SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LONDON

BAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

LONDON 21/04/07 

Shir ay ku yeesheen waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, culumaaudiinka, haweenka & dhalinyarada jaaliyada beesha Daarood ee ku dhaqan magaalada LONDON, socdayna muddo 3 asbuuc ah ayay beesha uga doodeen waxyaabaha foosha xun ee ka socda dalka Soomaaliya & doorka ay ka qaadan karaan xallinta dhibaatada ka taagan iyo ka xoreynta dalka gumeysiga Tigreega ee ku soo duulay.

Dood dheer iyo falanqayn kadib waxay isku afgarteen in aan laga aamusnaan karin fal gaboodka iyo xasuuqa ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho ciidamada cadawga ee ETHIOPIA  & damiirlawayaasha u adeega.

Waxaan u tacsiyeynaynaa dadkii Soomaliyeed ee lagu xasuuqay magaalada Muqdisho & kuwii ku barakacay & kuwii ku dhawacmay.

Waxaan si cad uga soo horjeednaa sida xaqdarada ah ee gumeystaha ugu soo duulay dalkeena.

Waxaan ugu baaqeynaa ummada Soomaliyeed in si wadajir ah dalka & diinta loo difaaco, lagana qayb galo  dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha  & u adeegayaashiisa.

Waxaan ugu baaqeynaa dhalinyarada walaalaheena ay soo qaldeen damiirlawayaasha Tigreega u adeega inay ka baxaan dagaalka lagu xasuuqaayo walaalahayaga Soomaliyeed, ayna la saftaan xoogaga difaaca dalka ee halganka ka wada magaalada Muqdisho iyo dhamaan dalka.

Waxaan ugu baaqeynaa ciidamada gumeysiga Ethopia ee sida sharcidarada ah u soo galay dalkeena inay si dag dag ah oo aan shuruudi ku xirneyd uga baxaan Soomaaliya.

Waxaan cambaareyneynaa xasuuqii iyo duqeyntii ay u geysteen diyaaradaha Mareykanka, Ethiopia & Kenya dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan gobalka J/HOOSE.

Waxaan garab taagan nahay walaalaheena Soomaliyeed ee halganka kula jira ciidanka cadawga ah ee dalka ku soo duulay.

Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa inay soo faragaliyaan mashaakilka ka taagan Soomaliya,ayna si dag dag ah gurmad bini aadanimo ahna la garaan dadka lagu xasuuqa magaalada Muqdisho,iyo kuwa soo barakacay ee ku nool gudaha dalka ee dhibaateysan ee aan heysan nolol iyo nabad.

Waxaan si cad uga soo horjeednaa qabsashada ciidamada cadawga ee qabsaday dalkeena guud ahaan min Raaskambooni ilaa Loowyacade.

Waxaan si buuxda kalsoonida uga la noqonay oo aan horeyna u diidnay dowlad ku sheega naxashka saran ee ku timid gacan ku rimiska cadawgeena ETHIOPIA IYO KENYA, si dalka loogu qabsado damiirlawayaal u adeega oo muuqa ka ah Soomali balse fulinaaya danaha cadawga uu ka lee yahay dalka , dadka iyo diinta.

Waxaan cambaareynaa urur gobaleedka IGAD oo aan daacad  iyo dhax dhaxaad ka aheyn arimaha Soomaaliyeed, balse noqotey waa IGAD goob ay ku adeegato Ethiopia.

Waxaan si buuxda u taageeraynaa halganka shacbiga Soomaliyeed ee dalka looga xoreynaayo gumeysiga Tigreega ee dalka ,dadka iyo diinteena ku soo duulay.

Waxaa mar kale cambaareynaa Dowlada Ethiopia  oo dalkeena ku soo duushay & dowlada KENYA oo had iyo jeer qayb wayn ka qaadata shirqoolada loo dhigaayo Soomaaliya.

Waxaan si cad u diidnay  shir ku sheega ay wadaan u adeegayaasha Tigreega ee doonaya inay beesha caalamka ku marin habaabiyaan qabasho shir  ujeedo laga leeyahay, oo ay horboodayaan dad aan sumcad ku laheyn dadka Soomaliyeed ,kuwaas ah dagaal oogayaal.

Waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa in la furo maxkamad lagu baaro tacadiyada iyo xasuuqa ka jira Soomaaliya ,maxkamad baarta dambiyada laga galaya dadka shacabka ah ee Soomaliyeed ,si sharciga loo taago dagaal oogyaasha maataleyska ah.

Ugu dambayntii waxaan ummada Soomaliyeed ugu baaqeynaa inay iska iloobaan farqiga yar ee u dhaxeeya ,ayna meel uga soo wada jeestaan cadawga qabsaday dalkeena ee xasuuqaya maatadeena iyo kuwa uu ku adeeganaayo ee aan damiirka wadanimo iyo tan islaanimo laheyn.

Shir gudoonka jaaliyada Daarood ee London 

  • 1 – MR :MOHAMED AMIIN
  • 2 – DRS AMINA WARSAME
  • 3 – MR:SULDAAN MOHAMUD GARYARE
  • 4 –MR: ABDULQADIR FARAH
  • 5 – DRS MARYAN FARAH GOOJE 

Waxaa bayaanka ku saxiixan oo shirka ka qayb galay

  • 1 – YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF
  • 2 – ABDINASIR GUURE FARAX JEER
  • 3 – ZAKARIYE MOHAMUD AHMED
  • 4 – ABDIRISAQ AHMED MOHAMED
  • 5 – ABDULQADIR ALI HIRAD
  • 6 – BASHIIR GACAL
  • 7 – ABDULQADIR SHEELARE
  • 8 – AHMED DAGAAL
  • 9 – DEEQ JAMA ALI
  • 10 – ALI WARSAME MUSE
  • 11 –AHMED DHERE
  • 12 – BASHIIR YUSUF ALI
  • 13 – BILE AHMED ALI
  • 14 – MOHAMED NUR
  • 15 –JAMA YUSUF AHMED
  • 16 – AHMED WARSAME
  • 17 – DR; CAWIL ALI
  • 18 –  DR;AHMED MUSE
  • 19 –  DR:KHALID ALI NUR
  • 20 –DR: BILE AHMED FARAH
  • 21 –DRS : FADUMO AHMED
  • 22 –  ENG :JAMA MUSE
  • 23 – ENG :FARAH SICID
  • 24 – ENG :ABDI ALI WARSAME
  • 25 – ENG:AHMED MUSE ALI
  • 26 – PROF: ALI KHALID WARSAME
  • 27 – PROF : DALMAR AHMED
  • 28 – PROF : YUSUF AHMED
  • 29- GEN: HUSSEIN SHUQUL
  • 30 : GEN: ALI MOHAMED
  • 31 – COL: ALI WARSAME MOHAMED
  • 32 – COL: MOHAMED YUSUF
  • 33 – COL: ABDIWAHAB ALI AHMED
  • 34 – HOOYO MARYAN KHALID
  • 35 – HOOYO AYAAN NUR
  • 36 - HOOYO HUDA MOHAMED
  • 37 – SAFIYO MOHAMED ABDI
  • 38 – FAYSAL SICID YUSUF
  • 39 – ABDISHAKUR MIRE
  • 40 – DURAN AHMED FARAH

La xiriir: Yuusuf Maxamed Cabdi Yuusuf
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 21, 2007


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com