SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


  • Nairobi: Gen Badmaceeyay oo iska fogeeyay in uu ku lug lahaa qorshaha itoobiya loogu gacan galinayo soomaaliya.
  • Hargeysa: Khilaaf kii ugu weynaa oo kadhex taagan madaxweyne rayaale iyo golaha baarlamaanka somaliland
  • Kismaayo: Ciidamadii Xogga Dalaka oo La Diwaan gelinayo

Gen Badmaceeyay oo iska fogeeyay in uu ku lug lahaa qorshaha itoobiya loogu gacan galinayo soomaaliya.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | Feb 3
Email: Halkan kala soo xiriir

 
Shir Jaraa'id oo ay maanta qabteen koox uu ka mid yahay gen Badmaceeye oo ka mid ahaa xubnihii dowladda FKMG ah ee soomaaliya u matalayay wafidiga xaqiiqa raadinta ee jaamacadda carabta iyo ururka midnimada afrika ayaa arrimo badan daaha ka qaaday maanta oo ay mid yihiin waxa ay dadka ka qabaan ciidamada IGAD ee soomaaliya la gaynayo.
 
Shirkan oo qodobadiisa ugu horeeyay uu gudoomiyaha wafdigan dhinaca dowladda uga socday ku furay iska fogeyn uu iska fogaynayay in uu wax lug ah ku lahaa hadalkii uu saxafadda u sheegay C/llaahi Sh Xasan ee ku aadanaa in somaliya loo gacan galinayo Wadanka Itoobiya uuna ka dambeeyay Jen Badmaceeyay oo hogaamiye u ahaa wafdigan ka socday dowladda FKMG ah ee soomaaliya.
 
"C/llaahi Sh Xasan waxa uu ka mid ahaa laba nin oo ay amar lagu siiyay madaxa wafdiga xaqiiqa raadinta ee AU oo ay soo direen laba hogaamiye siyaasadeed si ay u fashiliyaan baaritaanka iyo aftida shacabka ee ku aadan ciidamada somaliya iyo meelaha laga keenayo waxayna kala matalayeen Wasiirka Amniga maxamd Qanayre iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cumar finish"sidaas waxaa yiri Gen Badmaceeye.
 
Mar uu ka hadlayay xariga C/llaahi sh xasan waxa uu yiri.
 
"Anaga oo ku sii jeedna garoonka dayniile ee magaaladda mogadisho ayaa waxaa E-Mail loo soo diray diyaarada duuliyaasheedi waxaana loo sheegay in la qarxin doono hadii ay soo caga dhigato Xamar sidaas ayaan ku dajinay C/llaahi Sh Xasan waxaana siinay qarash dhan $500(shan boqol oo dolar) oo ku raaco diyaaradaha ganacsiga ee Mogadisho aada anaga sidaas ayaan ku aadnay Nairobi waxaana noogu war dambaysay in Ninkani uu sugayay diyaarad,warka ku saabsan in la xirayna waxaan ugu nimid magaalada Nairobi Waxaana naloo sheegay in maamulka puntland xireen anagana maahan mid aan ku leenahay wax shaqo ah xariga C/llaahi sh Xasan".
 
Generalkan waxa uu sheegay in ay booqdeen Magaaladda Mogadisho,Jowhar,Hiiraan,baydhabo,gaalkacyo,Garoowe Iyo boosaaso.Meelaha ay kala kulmeen caqabaha ayuu ku tilmaamay Magaalda Baydhabo oo ay dhibaato aan xoog badnayn uga timdi Aadan saransoor dad taabacsan kana soo horjeeda in ciidamo la geeyo halkaas,sidoo kale waxa uu xusay in meelihii kale oo dhan si wayn looga dhaweeyay dadkii goobahaas iyo mas'uuliyiintoodana ay kala sheekaysteen ciidamadaas iyo waxa ay ka qabaan.
 
Gen waxa uu sheegay in Dadka soomaaliyeed 90% ay rabaan in ciidamo la keeno dalka Soomaaliya meeshii ay rabaanba haka yimaadeen taas oo ku macneeyay in dadku ay daaleen xalkana ay u arkaan in la keeno ciidamo waxa uuna daliil uga dhigay dhibaatada li dhici karta hadii la waayo ciidan ay la mid noqon karto tii ku dhacday dowladihii ay hogaaminayeen Cali mahdi iyo C/qaasim.
 
"Magaalada mogadisho kaliya ayaa noqotay magaaladda laga diidan yahay ciidamada ka socda guud ahaan Afrika iyagoo ku sheegayay in ay u keenayaan cuduro halka qaar kalena ayba qabeen in ay itoobiya gumaysan doonto Somaliya iyadoo ugu soo gambanaysa dowlada dad ku jira oo ka amar qaata cadaawad hore u dhex martayna ay jirto labada dal".
 
Gen oo aan wax ka waydiiyay waxa in aragti ahaan sida ay soo arkeen marka ay soo qiimeeyeen xaallada soomaaliya in dowladani ay shaqayn karto ciidamo la'aan iyo inkale waxa uu yiri."Dowladani sida aan qabno ma 'ahan mid shaqayn karta ciidan la'aan waayo waxaa ka hor imaanayaa quwado kale oo waawayn waxaana wiiqmaysa awoodeeda hadii aysan helin awood xoogan oo daafacda hubkana ka aruurisa maliishiyaadka iska soo horjeeda ee ku sugan somaliya".
 
Ugu dambayn waxa ay guddigani sheegeen warbixintoodi ay u gudbiyeen Xarunta ururka midnimada afrika ee Addis ababa halkaas oo muddo laba todobaad kadib ahna ay ka soo baxi doonto qoraal cad oo ku saabsan waxa ka soo baxay baaritaankii lagu sameeyay ciidamada la gaynayo soomaaliya iyo meelaha laga keenayo.
 

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | Feb 3


Khilaaf kii ugu weynaa oo kadhex taagan madaxweyne rayaale iyo golaha baarlamaanka somaliland

Weriye: Aadan yuusuf qodax | SomaliTalk |Hargaysa
Email : Halkan kala Soo xiriir | Feb 3

Waxaa todobaadkii ugudanbeeyay siixoogaystay gaadhayna halkii ugusaraysay khilaaf beryandanbeba udhexeeyay madaxwaynaha Somaliland dahir rayaale kaahin iyo labada aqal ee baarlamaanka , khilaafkan oo kadhahay xeerka doorashada golaha wakiilada ee ay labada gole ansixiyeen ,kaas oo xukuumada madaxwayne rayaalena kutilmaantay in uu yahay xeer lagu horistaagayo doorashada wakiilada kana horimanaya masiirka ama rabitaanka umada Somaliland ,golaha baarlamaankuna kudheeraysanayaan mudada ay siijoogayaan aqalka baarlamanka ,kaas oo markiidanbe madaxwayne rayaale ugudbiyay maxkamada sare .

Hadaba gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland saleebaan maxamuud aadan (saleebaan gaal). Ayaa shalay shirjaraaid oo uu kuqabtay gurigiisa kaga hadlay khilaafkan udhexeeya baarlamaanka iyo xukuumada ,saleebaan maxamuud aadan gudoomiyaha guurtidu waxaa uu kutilmaamay go,aankii maxkamada sare ay waxkaga badashay xeerka doorashada golaha wakiilada mid aan sharciga waafaqsanayn, isagoo arintaa kahadalayana waxaa uu yidhi saleebaan gaal “marhadii maxkamada iyo go,aankeeduba aanay waafaqsanayn distoorka iyo garsoorka waxaanu u aragnaa sharci daro ,kudhaqankeeduna waa xaaraan”.

Gudoomiyaha golaha guurtidu salbeen gaal waxaa uu ku eedeeyay xukuumada maxawayne rayaale in aytahay tagudanwayday waajibaadkeeda ,kana masuultahay dib udhaca xeerka doorashada wakiilada iyo dhibaato kasta oo wadanka haysata dhinackasta ha ahaatee ,isagoo waxba kama jiraan kutilmaamay eedayn uu madaxwayne rayaale usoo jeediyay golaha baarlamaanka in ay soosaareen xeer dabraya qabsoomida doorashada wakiilada.

Dhinaca kalena gudoomiyaha golaha guurtidu waxaa uu shirkiisa jaraaid ee shalay eedayn ugu soojeediyay siyaasada arimaha gudaha ee xukuumada madaxwayne rayaale gaar ahaan gobolada bariga ee sool iyo sanaag bari ,waxaana gudoomiyaha guurtidu ku eedeeyay madaxwayne rayaale uu soo raray xuduudkii dhinaca gobolka sool oo uu keenay degmada caynaba ,isagoo arintaa kahadlayana waxaa uu yidhi gudoomiya guurtidu,``arinta xalinta gobolka sool waxaa midho dhal ugu dhawaa waftigii isugu jiray guurtida iyo salaadiinta ee socdaalka kutagay laascaanood sanadkii 2002 oo nabad iyo wadahadal soo aas aasay nasiibdarose waxaa burburiyay socdaalkii madaxwaynaha ee aan qorshaysnayn ee lama filaanka ahaa ee uu kutagay magaalada laascaanood ,falkaas laascaanood kadib madaxwaynuhu wuxuu qaaday talaabooyin qaldan oo ay kamid ayaayeen ,1. wuxuu amaray in dhamaan maamulkii gobol degmo iyo ciidanba si rasmi ah loogasooraro magaala madaxda gobola sool ee laascaanood lana dajiyo degmada caynaba

2. wuxuu saaray xaalad degega (emergency of state), yadoo ay doorashadii degmooyinka ka hadhsantahay 10 maalmood oo kaliya .

3. wuxuu abuuray xuduud cusub oo kala qaybinaysa midnimada Somaliland ,talaabooyinkaas oo dhan may ahayn kuwo soodhawaynaya xal uhelida gobolada bari waxayna sifudud ugu adeegeen qabsashadii ciidamad puntland ee magaalada laascaanood”.

Gudoomiya golaha guurtidu saleebaqan maxamuud aadan waxaa uu maxaxwayne rayaale usoo jeediyay in uu ilaaliyo midnimada Somaliland ,isagoo arintaa kahadlayana wuxuu yidhi saleebaan, “ waxaa aan leeyahay madaxwaynaha hadii aad midnimada iyo nabadraadinta naguhogaaminwaydo Somaliland kuu dabaranaan mayso ”. mar ay wariyeyaashu waydiiyeen waxaa uu taa ulajeedo waxaa uu yidhi saleebaan “waxaa aanu leenahay waar walaal madaxwaynaw nagu hogaami midnimo,hadii uu nagu hogaamin waayana dalku ufadhiyi mayo ee waxaanu yeeli waxa dastuurku nafarayo”.

Hadaba khilaafkan udhexeeya madaxwayne rayaale iyo baarlamaanka oo ah xeerkii doorashada, ayaa waxaa iyana jirta in todobaadkan golaha wakiiladu ansixiyeen xeer fasaxaaya ama jidaynaya in dibloofuro xisbiyo badan iy musharaxmadabanaan ,kaas oo madaxwaynaha Somaliland kutilmaamay mid aan sharciga waafaqsnayn ,isagoo mr rayaale kahadlaayay shir jaraaid oo uu qabtay debeyaaqadii bishii tagtay waxaa uu yidhi,`anigu uma arko (one time use), bay ahayd si axsaabta loosameeyo ayaa loogu tala galay sharcigaasina halkaas buu kudhamaaday,gudidii diiwaangalintuna waydhamaatay wakhtigeedii oo sanad iyo badh kahorbaa lakala eryay sababloosameeyaana majirto oo distoorku wuxuu ogolyahay sadex xisbi ,axsaabkale in lasameeyaana dastuurka kuma qorna ,waxkastoo aan dastuurka waafaqsanayna waa qayral dastuur(unconstitutional) ”.

Sikastaba ha ahaatee khilaafkan xoogaleh ee siyaasadeed ee kadhexoogan xukuumada iyo baarlamaanka ayaa ay dad waynuhu ilgaara ku eegayaan bal halka ay ku dhamaato .

Alaa mahad leh

w.q . Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland  


 

Isbahaysiga dooxada jubba ee ka arimiya gobolada jubooyinka ayaa  markoodii ugu horaysay ku dhawaaqay in ay diwaan galinayaan saraakiishii iyo saraakiil ku xigenadii xooga dalka soomaaliyeed

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin) | SomaliTalk | Kismaayo
Email: Halkan kala soo xiriir

Shir balaaran oo ay Maarso 2deedii isagu yimaadeen golaha sare hogaaminta isbahaysiga dooxada jubba oo ay ka soo qayb galeen saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulka isbahysiga dooxada jubba ayaa waxa ay   kasoo saareen baaq ah in ay bilaabayaan diwaan galinta ciidamdii xooga dalka  oo ay ku jiraan saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenadii dowladii hore  ee haatan ku sugan gobolada jubaayinka.

Hadalkan ka soo yeeray maamulka uu madaxda u yahay Barre hiiraale ayaa waxa  uu soo baxay kadib markii shir saacada qaatay ay yeesheen ayagoo shirkaas ku yeeshay  halka xarunta u ah maamulka isbahysiga dooxada juba ee Baranwaa .

Hadaba ku dhawaaqida ay ku shawaaqeen maamulka isbahaysiga diwaangalinta ciidamadii xooga dalka soomaalieyeed ayaa waxa ay daba joogtaa hadal asbuucii tagay ay sheegeen isbahaysiga dooxada juba oo ay ku sheegeen in taalabaabo walba oo wax looga qabanayo dhinaca amaanka ay fulunayso DFKMG ah ee soomaaliyeed  maadaama ay sheegeen in  kismaayo joogaan labo xubnood oo ka tirsan DFKMG ah islamarkaana  ay madax ka yahiin maamulka isbahaysiga dooxada jubba .

Sikastooy ahaataba diwaangalinta ay sheegeen maamulka isbahaysiga dooxada jubba in ay ka bilaabayaan gobolada juboyinka ayaa waxa ay sheegeen in ay bilaabanayso shanta bishan aynu ku guda jirno ayadoo kadibna loo furi doono tababaro islamarkaana la howol galindoono waa ciidamadee marka ay dowlada FDKMG  ah ay  si rasmi ah oga howol gasho gobolada jubooyinka.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2005


»DOWLADDU CID WALBA WAA U DAN [Dr. Black]
»MA RA'ISULWASAARE MISE RA'ISULWASAARE-SHARAFEED  
»
Guushii Golaha SRRC Waa Gumeeysi Doon ??? [Eng.Cabdi]
»Haa Hala Keeno Ciidan shisheeye oo Caalami Ah..[Jannogale]
Xildhibaannadii Xabashida Diiday iyo Kuwii Raacay [C/waxid]
»Aragtiyada kala duwan ee  keenista Ciidama Shihseeye  [Samatalis]
»Waayaabe Ethiopia somali maisu keenaysaa mase.... [Saajinka]
»
Ammaanka Magaalada Kismaayo:: [Faalladii Cabdiqadar]
»Waayaha: "Inay na'anfacaan ayaan udhalney mise inay nadhibaan!"
»Farxadii Qarniga ee Madaxwaynaha Soomaaliya& Rasysulwasaaraha
»Xal loo Raadinayo Arrinta Xaraashkii Xaafuun | C/waxid

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD