 |
|
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaalo kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
|
May 19, 2006 |
Salaan Istanbuul – 2
qaybtii 1aad ka akhri
halkan....
Magaalada Istanbuul waxaa
magaala muhiima ka dhigay rugta ay adduunka kaga taal. Wexey ku qotontaa bar
kulanka Qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Wexey magaaladu guud ahaan u qayb san tahay
2 qaybood, qaybina Aasiya ku taal qaybta kalena Yurub ku taal, waxaana isku xira
gacanka BOSFOOR loo yaqaan. Haddii la sii kala saaro waa saddex qaybood, oo
dhinaca yurubta ayaa laba ah, Qayb jasiirad oo kale ah, oo taariikhdii hore ku
dhisan, iyo qayb cusub.
Magaaladu wexey ku taal xeebta
badda yare e BOSFOORKA, wexey kaloo leedahay gacan badeed yar oo ilaa 7 km
dherer leeg kasoo kala qaybsha qaybta yurub ee magaalada.
Magaalada waxaa markii hore loo
yiqiin. (Bayzantoun) iyadoo loogu magic darayo ninkii asaasay, dabadeedna waxaa
loo baxshey: (Konstantinapolis) ama (Qusdandiiniya) oo ka timi magaca boqorkii
Rooma, (Qoonistantiin) oo wax ka bedeley. Markii ay Cusmaaniyiinta
Muslimiintaayi furteenna waxaa loo bixiyey: (Istanbuul) ama (Islaambool) oo
macneheedu yahay: (Magaaladii Islaamka). Sidaas ayeyna ku noqotay magaalooyinka
adduunka ugu muhiimsan kuwa ugu horreeya.
Istanbuul wexey ku fadhidaa
dhul baaxaddiisu la egtahay 7500 sq.mt. Dhererkeedu waa 150 km ballaceeduna
wuxuu jiraa 50 km. Dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa ilaa 13 malyan. Sanadkiiba
waxaa baadiyayaasha kaga soo biira ilaa 500,000 oo qof oo cusub.
Magaaladu wexey saldhig u
noqotay dawladdii Baysantiyada ee Boqortooyadii kirishtaanka ahayd ee bariga.
Ilaa sideed Jeer ayey muslimiintu isku dayeen iney magaalada furtaan, laga
bilaabo xilligii uu Mucaawiya Bin Abii Sufyaan – Allaha Raali ka Noqdee –
khaliifada ahaa, laakiin ma suura gelin.
Wexey Cismaaniyiintu bilaabeen
iney magaalada hareerayaan dabayaaqada qarnigii 14aad ee miilaadiga. Waxaa Isku
deyey sanadkii 1390 Suldaan Bayaziidkii 1aad, 1422 waxaa isku deyey Muraadkii
2aad, hase yeeshee labadooda midna kuma guulaysan inuu qabsado Istanbuul.
Waxaa Ilaahay guushaas siiyey
Suldaankii 7aad ee Dawladdii Cismaaniyada Suldaan Muhammad Al Faatix oo xukunka
hayey (855-886) – 1451-1481. Wuxuuna Istanbuul gacanta ku dhigay sanadku markuu
ahaa 1453, mudda hadda laga joogo 553 sano.
Dagaalkii uu Suldaan Muxamad Al
Faatih Allaha u naxariistee ku furtay Istanbuul wuxuu ahaa mid la yaab leh,
wuxuuna hantay bishaaradii Nebigeennu calayhi salaatu wasalaam sheegay sida uu
weriyey Imam Axmad Allaha u naxariistee:
حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ إِسْحَاقَ حَدَّثَنَا
يَحْيَى بْنُ أَيُّوبَ حَدَّثَنِي أَبُو قَبِيلٍ قَالَ
كُنَّا عِنْدَ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِي وَسُئِلَ
أَيُّ الْمَدِينَتَيْنِ تُفْتَحُ أَوَّلًا
الْقُسْطَنْطِينِيَّةُ
أَوْ رُومِيَّةُ فَدَعَا عَبْدُ اللَّهِ بِصُنْدُوقٍ لَهُ حَلَقٌ قَالَ فَأَخْرَجَ
مِنْهُ كِتَابًا قَالَ فَقَالَ عَبْدُ اللَّهِ بَيْنَمَا نَحْنُ حَوْلَ رَسُولِ
اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَكْتُبُ إِذْ سُئِلَ رَسُولُ اللَّهِ
صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَيُّ الْمَدِينَتَيْنِ تُفْتَحُ أَوَّلًا
قُسْطَنْطِينِيَّةُ أَوْ رُومِيَّةُ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ
عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَدِينَةُ هِرَقْلَ تُفْتَحُ أَوَّلًا يَعْنِي
قُسْطَنْطِينِيَّةَ
Maalinta uu Suldaan Muxamad Al
Faatix Istanbuul Furtay Ayey noqotay Caasimaddii dawladdii Cismaaniyiinta.
Qore: SH. Maxamed Idris
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 14,
2006
SHUKRAN
MALAYSIA: Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad | Qaybtii
5aad | Qaybtii 6aad |
Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad |
Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |
CALOOL XUMO: 1
| 2 | 3 |