SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


Itoobiya waa naga adkaatey ee Soomaliyeey aan aqbalno!

Laba dal oo Afrika ah: Itoobiya iyo Soomaaliya

Bile Jaamac (Gaagaale )

Oslo, Norwey

Itoobiya iyo Soomaaliya waa laba dal ee daris ah, xuduud aad iyo aad u dheer-na ka dhaxeeyso, dhibaato weynna kala dhex-taala oo ku saabsan dhul iyo dad soomaaliyeed ee dalka Itoobiya awood ku haaysto.

1960-kii, qoomiyadda Soomaaliyeed waxeey dhisteen dawlad-dhexe oo loogu magac daray -Somali Republic- ama Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Somali Republic ama Jamhuuriyadda Soomaaliya waxeey ka koobneeyd labo-deegaaneed oo ka kooban Waqooyiga Soomaaliya (British Somaliland) iyo Koonfurta Soomaaliya (Italian Somaliland) oo kala gumeeysan jiray Ingiriis-kii iyo Talyaani-gii reer Yurub ee gumeeystaha ahaa waqtigaas.

Dalka Soomaaliya; Itoobiya iyo Kenya oo ah laba dal oo daris la ah, isla markaana ah dalal Afrikaan ah; dhibaato weyn ayaa ka dhaxeeysa ee ku saabsan dhul iyo dad Soomaaliyeed oo eey boobeen.

Shacabka Soomaaliyeed, Itoobiyaan-ka xumaan gaar ah uma qabto aan ka aheeyn dhul-Soomaaliyeed oo eey ka haaystaan.

Itoobiya, weey og-tahay in dhulka-loo-yaqaan Soomaali-Galbeed ama

( Ogaandiiya) eey degan-yihiin Qoomiyadd Soomaali aan ogaleeyn in marna ka mid noqdaan "Federal-ka Itoobiya".

Sidaas darteed, hadii shacabka Soomaaliyeed uu ka soo "horjeesto" siyaasadaha dawlada Itoobiya ama dalka Itoobiya guud ahaan-ba arin ku saabsan dalka Soomaaliya waa arin la fahmi karo.

Soomaaliya 30 sanno oo "kaliya" ayeey dal iyo dawlad -dhexe laheeyd

Dawladd iyo dal Soomaaliya u gaar ah, 30 sanno oo kaliya ayeey jirtey; 1960 ilaa 1991.

Soomaaliya, waxeey noqotey dal magac ku leh aduun-weynaha 30 -kii sanno eey dawladda laheeyd.

Inkastoo dalka Soomaaliya faqri uu ahaa walina-yahay, oo wax dhaqaale oo u gaar ah, uuna laheeyn, haddana waxeeey noqotey dal dhinaca -istaraa-teejiga-dagaalkii qaboobaa (cold war)kii, meel fiican ka galay oo soomaaliyana ka faa`ideeysatey dhinacyo badan oo horumarka eey gaartey ah.

Dagaalkii qaboobaa ama (Cold war) kii, markuu dhamaaday dawladii iyo dalkii Soomaaliya ee 30-ka sanno jiray oo ka faa`ideeysan jirtey siyaasadaas ku dhisneeyd kala qeyb-sanaanta aduunkii ku dhisnaa-East and West- dalkii iyo qarankii Soomaaliya markaas ayaa aduunka ugu danbeeysay oo wuxuu la bur-buray markeey dhamaatey siyaasadii kala qeybsanaanta dagaalkaas qaboobaa ee aduunka soo maray.

Itoobiya waa naga adkaatey Soomaaliyeey

Itoobiya, wali waxeey gumeeysataa dad Soomaaliyeed waxeeyna awood ku haaysataa dhul-Soomaaliyeed.

Itoobiya, dhibaatadii dagaalkii qaboobaa ee aduunkaan ka jiray dhibkii laga dhax-lay weey ka gudubtay oo "Qaranimadeeydii wey-xajisatey" mana u kala daadan sida Soomaaliya, Midawga Soofiyeetigii awooda laha ama Yugoslaafiya iyo kuwa kale-ba.

Soomaaliyeey, sidaas darteed dalka Itoobiya weey naga adkaatey runtii.

Itoobiya, hadeeyba dalkeedii iyo qaranimadeedii xajisatey oo xuduudii eey laheeyd ee wali ku joogto; marka laga reebo xuduud beenaadkii dalka Soomaaliya eey la laheeyd; oo aan waxba iska badalin.

Gaba-gabo iyo gunaanad

Itoobiya, waa naga "adkaatey" Soomaaliyeey aan aqbalno; mar hadii siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aad dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga yaqaan eey kala aaminsan-yihiin in "ciidamo Itoobiyaan ah dalka la keeno" laba aragti eey kala aaminsan-yihiin oo eey hal-aragti oo mid ah wada laheeyn; marka laga hadlaayo dalka iyo dawladda Itoobiya.

Saraakiil sar sare oo ilaa "Janaraal darajadeed" ka gaaray ciidamada Soomaaliyeed ayaa ku kala qeybsan aragtida ah; in ciidamo Itoobiyaan ah, dalka Soomaaliya la keeno iyo in aan la keenin.

Arin kale oo muhiim ah, oo shacabka Soomaaliyeed in eey ogaadaan loo baahan-yahay; dawladaan Soomaaliyeed ee dalka Kenya lagu soo unkay waa mid ah, dawlad heshiis-eed oo "federal" ku saleeysan.

Dawladaan heshiis-eed, waxeey ku saleeysantahay mabda` ah "federal" oo dalka oo dhan u dhaxeeysa, bacdamaa shacabka Soomaaliyeed isku-faquuqay hayb-hayb; arintaasna leeysku dilay oo naf iyo maal-ba lagu waayey.

Sidaas darteed arinta waa in hayb-kastaa degaanka eey joogto nabad ka dhalisaa; maamulna ka sameeysaa oo u gaar ah, si eey u hirgasho aragtida ah, dalka Soomaaliya in uu ku saleeysan-yahay wadan "federal" ah.

Gunaanadka, waxeey tahay in Gobolada Soomaaliyeed qaar ka mid ah eey aamin-sanyihiin in la keeno ciidamo Itoobiyaan ah; qaar kale-na aad iyo aad uga soo horjeedaan.

Qab-qablayaasha Soomaaliyeed, oo hadda ku jira dawladda Soomaaliyeed waxeey hal-maameeyn in Axdiga-Federal ah, ku darsadaan codka "Veto".

Taas oo u noqon laheeyd, marka eey wax diidaan mid sharci ah, oo waafaqsan heshiiska Soomaaliyeed ee lagu gaaray dalka Kenya.

Hadal iyo dhamaantiisa, Itoobiya waa naga adkaatey hadaan-ba ku murmeeyno -ciidamo Itoobiyaan ah, dalka Soomaaliya ma la keenaa iyo yaan la keenin- arintaas ka hadlideeda kaliya ayaa guul-u-ah dalka iyo dadka Itoobiyaanka ah. 

Bile Jaamac (Gaagaale)
Oslo, Norwey
Sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2005


»DOWLADDU CID WALBA WAA U DAN [Dr. Black]
»MA RA'ISULWASAARE MISE RA'ISULWASAARE-SHARAFEED  
»
Guushii Golaha SRRC Waa Gumeeysi Doon ??? [Eng.Cabdi]
»Haa Hala Keeno Ciidan shisheeye oo Caalami Ah..[Jannogale]
Xildhibaannadii Xabashida Diiday iyo Kuwii Raacay [C/waxid]
»Aragtiyada kala duwan ee  keenista Ciidama Shihseeye  [Samatalis]
»Waayaabe Ethiopia somali maisu keenaysaa mase.... [Saajinka]
»
Ammaanka Magaalada Kismaayo:: [Faalladii Cabdiqadar]
»Waayaha: "Inay na'anfacaan ayaan udhalney mise inay nadhibaan!"
»Farxadii Qarniga ee Madaxwaynaha Soomaaliya& Rasysulwasaaraha
»Xal loo Raadinayo Arrinta Xaraashkii Xaafuun | C/waxid

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD