SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaalo kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

May 19, 2006

  Salaan Istanbuul – 2 

qaybtii 1aad ka akhri halkan....

Magaalada Istanbuul waxaa magaala muhiima ka dhigay rugta ay adduunka kaga taal. Wexey ku qotontaa bar kulanka Qaaradaha Yurub iyo Aasiya. Wexey magaaladu guud ahaan u qayb san tahay 2 qaybood, qaybina Aasiya ku taal qaybta kalena Yurub ku taal, waxaana isku xira gacanka BOSFOOR loo yaqaan. Haddii la sii kala saaro waa saddex qaybood, oo dhinaca yurubta ayaa laba ah, Qayb jasiirad oo kale ah, oo taariikhdii hore ku dhisan, iyo qayb cusub.  

Magaaladu wexey ku taal xeebta badda yare e BOSFOORKA, wexey kaloo leedahay gacan badeed yar oo ilaa 7 km dherer leeg kasoo kala qaybsha qaybta yurub ee magaalada.

Magaalada waxaa markii hore loo yiqiin. (Bayzantoun) iyadoo loogu magic darayo ninkii asaasay, dabadeedna waxaa loo baxshey: (Konstantinapolis) ama (Qusdandiiniya) oo ka timi magaca boqorkii Rooma, (Qoonistantiin) oo wax ka bedeley. Markii ay Cusmaaniyiinta Muslimiintaayi furteenna waxaa loo bixiyey: (Istanbuul) ama (Islaambool) oo macneheedu yahay: (Magaaladii Islaamka). Sidaas ayeyna ku noqotay magaalooyinka adduunka ugu muhiimsan kuwa ugu horreeya. 

Istanbuul wexey ku fadhidaa dhul baaxaddiisu la egtahay 7500 sq.mt. Dhererkeedu waa 150 km ballaceeduna wuxuu jiraa 50 km. Dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa ilaa 13 malyan. Sanadkiiba waxaa baadiyayaasha kaga soo biira ilaa 500,000 oo qof oo cusub.  

Magaaladu wexey saldhig u noqotay dawladdii Baysantiyada ee Boqortooyadii kirishtaanka ahayd ee bariga. Ilaa sideed Jeer ayey muslimiintu isku dayeen iney magaalada furtaan, laga bilaabo xilligii uu Mucaawiya Bin Abii Sufyaan – Allaha Raali ka Noqdee – khaliifada ahaa, laakiin ma suura gelin.

Wexey Cismaaniyiintu bilaabeen iney magaalada hareerayaan dabayaaqada qarnigii 14aad ee miilaadiga. Waxaa Isku deyey sanadkii 1390 Suldaan Bayaziidkii 1aad, 1422 waxaa isku deyey Muraadkii 2aad, hase yeeshee labadooda midna kuma guulaysan inuu qabsado Istanbuul.  

Waxaa Ilaahay guushaas siiyey Suldaankii 7aad ee Dawladdii Cismaaniyada Suldaan Muhammad Al Faatix oo xukunka hayey (855-886) – 1451-1481. Wuxuuna Istanbuul gacanta ku dhigay sanadku markuu ahaa 1453, mudda hadda laga joogo 553 sano.

Dagaalkii uu Suldaan Muxamad Al Faatih Allaha u naxariistee ku furtay Istanbuul wuxuu ahaa mid la yaab leh, wuxuuna hantay bishaaradii Nebigeennu calayhi salaatu wasalaam sheegay sida uu weriyey Imam Axmad Allaha u naxariistee: 

حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ إِسْحَاقَ حَدَّثَنَا يَحْيَى بْنُ أَيُّوبَ حَدَّثَنِي أَبُو قَبِيلٍ قَالَ

كُنَّا عِنْدَ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِي وَسُئِلَ أَيُّ الْمَدِينَتَيْنِ تُفْتَحُ أَوَّلًا الْقُسْطَنْطِينِيَّةُ أَوْ رُومِيَّةُ فَدَعَا عَبْدُ اللَّهِ بِصُنْدُوقٍ لَهُ حَلَقٌ قَالَ فَأَخْرَجَ مِنْهُ كِتَابًا قَالَ فَقَالَ عَبْدُ اللَّهِ بَيْنَمَا نَحْنُ حَوْلَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَكْتُبُ إِذْ سُئِلَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَيُّ الْمَدِينَتَيْنِ تُفْتَحُ أَوَّلًا قُسْطَنْطِينِيَّةُ أَوْ رُومِيَّةُ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَدِينَةُ هِرَقْلَ تُفْتَحُ أَوَّلًا يَعْنِي قُسْطَنْطِينِيَّةَ

Maalinta uu Suldaan Muxamad Al Faatix Istanbuul Furtay Ayey noqotay Caasimaddii dawladdii Cismaaniyiinta.

Qore: SH. Maxamed Idris
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD