SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
::QORMADII MAX'ED XAAJI::
Maxaa ka jira in CIA-du Xamar ku Dishay Ganacsade iyaga u shaqeynayey? | Qore: Maxamed Xaaji... Guji
:::ABAARAHA SOOMAALIYA:::
Baaq Abaaraha Soomaaliya Heysta: Soomaalida Joogta Qurbaha, Soomaalida Gudaha Dalka joogta, & Dowlada Federaalka... Guji...
:BANNAANBAXII MINNEAPOLIS

Soomaalida Minnesota iyo muujinta jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji
::CODSI GARGAAR DEGDEG AH::
Calasey “Ninkaygii oo Kawaanle ahaa baa sidaan ii galay oo aan ku waayey labadeydii Gacmood” Guji...
:::GABAYGA ABSHIR BACADLE::
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} ayaa Gabay iyo geeraar ka tiriyey Aflagadadii loo geystey Nebi Muxamad NNKH GUJI
:::TACSIDA GARAAD C/QANI:::
Maxamed "Abgaalow" oo Tacsi u diray eheladii Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac.. Guji
:::FAALLADII C/SHAKUUR::
Faallo Shirka Baydhabo Ninba Timo Xamar: Bishaaan 26-keeda waxaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay... Akhri
:::MAQAALKII CABDI-MAHDI:::
Aqoonta iyo aqoon-yahanka: waxaan is hordhigeynaa su`aasha oranaysa,  waa kuma aqoonyahan?.. Akhri
:::MACHADKA GAROOWE:::

Booqashadii Kuliyada Waxbarshada Macalimiinta Garoowe & Isbitaalka Garowe Guji
:::DUGSIYADII MUQDISHO:::
Warbixin Dugsigii Hoose/Dhexe ee 1da Maajo ee magaalada Muqdisho... Qore: Jiisow... Guji..
:::MAMNUUCIDA QAADKA:::
Britain oo Mamnuucaysa Qaadka: Akhri Qaadka iyo London
:MAQAALKII CUSMAAN AXMED:
Khudbadii Ciida ee Cade Muuse oo ay u Riyaaqeen Shacabka reer Puntland... WQ. Cusmaan Axmed.. Guji
::KASHAWIITO & TALAADADA::
RIYADU MA RUNBAA?: Xiliftan  Siyaasadeed - Waa sheeko mala-awaal ah - Qaybtii 9aad ee Maqaalkii Kashawiito.. Guji
::COLUMBUS, OHIO::
Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio. USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii... Guji
::GUURKA QURBAHA::

GUURKA SOOMAALIDA EE SHISHEEYAHA 
Cabdinaasir Farah Cilmi Shidde waa 26 jir. Wuxuu dalka Norwey yimid isagoo 13 jir ah..
Guji...

::JAAMACADA BARIGA AFRIKA:

Ardaydii ugu Horaysay oo ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Afrika oo la gudoonsiiyay Shahaadadii Guji
::TB-da & SOOMAALIYA:
Dr. Axmed Yuusuf Guuleed oo sheegay in Cudurka Qaaxadda uu si aad ah ugu fidayo Soomaaliya.. Guji
:::XABSIGA BOORAME::
Xabsiga Boorama  Iyo Maalmihii Xadhigayga| Gobolka Awdal - Qalinkii Wariye C/Raxman Mohamed Habane.. Guji
 

 WARARKII JUNE 19, 2006

  • Xaggee ku sugan yihiin hogaamiye kooxeedyadii laga adkaadey..?

  • Sheekh Shariif “Dowladda iyadoon la soo dooran.ayaa hadana diyaar u nahay wadahadal.”

  • Xaaji Bakiin “kuwa ku faraxsan waxa ka socda Muqdisho Ilkaha ayaa looga siibayaa Biinso…”

  • Ismaaciil Cumar Geele “Umadda Soomaaliyeed muddo cunaha ayaa lahayey waxaa ka fujiyey..”

  • Jabhadda Midowga Xoreynta Ogaadeeniya oo ka warbixisey dagaalo ka dhacay...

  • Mowqifkii Jaaliyadda  Soomaaliyeed ee Birmingham UK....


Xaggee ku sugan yihiin hogaamiye kooxeedyadii laga adkaadey..?

Inta badan hogaamiye kooxeedyadii ku jiray isbahaysigii fashilmay ee la dagaalanka Argagixisada ayaa la sheegay inay isugu tageen deegaano ka tirsan Gobalka Galguduud, iyadoo todobaadkii hore ay gaareen deegaano ka tirsan Ceel-Buur hogaamiyaasha kala ah Max’ed Qanyare Afrax, Bootaan Ciise Caalin iyo Cabdi Nuure Siyaad, waxayna saddexdoodu sheegeen in ay gebi ahaanba ka baxeen isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada oo ay sheegeen in laga adkaaday, sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho la sheegay in ay dooni kaga baxsadeen Muuse Suudi Yalaxow iyo Bashiir Raage, waxaana la sheegay in ay iyana gaareen degmada Ceel-Dheer oo ka tirsan Gobalka Galguduud, waxaa iyana halkaasi ku soo dhaweeyay nin isbahaysiga ka tirsanaa oo lagu magacaabo Ciise ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha ay halkaasi u tageen, hase yeeshee dhamaantood halkaasi ayay ka soo wada jeedaan.

Cabdi Rashiid Shire Ilqeynte oo isagu shalay u waramayay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in uu gebi ahaanba isaga baxay isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada, isagoo sheegay in hubkiisii uu ku wareejiyay Maxkamadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, sidoo kale waxa uu u soo jeediyay Bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Midowga Maxaakiimta islaamiga ah. Waxaa Magaalada Muqdisho haatan ku sugan yihiin Cabdi Shukri, Cabdi Qaybdiid iyo Cumar Finish oo iyana sheegay in ay ka baxeen isbahaysiga, waxaana magaalada Adis-Ababa ku sugan Max’ex Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo isagoo maqan laga qabsaday xaruntiisii. Dhamaantood waxay qireen in isbahaysigii la aasaasay 18-kii Feebaraayo uu kala daatay, isla marakaana ay sheegeen in ay ka baxeen isbahaysigaasi

Sheekh Shariif “Dowladda iyadoon la soo dooran.ayaa hadana diyaar u nahay wadahadal.”

Guddoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa halkaasi shir jaraa’id ku qabtay waxa uuna sheegay in Ujeeda-doodu ay tahay sidii ummadda Soomaaliyeed ay dhibka uga saari lahaayeen isla markaana ay u heli lahaayeen maamul iyo kala dambeyn.

Mar la weydiiyay bal inay wada hadal la galayaan Dowladda Federaalka, waxa uu Sheekh Shariif ku jawaabay “Weli arrintaasi sidii ayay u taagan tahay oo waxaan diyaar u nahay in la wada hadlo”, waxa uuna intaasi sii raaciyay “Dowladda Federaalka aan la dooran ayaana haddana diyaar u nahay in aan wada hadalno”.

Sheekh Shariif waxa uu beeniyay in ciidamadooda ay ku sii jeedaan gobolo kale, isagoo sheegay in ay ku shaqeynayaan rabitaanka shacabka. Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in ay maamul u sameyn doonaan Gobalka Sh/dhexe.

Xaaji Bakiin “kuwa ku faraxsan waxa ka socda Muqdisho Ilkaha ayaa looga siibayaa Biinso…”

Xaaji Bakiin oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Puntland aysan waxba ka quseyn is bedelada ka dhacay Magaalada Muqdisho ee looga adkaaday hogaamiye kooxeed-yadii. “Ciddii lagu arkaa iyadoo sameyneysa dhaqdhaqaaq la xiriira in ay ku taageereyso waxa ka socda magaalada Muqdisho Xabsiga ayaa loo taxaabayaa” ayuu yiri Xaai Bakiin waxa uuna intaasi sii raaciyay “kuwa u qoslaya waa in ilkaha looga siiba Biinso” “Dadkaasi waa Hawiye anaguna waxaan nahay Daarood, Ruwaayaddaasina waxba nakama quseeyaan” ayuu yiri Xaaji Bakiin oo sheegay in Maamulka Putland uu joojiyay wixii banaanbaxyo ah ee lagu taageerayo waxa ka socda Magaalada Muqdisho.

Xasan Daahir Af-Qurac oo Madaxweyne ku xigeen ka ah Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in is bedelka ka dhacay magaalada Muqdisho uu yahay mid kala duwan markii horana ay ka soo bilowdeen USC, kadibna dagaalo dhex mareen, haatan waxa uu sheegay in ay xirteen wax uu ugu yeeray Shaar Maxkamadeed.

Ismaaciil Cumar Geele “Umadda Soomaaliyeed muddo cunaha ayaa lahayey waxaa ka fujiyey..”

Ismaaciil Cumar Geele oo ah Madaxweynaha Wadanka Jabuuti oo u waramayay Idaacadda British Broadcasting Corportaion ayaa ka hadlay xaaladda cusub ee ku soo korortay dalka Soomaaliya, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Ummadda Soomaaliyeed 16-sano ayaa cunaha lagu dheganaa waxaana arrintaasi u kacay inay wax ka qabtaan dad muslimiin ah oo ka dhiidhiyay dhibaata lagu hayay dadkooda”.

Mar waxa laga weydiiyay Ismaaciil Cumar Geele in soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso, waxa uu yiri “wixii ka dambeeyay 11-kii Sibteembar Soomaaliya u malayn maayo in ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso, labo ama hal haddii la leeyahay way ku sugan yihiin, waxaa ka haboon in marka hore la eego dadka fara badan, laguna shaqeeyo rabitaanka Ummadda”.

Ugu dambeyntii Ismaaciil Cumar Geele waxa uu sheegay in dalka Jabuuti uu diyaar u yahay in uu gacan ka gaysto sidii Dalka Soomaaliya loogu soo dabaali nabadgelyo, waxa uuna u soo jeediyay Maxaakiimta iyo Dowlada Federaalka si loo dhameeyo arrimaha jira.

Jabhadda Midowga Xoreynta Ogaadeeniya oo ka warbixisey dagaalo ka dhacay...

War saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska Jabhadda Midowga Xoreynta Ogaan-deeniya ay ku leedahay Magaalada Muqdisho oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in deegaano ka tirsan Dhulka Ogaandeeniya ay ciidamada Itoobiya ka gaysteen xasuuq, carig, dil iyo kufsi kaddib markii shacabku ay diideen waxa ay ugu yeereen maamulkeeda macanga-gga ah.

War saxaaadeedku waxa uu intaasi ku daray in dagaalo ay ka dhaceen deegaanka Daratoole ayna Jabhaddu ku gubtay hal gaari oo ay saanaayeen 30-4- askari.

Waxa kaloo dagaal ka dhacay deegaanka Juqle oo ka tirsan gobalka Qoraxey, waxaana ciidanka Xabashida looga dilay 20 Askari, waxaa kaloo iyana dagaal ka dhacay halka lagu magacaabo Karin-Barqadle oo ka tirsan Gobalka Nogob waxana ciidamada Xabashida halkaasi looga dilay 5-askari 6-kalan waa looga dhaawacay, Guunagado oo ka tirsan Gobalka Dhagaxbuur ayaa isna waxaa ka dhacay dagaal waxaana Ciidanka Xabashida la gaarsiiyay khasaaro naf iyo maalba leh, Sidoo kale waxay dagaalo ka dhaceen Ceelweyne, Shilaabo, Barmiilka iyo Bulaale, waxaana Xabashida halkasi lagu gaarsiiyay khasaaro aad u fara badan.

Warar ku saabsan Ciidamada Itoobiya ee soo galey gudaha soomaaliaya..

Wararka naga soo gaaraya Gobalada Gedo Bakool iyo Baay waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ay soo galeen, waxaana la sheegay in ciidama-daasi ay is daba haystaan laga soo bilaabo Gobalka Gedo ilaa iyo Gobalka Baay.

Dadweynaha ku nool Gobaladaasi ayaa iyagu walaac ka muujiyay ciidamada Itoobiya ee soo galay xuduuda Soomaa-liya, iyadoo dareenka dadka uu yahay mid aad u kacsan.

Ciidamo aan sidaa u tiro badneyn ayaa soo gaaray garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, iyadoo maalintii shalay gebi ahaanba la xayiray dhaqdhaqaaqii garoonka ha noqoto diyaaradihii ka soo degayay ama ha noqoto dadka soo booqanayay.

Warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamo laga keenay Puntlanad ay iyana ka soo degayaan garoonka Baydhabo kuwasoo la doonayo in lagu xoojiyo ciidamadii horey u joogay magaalada Baydhabo.

Dowladda Itoobiya ayaa iyadu ka hadashay ciidamada ka gudbay xaduuda Soomaaliya, waxayna sheegeen in ciidamadaasi ay yihiin Dowladda kala qayb-qaadanaya sugida Ammaanka.

Max’ed Ibraahim Bilaal oo ka mid ah Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxa uu sheegay in dadweynaha gobalada Bay iyo Bakool ay go’aansadeen in ay iska saaraan Ciidamada Itoobiya iyo C/llaahi Yuusuf waxa uu wato, waxa uuna sheegayin haatan ciidamo ay ku uruurinayaan Magaalada Buurhakaca si ay uga hortagaan ciidamada Itoobiya.

Max’ed Ibraahim Bilaal waxaa kaloo u hanjabay 125-tii Xildhibaan ee u codeeyay in ay dalka soo galaan ciidamo shisheey, waxaana la sheegay in qaarkood ay shalay ka dhoofeen Magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa la xiray xaruntii Idaacadda Shabeele iyo waliba iyadoo xabsiga loo taxaabay shaqaale ka shaqeynayay Idaacaddaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 19, 2006


Mowqifkii Jaaliyadda  Soomaaliyeed ee Birmingham UK 

Jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool magaalada Birmingham ee UK, waxay si Buuxda u taageereysaa ;Kacdoonka shacbiga oo ay hogaaminayaan midowga maxaakiinta islaamiga ah 

wixii kadanbeeyay 91 waxay soomaaliya ku sugneyd xaalad hoos u dhac dhaqaale iskaashi bulsho la’aan,  caafimaad daro iyo nabad gelyo xumo kadib markii dowladiina lariday mid kale oo awood lehna la unki waayey.  

jaaliyadu waxay aaminsan tahay,  in ay fursadani tahay,  tan ugu dhow ee qaranimo Soomaaliyeed lagu gaari karo, maadaama qab-qablayaasha dagaalku ay ummadda, xal dowladnimo u horseedi waayeen isla markaana ay mudo 16 sano ah diideen xal kasta oo la keeno in ay aqbalaan. 

Waxaan maxaakiimta iyo shacabka soomaaliyeed ku bogaadineynaa guusha u soo hoyatey, waxaana ku dhiirigelineynaa in ay fursadaan si isku duubni ah ugu miro dhaliyaan. 

Jaaliyaddu,  waxaa kale oo ay ka soo horjeedaa: 

-in Soomaaliya ciidan shisheeya oo la keeno saf hore iyo dambe toona.

Soomaalidu guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka reer muqdisho waxay ku cibro qaateen dhibaatooyinkii ciidamada shisheeye ay u geysteen oo isugu jirey, naf, maal , dhaqan xumo iyo cudurada faafa. 

sidaas  darteed, waxaan beesha caalamka u soo jeedaneynaa in ay kacdoonkaan u arkaan mid ku saleysan doonista shacabka soomaaliyeed laguna gaarayo amni iyo kala danbeyn. 

Waxaan kacdoonkan shacabka iyo hogaanka maxaakiimta u rajeynaa guul.

Walaalayaal mahadsanidiin. 






Jaaliyadda Soomaaliyeed Birmingham, UK

Waxaa soo tebiyey
Aweis Hilowle | aweishilowle@hotmail.com


Guddoomiyaha G/Mudug, C/Rashiid Cali Xaashi Dhuubane oo Fadwooday... DHEGEYSO


Wararkii JUne 17, 2006

Banaanbax looga soo horjeeday Ciidamo shisheeye oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho...

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbax kii ugu balaarnaa oo ka dhacay Magaalada waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana soo qabanqabiyay kacdoonka Shacabka, waxayna dadku wateen boorar ay ku qornaayeen “Dooni meyno Ciidamo shisheey noocay doonaanba ha ahaadeene” “waxaan kalsoonidii kala laabanay Baarlamaanka” “Mareykanku ha joojiyo faragelinta uu ku wado Soomaaliya” “Itoobiya Dooni meyno” iyo eryo kale.



Culuma’udiinkii halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Midowga Maxaakiimta Sheekh C/qaadir Cali Cumar waxa uuna sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in wadankooda ay yimaadaan ciidamo shisheey qaarad kasta haka yimaadaane, waxa kalloo uu sheegay in ay ka hortagi doonaan ciidamo shisheeye oo soo gala wadanka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay aad uga xumaatay go’aankii Baarlamaanka ee ugu yeeray Caddowga ummadda Soomaaliyeed.


Waxaa kaloo ka hadlay k hadlay Guddoomiyaha Kacdoonka Difaaca Diinta, Axmed Qare oo sheegay in ay naftooda u huri doonaan dalkooda iyo diintooda, ciidamo shisheeye oo la keeno dalka Soomaaliya, “Dalka haatna waa nabad siiba Magaalada Muqdisho marka looma baahna ciidamo shishee oo nabad suga” ayuu yiri Qamed Qare oo intaa raaciyay waxaan aad uga xunnahay in Shariif Xasan oo aan ku soo dhaweenay magaalada Muqdisho uu maanta Ummadda Soomaaliyeed u soo horseedo caddowga Ummadda Soomaaliyeed, waana mid aanan ka fileyn.



Banaanbaxa oo ahaa mid si aad ah loo soo abaabulay ayaa waxaa tabinayay war fidiyeeno ka socday beesha caalamka, waxayna si aad ah ula yaabeen Boor ay ku qornayeen “Bush dhegahaaga iyo indhahaaga fur”.


Dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu walwal weyn ka muujiyay in Soomaaliya waqtigaan la keeno ciidamo shisheeye, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah macallin Wax ka dhiga Jaamacadaha Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in waqtigaan aysan Soomaaliya u baahneyn Ciidamo shisheeye, sidoo kale waxaa iyana arrintaani ka soo horjeestay Culuma’udiinka Gobalada Baay iyo Bakool oo sheegay in ay la jihaadi doonaan cid kasta oo Soomaaliya u soo horjseeda Ciidamo shisheeye.

Golaha Midnimada iyo Badbaada Qaranka Soomaaliyeed ayaa isagu waxa uu sheegay in ay si weyn uga soo horjeedaan in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye noocaan doonaanba ha ahaadeene, iyagoo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay ku timid is bedel weyn oo dhinaca nabadgelyada ah kaddib markii ay Maxaakiimta ka adkaadeen qabqablayaasha dagaalka oo iyagu hor taagnaa in ay Soomaaliya hesho nabad buuxda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 18, 2006

Isha: codka: Radio daljir

TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA::: Akhri...:

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD