Barnaamijkii Radio Xoriyo
24 April 2007.
Weerarro ciidammada xoreyntu ku ekeeyay kuwa cadowga.
Dadwayne gumaysigu xidhxidhay.
Gaalkacyo: Muwaadin u dhintay jidhdil gumaysigu u gaystay.
Dowlada Eritereya oo ka baxday Ururka IGAD.
Shirkii jaaliyada Ogadenya ee Australia iyo Newzealand oo
guul ku dhamaaday.
Shir soomaaliyeed oo ka dhacay
gobolka Menisota ee Maraykan ka.
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Gardarro Garab Og).
======================
Weerarro ciidammada xoreyntu ku ekeeyay kuwa cadowga.
Wariyaha nooga soo warrama gobollada dhexe ee Ogaadeenya
ayaa noo soo sheegay
weerarro is-dabajoog ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku
qaadeen kuwa
gumaysatada Itoobiya ee ku sugan gobollo kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah.
30/03/07 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa weerar mir ah
ku qaaday ciidammada
cadowgu leeyahay oo hawlgal u yimid magaalada Baka, waxayna
weerarkaas kaga
dileen inta laga warhayo 3 askari, 5 kalana way kaga
dhaawaceen.
09/04/07 weerar mir ah ayay ciidammada xoreyntu ku qaadeen
ciidammada cadowga ee
ku sugan magaalada Garbo, waxayna u gaysteen khasaare aan
faahfaahintiisa la
haynin.
10/04/07 cutubyo ka tirsan ciidammada xoreynta Ogaadeenya
ayaa weerar mir ah ku
qaaday kuwa cadowga ee ku sugan degmada Gunagado, waxayna
weerarkaas cadowga
kaga dileen inta la ogyahay 16 askari, waxay sidoo kale kaga
dhaawaceen
8
askari.
13/04/07 dagaal ciidamada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa
cadowga ku dhex maray
Qayla-dhoorrey, oo Gadey ka tirsan, waxaa cadowga lagaga
dilay 7 askari, waxaa
sidoo kale lagaga dhaawacay 9 askari.
14/04/07 weerar mir ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku
qaadeen ciidammada
gumaysiga Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Sagag,
waxay ugu gaysteen
khsaare ba�an oon faahfaahintiisa la haynin.
Isla 14/04/07 cutubyo ka tirsan ciidammada xoreynta
Ogaadeenya ayaa weerar mir
ah ku qaaday xerada Birgaydhka ee magaalada Godey, waxayna
gubeen xarunta
Taliska iyo Caafimaadka ee xeradaas. Waxay sidoo kale
weerarkaas la beegsadeen
ciidammo cadowga ah oo daawanayay cajalad muuqaal ah,
waxayna ka dileen inta la
ogyahay 20 askari, 23 kalana way ka dhaawaceen. Ciidammadii
xoreynta ee
hawlgalkaas ka qayb qaatay waxay xarumohoodii ku soo
laabteen iyagoo bad-qaba.
17/04/07 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah
ku qaadeen kuwa
cadowga ee ku sugan Isku-dhoonley, waxayna gaadhsiiyeen
khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
21/04/07 weerar mir ah ayay ciidammada xoreynta Ogaadeenya
ku qaadeen kuwa
cadowga ee ku sugan magaalada Nusdariiqa, waxayna ugu
gaysteen khasaare aad u
ba�an.
Isla 21/04/07 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar
mir ah ku qaadeen
ciidammo cadowgu leeyahay oo ku sugan Isku-dhoonley, waxana
u gaysteen khasaare
ballaadhan.
Dhinaca kale ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada
Sagaga ka baxsaday 3
askari markii ay taariikhdu ahayd 17/04/07. Sidoo kale
markii ay taariikhdu
ahayd 19/04/07 waxaa ciidammada gumaysiga ee Shilabo ka
baxsaday 6 askari. Isla
taariikhdaas waxaa ciidammada gumaysiga ee Garbo ka baxsaday
15 askari.
Dadwayne gumaysigu xidhxidhay.
Ciidammada gumaysiga ayaa toddobaadyadii u denbeeyay meelo
kala duwan oo
Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oon
waxba galabsanin.
Markii ay taariikhdu ahayd 12/04/07 waxay ciidammada
gumaysigu magaalada
Wardheer ku xidhxidheen dadwayne badan oon magacyadooda ka
helnay dadka kala ah;
1- Cabdi Sh Daahir
2- Deeq Xasan Siraad (Deeq Uraag), oo ahaa guddoomiyihii
maamul ku-sheegga
degmada Wardheer.
3- Cali Mataan Cali iyo
4- Ilkacase Cali Fidhin
18/04/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Yucub ka
qaqabteen dadwayne fara
badan oo markii denbe loo qaaday magaalada Wardheer oo hadda
halkaas ku
xdhxidhan. Dadkaas waxaa ka mid ah;
1- Xeef Axmed Cadhays
2- Ibraahim Barre, oo isaga jidhdil ba�an ay u gaysteen
intii ayna Yucub ka
qaadin
3- Maxamuud Cagawayne
4-
Cali Jaamac
5- Nur Faaraxa Gacamey
6- Maxamuud C/llaahi
7- Xuseen Sh C/llaahi
8- Cali Maxamuud Aaden
9- Mataan Yuusuf Barkhadle
10- Xamdi C/llaahi Aaden
11- Diib C/llaahi Yuusuf iyo
12- Xamdi Axmed Cismaan.
Markii ay taariikhdu ahayd 18/04/07 waxay ciidammada
gumaysigu magaalada
Qabridaharre ku toogteen nin lagu magacaabo Ina Maxamed Dayr
Aaden Caydiid,
kaasoo hadda dhaawac ah.
Ciidammada gumaysiga ee ku sugan Isku-dhoonley ayaa
dadwaynaha ku gadooday, ka
dib markii khasaare ba�an loogu gaystay weerar lagu qaaday
markii ay taariikhdu
ahayd 17/04/07, waxaana la sheegay inay dadwaynaha deegaanka
ah ka qasheen 30
Neef oo Adhi ah, siddeed Aqalna ay gubeen, isla markaana ay
ay qafaasheen dhawr
qof oo rayad ah, oo labi gabdhood ku jiraan.
Gaalkacyo: Muwaadin u dhintay jidhdil gumaysigu u gaystay.
Waxaa galabnimadii sabtida ahayd ee taariikhdu ku beegnayd
21/04/07 ku
geeriyooday magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya Alla ha
u
naxariistee
Macalin Axmed Cumar Yuusuf oo u geeriyooday dhaawacyo ay
ciidammada gumaysigu
ugu gaysteen magaalada Waafdhuug e gobolka Doollo.
Ciidammada gumaysiga ayaa markii ay taariikhdu ahayd
15/04/07 waxay marxuumkan
jidhdil xun ugu gaysteen magaalada Waafdhuug, ka dibna
madaxa ayay xabbad kaga
dhufteen, waxayna ka tageen isagoo dhaawac xun ku yaallo.
Waxaa markaas loo
qaaday magaalada Gaalkacyo, si loo daweeyo, hase yeeshee
dhaawacii ayuu u
dhintay.
Macalin Axmed, oo da,diisa lagu qiyaasay 53 jir, wuxuu ahaa
macalin dadka bara
Quraanka Kariimka ah, lamana garanayo sabata ay u dileen
ciidammada gumaysigu.
Baarlamaanka Carabta oo Itoobiya ka dalbay inay Soomaaliya
ka baxdo
Waxaa magaalada Qaahira ee dalka Maser dabayaaqadii
toddobaadkii hore lagu soo
gabagabeeyay shirkii Golaha Barlamaanka Carabta, waxaana
shirkaas si wayn loogu
lafa-guray dhibaatada Soomaaliya, iyadoo shirku uu ku baaqay
in xukuumadda
Itoobiya ay ciidammada si degdeg ah ugala baxdo dalka
Soomaaliya.
Shirkan ayaa laga soo saaray bayaan kulul oo xukuumadda
Itoobiya loogu baaqay
inay ciidammadeeda sida dhakhsaha badan ugala baxdo dalka
Soomaaliya. Bayaankan
ayaa lagu sheegay in ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya ku
sugan ay yihiin kuwo
gumaysi ah oo dalka Soomaaliya duullaan ku qabsaday.
Bayaankan waxaa kaloo lagu sheegay in mxkamada denbiyada
dagaalka la soo taago
dadka masuulka ka ah dagaallada iyo barakicinta dadwaynaha
ku dhaqan magaalada
Muqdisho, wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in gargaar
lala gaadho dadwaynaha
dagaalladaas ku waxyeelloobay.
Shirkan waxaa baarlamaanka Soomaaliya uga qayb galay
xildhibaan Sakariya
Maxamuud Xaaji.
Dowlada Eritereya oo ka baxday Ururka IGAD.
Dowlada Eritereya ayaa shaaca ka qaaday inay ka baxday Urur
Goboleedka IGAD, ka
dib markii uu noqday meel loo adeegsado soo saarista go�aano
halis ku ah
nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Eritereya ayaa sheegay in
dowlada dalkiisu
ayna qayb ka noqon karin akhlaaq ahaan iyo sharci ahaanba
meel lagu qaadanayo
go�aano halis ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka,
kuwaasoo si
masuuliyad xumo ah mar kasta loogu soo celcelinayo.
Sababaha ugu waawayn ee dowlada Eritereya ay uga baxday
Ururka IGAD waa
dhibaatada Soomaaliya, iyadoo dolawda Eritereya ay in badan
ka digtay dhibaatada
ka iman karta go�aanada ka soo baxa Ururka IGAD ee ku
saabsan arrimaha
Soomaaliya, oo mar kastaba xukuumadda Itoobiya loo ansixiyo
qorshayaasha
cadowtinimo ee ay Soomaaliya u dejiso.
Radio Xoriyo
24 April 2007
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee
dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM �
8:00 waqtiga Afrikada Bari
Minnesota,
USA:
Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta
beesha....
Akhri...
Jaaliyadda
Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen
dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa
Akhri
Soomaalidda
Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax
Akhri...


|