SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Somalia: The Other (Hidden) War for Oil

Freedom for Ogaden, the West’s Last Choice in Africa

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

GOLAHA CULIMADA SOOMAALIYEED

BAAQ MUHIIMA OO KU SAABSAN FALKA LAGULA DIRIRAYO XIJAABKA GABDHAHA SOOMAALIYEED - MUQDISHO

Mahad oo dhan Allaah baa leh, Nabad io Naxariisi nebiga korkiisa ha ahaato, ka dib,

Golaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu cambaaraynayaa falka gardarada qaawan ee ciidamada dawladda kumeel gaarka ah oo ay taageerayaan kuwa Gumaysiga Xabashidu, kaga xayuubiyeen wajiyada gabdhaha soomaaliyeed ee Muqdisho Xijaabkii Wajiga u saarnaa ee ay Allaah ku raali gelinayeen. Falkaas oo ayan marna ku kicin taariikhda inta la ogyahay gumaystayaashii soo maray dalka Soomaaliyeed. Iyadoo horayna ay ugu keceen ciidamada cadowga xabashida ee dalka haysta falal kufsi, boob, iyo najaasayn Masaajid, Iyagoo Masjid ku yaalla Xaafadda (Cali Kamiin) ka dhigtay musqul.

Waxay wararku sheegeen, gabar Soomaaliyeed oo diidey xijaabkeeda in wajiga laga dillaaciyo, iney askartu garaaceen gacanna ka jebiyeen, hadana ay cisbataalka taallo.

Golaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu Ummadda Muslimka ah u caddaynayaa, in falkaasu uu yahay mid xaaraan ah, kana turjumaya nacaybka shareecada Islaamka iyo muuqaalkeeda, oo xijaabku ka mid yahay, iyo ujeedooyinka duullaanka xabashida oo si qayaxan oo foolxun loo soo bandhigayo. Xijaabku waa waajib sharci ah qofna ma buruin karo

 يا أيها النبي قل) لأزواجك وبناتك ونساء المؤمنين يدنين عليهن من جلابيبهن ذلك أدني أن يعرفن فلا يؤذين وكان الله غفورا رحيما ))

Goluhu wuxuu sidaa darted ummadda soomaaliyeed meel kastoo ay joogto ugu baaqayaa si wada jira ugu kacaan difaaca diintooda, dalkooda iyo sharaftooda gumaysiga hororka ahi ku tumanayo, ayna ka dhiidhiyaan gardarada iyo ku xad gudubka gabdhaha soomaaliyeed.

Golaha Culimada Soomaaliyeed

Xoghayaha guud

M. Idris Ahmed
Kala soo xiriir:

25224430795 00:Tel
Hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007


Ciidamada Dowlada KMG ah Baaritaan Xoogan Ku Haya Xijaabka Indho Shareerka Haweenku Isku Asturaan.

May 9, 2007

Ciidamada dowlada KMG ah ee baaritaanka ka wada magaalada muqdisho ayaa ka furay haweenka xijaabka indho shareerka Allah dartii u qaatay iyagoo ku macneeyey inay argaggixiso yihiin .


Maxamed Dheere vs Xijaabka |  March 2004

Wadada wadnaha ee magaalada caasimada muqdisho oo ay Talaadadii ka howl galeen cutubyo ciidanka dowlada KMG ah ayaa baaritaan xoogan lagu hayey haweenka xijaabka indho shereerka qaata iyadoo laga wada xayuubiyey haweenkaas indho shareerkii ay xirnaayeen islamarkaana inta laysku uruuriyey meel wadada bartamaheeda ah lagu gubay.

Ciidamada dowlada KMG ah ayaa xijaabka indho -shareerka ay haweenku alle dartiis isugu asturaan u sababaynaya inay gubaan in xijaabku indho shareerku yahay waxyaalaha laysku qariyo oo dhan inay yihiin waxyaalaha nabad xumada keenaya waa siday qabaane , sida ay sheegeen qaar kamida ciidamada dowlada ee baaritaanka ka wada wadooyinka iyo xaafadaha inay dadka qaraxyada gaysta ay yihiin dadka daboolan islamrkaana ay lamid yihiin baabuurta muraayadaha madoow ee dhowaan laga mamnuucay magaalada muqdisho in lagu wato .

Mid kamida saraakiisha ciidamada baaritaanka ka wada wadada wadnaha ee caasimada muqdisho oo magaciisa diiday inuu shaaciyo ayaa saxaafadu wax ka waydiisay arintan ugubka ah ee ay lasoo bexeen ciidamada dowlada KMG ahi ee haweenka xijaabka indho-sheerka lagaga fiiqayo, sarkaalka ayaa sheegay inay tahay arintani mid la xiriirta arimaha amniga lagu xasilinayo magaalada muqdisho ,balse aysan ahayn mid arin kale ah waa siduu hadalka u dhigaye .

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo Kafeeteriyada, halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida.. GUJI...

Sarkaalka ayaa intaas ku daray arimaha amaanka lagu xasilinayo waxay keenayaan in shay kasta oo laga shaki qabo baaritaano lagu sameeyo laakiin aysan waxba ka bedelayn xaalada caadiga ah ee dhaqanka asluubaysan .

Sidoo kale mid kamida haweenka Talaadadii naqaamka (indho-shareerka ) laga xayuubiyey oo magaceeda ku sheegtay Ramla cabdi –wahaab ayaa saxaafada u sheegtay inay tahay arin murugo badan oo diinta iyo muslinimada wax u dhimaysa islamrkaana ka hor imaanaysa dhaqankii iyo sunihii rasuulkeenii muxamad SCW uu sheegay inay haweenka muslinka u dhaqmaan.

Ramla ayaa intaas ku dartay iyadoo ay murugo ka muuqato ma anaga ayaa is qarxina mise waxaa laga wadaa haweenka asturan ayaa argagixiso ah ,islamarkaana dowlada KMG ah ka codsatay inay ka fiirsadaan arimahaas dunuubta ah ee ka dhanka ah diinta iyo sunihii suubanaa ee rasuulkeenii Muxamad SCW.

Si kastba ha ahaatee ciidamada dowlada KMG ah ayaa dar dar geliyey baaritaanka xaafadaha ,baabuurta ,shaqsiyaadka laga shakiyo iyo weliba nadiifinta wadooyinka sharci darada lagu dhistay ee magaalada caasimada ee muqdisho ,arintaan baaritaanka haweenka asturan ayaa kusoo beegmaysa xili ay cutubyo ka tirsan ciidmada xukuumada Ethiopia ku sugan yihiin dalka gudishiisa gaar ahaan caasimada muqdisho.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com


Masaajidada Magaalada Muqdisho Oo Qaarkood Hoy U Noqday Ciidamada Xukuumada Ethiopia...

May 12, 2007

Masaajidka weyn ee xaafada cali kamiin ee degmada wardhiigley ayaa noqday meel ay gabaad ka dhigtaan ciidamada xukuumada Ethiopia ,islamarkaana aan weli loo fasixin dadka xaafadaas ee ku cibaadaysan jiray masaajidkaas.

Ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan xaafada cali kamiin ayaa talis ka dhigtay masaajidka ku yaala xaafada cali-kamiin ee magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo masaajidka derbigiisa hore ee ku beegan laamiga cali-kamiin iyo hareerihiisaba ay difaac kaga jiraan ciidamadan xukuumada ethiopia ,iyadoo aan loo ogolayn in lagu cibaadaysto masaajidkaasi dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafadaasi calikamiin .

sida uu saxaafada u xaqiijiyey axmed rooble oo degan xaafadaasi ayaa noo sheegay inaysan ciidamada ethiopia ogolayn in lagu tukado masaajidkaas sababta ay u diidayaana uu noogu sheegay inaysan ogolayn inay dadka soomaalida ahi soo dhex galaan islamrkaana ay imaan karto amaan xumo ay cabsi kaqabaan qaraxyo ama bambooyin lagu tuuro waa siduu hadalka u dhigaye.

Rooble ayaa intaas ku daray in masaajidkan waxuu noqday goob ay difaac ka dhigtaan ciidamada xukuumada ethiopia islamrkaana masaajidka ayaa ah masaajidada ugu waaweyn xaafada cali kamiin uguna caansan oo loo yaqaano masaajidka sheikh cabdi .

''ciidamada ethiopianku waxay qabsadeen dhamaan caasimada muqdisho iyagoo degey xaafadihii dadka shacabka ahi deganayeen ,marka aan tusaale usoo qaato deegaanka cali-kamiin waxay gabaad ka dhigteen masaajidkii aan ku cibaadaysan jirnay oo ah masaajidada magaalada muqdisho ugu caansanaa oo lagu magacaabo masaajidka sheikh cabdi oo ku yaala xaafada cali-kamiin gaar ahaan wadada sodonka '' ayuu yiri axmed rooble oo muujiyey inuu ka xun yahay .

Rooble oo hadalkiisii siiwata ayaa yiri'' waxaa kaloo jirta ciidamadani nooma ogola inay ka guuraan agagaarka masaajidkaasi welibana xataa inaan soo ag maro masaajidka oo xaaladiisa booqano ,hadaba hadaanu nahay shacabka reer muqdisho gaar ahaan xaafada cali-kamiin waxaanu ka codsanaynaa dowlada KMG ah inay ciidankaasi nooga rarto masaajidkaasi si loo helo meel dadka muslimiinta ahi ay ku cibaadaystaan''

Masaajidka weyn ee ku yaala xaafada cali-kamiin oo ahaa masaajid qadiim ah oo ay ku cibaadaystaan kumaanaan qof ayaa ahaa masaajidka ay ku kulmaan culimada ehelu-suna sida uu noo sheegay mid kamida dadka degan xaafadaasi islamrkaana ka mid noqday degaanada ay ka taliyaan ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan caasimada muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee tan iyo intii ay ciidamada xukuumada Ethiopia gacanta ku haynteeda la wareegeen magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa waxaa kasoo if-baxaya dhibaatooyin ay ka cabanaayaan dadka shacabka ahi ee degan xaafadaha iyo goobaha ay degan yihiin ciidanka ethiopia iyo weliba masaajidada lagu cibaadaysto oo qaarkood noqday meel ay gabaad ka dhigtaan ciidamada ethiopianka ahi taasoo aysan jirin qof masuul ah oo ka tirsan dowlada KMG ah oo ka hadlay arintaasi.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com