SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Warar: May 11, 2007

  • Xildhibaan reer Uganda oo ka ka hadlay xaalada ciidankooda ku sugan Soomaaliya...
  • Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee Suuriya Oo Qabtay Xaflad Sharafeed Loogu Mahad Celinayey Ganacsade Reer Suuriya Ah Oo Wiil Soomaaliyeed Gargaar U Fidiyey.
  • Qarax Xoogan Oo Laga Wada Maqlayey Guud Ahaan Caasimada Oo Khamiistii Ka Dhacay Agagaarka Taleex.
  • Dad Ku Barakacay Dagaaladii Muqdisho Oo Deeq La Gaarsiiyey
  • Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya oo Casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa liibya
  • Prof. Cabdurahman M. Cabdullahi iyo Prof. Yahya Haji Ibrahim oo la kulmay jaaliyadaha Norway ...
  • Isbitaalladii gaarka loo lahaa ee ku xirmay dagaalladii Muqdisho ka dhacay oo haatan dib loo furay

Xildhibaan reer Uganda oo ka ka hadlay xaalada ciidankooda ku sugan Soomaaliya...

xildhiban u hadlay dowlada dalka Uganda oo ka howlgalo Soomaaliya tiro dhan 1500-askari kuwaas oo ka mid ah ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa waxay cabsi weyn ka qabaan in ciidammo Afrikaan ah ay nabad ilaalin ahaan u tagaan gudaha dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Hussein Kamuja oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dowlada Uganda ayaa hadalkaan u sheegay in baarlamaanka dalka Uganda uu si weyn u cambaareynayo dalalka Afrikaanka ah ee horey ugu baaqay in ay ciidammo ka howlgala Soomaaliya ay u diri donaan dhaqso kuwaas oo weli ka cago-jiidaya inay ciidammo geeyaan Soomaaliya.

"Ciidammadeenu waxay noqonaysaa inay ka soo baxaan Soomaaliya, haddii aan loo helin ciidammo kale oo Afrikaan ah oo nabad ilaalineed, waayo ma aqbalayno inay dhibaatooyinka Soomaaliya oo dhan dusha u ritaan ciidammadooda" ayuu yiri Hussein Kamuja oo sheegay inay ka fiirsanayso dowladdiisa inay ciidammadiisu sii joogaan Soomaaliya.

sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ee Uganda Crispous Kiyonga ayaa isne meel fagaaro ah ka sheegay sida aysan ugu qanacsanayn inay ciidammadeeda oo keliya ku sugnaadaan Soomaaliya, waxuuna intaa raaciyey in Qarammada Midoobay ay weydiisan doonaan inay ciidammo nabad ilaalin ah u dirto Soomaaliya.

"Haddii codsigeennaan uu noqdo mid meel mara, waxaan kala baxaynnaa ciidammadeena gudaha dalka Soomaaliya, mana dhacayso inaan ku sii sugnaanno" ayuu yiri Kiyonga oo sheegay in ciidammadooda aysan awood u lahayn inay nabadda Soomaaliyo oo dhan ilaaliyaan.

waxaa haatan ku sugan gudaha dalka somaiya Ciidammada Uganda ah muddo 3-billood ah ayay sheegayaan welina ma helin wax mushaar ah oo horey loogu balanqaaday ciidammada AMISOM ee ka imaanaya dhanka Midowga Afrika, sababta ayaa ugu weyn carada ay qabaan Madaxda dalka Uganda.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com

Ururka Ardayda Soomaaliyeed Ee Suuriya Oo Qabtay Xaflad Sharafeed Loogu Mahad Celinayey Ganacsade Reer Suuriya Ah Oo Wiil Soomaaliyeed Gargaar U Fidiyey.

Xaflad sharafeed ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suuriya , laguna qabtay Xarunta ururka macalimiinta ee magaalada Dimishiq, Ayaa waxa loogu mahad-celiyey ganacsade reer Suuriya ah oo gargaar bani-aadanimo u fidiyey wiil yar oo Soomaaliya

 

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen madax kala duwan ayaa waxa ka mid ahaa , Ganacsadihii xaflada loogu mahad naqayey oo isagu hore u ahaan jiray xubin Golaha shacabka ee dalka Suuriya Md. Xasan Al-sibaahi, waxa kale oo ka mid ahaa madaxdii ka soo qayb gashay Xoghayaha Qaybta Wadamada Carabta ee Xisbiga dalka ka arrimiya (Al-ba’ath) C/kariim Cuweyda, Qusulka Safaaradda Soomaalida Maxmed Xasan,Xoghayaha Safaaradda C/raxmaan Sh.C/qaadir , Xoghayaha Xisbiga Al-Ba’ath ee qaybta Soomaalida Sahra Maxmed Fariid , Madaxa ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suuriya Ismahaan C/laahi, Guddoomiya ku xigeenka Jaaliyadda Soomaalida Maxmed Daahir, iyo G.G.Odayaasha Soomaalida C/raxmaan Taamow. iyo dadweyne Soomaaliya iyo Suuriyiin isugu jira.

Madaxa Ardayda Soomaaliyeed Ismahaan C/laahi ayaa waxa ay iyada oo ku hadlaysa magaca Ardayda Soomaaliyeed mahad balaadhan u soo jeedisay ugu horayn hogaanka dalka Suuriya madaxweyne Dr. Bashaar Al-asad , xukuumadda iyo shacabka Suuriya sida ay Soomaalida isu garab taagaan dhibaatada had iyo jeer la soo gudboonaata, waxa kale oo ay mahad aad u balaadhan u soo jeedisay Md. Xasan Al-Sibaahi sida Islaamnnimada iyo walaaltinamada leh ee uu ugu diirnaxay wiilka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaadhay markii uu ka daawaday T.V-ga Aljazeera warbixin uu ka soo tabiyey dhibaatada wiilka oo aan Aabihii iyo Hooyadii midna haatan noolayn.

Waxayna intaas ku dartay Ismahaan in talaabadaas uu qaaday ilaahay agtiisa ajar iyo xasanaad looga qori doono, Qofkasta oo Soomaali ahina uu mahad balaadhan u hayo Md.Al-Sibaahi Gargaarka uu U fidiyey Muuse Cosoble Afrax oo dagaalada Muqdisho dhibaato ka soo gaadhay ka dib markii firidh madfac uu laf-dhabarta ka haleelay ilaa maanta firir ku jiro.

Waxayna hadalkeeda ku soo gabagabaysay Ismahaan in ay ka xunyihiin haday ardayda Soomaaliyeed yihiin dhibaatada ka taagan Soomaaliya Gaar ahaan faragalinta ay dawladda Itoobiya ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Md.Xasan Al-Sibaahi oo isaguna hadal Kooban madasha ka soo jeediyey ayaa sheegay in ay arrintani tahay waajib saarnaa oo uu gutay, hadeerna rajeynayo in uu wax u qabto qofkasta oo Soomaaliya oo dhibaataysan wixii awoodiisa ah, isla markaana uu shacabka Soomaaliyeed ilaahay uga baryayo in uu dhibaatada ka dulqaado,wuxuuna intaasi ku daray in labada shacab Suuriya Iyo Soomaaliya xidhiidh walaaltinnimo oo qoto dheer ka dhaxeeyo, ugu danbayntii waxa uu tibaaxay in uu u mahadnaqayo dhamaan xubnihii ka soo shaqeeyey xafladan.

Waxaana halkaasi lagu guddoonsiiyey Md. Xasan Al-Sibaahi Bilad Sharafeed, waxaana guddoonsiiyey Qunsulka safaaradda Soomaalida Maxmed Xasan isaga oo magaca shacabka Soomaaliyeed ku guddoonsiiyey Biladaasi.

Wiilka gargaarka loo fidiyey Muuse Cosoble Afrax ayaa waxa si buuxda u kafaalad qaaday noloshiisa iyo wixii daaweyntiisa ku baxay Md. Al-Sibaahi, waxaana lagu daaweeyey wiilka Cisbitaalada dalka Suuriya, in kasta oo aanu wali socon Karin lana sheegay in uu u baahan yahay qalitaan culus, ayaa haddana waxaad dareemaysay sida uu isu badelay, tan iyo markii laga soo qaaday magaalada Muqdisho muddo haatan laga joogo Afar Bilood, uuna helay daryeel caafimaad.

Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya
asadlaska@hotmail.com

Qarax Xoogan Oo Laga Wada Maqlayey Guud Ahaan Caasimada Oo Khamiistii Ka Dhacay Agagaarka Taleex.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan oo laga wada maqlayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa ka dhacay wadada isku xirta Hotekii Ex- Taleex, iyadoo wali aan la ogeyn qaraxaan qasaaraha uu geeystay.

Qaraxan oo ahaa mid weyn oo gil-giley deegaanada ku dhow dhow meesha qaraxani ka dhacay ayaa ku cusbaa dhegaha daka tan iyo intii ay istaageen dagaaladii lagu hoobtay ee dhowaantan ka dhacayey magaalada muqdisho .

Warar xogogaal ah ayaa saaxafada u xaqiijiyey inuu qaraxani mid aad weyn oo sida la sheegay gaysan kara khasaare xoogan waloow aysan jirin warar sheegaya qasaaraha ka dhacay halkaas inaan la xaqiijin karin ,qaraxa oo ku aadanaa Khamiistii aroornimadii 8-subaxnimo iyo daqiiqado ayaa ahaa mid laga wada maqlayey guud ahaan caasimada muqdisho.

Goob joogayaal ka ag dhowaa deegaanka qaraxani ka dhacay ayaa sheegay in islamrkiiba qaraxa kadib ay halkaas isku gadaameen ciidamada dowlada KMG ah islamrkaana aysan jirin cid si dhab ah u ogaatay khasaaraha iyo halka uu ku qaraxan lala beegsaday iyo waxa uu ahaaba ,iyadoo ay xireen ciidamada dowladu wadooyinka soo gala halka qaraxu ka dhacay .

Qaraxyada lala beegsanayo ciidamada dowlada KMG ah ayaa kusoo badanaya magaalada muqdisho iyadoo habeenkii Khamiistu soo geleysey fiid horaadkii qarax lala beegsaday baabuur nooca loo yaqaano nissanka oo ay saarnaayeen tiro askar ah oo ciidamada booliska dowlada KMG ah iyagoo xiligaa marayey agagaarka Isgoyska wadada Aadan Cadde,islamrkaana la sheegay inuu qaraxaasi ahaa bam-gacmeed lagu tuuray baabuurkaas oo wadadaas marayey .

Qaraxyada isdaba jooga ah ee lala beegsanayo ciidamada dowlada KMG ah ayaa kusoo beegmaya xili ay ku dhex jiraan bur-burinta dhismayaasha dadku lahaayeen ee ku dhisnaa sharci darada islamrkaana ay meelo badan oo uu kamid yahay suuqa weyn ee bakaaro ,wadada sodonka ,jidka wadnaha ,KM-4 iyo meelo kale ay ka bur-buriyeen meheradaha laga dukaamaysto ee ka samaysnaa jiingadaha iyo al-waaxda.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Dad Ku Barakacay Dagaaladii Muqdisho Oo Deeq La Gaarsiiyey

Golaha samafalka iyo horumarinta soomaaliyeed wuxuu deeq raashin ah oo ka kooban Bariis iyo Saliid gaarsiiyey 540 qoys oo ka mid ah dadkii ku barakacay dagaalada Muqdisho, kuwaasoo degan Km 13 iyo Km 14 (Xanaanada digaagga ) .

Lacagta lagu iibiyey deeqdan waxay  Golaha ka soo gaartay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland magaalada  (Murmaki) iyo  Jaaliyadda Ingiriiska magaalada ( Manchester).

Baaq & Mahadcelin

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahadcelinayaa  dhammaan dadkii ku tabarrucay deeqdan.

Deeqdan la gaarsiiyay ma ahan mid ku filan dadka ku dhibaataysan daafaha magalada Muqdishu oo aay haaystaan dhibaatooyin badan oo  kala duwan , sidaas darteed Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay kaalmo u fidiyaan walaalahooda dhibaataysan .

 

Waxaana kaalmadiina ku soo hagaajin kartaan accounada Golaha ee kala ah :-

 

No

Magaca shirkadda

Account Number

1

Qaran Express

117

2

Dhabashiil Bank

2283

3

Amal Bank

11073

4

Global Money Transfer

21042

5

Tawakal Bank

309

6

Mustaqbal Bank

22315

 

 

 

 

Golaha samafalka iyo horumarinta soomaaliyeed wuxuu deeq raashin ah oo ka kooban Bariis, Sokor, Saliid, Oomo iyo Firaash / Barkimo gaarsiiyey bukaanjiifka isbitaalka Madiina .

Deeqdan ayaa ka koobneyd :-

Bariis        50 Loor
Sokor 25 Loor
Saliid         25 Kartoon
Oomo        40 Kartoon
Firaash & Barkimo       100 Xabo

Lacagta lagu iibiyay deeqdan ayaa ka timid shirkii aqoonyahanada ee ka dhacay magaalada Lester ee dalka Ingiriiska.

Baaq & Mahadcelin

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan dadkii ku tabarrucay deeqdan,

Deeqdan la gaarsiiyay ma ahan mid ku filan dadka ku dhibaataysan isbitaalka Madiino oo ay dhibaatysan yihiin bukaanka ku sugan isbitaalka, sidaas darteed Goluhu wuxuu ka codsanayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada & Jaaliyadaha dibedda in ay si wax ku ool ah uga qeyb qaataan howlaha lagu gargaarayo walaalahooda ku barakacay dagaaladii Muqdishu.

Waxaana kaalmadiina ku soo hagaajin kartaan accounada Golaha ee kala ah :-

No    Magaca shirkadda        Account Number
1      Qaran Express                        117
2      Dhabashiil Bank                    2283
3      Amal Bank                             11073
4      Global Money Transfer            21042
5      Tawakal Bank                           309
6      Mustaqbal Bank                      22315

Dhinaca kale Golaha samafalka iyo horumarinta soomaaliyeed wuxuu deeq raashin ah oo ka kooban Bariis, Sokor, Saliid, Oomo iyo Firaash / Barkimo gaarsiiyey bukaanjiifka isbitaalka Madiina .
Deeqdan ayaa ka koobneyd :-

 

Bariis

50 Loor

Sokor

25 Loor

Saliid

25 Kartoon

Oomo

40 Kartoon

Firaash & Barkimo

100 Xabo

 

Lacagta lagu iibiyay deeqdan ayaa ka timid shirkii aqoonyahanada ee ka dhacay magaalada Lester ee dalka Ingiriiska.

Baaq & Mahadcelin

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan dadkii ku tabarrucay deeqdan,

Deeqdan la gaarsiiyay ma ahan mid ku filan dadka ku dhibaataysan isbitaalka Madiino oo ay dhibaatysan yihiin bukaanka ku sugan isbitaalka, sidaas darteed Goluhu wuxuu ka codsanayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada & Jaaliyadaha dibedda in ay si wax ku ool ah uga qeyb qaataan howlaha lagu gargaarayo walaalahooda ku barakacay dagaaladii Muqdishu.

Waxaana kaalmadiina ku soo hagaajin kartaan accounada Golaha ee kala ah :-

 

No

Magaca shirkadda

Account Number

1

Qaran Express

117

2

Dhabashiil Bank

2283

3

Amal Bank

11073

4

Global Money Transfer

21042

5

Tawakal Bank

309

6

Mustaqbal Bank

22315

 

Kala soo xiriir Golaha emailadan : kaalmeeye@hotmail.com, kaalmeeye@yahoo.com

Yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

002521-580916 

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya oo Casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa liibya

11,May- 2007

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya iyo ururka ay ku bahoobeen 23-ka dowladood ee la isku yiraahdo Saaxil Wasaxaraa, Mudane Dr Maxamed Xuseen Maxamed (Ilka-Dahab), ayaa sheegay asigoo jooga xafiiskiisa safaaradda Soomaaliya ee tripoli in madaxweynaha dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliya mudane:C/laahi yuusuf axmed uu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka libya mudane:col-mucamaral al-qadafi.


Safiirka iyo Qadaafi

Casuumada loo diray madaxweynaha DFKMG soomaaliya ayaan la ogeyn waxa ay uga wada hadlayaan labada madaxweyne wallow ay horey u jireen heshiisyo aan la dhameystirin la rabana in hada la dhameeyo dowlada libya ayaa sheegtay in ay dowlada soomaaliya ay hiil iyo hooba la garabtaagan tahay soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa gacana ay uga geysan lahayd dowlada libya oo ay horey u balanqaadey in ay soomaaliya ka taageeri doonta dhinacyo badan haba ugu darnaatee arimaha nabadgelyada iyo weliba dhaqaalaha lagu taageerayo ciidamada nabadgelyada ee wadamada Africa ee tagaya somaliya

Sacii axmed .Antenno. saciidanteno@yahoo.com

Prof. Cabdurahman M. Cabdullahi iyo Prof. Yahya Haji Ibrahim oo la kulmay jaaliyadaha Norway ...

   Prof. Cabdurahman M. Cabdullahi iyo Prof. Yahya Haji Ibrahim oo la kulmay jaaliyadaha Norway.

Kulan ay soo abaabuleen Xiriirka Ururada Soomaaliyeed Ee Norway (XUSEEN/SONIN) oo ka dhacay Oslo ayaa waxaa lagu martiqaaday halkaa Prof. Cabdurahman iyo Proff Yahye oo soo gaaray dhowaan dalkan Norway.

Labadan Proffesor oo ka socday Jammacadda Magaaladda Muqdisho ayaa waxay u soo bandhigeen jaaliyahada soomaaliyeed Cilmi baaris ku saabsan dhaqaalaha iyo ganacsiga dhul uu dagaal ka jiro.

Cilmi baaristaan oo ay soo sameeyeen arday soomaaliyeed iyagoo kaashan Prof. Yahye iyo Cabdurahman ayaa ahaa kuwa meelo badan kaa tusin xiriirka ka dhaxeeya Nabada,Dagaalada,Ganacsiga iyo Dhaqaalahaba.

Xiriirka dagaalada iyo dhaqaalaha .

Iyadoo ay dagaaladan geysteen burbur dhan kasta ah, sida dhanka bulshada, horumar iyo hantiba ayaa haddana mar walba waxaa jira qolo ka hesha dhaqaale sida wadamada/shaqsiyaadka ka iibinaya hubka xoogaga ku dagaalamaya soomaaliya. Waxaa soo baxay warlord’ya ka taliya degaano kala duwan oo iyana ganacsi/Contracts/canshuuro ka fuliya meelaha ay ka taliyaan kana helay dhaqaalo fara badan mudadii ay socdeen dagaalada sokeeye.

Xiriirka Ganacsiga, Nabada iyo dagaalada .

Ardadii soomaaliyeed ee sameysay cilmi baaristan ayaa la kulmay shirkado badan oo ka howl gala Muqdisho iyagoo weliba xushay shirkadaha ugu yaraan heysta shaqaale ilaa labaatameeyo ah. Waxyaabihii ay ku soo qaateen cilmi baaristan waxaa ka mid ahaa sida ay shirkadahan dhaqaalo fara badan ugu bixin jireen stuff’ka waardiyeeya hantidooda la’aantoodna aysan marnaba macquul aheyn in la fuliyo howlaha ganacsiga. Awoode dhaqaale oo ay leeyihiin ganacsatadan ayey marna ayid sanaayeen ama ka soo horjeedeen siyaasadaha kala duwan (siyaasad sababta nabad ama dagaal).

Prof. Abdurahmaan ayaa isna warbixin dheer ka bixiyey marxaladaha kala duwan ee uu soo maray dalkeena laga soo bilaabo ka hor intuusan imaan gumeystihii.

Xilligii Hogaamiyo dhaqameedyada

Soomaalidda inta uusan gumaysigu imaan dalka waxaa ay ahayd qoowmiyad u badan reer guuraa waxaana ay lahayd xeer iyo dhaqan ay umaddu isku xukunto. Hogaan bulshaddana waxaa hayay odayaal dhaqameedka sida Boqorada, Suldaanada, Ugaasyada, Malaaqyada, Webarada iwm.Sidoo kale dadka beeralayda ama xeebaha daga waxaa talada reerka hayay odayaal dhaqameedyada. Tuulooyinka qaarkood waxaa talada hayay culumaa’udiinka.

Xilligii Isticmaarka iyo nidaamka uu uga tagay dalkii

Markii uu gumaysiga Reer Yurub yimid dhulka Soomaliyeed waxaa uu durbadiiba la yimaadeen maamuladii ka jiray dhulkooda taladii umadana waxaa la wareegay iyaga iyo dad ay u magacaawdeen maamuladii waqtigaa jiray.

Xilligii Isticmaarka iyo nidaamka uu uga tagay dalkii

Markii uu gumaysiga Reer Yurub yimid dhulka Soomaliyeed waxaa uu durbadiiba la yimaadeen maamuladii ka jiray dhulkooda taladii umadana waxaa la wareegay iyaga iyo dad ay u magacaawdeen maamuladii waqtigaa jiray.

Dowladii xigtay isticmaarka iyo xukunkii military

Gumaysiga oo xoog ku haystay dhulka soomaalida markii uu talada umada ku wareejiyay dadkii uu tababaray waxaa ay durbadiiba isqabteen odayaal dhaqameed yadii uu talada bulshada kala wareegay. Taasina waxay keentay in ay mucaaradaan xukunka casriga ee uu gumaysigu noo keenay. Taasina waxay sababtay in nadaamkii uu gumaysigu ka tagay uu ka maarmi waayo inuu qanciyo qabiilka iyo kabaqabiiladiisa. Taasina waxay fashil ku keentay xukuumadii ugu horeeysay ee soomaaliddu yeelato gumaysiga kadib. Fashilkaasna waxaa sabab u ahaa musuq maasuq iyo eex qabiil. 1969kii ayaa waxaa u suuragashay ciidankii xooga dalka soomaaliyeed oo ahaa haykalka dawladeed ee ka badbaaday nadaamka qabaailka. Dadkii magaalooyinka daganaa oo u badnaa dad aqoonleh iyo indheer garad ay aad u soo dhaweeyeen. In uu la wareego xukunkii dalka. Dhisyna maamul milateri oo la dagaalama nidaamkii qabiilka siina ambaqaaday maamulkii dawladda casriga ahaa ee uu gumaystuhu noo keenay.

Xukinkii milatariga ahaa waxaa awoodiisii wiiqantay markii uu dagaalka la galay Dawladda Itoobiya oo haysatay dhulka soomaaliyeed ee Ogaadeenya loo yaqaan. Waxaa durbadiiba soo baxday inay soo laba kaclaysay qabyaaladii oo ay ku xoogaysatay xukiinkii milateriga ahaa dhexdiisa taasina ay keentay in xukunkaasi u kala jajabo qabaa’ilo iska soo horjeeda.Taas waxaa tusaale u ah in markii lagusoo fashilmay dagaalkii lala galay Itoobiya ay soo if bexeen jabhadu ku salaysan qabiil oo kasoo horjeestay xukuumadii milateriga ahayd sida SSDF oo asaasantay 1978dii iyo SNM oo aasaasantay 1983dii.Iyo xukunkaas oo ku sifoobay eexqabiil iyo musuqmaasuq.Dagaalkii qabiiladu wuxuu ku guuleystay in uu burburiyo xukunkii milateriga ahaa ee ku dhisnaa nadaamka xukuumadaha casriga ah ee uu gumaystuhu noo keenay, kadib markii ay jabhadii qabiiliga ahayd ee USC ay ka cayrisay magaalada Muqdisho madaxweeynihii xukumadii milatariga ahayd. Halkaa waxaa umada soomaaliyeed uga biloowday nidaam cusub oo qabiil ku dhisan ayna hogaaminayaa dagaal oogayaal.

Mudo yar kadibna qabiil walba oo soomaaliyeed waxaa uu yeeshay dagaal ooge isku magacaabay inuu yahay madaxa siyaasada ee reer qansax. Waxayna ku caanbexeen in ay huriyaan colaado qabiil oon dhamaad lahayn iyo isu tanaasulid la’aan si loo dhiso xukuumad soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Waxaa soomaalida oo ay hogaaminayaa dagaal oogayaasha siyaasadeed loo qabtay 12 shir oo aysan kasoo bixin wax dawlad ah oo shaqeey. Shirkii 13aad ee dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Carta ee wadanka Jabuuti waxaa la isugu yeeray dhamaan qabaailada kala duwan ee soomaalida oo ay hogaaminayaa odayaal dhaqameedyo, culumaa udiin, ururadda bulshada rayadka ah iyo soomaalida qurbajooga ah.

Waxaa qadacay shirkaas intii badnayd dagaal ogayaasha. Waxaa dhacday dood dheer kadib in ay ergooyinkii isugu yimid meesha oo ahaa 3000 oo qof ay isku raacaan in soomaalidu qabiil isku laysay xukunkoodiina u burburisay qabil dartii. Si arrinkooda loo xaliyana ay lagama maarmaan tahay in xalka laga raadiyo qabiilka. Taasoo ay ergadu isku raacday in ay soomaalidu tahay afar beelood iyo bar ayna lagama maarmaan tahay in hada kadib ay wax ku qaybsato qabiil.

Carta waxaa kaloo la’isku raacay in arrinkaas lagu qoro dastuurka kumeel gaarka ah. Hada wixii ka dambeeyana soomaalidda wax loogu qaybiyo nidaamkaas kor ku xusan.

Dagaalkii sokeeye, warlord’yada, dowladii carte iyo maxkamadaha

Dawladii Carta waxaa durbadiiba ka hor yimid dagaal oogayaashii hubaysnaa oo diiday in awoodu farahooda ka baxdo.Ayagoo kaashanaya Itoobiya cadawgii soo jireenka ahaa ee soomaalidda waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen inay burburiyaan dawladii soomaaliyeed ee ay soo dhiseen dad matalaya qaybaha kala duwan ee bulsha waynta soomaaliyeed.Waxaa ay ku guuleysteen in Dawladii lagu soo dhisay Carta ay dhaafi waydo magaaladda Muqdisha. Taariikhdu markay ahay 2004 ayaa waxaa ay dawladii Carta ka codsatay dawladaha IGAD in ay dhexdhaadiyaan dawladda iyo mucaaradka.

Itoobiya oo arrintaas ka faaiidaysanaysa ayaa durbadiiba waxaa ay usuura gashay in ay iska horkeento kalana dirto maamulkii lagu soo dhisay Carta. Waxaan halkaa laga anbaqaaday shirwaynihii 14aad ee loo qabto soomaalida oo ay hogaanka u hayaan Itoobiya iyo Keenya. Durbadiina waxaa mudnaata la siiyay dagaal ogayaashii hubaysnaa si ay u soo xulaan xubnihii ka qayb gali lahaa Barlamaanka ku meelgaarka ah. Awoodii madax dhaqameedkana waxaa lagu soo koobay in ay ansixiyaan waxa ay dagaal ogayaasha hubaysani soo magacaabaan. Dawladii ay hormuudka ka ahaayeen dagaal ogayaashu intii aysan soo dhaafin Nayroobi ayay u kala jabtay laba garab. Taasina waxaa ay dhaxalsiisay inay u kala guuraan laba magaalo oo kala ah Xamar Iyo Jawhar.

Intii ay labadan garab ku murmayeen arrimihii ay isku qilaafsanaayeen oo ay ugu waynayd in aan ciidamo shisheeye dhulka la keenin. Ayaa waxaa u suuragashay maxkamadihii Xamar ka jiray iyo ganacsatadii oo u arkay keenida ciidama shisheeye in ay khatar ku tahay iyaga iyo danahooda in ay is abaabulaan una diyaar garoobaan ka hortag arrintaa. Durbadiiba waxaa Xamar ka bilawday shirar iyo isabaabul ku wajahan in laga hortago ciidamada shisheeye iyo DFKM ee soo hogaaminaysa.

Waxaa arrintaa khatar iyo in awoodii caasimada laga fara marooqsaday u arkay dagaal oogayaashii Muqdisho. Islamarkiina waxaa ay ku dhawaaqeen isbahaysi la magac baxay Isbahaysiga Ladagaalanka Argagixisada. Dagaal dhowr bilood socday kadib waxaa ay guushii raacday oo la wareegay Xamar iyo inta badan koofurta Soomaaliya Isbahaysigii Maxkamadaha Islaamiga. Durbana bilaabay inay khalkhal galiyaan DFK ahayd ee fadhigeedu markaa ahaa Baydhabo iyo Dawladda Itoobiya. DFK oo kaashanaysa ciidamo Itoobiyaan ah iyo taakulayn dhinaca milatariga ah oo ay ka heleen Maraykanka ayaa ay usuura gashay inay iyana markooda si sahlan uga saaraan dhamaan meelihii ay mudada yar ku qabsadeen IMI ahaa burburiyayna awoodoodii milateri.

Proff. Yahye iyo Proff Cabdurahmaan ayaa meelo badan ka tusay dadkii halkaa isugu yimid marxalada wadankii uu ku sugan yahay iyo waxa la filan karo mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Gabagabadii ayaa waxaa halkaa loogu mahad celiyey aqoonyahanada soomaaliyeed ee booqashada ku yimid dalkan Norway leyskuna raacay sidii leysugu xiri lahaa jaaliyadaha, aqoonyahanada ku nool dalka dibadiisa iyo jaamacada Muqdisho.

Qoraalka waxaa soo diyaariyey xubnaha Xiriirka Ururada Soomaaliyeed Ee Norway (Xuseen)

Somalisk Organisasjoners Nettverk I Norge (Sonin)
Cowslafil.com, Oslo, Norway
cowslafil@cowslafil.com

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


Isbitaalladii gaarka loo lahaa ee ku xirmay dagaalladii Muqdisho ka dhacay oo haatan dib loo furay

Isbitaallada Al-xayaat iyo Carafaat oo ahaa isbitaallo waaweyn oo dadweynaha Soomaaliyeed u fidin jiray daaweyn, howlo fara badanna fulin jiray isla markaana ku xirmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa haatan si rasmi ah waxaa dib loogu furay labadaasi isbitaal ee Carafaat iyo Al-xayaat.

Isbitaalladan oo si weyn ugu waxyeeloobay dagaalladii ka dhacay Muqdisho qaarkoodna ay xarumo u noqdeen ciidamada iska soo horjeeda qeybo ka mid ah ayaa haatan waxaa lagu sameeyay dayactir iyo nadiifin waxyaabihii burburka ahaa ee soo gaaray, waxayna mar kale dib uga howl galayaan magaalada Muqdisho.

Wasiirrada u qaabilsan dowladda Federalka WAsaaradda Caafimaadka Qamar Aadan Cali oo saakay kormeer ku soo martay isbitaalka Al-xayaat ee degmada Wardhiigley ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in mar kale goobihii isbitaalada ay dib u furmaan, waxayna kula dar-daarantay howl wadeenada isbitaalkaasi inay ku dadaalaan sidii ay dadweynaha Soomaaliyeed wax ugu qaban lahaayeen.

Dr. Max’ed Max’ud Xasan Bidey ayaa sheegay in isbitaalka Al-xayaat uu si rasmi ah howshiisa u gudan doono 12ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtiga ah ee soo socota, wuxuuna shacbiga Soomaaliyeed u sheegay inay isbitaalka ka heli karaan daaweyn iyo bukaan socod eegto intaba.

Dhinaca kale agaasimaha isbitaalka Carafaat Muuse xuseen Cumar ayaa isna sheegay in isbitaalka Carafaat oo waxyeello ba’an ka soo gaartay dagaalladii ka dhacay Muqdisho, dayactir iyo dib u habeyn kaddib uu si rasmi ah howshiisa u bilaabay maanta, isagoo sheegay in isbitaalka ay soo gaareen khasaare aad u weyn oo dhinaca qalabka ah, balse haatan dib loo dayac tiray, howlihiisana dib u bilaabay.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com

Ciidamada AMISOM oo maanta olole nadaafadeed ka fuliyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho

Howl gal nadaafadeed ayay saakay aroortii hore u dhaqaaqeen ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho iyadoo ololahaasina ay ka bilaabeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood, kuna nadiifiyay dhul baaxad leh oo haatan ay ka soo ifayso nadaafad aad u qurxoon.

Ololahan ayaa waxaa ka qeyb qaatay qeybo ka tirsan ciidamada AMISOM kuwaasoo watay gaadiidka qashinka lagu qaado iyo waxyaabaha lagu nadiifiyo dhulka sida xaaqimaha, fargeetayaasha iyo badiilada, iyagoo isla markaana isticmaalayay gaadiidka waaweyn kana qaadayay goobaha ay nadiifinayaan qashinka, iyagoo geynaya meel ka fog magaalada Muqdisho oo ah meelaha loogu talo galay in lagu daadiyo waxyaabaha wasaqda ah ee laga nadiifiyo goobaha waaweyn ee halbowlaha u ah dadka.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Captain Buddy Akunda ayaa sheegay in tani ay tahay howl qiimo leh oo isu soo dhoweyneysa ciidamada AMISOM iyo shacbiga Soomaaliyeed, waxaana haatan diyaar u nahay inaan sii wadno ayuu yiri mar wax laga weydiiyay ololahan ay ku dhaqaaqeen maanta.

Howlahan ayaa u muuqdo kuwo isu soo dhoweynaya ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u yimid dalka Soomaaliya iyo shacbiga Soomaaliyeed, waxayna meesha ka saareysaa in dowladda Uganda oo ciidamadan ka socda uu xiriir weyn kala dhexeeyo shacbiga Soomaaliyeed.

Ethiopia oo sheegtay in ay ciidamadeeda kala baxayso gudaha somaliya

Dowladda Ethiopia oo cadaysay sida ay ciidamadeeda joogo gudaha somaliya ugala baxayso gaar ahaan Muqdisho

Wararka madax banaan oo aanu ka helay dalka Ethiopiamagaalo madaxdiisa ee adis ababa ayaa waxay tibaxayaan inay ka fiirsanayso dowladda Ethiopia sidii ay ciidamadeedu uga bixi lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

la bixitaankaan cidamada ayaa la xaqiijiyey inayqeyb ka yihiin kuwo Midowga Afrika oo Ethiopia ku cadaadinayo Ethiopia in ay kala baxdo gudaha dalka somaliya si ay u yimaadaan ciidammadii nabad ilaalinta ahaa ee ay ugu talo-gashay midowga africa inay Soomaaliya geeyaan sida ugu dhaqsiyaha badan isla markaana aan ciidamada Ethiopia mardanbe lagu arag gudaha dalka Soomaaliya.

arintaa ayaa cadeyn u ah sida Dowladda Ethiopia ay u go'aansatay inay kala baxdo ciidammadeeda ku sugan gudaha dalka somalia gar ahaan Muqdisho, iyada oo la filayo in ay ciidamadoodu isku urursadaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, mudo gaaban ka dibna uga baxaan dhanka dalka Ethiopia.

Ciidammada Ethioipa oo aan inta badan laga jecleysan dalka somaliya ayaa waxay bishii April dagaallo xoogan isaga horyimaadeen dagaal yahano somaiyeed kuwaas oo ka dhacay gudaha Muqdisho waxeyna ku tilmaantay kooxo ka soo horjeeda in ay yihiin kuwo xiriir toos ah la leh Al-Qaacida, taana waxaa beeniyey qabaailada dega muqdisho iyo hogaamiyeyaashii maxaakiimta islaamiga

sidoo kale dowlada Ethiopia weli si rasmiah daboolka ugfama qaadin gorta iyo xiliga ay ka saareyso ciidamadeeda gudaha dalka soaliya laakin waxey cadaysay uun kala bixitaanka ciidamadeeda ee ku aadan dalka Soomaaliya

Maalintii labaad oo uu si xawli ah uga sodo howlgallo lagu burburrinayo dhismayaasha sharci darrada ah ee suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Waxaa maalintii labaad si xawli ah uga socda suuqa weyn ee Bakaaraha waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxaba howl gal ballaaran dhulka lagu dhigayo dhismayaasha sharci darrada ah ee muddaa 16ka sano ay ka dhisteen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliiska, waxaana haatan uu marayaa heerkii ugu dambeeyay inkastoo ay wax badan dhiman yihiin.

Waxa la bur-burrinayaa dhamaan sandaqadaha isugu jira dhagaxa, laamiyeeriga iyo gaari gacannada kuwaasoo dad badan ay ku ganacsan jireen ka hor intaanu soo bixin amarkaan.

Waxaa kaloo jira waddooyinka waaweyn oo dhererkeedu yahay 15x15 m kuwaasoo dadka ay la fariistaan inta badan waxyaabaha yaryar sida shidaalka, raashinka quutul daruuriga, miisaska iyo shaaha, biyo-miirka iyo ganacsi yar-yar oo dhulka la dhigto, waxaana haatan dadkaasi guud ahaanba kuwii u dhisnaa iyo kuwii sidaas ugu ganacsanayayba lagu qasbay inay ka guuraan, iyadoo ilaa iyo haddana si rasmi ah aan loogu qoondeynin halkii ay degi lahaayeen oo ay ku ganacsan lahaa marka laga reebo suuqyada waaweyn sida Bacadlihii Xamarweyne, Suuqii isku raran, Ansalooti iyo Siinaay oo iyagu ruuxoodu sidaas si la mid ah ay ugu ganacsadaan dad aan sharci u haysan.

Kumanaan ruux ayaa haatan ka barakacaya Suuqa weyn ee Bakaraha kuwaasoo labadii maalmood ee ugu dambeysay aanay haysan wax ganacsi ah iyagoo ku mashquulsanaa sidii ay uga guuri lahaayeen goobihii ganacsiga, iyagoo ku howlanaa duminta iyo daabulidda wixii u dhisnaa iyo wixii u dhex yiil intaba.

Ololahan burburinta ee lagu duminayo goobaha sida ugu sharci darrada loo dhisay ayaa ku eg muddada loo qabtay maalinta Sabtiga, iyadoo ganacsatada lagu wargeliyay in wixii ka dambeeya maalintaas la isticmaali doono Baldowsarro ka qaada waxyaabaha ku dhisan waddooyinkaas, waxayna tani keentay in dad badan ay ka wal-walaan labo qodob oo kala ah: halka ay ku ganacsan doonaan iyo muddada ay ku jiraan howshan waxa ay heli doonaan.

Dhinaca kale waxaa haatan soo baxaya ifafaale wanaagsan oo dadka intooda badan farxad gelinaya taasoo ah sida loo banneeyay waddooyinka suuqa oo si aad ah ugu muuqdo kuwo dib ugu soo noqnoya bilicdii uu lahaa Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana haatan arrintaasi ay fursad weyn u noqon doontaa dadka sida gaarka ah uga ganacsan jiray suuqaas sida baqaarada waaweyn oo haatan waxoogaa nafis ah ka helay markii laga qaaday dadkii isku dul saarnaa, balse waxaa cabsi weyn ay ka jirtaa haddii dadkaasi laga dumiyo goobihii ay ku ganacsan jireen cidda iyagana wax ka iibsan doonta.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


Hambalyo iyo taageero loo diray Ambasadorka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesiya

Kadib markii maalintii shalay Ra'isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi uu u magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesiya Danjire Maxamuud Coloow Barroow (Maxamed Soomaali) ayaa waxaa si isdaba joog ah inoo soo gaaraya hambalyo iyo tahniyadeyn loo jeedinayo Danjire Maxamed Coloow Barroow (Maxamed Soomaali).

Dad badan oo isugu jira mas'uuliyiin, Siyaasiyiin, waxgarad, Culumaa'udiin, Cuqaal, Aqoonyahanno, Dhalinyaro Rag iyo haweenba leh oo magacyadooda aan qoraal lagu soo koobi Karin ayaa waxay Danjire Maxamuud Coloow Barroow (Maxamed Soomaali) leeyihiin hambalyo, xilka adag ee lagu magacaabayna noqo mid si mas'uuliyad leh ku guta.

Dadka kala duwan ee hambalyada ilaa iyo hadda na soo gaarsiiyey ayaa waxay nagala soo xiriireen gudaha dalka Soomaaliya iyo dalal dibadda, gaar ahaan Gobollada Banaadir, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Shabeellada Hoose, Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Bay iyo Bakool, halka dadka dibadda nagala soo xiriirayna ay dhambaaladooda naga soo gaareen dalalka Denmark, Indonesiya, Waqooyiga Ameerika, Ingiriiska, Holland, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, K/afrika, Kenya iyo waddamo kale.

Ambasador Maxamuud Coloow Barroow (Maxamed Soomaali) ayaa waxay dhammaan dadkaasi ugu duceeyeen inuu Alle ku garab galo xilkaas culus ee loo magacaabay, waxayna sheegeen in Ambasadorka ay sugeysow howl adag oo u baahan bay yiraahdeen dhabar adayg iyo geesinimo.

Caaqil Dalmar
Email: dalmar2005@yahoo.com


 

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2007


Wararkii: May 9, 2007

Ciidamada Dowlada KMG ah Baaritaan Xoogan Ku Haya Xijaabka Indho Shareerka Haweenku Isku Asturaan.

Ciidamada dowlada KMG ah ee baaritaanka ka wada magaalada muqdisho ayaa ka furay haweenka xijaabka indho shareerka Allah dartii u qaatay iyagoo ku macneeyey inay argaggixiso yihiin .


Maxamed Dheere vs Xijaabka |  March 2004

Wadada wadnaha ee magaalada caasimada muqdisho oo ay Talaadadii ka howl galeen cutubyo ciidanka dowlada KMG ah ayaa baaritaan xoogan lagu hayey haweenka xijaabka indho shereerka qaata iyadoo laga wada xayuubiyey haweenkaas indho shareerkii ay xirnaayeen islamarkaana inta laysku uruuriyey meel wadada bartamaheeda ah lagu gubay.

Ciidamada dowlada KMG ah ayaa xijaabka indho -shareerka ay haweenku alle dartiis isugu asturaan u sababaynaya inay gubaan in xijaabku indho shareerku yahay waxyaalaha laysku qariyo oo dhan inay yihiin waxyaalaha nabad xumada keenaya waa siday qabaane , sida ay sheegeen qaar kamida ciidamada dowlada ee baaritaanka ka wada wadooyinka iyo xaafadaha inay dadka qaraxyada gaysta ay yihiin dadka daboolan islamrkaana ay lamid yihiin baabuurta muraayadaha madoow ee dhowaan laga mamnuucay magaalada muqdisho in lagu wato .

Mid kamida saraakiisha ciidamada baaritaanka ka wada wadada wadnaha ee caasimada muqdisho oo magaciisa diiday inuu shaaciyo ayaa saxaafadu wax ka waydiisay arintan ugubka ah ee ay lasoo bexeen ciidamada dowlada KMG ahi ee haweenka xijaabka indho-sheerka lagaga fiiqayo, sarkaalka ayaa sheegay inay tahay arintani mid la xiriirta arimaha amniga lagu xasilinayo magaalada muqdisho ,balse aysan ahayn mid arin kale ah waa siduu hadalka u dhigaye .

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo Kafeeteriyada, halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida.. GUJI...

Sarkaalka ayaa intaas ku daray arimaha amaanka lagu xasilinayo waxay keenayaan in shay kasta oo laga shaki qabo baaritaano lagu sameeyo laakiin aysan waxba ka bedelayn xaalada caadiga ah ee dhaqanka asluubaysan .

Sidoo kale mid kamida haweenka Talaadadii naqaamka (indho-shareerka ) laga xayuubiyey oo magaceeda ku sheegtay Ramla cabdi –wahaab ayaa saxaafada u sheegtay inay tahay arin murugo badan oo diinta iyo muslinimada wax u dhimaysa islamrkaana ka hor imaanaysa dhaqankii iyo sunihii rasuulkeenii muxamad SCW uu sheegay inay haweenka muslinka u dhaqmaan.

Ramla ayaa intaas ku dartay iyadoo ay murugo ka muuqato ma anaga ayaa is qarxina mise waxaa laga wadaa haweenka asturan ayaa argagixiso ah ,islamarkaana dowlada KMG ah ka codsatay inay ka fiirsadaan arimahaas dunuubta ah ee ka dhanka ah diinta iyo sunihii suubanaa ee rasuulkeenii Muxamad SCW.

Si kastba ha ahaatee ciidamada dowlada KMG ah ayaa dar dar geliyey baaritaanka xaafadaha ,baabuurta ,shaqsiyaadka laga shakiyo iyo weliba nadiifinta wadooyinka sharci darada lagu dhistay ee magaalada caasimada ee muqdisho ,arintaan baaritaanka haweenka asturan ayaa kusoo beegmaysa xili ay cutubyo ka tirsan ciidmada xukuumada Ethiopia ku sugan yihiin dalka gudishiisa gaar ahaan caasimada muqdisho.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com