SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 

Wararkii: May 16, 007

Laba Doonyood oo Laga Leeyahay Kuuriyada Koonfureed oo Lagu Afduubay Xeebta Soomaaliya

Laba doonyood oo ah kuwa kalluumaysata oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya, kana diiwaan gashan dalka Tanzania ayaa waxaa lagu afduubay badda Soomaaliya, sida laga soo weriyey wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South Korea oo akhbaarta ka heshay safaaradda ay ku leeyihiin Kenya.

Doonyahan waxaa warku tibaaxay in la afduubay Talaadadii (May 15, 2007) qiyaastii 12:40 p.m xilliga afrikada Bari, waxayna ka soo ambabaxeen magaalada Mombasa Kenya iyagoo kusii jeedey sida la sheegay Yemen, marayeyna sida la sheegay meel 180 miles u jirta xeebta Soomaaliya.

Labada doonyood waxaa saarnaa 24 shaqaale ah oo kala ah: 4 Kuuriyaan ah, 10 Chinese ah, 4 Indonesian ah, 3 Vietnamese ah, iyo 3 Indian ah.

Waxaa wararka ka imanaya caasimada SEOUL ay sheegeen in loo malaynayo doonyahaas in ay afduubeen burcad Soomaaliyeed.

Bishii Janaayo (2007) ayey ahayd markii wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ay dadkeeda ka mamnuucday in ay u safraan Soomaaliya arrimo ammaanka la xiriira awgeed.

Qarax xoogan Oo Lala Beegsaday Kolonyo Baabuurta Ciidamada Ugaandha Oo Marayey Ex-Hotel Al-curuuba


Ugu yaraan 5-askari ayaa ku geeriyootay tiro intaas ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii miino ay la Qaraxday kolonyo ciidamada ugaandha ee muqdisho ku sugan.

Qaraxaan oo ka dhacay agagaarka hotelkii ex-alcuruuba ee magaalada muqdisho halkaas oo ay marayeen gaadiid aad u fara badan oo kuwa dagaalka oo ay wateen ciidamada ugaandha ee muqdisho ka howl galayey .

Museveni (right) gestures after addressing a press conference with his visitor Somali President Yusuf
C/lahi Yuusuf iyo
Yoweri Museveni : Sawirka: May 15, 2007, New Visoion

"Yusuf Ahmed also held a meeting with Hadija Aideed, widow of Hussein Aideed and her three children at State House, the statement said."
Waa sida ay u qortay Jariidada New Vison ee Uganda

Dadka deegaanka oo aan xiriir dhinaca isgaarsiinta ah la samaynay ayaa sheegay in 5-askari oo ka tirsan ciidamada ugaandha ay ku geeriyoodeen qaraxaas oo ahaa mid lala beegsaday ,islamarkaana sida ay sheegayaan goob joogayaasha ka ag dhowaa goobta falkaasi ka dhacay ayaa ku tilmaamay inuu qaraxu ahaa nooca miinada la hago.

Warbaahinta Uganda waxay qoreen in afar askari ay dhinteen, shan kalena la dhaawacay.

Ciidamada ugaandha ee Amisom ee muqdisho ku sugan ayaa maalmihii u dambeeyey ka waday howl galo ay ku sifaynayaan miinooyinka iyo walxaha qarxa ,ee ku aasnaa wadooyinka iyo xaafadaha magaalada muqdisho ,iyagoo dhowr meelood ku guulaystay inay ka soo bixiyaan miinooyin hore loogu aasay ,sida uu saxaafada u xaqiijiyey captan Panddy Akunda oo ah afhayeenka ciidamada midowga afrika ee soomaaliya ku sugan .

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee qarax toos ah lala beegsado ciidamada amisom ee muqdisho ku sugan tan markii ay soomaaliya yimaadeen .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Xisbiga RPP oo warsaxafadeed ka soo saaray Shaqaalihii CARE Lagu Afduubay Puntland
Warsaxaafadeed uu afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party C/Naasir Guure Faarax[jeer] kasoo saaray maagaalada London ayuu wuxuu kaga hadlay lahays taashii ha'yada Care
..... AKHRI...


Faahfaahin Dheeraad ah oo ka soo baxayso tirada dhimasho iyo dhaawac ee uu geystay qarax xalay lala beegsaday dad meel shinemo ah...

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com

Qarax ka dhashay bom gacmeed lagu tuuray goog lagu daawanayey filim ayaa geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac halis ah, qaraxaan ayaa  xalay habeenkii labaad markale ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo, ka dib Bam gacmeed lagu tuuray goob Shaneemo ah oo ku taala bartamaha Degmada.

Ilaa hada waxaa isa so taraya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu geystay bam lagu tuuray filimaanta lagu daawado waxaana dhimashadu ay gaaraysaa ilaa 6 lixqof halka dhaawacune uu yahay tiro intaa ka badan dadka dhintey ayaa 3 ka mid ah ay ahaayeen caruur da'doodu ka hooseeyso 10 jiro warku wuxuu intaa ku darayaa  in ay isla goobtaasi ku geeriyoodeen,

Sidoo kale in kasta oo aysan magaaladu lahayn isbitaal dowladeed ayaa hadana Dhaawacyada  durbadiiba loola cararay Isbitaalada si gaar ah loo leeyahay ee Magaalada, yaa qaarkood waxba looga qaban waayeen  Isbitaalada Baardheere, waxaana qaar ka mid ah dadkii dhawacyada ahaa loo qaaday  Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Dhacdadaan ayaa noqonayso  habeenkii labaad ee qarax noocaan oo kale ah lala beegsado goobaha lagu daawado aflaanta sidaan oo kale ayaa habeen hore qarax noocaan oo kale ah lagu tuuray goob ay dad ka buuxaan oo lagu daawanayey filim.

Arintaa ayaa ku cusub degmada baardheere iyo deegaanda ku heeran waxeyna ku soo aaday xilli Degmada Baardheere uu ku sii baxayo isaga oo ku sii jeeda dhanka kismaayo wasiirkii Gaashaandhiga ee Dowladda KMG Xil. Barre Hiiraale ee hore oo xilkii laga xayuubiyey isaga oo baydhabo joogay markaa 

Iska horimaad si kama.ah u uga dhacay biyo cado ayaa geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Lix qof ayaa ku geeriyootay 4  kalana dhaawacyo ayaa ka so gaaray  ka dib markii ay kala shakiyeen  kolonyo uu la socday Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Sh/dhexe Maxamed Cumar Deelle koox malleshiyo ah uu dhufays ugu jirtey koox kale oo is-gaad-gaad ka dhaxeeyey .

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegayo in  Tuula Biya Cadde oo ka tirsan Gobalka Sh/dhexe in maleeshiyaad ka mid ah kuwii dhawaan ku dagaalamay tuuladaasi ay wadada u galeen Kolonyada mas'uuliyiinta Gobalka islamarkaana ay si bareer ah rasaas ula beegsadeeniyaga oo ku qaldamay balse waagu markii uu baryey la is gartey .

Iska hor imaadka ayaa xabado la isla dhacayey mudo  daqiiqado ka dib ayaa la xaqiijinayaa in ugu yaraan 6-qof ay isla goobta ku geeriyoodeen oo ay leeftey rasaastii la isku ridayey halka 4 kalana dhaawac uu kasoo gaaray, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka.

Mid ka mid ah  Maamulka gobolka ayaa saxaafada u sheegay in la la'yahay 8-ka mid ah Ciidamada Maamulka iyo 2-wariye oo la kala yiraahdo Axmed Xasan Mahad iyo Abshir Cali Gabre oo magaalada jowhar  uga soo warami jiray mid ka mid ah  Idaacadaha muqdisho ku yaala . 

Meelihii uu xalay ka dhacay iska hor imaadka ayaa hada degan, waxaana mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Sh/dhexe ay saakay tuulada Biya Cadde kasii wadan doonaan  u jeedadii ay halkaasi u aadeen ka dib markii l ais gartey maleeshiyaadka wadada jooga iyo Ciiddamada Maamulka. 

dablay aan heybtooda la garaneyn ayaa Kooxo hubaysan oo aan la garaneyn ayaa xalay Bam-gacmeed ku weeraray xarunta Saldhiga Ciidamada Booliska ee ku yaala Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana goobtaa ku uu dhaawac ka soo gaaray Askari ka mid ah Ciidamada Booliska ee ka tirsanaa saldhiga bamka lala beegsaday sida la ogyahay , waxaana goobtaa ku dhexmaray ciidanka boliska iyo  kooxihii weerarka geystayis rasaaseyn mudo gaaban socotey  intaa ka dibna waxaa u suurta gashay kooxihii weerarka geystay in ay goobta ka baxsadeen

Qaraxa oo dhacay abaarihii fiidnimo ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay isusocodka dadka iyo gaadiidka, waxaana gabi ahaanba la jaray wadada hormarta saldhiga iyo nawaaxigeeda.

Xaaladda agagaarka Saldhiga Degmada Heliwaa ayaa saakay degan, iyadoona isusocodka dadka iyo gawaaridaba uu caadi kusoo laabtay.

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo yuweeri Musaveni oo si isku mid ah ugu baaqay in ciidamo ka badan inta hada joogto gudaha somaliya la keeno....

Kulanku dhexmaray Magaalada Kampalla ee caasimadda dalka Uganda ayey si wada jir ah uga soo saareen baaq ku wajahan in la kordhiyo ciidamo oo nabad ilaalinteed ee Somalia ka howlgalaya.

Labada hogaamiye ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen magaalada Kampala ee dalka Uganda, iyagoo ugu baaqay dalalka horey u balan qaaday ciidamada inay dhaqso u soo diraan askartooda oo ay ku soo biiriyaan howsha nabada ilaalinta ee Midowga Africa ay ka wado Somalia.

Madaxweyne C/laahi Yusuf ayaa sheegay in dowladiisa ay ugu baaqayso wadamada yaboohay ciidamada inay soo diraan ciidamadooda oo ay soo garab istaagaan ciidamada Uganda ka jooga Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray in baahi weyn loo qabo in la soo dhameystiro tirada ciidamada Midowga Africa ee horey loo balan qaaday.

Madaxweyne Musaveni ayaa isna sheegay in dhaqso loogu baahan yahay in la dhiso ciidamada Somalia sababtoo ah buu yiri ciidamada nabad ilaaliyaasha weligooda ma joogaan Somalia.

Musaveni waxa uu ku booriyey wadamada Afrikaanka inay ciidamadoda u soo diraan Somalia xitaa haddii ay sii socdaan rabshadaha si Somalia loogu soo dabaalo xasilooni.

Waxa uu sheegay in wadamada yaboohay ciidamada oo aanay sugin inta nabada laga dhalinayo, balse iyaga waxa ka keenaan nabada.

Waxa uu yiri "waxba tarimayso inaan fikrada Q.M ee ah in la sugo inta nabada laga soo celinayo balse waa naf badan loo huraa oo la tagaa Somalia si nabad loo keeno, oo dalkaasi uu dib cagahisa isugu taagi lahaa mar kale sidii lagu sameeyey oo kale dalka Brundi oo iyadoo ay dagaalo ka jiraan ciidamo lo diray, laguna guuleystay in xasilooni lagu soo dabaalo,"

Madaxweynaha Somalia ayaa isna sheegay haddii la helo tirada loo baahan yahay ee nabada ilaaliyaasha ee yabooheen Midowga Afrika in markaasi ay dowladiisa ay si wadi doonto inay ka adkaato cadowga dadka Somalia, isagoo cadowgaasi ku sheegay kooxaha asal raaca, waa sida uu hadalka u dhigayee.

Hadal gaar ah oo ay ka soo wada saareen madaxtooyada Uganda ayaa madaxweyne Musaveni waxa uu ugu baaqay madaxweyne Yusuf inuu hubiyo in dhamaan qeybaha somalida oo ay ku jiraan maxaakimta Islaamiga lagu daro dowlada.

Dhinaca kale madaxweyne C/laahi ayaa intii u joogay madaxtooyada Kampala waxa uu la kulmay xaaska Xuseen Caydid ee Khadiija iyo saddex caruur ah oo ay dhashay, sida lagu sheegay bayaanka, laakiin lama sheegin waxa uu kala hadlay afada Xuseen Caydiid oo dhowaan laga qaaday xilkii wasiirka howlaha guud iyo guryeenta, ka dib markii uu ku biirey kooxaha ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Yuusuf.

Kolonyo Ciidamada ugandha ( AMISOM) oo ku dhacay dabin wax qarxa ah loona dhigay wadada dhexdeeda kaas oo geystey qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ah


Dabinkaan lala helay ciidanka ugandha walxaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka wasaaradii hore ee Maaliyadda ee degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, xilli halkaasi ay ku marayeen rondo kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Uganda sida ay xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta shilku ka dhacay ..

Qaraxaan ayaa dilay 4 ka mid ahaa ciidamada AMISOM (in kasta oo ay jiraan tiradaas gaaarsiinaya 5) iyo sedex qof oo Somali rayid ah kuwaas oo hilbo noqday aan lakala garaneynin warar qaar ayaa sheegayo in ay ka mid ahaayeen saraakiil yugaandhees ah dadka shilkaan wax ku noqday

Waxaanse weli si sax ah loo ogeyn inta uu la egyahay qasaaraha dhabta ah ee uu geystey qaraxaani oo si weyn looga maqlay xaafadaha ku dhow dhow degmada X/weyne,

Sidoo kale waxaan la garaneynin cida ka danbeysay dhagartaan weyn ee loo dhigay kolonyo rondo ku sameyneysay qaar ka mid ah xaafadaha magaalda muqdisho ciidamada Uganda waxaa la qaba waxyeelada soo gaartey dad rayid ah oo somaliyeed oo marayey wadada hareeradeeda kuwaasi oo uu qaraxu ka dhigay hilbo caadi ah si ay qireen goobjoogayaal Somali ah wuxuuna dhacay abarihii 8:50 Mirir subaxnimo, xiriir ay saxaafadu la sameysay Afhayeenka ciidamada Midowga Africa Captain Paddy Ankunda wuxuu saxaafada u sheegay in ay dhibaato ka soo gaartay ciidamada Uganda qaraxaasi balse wuu ka gaabsaday in uu bixiyo wax faahfaahsan oo intaa dheer.

Gudoomiyaha degmada X/weyne Ibraahim Sahal oo wareysi siiyey saxaafada isne ayaa waxa uu xaqiijiyey in qarax xoogan uu dhacay oo geeystay qasaaro naf iyo maalba leh sidoo kale isne waa uu ka gaabsaday in uu intaa ka badan sheego .

Dadka deegaanka iyo qaar kale o socoto ah ayaa dhamaan wada qiray dhimashada soo gaartey ciidanka ugandha iyo somalida waxayna farta ku fiiqeen in qaraxa uu ahaa mid laga naxay oo bixiyey dhawaq aad u weyn

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxaa tegay ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliyeed kuwaas oo hada bilaabay in ay goobta falku ka dhacay baaritaano ku sameeyaan

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2007

.C/llaahi Yuusuf oo ka dalbaday Madaxweynaha Uganda in..
.Sheekh Shariif: Mareykanka isaga ayaa sabab u ah...
.Weerarkii lagu qaaday xarumaha WHO iyo UNICEF oo..
.C/Qaybdiid oo sheegay in ay jiraan rag wata Direyskii oo...
.Max’ed dheere oo ka qaybgalay Caleemo saarkii Wiilkii..
.Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walwa ka muujisey Qaraxyada
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... May 16

Yoweri Museveni: Soomaalida ayaa laga rabaa in ay Qarankooda dhistaan...
Madaxweynaha Dalka Uganda oo Talaadadii (May 15) su'aalo laga weydiiyey arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaranka Soomaaliya ay Soomaalidu burburisey sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaalidu qarankooda dhistaan. Hadalkaas Yoweri Museveni waxa uu yiri xilli uu la kulmay Madaxweynaah DFKMG oo booqday Uganda... Dhanka kale C/laahi Yuusuf waxa uu guriga madaxtooyada Uganda kula kulmay Khadiija (Xaaskii Caydiid) iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.... Eeg halkan..

Puntland: Labadii ka tirsanaa CARE oo la siidaayey iyo Bayaan ka soo baxay dadkii afduubay::
Talaadadii (May 15) ayaa la siidaayey labadii ka tirsanaa hay'adda CARE oo May 9keedii lagu afduubay tuulada Xiriiro oo qiyaastii 120km (75 miles) u jirta Boosaaso. Labada qof ee la afduubay ayaa u dhashay Britain (Ireland) iyo Kenya.

Dagaalka Qarsoon ee Batroolka:
Qoraal dheer oo warbixin lagaga qoray Soomaaliya ayaa lagu xusay hadalkii Afhayeenkii hore ee Hawlgalkii Qaramada Midoobey ee Ciraaq 2003, Salim Lone, oo hadda ah qoraa ka tirsan jariida Daily Nation iee Kenya, oo dhawaan u waramay telefishanka Democracy Now. Hadalkaas oo ahaa: "Ra'iisul wasaaraha (DFKMG, Geeddi) isku daygiisa in uu u gacan haadiyo shirkadaha Batroolka waxay u dhigantaa qayladiisa uu markasta ku qaylinayo Al-Qaeda. Markasta oo aad waraysi ka qaadid saraakaal Soomaaliyeed, waxa ugu horeeya ee aad ka maqleysaa waa Al-Qaeda iyo Argaggaxiso. Taas ayey isticmaalayaan. Qof taas rumaysan ma jiro. Qof taas rumaysani ma jiro haba yaratee, sababtoo ah dhammaan warbixinada madaxa bannaani waxay tibaaxayaan arrin taas ka duwan. Akhri: [
The Hidden War for Oil]

"Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...
"Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah. Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....

 


Maraykanka oo Sheegay in Loo Baahan yahay in la Bedelo Hoggaanka Sare ee DKMG...

Dr. Frazer: uma malaynayo in dawladda Madaxweyne Yuusuf taagnaan karto....

Raadiyaha Maraykanka ee VOA laantiisa Afka Soomaalida oo waraysi la yeelatay Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Jendayi Frazer, ayaa la weydiiyey su'aal ahayd "Kalsooni intee inle'eg ayaad ku qabtaa Madaxda Sare ee Dawladda Kumeelgaarka ah (ee Soomaaliya)"... Halkan ka dhegeyso

Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Dr. Frazer waxay kaga jawaabtey: Waxaan u malaynaya in hoggaanka sare ee Dawladda Kumeelgaarka ah uu u baahan yahay in la bedelo. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxa uu hoggaamiyaa dawlad kumeel gaar ah oo saldhigeedu uu yahay hannaanka awood qaybsiga ee 4.5 taasi oo waqti hore ka soo baxday wada hadalladii lagu qabtay Nairobi, waxaan filayaa in kulanka dib u heshiisiinta qaran uu fursan usiinayo bulshooyinka qabaa'ilada in ay dib isugu soo noqdaan hannaankaasi awood qaybsiga ee 4.5 si ay u doortaan hoggaan meteli kara dhammaan beelaha, waxaan u malaynayaa in taasi ay tahay qaybta ugu muhiimsan ee hannaan-socodka dib u heshiisiinta, waan ku kalsoonahay madaxweyne Yuusuf, waan la shaqayneynaa, laakiin uma malaynayo in dawladdiisu taagnaan karto, iyadoo tan iyo xilligii la dhisay ay dheceen isbedello muhiim ah, waa in la fiiriyaa sidii ay u noqon lahayd mid loo dhan yahay....  Halkan ka dhegeyso

Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Itoobiya

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magalooyinka Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa waxay dhigeen mudaharad ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin duulaanka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya iyo xasuuqa dadka Soomaaliyeed lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho. In kabadan 200 qof ayaa galabnimadii Jimcadii isugu soo baxay barxadda hore ee baarlamaanka Canada (Parliament Hill), kaddibna waxay socod ku tageen Safaarada Maraykanka ee ku taal wadada Sussex drive, ugu dambayntiina waxay gaareen safaarada Itoobiya oo ku taal wadada Slater Street.

"Itoobiya haka baxdo Soomaaliya, Maraykanku ha joojiyo dagaalka Maqaar-saarka ah, Meles Zenawi ha dhaco, dilka hala joojiyo, gumeysi ma ogolis, xasuuqa hala joojiyo..." ayaa ka mid ah erayadii ay ku dhawaaqayeen dadka mudaharaadka dhigayey. 

"Aaway Canada, waa maxay jawaabta ay dawladanadu ka bixineyso masiibadaas" ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah arday, waxana uu intaas kudaray "ilaa hadda wax aan aamusnaan ahayn kama maqal dawladanada."

Sawirada ka daawo halkan.... GUJI...


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com