sanadkan uu kusoo beegmay xili qaboow oo wali aad moodid in lagu jiro xiilgii qaboowga.  Wadanka Australia ayaa xaga cimilda waxa uu kaduwan yahay dunida qaybo badan. Xiliga ay wadamada yurub galayaan xiliyada qaboowga waxaa wadanka Australia ubilaawdo kulayl sidoo kale xiliyada kulaylkana waxaa ubiloowdo qaboow.

Dhinaca kale ayaa waxa uu noqday soonka sanadksan  soonkii ugu gaabnaa xaga saacadaha ay soomayaan Muslimiinta wadanka Australia,  Ayaga oo markii hore soomi jiray ilaa 16,saacadood ayaa waxa ay hada soomaayaan ilaa 14 saacadood. waxa ay ubilaabataa xiliga suxuurta saacadu marka ay tahay 3.30Am. oo ku aadan marka ay utahay shanta galabnimo  5pm. ee xiliga wadanka ingiriiska.

Waxaa  aad arkaysaa umada muslimiita ee kunool wadanka gaar ahaan magaalada Melbourne in markii lagaaro xiliga salaadaaha taraawiixda ay masaajidu buuxaan  aad arkaysid dadka soo daaha in ay waynayaan boos ay dhigtaan baabuurtooda iyo meel ay kutukadaan.

Waxaa kalood indhahaaga ku arkaysaa Soomali badan oo Misaajida kucibaadaysanayo ayaga oo qaarkood ay soo kaxeeyaan dada yaryarta ah ee ay dhaleen si ay ubartaan soonka iyo si ay ubartaan cibaadada iyo fadliga bisha barakaysan.   Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool  magaalada melbourne ayaa waxa ayna lahayn misaajid ugooni ah oo ay ayagu milkiyadiisu leeyihiin waxa ay kutukadaan misaajida kale ee gacmaha ay ujiraan sida Muslmiinta , Masaarida, Lubnaaniyiinta, Albeeniyaanka, iyo Turkida.

Xaafada Heidelberg West. oo  kamid ah xaafadaha ay tiro badan oo soomaal ah ay dagan tahay ayaa waxa ay sameeyaan arin wanaagsan oo inbadan oo muslimiin ah ay aad ugu farxeen, sida ayaga oo diyaariyay wacdi joogto ah oo kabaxayo misaajidka kuyaalo xaafaadaa ee layiraahdo Misaajidke Heidelberg West. wacdigaas oo ay soo jeedinayaan culimda dagan xaafada maalinwalba sheekh ayaa kuqoran. Wacdi gaas oo bilooqdo salaada casar kabacdi ilaa afurka laga gaarayo.

Dhinaca kale  afurku kahor ayaa waxa ay diyaariyaan afur loogu tala galay Muslimiita misaajidka kusoo tukanayo ayada oo uu qofwalbo oo Soomaali ah soo qaadayo wixii uu awoodo ayaa waxa aad arkaysaa markii la aadaamo in loo fariisto arintan oo noqotay mid lala yaabo oo aad arkaysid inbadan in ay leeyihiin hadii aan ka afuro halkan cuno kale uma baahni oo intan ayaa igu filan.

Waxaa kale oo ay Jaaliyada Soomaaliyeed oo kunool magaalada Melbourne ay aad uhadal hayaan Doowlada ladhisay ayaga oo dhaxdooda iskaftaminayo sida soomaalida caada u ah ayaa qaariood waxa ay aad ugu raja wayn yihiin in ay noqon doonto mid isu keeni doonto Umada Soomaaliyeed ayada oo in kalana ay muujinayaan feejignaan oo ay leeyihiin lagama bixin karo tilmaan hada ee bal waan arkaynaa wixii kasoobaxa.

(Waxaa ilaahay kabaryayaa in uu umada Soomaaliyeed dhibka kaqaado, oo uu qalbigooda mideeyo.) waa sida uu marwalba kuduceeyo aabo soomaliyeed oo magiciisa dalbaday in aan labaahin oo dagan xaafada Heidelberg West. Aabahaas oo dadiisu ay tahay todobaatan jir ayaa asagu muujiyo marwalba in umada Soomaaliyeed ilaahay kaqaado dhibka kuhabsaday bishan barakaysana ilaahay ugunaxariisto, marwalba markii aann ku arko masjidka ayaa waxa uu yiraahdaa hadalkan { Soomaalidii aan aqaanay iyo Soomaalida hada jirto.}

Ugu danbeentii in badan oo Soomaali ah ayaa rajo kaqabo   in ay arkaan wadankoodii oo hagaagay. waxwalba oo ilaahay lawaydiisto bishan ilaahay waa aqabalaa . waxaan ilaahay kabaryaynaa in uu dhibka haysta umada soomaaliyeed kaqaado. 

                                 AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN,.

 Qore. Mohamed wali (Xiish)

 Melbourne.AUstralia 
<xiish3@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2004

Sidee Loo Arkay Dalbashada Ciidamada Shisheeye ee Hub Kadhigista Soomaaliya
Aragtiyaha kala duwan ee ku aadan dalabka Madaxweynaha ee Ciidamada Afrikaanka... warbixin... Guji... Oct 25

somaliaSOMALI ACTION ALLIANCE IYO HAWLGALKA ISBADDELKA BULSHADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MINNESOTA
Soomaalida ku nool Minnesota, USA waxaa lagu qiyaasaa 35,000 ilaa 45,000, kuwaas oo Guji..


Soomaaliya oo AU Weydiisatey 20,000 oo Ciidan Nabad ilaalin ah::
iyo kal-fadhi kusaabsan Soomaaliya oo  Lagu Qaban doono Brussels.
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD