SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
Daabaco Boggan | Print

 

:::COD BIXIN:::


Barnaamijkii Radio Xoriyo

04 Mar. 2005 

  • Meles Zanawi oo mar kale ku celiyay inuu ciidamo u dirayo Soomaaliya.
  • Cudurka qallalka carruurta oo ka dillaacay Gobolka Tigreega
  • Wasiirrada gaashaandhigga ee dowladaha ku bahoobay ururka goboleedka IGAD oo ka hadlaya arrimaha Soomaaliya.
  • Qaramada Midoobey oo diiddan in ciidamo Itoobiyaan ah Soomaaliya la keeno.
  • Iyo Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga.

======================

Meles Zanawi oo mar kale ku celiyay inuu ciidamo u dirayo Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya keligii taliya Meles Zenawi ayaa arbacadii mar kale ku celiyay inuu diyaar u yahay inuu ciidamo u soo diro dalka Soomaaliya. Meles Zenawi wuxuu hadalkan ku dhawaaqay seddex maalmood ka dib markii hooggaamiyayaasha kooxaha iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeday Muqdisho ay diideen in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda dalalka Soomaaliya deriska la ah, gaar ahaa Itoobiya.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee sida wadajirka ah u diiday in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda dalalka deriska ah ayaa Itoobiya ku canbaareeyeen inay taageero hub iyo dhaqaale isugu jira siiso kooxaha hubaysan ee Soomaaliya ka jira, isla markaana ay ciidamadeedu ku dadaali doonaan oo kaliya sidii dhidibbada loogu aasi lahaa danaha ay Itoobiya ka leedahay dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale C/llaahi Sh Xassan Cali, oo xubin ka ahaa guddigii xaqiiqa raadinta ee dhawaan booqday gobollada Soomaliya qaarkood,muddana ku xidhnaa magaalada Garowe, ayaa arbacadii ku soo laabtay magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay C/llaahi Sh. Xassan Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inuu jiro qorshe qarsoodi ah oo lagu doonayo in lagu weeraro magaalada Muqdisho, qorshahaas oo ay diyaarisay xukuumadda Itoobiya, iyadoo kaashanaysa saraakiil soomaali ah.

C/laahi Sh Xasan wuxuu sheegay in qorshahaasi uu ka dhigan yahay in magaalada Muqdisho ay duullaan ku qabsadaan 11 kun oo askari oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo magaalada Muqdisho ka soo gali doona labada waddo ee kala ah waddada Balcad iyo midda ka timaada dhinaca Afgooye.

Hadalka C/llaahi Sh Xasan ayaa la filayaa inuu sii kordhiyo dareenkii ay qabaan dadwaynaha soomaaliyeed intooda badan ee ah inay diiddan yihiin in dalkooda la keeno ciidamo Itoobiya ka socda.

Cudurka qallalka carruurta oo ka dillaacay Gobolka Tigreega

Cudurka qallalka ama dabaysha loo yaqaano ee carruurta ku dhaca ayaa ka dillaacay woqooyiga Gobolka Tigreega, sidaas waxaa sheegay Xafiiska isku xidhka arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobey.

Hay’adaha caafimaadka ee xukuumadda Itoobiya ayaa sugay in cudurka qallalka carruurta lagu arkay labo carruur ah oo ku dhaqan Gobolka Tigreega. Labadaas caruur midkood ayaa ah gabadh labo sano oo kaliya jirta.

Cudurka qallalka carruurta ee laga helay Gobolka Tigregu wuxuu horseeday in Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO uu Itoobiya ka dhigo dalkii 14-aad ee lagu arko fayraska keena cudurka qallalka carruurta.

Waa markii ugu horraysay ee cudurka qallalka carruurta lagu arko Itoobiya muddo afar sano ah, wasaarada caafimaadka ee xukuumadda Itoobiyana ayaa ku andacootay in cudurkani uu kaga yimid dhinaca Suudaan.

Qaramada Midoobey ayaa si wayn ula dagaallanta cudurkan, waxaana dalalka lagu arko loo qaybiyaa tallaal cudurka lagaga hortego, iyadoo lagu talajiray in cudurkan dunida laga cidhib-tiro inta uuna sannadkani dhamaanin.

Wasiirrada gaashaandhigga ee dowladaha ku bahoobay ururka goboleedka IGAD oo ka hadlaya arrimaha Soomaaliya.

Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Uganda ayaa maalintii Talaadada ahayd shaaca ka qaadayin : wasiirrada gaashaandhigga ee dalalka Bariga Afrika ayaa toddobaadka denbe ku kulmi doona dalka Uganda, si ay uga wada-xaajoodaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee lagu talajiro in loo diro dalka Soomaaliya.

Wasiirrada gaashaandhigga iyo saraakiil millatariga ah oo ka socda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa isniinta ku kulmi doona magaalada Kambala, si ay u dhegaystaan warbixintii guddiga xaqiiqa raadinta ee safarrada ku soo maray gobollada Soomaaliya, isla markaana ay u diyaariyaan warbixin ku saabsan qorshaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Wasiirrada iyo saraakiishani waxay diyaarin doonaan falanqayn ku saabsan xaaladda Soomaaliya, waxayna soo bandhigi doonaan warbixin koobaysa tirada ciidamada loo baahan yahay, dhaqaalaha ku baxaya iyo qaabka loo agaasimi doono.

Sargaal u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee dalak Uganda ayaa sheegay in mucaarada ka imanaya gudaha Soomaaliya ee ku saabsan diidmada ciidamo shisheeye oo Soomaaliya la geeyo, ayna hakin doonin qorshaha IGAD ee ah in ciidamo nabad ilaalineed loo diro dalka Soomaaliya, si ay nabadgelyada dalka u sugaan.

Qaramada Midoobey oo diiddan in ciidamo Itoobiyaan ah Soomaaliya la keeno.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Wanston Tapmen ayaa markii ugu horraysay muujiyay mawqifka Qarmada Midoobey ee ku aaddan dhibaatada siyaasadeed ee laga yaabo inay ka dhalato ciidamo ka socda dalalka deriska ah oo Soomaaliya la keeno iyo khilaafka sii kordhaya ee arrintaas ku saabsan.

Wanston Tapmen oo u warramayey Idaacadda BBC-da laanteeda afka Ingiirsiga ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ayna aqbali doonin in dalka Soomaaliya nabad ilaalin loo keeno ciidamo ka socda dalalka Soomaaliya dariska la ah, wuxuuna tilmaamay inay taasi xasaasiyad keeneyso, isla markaana ayna nabad horseedaynin.

Wanston Tapmen wuxuu soo dhoweeyay in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda dalalka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo wadamo kale, balse wuxuu qiray in Qaramada Midoobey ay si fiican u garwaaqsan tahay dhibaatada ka dhalan karta haddii ciidamo Itoobiyaan ah loo diro Soomaaliya.

Dhinaca kale, Safaaradda Mareykan-ka ee magaalada Nairobi ayaa kulan isugu yeedhay xubno ka tirsan dowladda FKMG ah ee Soomaaliya, kuna jira labada gole ee baarlamaanka &golaha wasiiradda.Xubnaha kulankaas ka qayb galayna waxaa ka mid ahaa gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan Raisul wasaare ku xigeenka Prof Maxamuud C/laahi Jaamac (sifir), iyo xubno kale oo uu ku jiro wasiirka amniga qaranka Mohamed Qanyare Afrax,halka ay kulankaasi qaadaceen w/arimaha dibada c/llaahi Sheekh ismaaciil iyo w/qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq juurila.

Wadahaladaas ayay dowladda Mareykan-ku ku cadaysay inay horay uga aamusneyd arrimaha Soomaaliya hadda kadibse aysan ka aamusnaan doonin oo ay qaadan doonto doorkeeda kaga aadan arimaha soomaaliya iyo weliba hadal wasaarada arrimaha dibada ee maraykanku ay ka soo saari doonto xaalada soomaaliya.

 Radio Xoriyo

04 Mar. 2005

C/nuur Sh. Mohamed

radioxoriyo@ogaden.com  
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2005


»DOWLADDU CID WALBA WAA U DAN [Dr. Black]
»MA RA'ISULWASAARE MISE RA'ISULWASAARE-SHARAFEED  
»
Guushii Golaha SRRC Waa Gumeeysi Doon ??? [Eng.Cabdi]
»Haa Hala Keeno Ciidan shisheeye oo Caalami Ah..[Jannogale]
Xildhibaannadii Xabashida Diiday iyo Kuwii Raacay [C/waxid]
»Aragtiyada kala duwan ee  keenista Ciidama Shihseeye  [Samatalis]
»Waayaabe Ethiopia somali maisu keenaysaa mase.... [Saajinka]
»
Ammaanka Magaalada Kismaayo:: [Faalladii Cabdiqadar]
»Waayaha: "Inay na'anfacaan ayaan udhalney mise inay nadhibaan!"
»Farxadii Qarniga ee Madaxwaynaha Soomaaliya& Rasysulwasaaraha
»Xal loo Raadinayo Arrinta Xaraashkii Xaafuun | C/waxid

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD