SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Dec 5, 2006

  • Sheekii Qoray Kitaabka Al-Raxiiq Al-makhtuum oo Geeriyoodey
  • BANNAANBAX BALAARAN OO KA DHACAY MUQDISHO.
  • Garowe: Madaxwaynaha puntland ayaa dib ugu soo laabtay caasimada puntland ee Garowe.
  • Boston:Xaflad soodhawayna oo loo qabtay Garaad Jaamac Garaad cali Garaad oo ka dhacday dalka Maraykanka.
  • South Africa: Tuugii ugu waynaa dalka South Africa oo la qabtay.
  • Maamulka Jaamacadda Muqdisho oo Mucaawino gaarsiiyey dadka ay waxyeellooyinka u geysteen fatahaadihii
  • Midowga Ganacsatada Gobolka banaadir oo Soo Dhaweeyey Hub ka Qaadista ay Wadaan Gollaha Maxaakiimta
  • Hooyo soomaaliyeed oo u baahan in laga daweeyo Cudurka TB-da

Sheekii Qoray Kitaabka Al-Raxiiq Al-makhtuum oo Geeriyoodey
 

Waxaa dalka India Jimcadii 1-12-2006 ku geeriyoodey Sheekh Safiyu raxmaan mubaarak fuuri oo Allaha u naxariistii janno ka waraabiyee ahaa caalimkii qorey kitaabka caanka noqdey ee ka hadla Siirada Nabi Muxamed (CSW),  laguna magacaabo Al-raxiiq Al-makhtuum. Kitaabkan oo ay dad badan aamisanyihiin inuu yahay kitaab ka mida kuwa ugu qiimaha badan qoraaladii laga sameyey ilaa hadda Siiradda Nabiga (CSW) iyo tariikhdii ku xeernayd nolashii suubanaheena iyo waliba halgankii dheeraa ee u galay faafinta Diinta.

 
Sheekh Mubaarak Fuuri waxaa uu ku dhashay tuuladda Xuseen Abaad ee ku taal dalka India sanadkii 1942kii, wuxuuna waxku bartay kuliyadda Al salafiya oo uu ku takhasusay culuumta Fiqiga iyo Xadiiska rasuulka, taasoo uu markii danbana dadka uu aad bari jirey intii aanu unu u guurin dalka boqortooyada Sascuudi Carabiya oo uu noqday macalin culuumta Islaamka ka dhiga  Jamacadda ( The Islamic University) ee ku taal magalada Madiina Al munawara intii u dhaxaysay (1988-1998kii). Waxa kale oo uu sheekhu cilmi baare dhanaca diinta Islaamka ka ahaa makatabadda Daar al salaam ee ku taal magalada Riyaad.
 
Inkasta oo uu sheekhu aad ugu soo caan baxay kitaabkiisa Al-raxiiq al-makhtuum hadana waxa uu qorey kitaabo aad u badan oo wax tar wayn u yeeshay ardeyda barata culuumta Islaamka iyo dhamaan muslimiinta, waxaan ka xuusi karnaa qoraaladaas dhaxal galka ah, sharax calaa saxiix al muslim, talkhiis tafsiir ibnu kathiir, sharx buluuq al maraam, rowdtu al anwaar fii siiratu al nabiyu al mukhtaar iyo kuwo kale oo badan.
 
Sida la ogsoonyahay kitaabka Siirada ha ee Al-raxiiq almakhtuum wuxuu ka mid yahay kutubta aadka ay Soomaalidu u xiisayso aadna culima badana ay duruus ka bixiyeen, kuwaasoo ilaa iminka laga helayo meelo badan cajaladihii laga duubay oo dafaha dunida iyo meelkasta oo Soomaalidu ku nooshay laga helo.waxaana ka mid ah culimada kitaabkaas aadka u akhriyi jirey hadana u akhriya Sheekh Daahir, Sheekh Aadan Siiro iyo kua kale.  
 
Cabdi Yuusuf
Qaahira
horrisom@yahoo.com

BANNAANBAX BALAARAN OO KA DHACAY MUQDISHO.

Waxaa Isniintii mar kale ka dhacay Muqdisho dibadbax looga soo horjeeday qaraarka qabyada ah ee ay dowlada Mareykanka ku dooneyso in cunaqabateynta hubka looga qaado wadanka Somalia.

Dibadbaxaasi oo ay soo abaabuleen golaha maxkamadaha islaamka soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay garoonka kubada koleyga ee Staduim Muqdisho, waxaana ka soo qeybngalay masuuliyin ka tirsan golaha maxkamadaha islaamka Somalia,ardayda waxka barata dugsiyada gobolka Banaadir iyo dadweyne aad u fara badan oo kala yimid qeybaha ay magaaladu ka kooban tahay.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga fulinta ee golaha maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Cabdiraxmaan Janaqoow oo ka mid ahaa masuliyinti ka hadashay dibadbaxii ka dhacay garoonka Staduim Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowlada Mareykanka inay iyadu ka dambeysay dhibaatooyinkii loo geystay shacabka soomaaliyeed ee waqtiga dheer ku soo jiray dagaalada sokeeye, wuxuuna sheegay in dowlada Mareykanka ay masuul ka tahay haraadiga sunta Nugliyeerka ee lagu aasay xeebta dalka Somalia, isagoo sidoo kale ku dhaliilay wadanka Mareykanka inay ku lug laheyd bur burkii loo geystay goobo muhiim u ahaa shacabka soomaaliyeed, wuxuuna goobahaasi ka tilmaamay Sheekhu idaacadii Radio Muqdisho, warlaliiski Somalia, warshadii taraqa iyo meelo kale.

Sheekh Cabdiraxmaan Janaqoow ayaa sheegay in hadi la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Somalia ay taasi horseedikarto dagaalo qaraar oo ka dhaca geeska Africa, wuxuuna ugu baaqay wadamada reer Yurub inaysan u ogolaan dowlada Mareykanka inay qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Somalia.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudiga shurada ee golaha maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Xasan Daahir Aweys, wuxuuna ka waramay sida ay uga soo horjeedaan in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Somalia iyo hadii la qaado dhibaatada ka imaankarta, isagoo ugu baaqay shacabka soomalaiyeed inay la jihaadaan ciidamada Ethoia ee ku sugan gudaha dalka Somalia.

dibadbaxii Isniintiika dhacay garoonka kubada koleyga ee Staduim Muqdisho waxaa ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihin ku xigeenka madaxa nabadgelyada ee golaha maxaakiimta Sheekh Muqtaar- Abuu Mansuur, xubin ka tirsan jabhadda soomali galbeed, abwaano iyo qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka soomaaliyeed, waxaana dibadbaxii si weyn looga dheehankaray ardayda soomalaiyeed ee wax ka barata dugsiyada Muqdisho ku yaalo


Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 /002521653623


Garowe: Madaxwaynaha puntland ayaa dib ugu soo laabtay caasimada puntland ee Garowe.

A/rizak koronto
garowe Puntland

Madaxwaynaha DGPl Gen: cade muuse ayaa dib ugu soo laabtay magaalada caasimada u ah DGPL ee Garowe isaga oo halkaasi kula kulmay saraakiil ka socotay Qaramada Midowbay.

Madaxwaynaha oo ku sugnaa xiliyadii ugu danbeeyay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa halkaasi u tagay markiisii horeba is difaac uu kala hortagayo maxaakiimta ku soo siqaysay deegaanada puntland islamar ahaantaana uu madaxwaynuhu shegay mararbadan in aysan iyagu ka maamul ahaan aysan cidna duulaan ku ahayn balse ay is difaaci doonaan hadii la soo weeraro.

Madaxwaynaha oo saaka ku qaabilay xafiiskiisa wafti ka socota Qaramada Midowbay ayaan saxaafada loo shaacin waxay ay kawada hadleen labada dhinac balse illo ku dhawdhaw madaxtooyada puntland ayaa xaqiijinaya in ay u jeedada wafdigani ahayd sidii la sikula meel dhigi lahaa mashaariic horumarineed oo ay qaramada midowbay ka fulinayso deegaanada puntland.

Si kastaba madaxwaynaha ayaan la cadayn inta uu ku sugnaan doono caasimada Puntland ee Garowe iyo in uu ku laaban doono Galkacyo iyo in kale.


Boston:Xaflad soodhawayna oo loo qabtay Garaad Jaamac Garaad cali Garaad oo ka dhacday dalka Maraykanka.

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayo Garaad Jaamac Garaad cali ayaa ka dhacday dalka maraykanka oo ay ka soo qayb galeen somali badan oo iyagu soo abaabushay xafladaasi.

Garaadka oo ugu horaynba ka hadlay xafladaasi ayaa ku tilmaamay xafladan in ay tahay mid taariikhi ah islamarkaana loo baahan yahay somalidu meel walba oo ay joogto in ay iska kaashato aaya ka talintoooda waxana uu garaadku dardaaran iyo talooyin siiyay dhamaan somalidii Halkaasi isugu timid isaga isaga oo ugu dardaaramay in ay aakhiro iyo aduunba ay u tabcadaan hanti.

Garaadka oo maraya dalka maraykanka ayaa u tagay wadanka maraykanka sidii somalida looga sheekaynlahaa xaalada uu ku sugan yahya dalkooda islamarkaana ay somalidu wax ugu qabanlahayd dalkooda si ay uga samayso gudaha dalka mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.

Somalida ku dhaqan dalka maraykanka ayaa ah somalida ugu badan ee dibad ku nool waana somalida ugu shaqadabadan islamarkaana waxay bill kasta u soo diraan somalia lacag badan oo biil ah iyaga oo ku caawinaya qoysaskooda ku sugan gudaha dalkasomalia si ay uga dhigtaan biil maadaama aysan jirin shaqo iyo dawald dhexe toona.

Balse iyada oo ay sidaas tahay oo ay lacag soo diraan ayay hadana somalida qurbo joogta ahi la kulmaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid thaya midab kala sooc taasoo mararabadan ay istusiyaan somalida caynkaasi ku dhacdo in ay dib ugu soolaabtaan dalkooda hooyo oo aysan jirin wax u dhaama qaarkale ayaa u dulqaata dhibaatadaas iyaga oo dareensan xaalka ka taagan somalia islamarkaana doorbida in ay wali ku sii sugnaandaan qurbaha o ay ka xamaashaan intii ay doorbidi lahaayeen in ay dulsaar ku noqdaan qoysaska ku sugan somalia ee ay qaraabda yihiin maadama aysan jirin shaqo ku filan oo ay haystaan qoysaskaasi.

Garaad Jaamac Garaad cali ayaa ah garaad ka sooo jeeda deeaanada Puntland waana garaadkii ugu horeeyay ee booqasho ku taga dalka maraykanka isaga oo rajaynaya in uu dib ugu soolaabanayo puntland islamarkaana la imaanaya shirar iyo talooyin uu la soo qaatay somalida dalkaasi.

Garaadka ayaa baryahaanaba booqasho ku marayay meelo badan oo ka mid ah dalkaasi maraykanka isaga oo la kulmaya madaxda iyo inta badan somalida ku dhaqan dalkaasi maraykanka islamrkaana shirar iyo wada xaajoodyo la qaadanaya dhamaan cidkasta oo uula kulamayo garaadku.

South Africa: Tuugii ugu waynaa dalka South Africa oo la qabtay.

Ananias Mathe oo 29 jir ah kana yimdi Moseambique ayaa gacanta lagu soo dhigay isaga oo loo haysto danbiyo aad u badan oo isugu jira xatooyo iyo kufsi.

Booliska loo tababray amaanka dalka ayaa baaritaan diiradu u saartay kadib markii la soo ogaaday guri uu ku jiro kadibna uu isku dayay in uu baxsado halkaasoo ay ku dhaawaceen Boolisku sidaasna lagu soo qabtay.

Tan iyo intii lagu jiray baadi goobkiisa ayaa si khalad ah Boolisku ay xabado ay ku rideen ninka sida wayn loogu raad joogay ay ku dhacday qof shicib ah meel dadku ay ku badan yihiin mar uu soo galay taasna ay Boolisku raali galin ka bixiyeen markii danbe.

Haweeney u hadashay Booliska Sally de Beer ayaa sheegtay in intii algu guda jiray baaridaankisa uu isku dayay in uu ku baxsado Gaari si gaar ah loo leeyahay kadibna ay ciidnaka amaanku ay ku caawiyeen diyaaradaha qumaantiga u kaca taasna ay tahay waajib wada saaran ciidamada dalka South Africa si la isaga kaashado qabashada wixii khal khal galinaya amaanka dalka.

Ananias Mathe, ayaa loo haystaa danbiyo iskugu jira Kufsi, dhac, iyo tanbiyo kale oo badan sida ay cadeeeyeen booliska wadankaasi South Africa.

Mr. Mathe ayaa lacadeeyay in uu tababar ku soo qaatay dalka Mozembique bilowgii bishii april ee sanadkii 2005.

A/rizak koronto
garowe Puntland

JAAMACADDA MUQDISHO AYAA WAXAY ASTAAN BUUXDA U TAHAY KAALMEYNTA DADKA SOOMAALIYEED EE U BAAHAN KAALMOOYINKA

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com

Mucaawinooyin kala duwan ayay Maamulka Jaamacadda Muqdisho gaarsiiyeen dadka ay waxyeellooyinka u geysteen fatahaadihii dhawaan ka dhacay gobollada dalka qaarkood.

Maamulka, Macallimiinta, Ardayda iyo shaqaalaha kale ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay gaarsiiyeen dadka ku waxyeeloobay fatahaadihii dhawaan ka dhacay Tulooyinka ku hareereysan Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Raashin iyo Dawooyin kala duwan ayay Jaamacadda Muqdisho gaarsiisay dadka ay waxyeellada ka soo gaartay fatahaadaha, waxaana loogu qaybiyay dadkaas kaalmooyinka goobaha ay ku sugan yihiin iyadoo dadkad qaarkood ay ahaayeen kuwo dulsaaran geedo biyaha dhulka ceegaaga awgood.

Kaalmadaan ay bixisay Jaamacadda Muqdisho ayaa ka dambeysay kaddib markii dhaawaan uu hadal ka jeediyay Jaamacadda Muqdisho Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo yiri: “Waa waajib iscaawintaan oo kale, oo lagu badbaadinayo naf geeri qarka u saaran, sida Qur’aankeennu sheegayo, NINKII NAF BADBAADIYA WAXA UU LA MID YAHAY ISAGOO DADKA OO DHAN BADBAADIYAY”.

Dadka la gaarsiiyay deeqahaan kala duwan ayaa waxaa dhibaato ba’an ay ka gaartay daadadkii dhawaan uu ku fatahay webiga Shabeelle Gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan deegaannada ku hareereysan degmada Balcad.

Maamulka Jaamacadda ayaa waxay ururiyeen deeq isugu jirta dawo iyo cunno aad u fara badan, waxaana deeqdaas gacan ka geystay Maammulka, Macallimiinta, Ardayda wax ka barata Jaamacadda Muqdisho iyo kuwii horay uga qalin jabiyay oo ku kala nool daafaha dunida.

Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay astaan buuxda u tahay kaalmeynta dadka Soomaaliyeed ee u baahan kaalmooyinka, waxay gacan weyn ka geysteen maamulka Jaamacadda Muqdisho iyo ardaydeedaba kaalmooyinkii loo ururinayay dadkii ay abaaruhu waxyeellada u geysteen sannadkaan bartamihiisii.

Jaamacadda Muqdisho ayaa la furay sannadkii 1997-kii, waxaana wax ka barta arday aad u fara badan oo Soomaaliyeed, iyadoo kuwii ka qalin jabiyayna ay howlo ka qabtaan gudaha iyo dibadda dalka.

Midowga Ganacsatada Gobolka banaadir oo Soo Dhaweeyey Hub ka Qaadista ay Wadaan Gollaha Maxaakiimta

Midowga ganacsatada gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyey howlaha Hub qaadista oo ay maxaakiimtu ka bilaabeen magaalada Muqdisho iyadoo si gaar ah Hub qaadistaasi ay usamay nayso ganacsatada iyo shaqsiyaadka Hubka ku heysta magaalada Muqdisho.

“Ganacsatada Hubkooda waxey ku difaacanayeen naftooda iyo hantidooda mana aheyn Hubkoodu mid xaalad abuur ah waana soo dhaweyney qadista Hubka oo ay maxaakiimtu ku dhawaaqeen” ayuu yidhi gudoomiyaha midawga ganacsatada gobolka Banaadir Maxamuud Cabdikariin Cali Gabeyre oo intaas kudaray in ganacsatadu yihiin kuwa ugu nugul nabada waxuuna hoosta kaxariiqay in kalintii ay ka qaadan jireen kashaqeynta nabada mid kasii mug weyn inay kasii qaadan doonan isagoo xusay in howlaha fatahadaha ee hada socda waxna loogu qabanayo dadkii uu saameyey ay kalinkooda kaga aadan ka qaateen ganacsada muqdhso .

Si kastaba ha ahaatee Hadalkan kasoo baxay ganacsatada gobolka banadir ayaa kusoo beegmaya xili ay golaha maxaakiimta soomaaliyeed ay ku dhawaaqeen inay hubka iska soo wareejiyaan shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho iyo deegaanada ku xeeran islamarkana ay sidoo kale golaha maxaakiimta islaamka ka taliya gobolada jubooyinkana ay hore u shegeen in hubka shacabka gobolada jubooyinka ay ku warejiyaan golaha maxaakiimta arintan ayaa waxaa soo dhoweeyey bulsho weynta soomaaliyeed qaar ka tirsan.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiin2006@hotmail.com


Hooyo soomaaliyeed oo u baahan in laga daweeyo Cudurka TB-da

Hooyo Saynab Yuusuf Xirsi waa Hooyo Soomaaliyeed oo muddo 3-Sano ku xanuunsan Magaalada Muqdisho. Mar aan ku booqday Guri ay degan tahay ayaa waxaan aad uga naxay sida ay u liidato Hooyo Saynab, waxaa dhowr jeer gacan siiyey Dadka dariska ah balse ma ‘aheyn gacansiintaas mid kaafin kartay Hooyo Saynab oo markan la kulmayey ay ag fadhiyeen labo Caruur ah ay dhashay waxaa labadaas Caruur ah haatan quudiya Dadka dariska ah.waxaa haya haweeneydaan Gabar ay deris yihiin oo lagu magacaabo Canab Maxamed .

“ kaalma yar oo ku soo gaarta ma’ahan mid ku kaafin karta, waxaas oo dhan waxaa igala wanaagsanaan lahaa anigoo hela Caafimaad buuxa” ayey tiri Hooyo Saynab oo markii hore ahayd Haweeney u xamaalin jirtay Caruurteeda waxay intaas sii raacisay” waxaan maanta goystay inaan isku dhiibo Bulsho waynta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba si ay Gacan Baniaadanimo ii siiyaan.

Hooyo Saynab waxay la taaheysaa Cudurka TB-da Caluusha waxayna waysay Cid gacan ku siisa kana daawaysa Cudurkaasi oo ah mid si sahal ah lagu daawayn karo, Hooyo Sayanab oo jir ahaan u dhamaatay ayey waxay ku hadlaysay Cod aad u daciif ah oo ka soo gu’ayay Caluusha aad baan uga naxay anigaaba ku sigtay in ay illin iga timaado “ waxaan ku iri Hooyo Inshaa’Allah waad caafimaadi doontaa waxaan kuu ogahay in Dadka Soomaailyeed ay yihiin Dadka isu naxariista isuna gargaara, inta ay Madaxa luxday ayey Tiri” iga gaarsii Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay Il naxariis ah igu eegeen, Hooyo Saynab Cid ahel u ah kuma sugna Magaalada Muqdisho waxay ii sheegtay in Dadkeeda ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa.

Hooyo Saynab waxay u soo jeedinaysaa Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay kala tacaalaan Cudurkaasi oo si fudud loogu Daweyn karo Dalka haddii loo helo dhaqaale.

Ciddii doonaysaa inay caawinto Haweeynaydaan inay kala soo xiriiri karaan

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Tel 2521-5532494

Maxaakiimta Islaamiga oo Ballan Qaaday inay Dhisi doonaan Garoonka Garoowe
sidaas waxaa shaaca ka qaaday Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub, C/Naasir Guure Faarax [jeer], oo... Akhri...

Soomaalida Minnesota oo $20,000 u ururiyey
Dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey fatahaada iyo daadadka ka dhacay webiyada iyo xeryaha qaxootiga Akhri...

Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
Dawaare
"Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto" Sidaas waxaa yiri.... Akhri....


Heshiis Dhex maray Maxkamadaha iyo Wadamada IGAD oo dhan
iyo warar Googoos ah Akhri.... Dec 4

Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD