SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xaqii oo xamar ka soo daahiray

WQ: Eng:C/qaadir Xaashi Maxmed
Email: madaalaha@yahoo.co.uk

 
Mahad dhamaanteed Alle ayey u sugnaatay,Alle subxaanahu watacaalaa wuxu ku leeyahay kitaabkiisa Munazalka ah “ La in shakartum la asiidanakum wala in kafartum ina cadaabii la shadiid “ oo macnaheedu yahay HADII AAD IGU SHUKRISAAN WAAN IDIIN SIYAADINAYAA WIXII AAD HEEYSATEEN HADII AAD IGU KUFRISAANA CADAABKEEYGU WAA MID DARAN, anagoo ka faa-iideeysaneeyna aayadaas quraanka ah waa inaan Alle ugu mahadcelinaa Guusha muuqata ee maanta ka muuqata caasimadii wadanka hooyo ee Soomaliya, guushaas oo gaal iyo muslim intaba eey qireen oo aan muran ka taagneeyn waxaana la yiraahdaa guul waxaa ugu qiima badan tan cadowgaagu uu kuu qiro waana tan maanta aan heeyno oo dhowaan profeysaradii mareeykanka ahaa waxeey qireen nabada iyo guusha maamul oo eey keeneen maxkamadaha somaliya iyagoo ku taliyey in dhulka somaliya oo eey badankiisa gacanta ku hayaan eey maamul udhisaan ilaa punland ilaa Ras-kambooni.
 
Cida sidaas ku talineeysa oo leh somaliya kuma heshiin karto wax ana aheeyn sida hada maxkamadaha eey ku wadaan oo hadii qabiil qabiil aaminayaa jiro 16 sano lama dowlad la’ aadeen waa cadowgii umada islaamka iyo tan soomaaliyeed labada waa mareeykanka oo ah hogaamiyaha iyo hor boodaha gaalada. 
Hadii aan dib ugu laabto dulucda maqaalkeeyga waxaan maanta marag madoonto ah wixii xamar ku sugnaan jiray iyo waxa maanta uu kusugan yahay sida eey u kala fogyihiin xamar waxeey aheeyd meesha wadanka ugu dhibka badan ugu dagaalka badan ugu hubka badan ugu amaanka xun oo eeysan jirin cid ku riyooneeysay in waqti sidaas u kooban guul looga gaari karo,Maanta muqdisho waxaa masjidka shiiq cali suufi lagu quudinayaa dadka dhibaateeysan oo Aan waxba heeysan waxeey na soo xasuusineeysaa xiligii qaliif kii Cumar iyo Cali oo qof kasta oo islaam ah meesha uu joogo uuku heli jiray nabad iyo gargaar ilaa la waayey qof sakada la siiyo xiligii cumar binu qidaab (rc). 
Maanta xamar iyo koofurta somaliya marka laga reebo magaalada Baydhabo oo lagu hareereysan yahay kama jirto isbaaro kama jirto beel beel ku duushay kama jirto dhul iyo guryo xoog lagu kala heeysto kama jirto maleeshiyo kala shakisay ayaa dad  baa bi’isay kama jirto hogaamiye kooxeedyo iska soo horjeeda kama jirto itoobiyan lasoo geliyo kama jirto madax hadba dhan ujeediya shacabka kama jirto maleeshiyo beeleed waxaana uu muujinayaa ifafaalaha soo muuqda in dhibka oo xamar eey xudun u aheeyd oo uu ka faafay ilaa wadanka oo dhan u wada gaaray ee Xaqana eey xudun u noqon doonto oo uu ka faafi doono ilaa uu wada gaaro wadanka oo dhan.
 
Ilaah aya amahad leh shacabku hada ayey dantooda garteen cidii aan u daneeyneeyna iska ceeyriyeen inta hartayna weey liiq liiqanayaan oo caburin ayey dadka ku hayaan maalin kastana cabashooyin iyo kacdoon ayaaa ka soo ifaya gobolada iyo meelaha harsan, Baydhabana sida ragii ka horeeyey u carareen ayey raga joogaa u carari doonaan inshalaah waa wax la hubo maalin walba dadka deegaanka, maleeshiyooyinkooda iyo madaxdooda intaba weey sii kacayaan oo wasiirada rag iyo dumarba leh ee qeeyladooda idaacadaha laga maqlayo wasiirad fowsiyo ayaa ugu danbeeysay waxeeyna cadeeyneeysaa kacdoonka soo socda iyo sida dadku dabeeysha nasriga eey u daneeynayaan iyo hogaan eey ku kalsoon yihiin oo wax qabanaya cadaalad falaya waayo Shacabka qof uusan rabin ma xukumi karo baadilkana xaqaa ka danbeyn sida hadaba aan indhaheena ku aragnay tusaale nool waxaa noogu filan ragii libaaxyada xamar loo yaqaanay oo ilaaheey hadalka laqwiga ah ka keenay isla markaana eeday oo tahriib ilaa ugaandha ku tegey ama xuduudka itoobiya cagahii uga baxeen iyagoo madax xamar ka ahaa.
 
Ugu danbeeystii bayaanada iyo shirarka is daba jooga ah baaqyada kasoo baxaya dhaman daafaha soomaaliya siiba Somaliland iyo puntland oo la dalbanayo kudhaqanka shareecada islaamka waxeey muujinaysaa in wadada hada la hayaa eey tahay tii lagu midoobi lahaa dowlad soomaaliyeed oo la wada ogolyahay min RAAS kambooni ilaa RAAs caseeyrna xaqa xamar ka soo ifay ku xukunta lagu heli lahaa si taas loo gaarana wa in maxkamadaha la toosiyaa lala taliyaa loo duceeyaa in ilaahey xaqa waafajiyo hadii eey qaldamana la toosin kari waayana oo eey xaqa ka leexdaan cidi u lug xirnaan meeyso oo waa laga hor imaanaya wayo “laa daacata li makhluuq bi macsiyatil khaaliq “ oo ah wax alle uusan baneeyn cid bini aadam ah lagu adeeci maayo, maxkamadahana waa eey ogolyihiin la talin iyo shuuro oo waxeey leeyihiin gole shuuro nabiga csw ayaana isagoo waxyi iyo samada laga hagayo la tashan jiray asxaabtiisa oo bini aadam ka dhan wada tashi ma jiro “ WA AMRUHUM SHUURAA BAYNAHUW”
 
Dadka soomaalida oo caadifada qabiilku eey aad ugu dheertahay ayaa ilaah mahadiis ah in aad arkeeyso malain walba kuwa si aada mucaarad ugu ahaa waxa wanaagsan hab qabil aawgeed eey isi soo bedelayaan oo xaqa fahmayaan safkana dhinacooda kasoo gelayaan taasoo aan rajeynayo dhowaan in hal dhan loo wada dukan doono inshlaah waxaana usoo muuqda umadda soomaaliyeed mustaqbal ifaya. 
 
WQ: Eng:C/qaadir Xaashi Maxmed
Email: madaalaha@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD