SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  YURUB
Daabaco Boggan | Print


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Jaraa’idka Belgium oo si adag u dhaleeceeyey xukunka dilka ee lagu riday Hoggaamiyihii hore ee Ciraaq

Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Ingiriis@yahoo.com 

            Maalmo kaddib markii maxkamad ku taalla Baqdaad ay xukun dil ah ku riday Hoggaamiyihii hore ee Ciraaq, Saddaan Xuseem ayaa wargeysyada ka soo baxa dalka Belgium waxay qaybta faallada tifatirka ku naqdinayaan xukunkaas muranka badan dhaliyey. Wargeysyada waaweyn, sida La Liberation iyo La Libre Belgique ayaa arrintaas ku soo qoray bogaggooda hore, waxayna canaanteen qaabka xukunku u dhacay iyagoo shaki geliyey sharciyadda maxkamadda dacwadda qaaday.

            “Saddaam Xuseen waa lagu xukumi karaa xukun dil ah, laakiin xukunkiisu uma sameynayo wax fiican dalka Ciraaq,” waxaa sidaas qoray tifatire Roger Huisman ee wargeyska Het Belang van Limburg.

            Halkii ay wanaag ka soo kordhin lahayd, Tifatiruhu wuxuu muujiyey inuu cabsi ka qabo in xukunku baasiin ku sii shubo xiisadaha ka aloosan Ciraaq iyo gobolka Bariga Dhexe.

            Sidoo kale ayuu yiri Tifatiruhu, maxkamadda xukunkan riday weligeed ma aysan isku dayin inay hagaajiso muuqaalkeeda dhex-dhexaadnimo. Isagoo soo xiganaya Maxkamadihii dacwooyinka dagaalka ee Rwanda iyo Jamhuuriyaddii hore ee Yugoslavia, Huisman wuxuu aaminsan yahay inay macquul tahay in xukunnada dadka ku caan baxay dilka inay soo ifbixinayso caqabado isir, kuwo siyaasadeed iyo kuwo diineed.

            Sida uu isna daabacay wargeyska maalinlaha ah ee De Standaard, ereyga maxkamadeynta ama ‘trial’ ayaa ah mid ay adag tahay in la siiyo maxkamadda qaaday dacwadda Saddaam Xuseen.

            Tifatiraha wargeyskaas, Bart Sturtewagen ayaa tilmaamay in waxa dhacay ay ahayd caddaaladdii kuwa qabsaday Ciraaq oo u isticmaalay si aan waxba ku qasnayn. Wuxuu ku dooday in xukunku uusan wax sumcad ah lahayn, uuna shaki la’aan caawinaynin nabad iyo xasilooni ku soo noqota Ciraaq.

            Wargeyska kale ee De Gazet van Antwerpen ayaa isagu ka mowqif duwan wargeysyadaas. Tifatire Paul de Bruyn ayaa ku murmay in calwasaadkii uu kama dambaytii dhammaaday, wuxuuna ku tilmaamay xukunka dilka ee Saddaam lagu riday inuu u yahay maalin xusuus ah reer Ciraaq.

            Inkastoo Saddaam Xuseen ay ahayd in mar hore xukun lagu rido, haddana Tifatiruhu wuxuu rajeeyey in ciqaabta dilka ah ay ka habboonaan lahayd xabsi daa’in. Wuxuu Tifatiruhu dareensan yahay in xukunka dilka ah uusan waxba xalinaynin. Si taas ka soo horjeeda, Saddaam oo mayd ah waxaa loo arki karaa mujaahid ama calaamad la siyaarto, “calaamadaha la siyaartana way adag tahay in loola diriro sida cadow run ah” ayuu qoray.

            “Madaxda America, Faransiiska, Britain, Sacuudiga iyo Ruushka waa inay ku qajilaan naftooda,” sidaas waxaa qoray wargeyska weyn ee Het Volk. Tifatiraha wargeyskaas, Joost Loncin ayaa filaya in madaxda adduunku ay ka yaxyaxi doonaan xukunkan dhacay.

            “Waxay abuureen Jinni, waxayna ku quudiyeen hub, waxayna la daba joogeen ammaan sanadihii uu sameynayey dambiyada hadda maxkamadda loo soo taagay” ayuu yiri. Loncin waxay la tahay in waxa dhacay ay murugo tahay in ereyo lagu soo koobo.

            Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Ciraaq, Nuuri al-Maaliki ayaa isagu ku dhawaaqay in natiijada go’aanka Maxkamadda ee ah in la daldalo Saddaam Xuseen la fulin doono sannadkan intuusan dhammaan. Qareenka Saddaam Xuseen ayaa soo weriyey in macmiilkiisu jeclaan lahaa inaan la daldalin ee xabbad lagu dilo.

Qore: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Ingiriis@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2006


»ISU EKAANSHAHA  KA DHEXEEYA SOOMAALIYA 7 AFGHAANISTAAN
»
Kanada waajibey ku tahay in ay wax ka qabato arrimiha Soomaaliya
»
XIRIIR KHATAR AH WASHINGTON IYO SOOMAALIYA (LE MONDE...)
»ISGAARSIINTA DALKA OO KHATAR KU SUGAN | Dr. C/raxman
»Farqiga u dhaxeeya Hoogaamiye Kooxeedyadii  & maxkamadaha
»
Isbadalka Dalka Soomaaliya & Faalo Gaaban| Abuu Su'ad
»Maxaa kahirgalay Joojintii Tahriibta Puntuland  | Axmed
»Arrimaha hortaagan hashiiska Maxkamadaha iyo Dawlada KMG | siciid
»Faallo:- Shirkii Khartuum oo Fashilmey (Hal Bacaad Lagu Lisey)
»Afka hilibki Shiikh Max’ed bay weli ku haystaane.. | Abshir Bacadle
»SIDAY U GEESO WEEYNTAHAY, UMA BADISO... | Daldhaa
»
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Jiil Saaqiday | C/raxmaan
»ILAAHOW ITOOBIYA IYO ERITEERIYA DHEXDOODA NAGU CAYMI
»
Mustaqbalka Maxkamaduhu siduu noqon?.... | Cabdi Nuur
»Bayaan: Ururka Beelaha Waamo ee  ku nool Yurub & W/ Amerika
»Xaqii oo xamar ka soo daahiray | Eng. C/Qaadir
»JAMCIYAD NACAS QURUUMAADKA | Haldhaa
»Garabdaarki Abkowgey ya Abootadey | A.M. Yusuf
»Dhibaarooyinka qaarada Afrika iyo isgaadhisiin xumada haysata (pdf)
»Xiisada iyo xaalada siyaasadeed ee  dalku marayo oo ah meel halis ah

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD