BACADLOW WIXII XUNBA MA XAAWAA LEH!!!
Weligaa ma aragtay
Soomaali laga xanaajiyey? Mase aragtay Soomaali wuuxuu dhibsaday arkay? Mase
maqashay oraahda ka soo baxda afka aan la koontarooli Karin ee Soomaali la
yaaban quruxda gabadh Soomaaliyeed? Mase u fiirsatay oraahda ka soo baxda
afka aan la koontarooli Karin ee Soomaali tilmaamaya sida ay foolxumadu u eg
tahay? Mase u fiirsatay xadgudubka iyo takoorka ka buuxa maansada
Soomaaliyeed?
Akhristow waxaa jira
hadal layska yiraahdo, hadal layskaga kaa yiraahdo iyo hadal lagugu yiraahdo
ama lagaa yiraahdo. Hadalada layka yiraahdo ama laysaga kaa yiraahdo waa
jees jees iyo hadal ujeedo badan aan huwanayn oo sarkhaan, marqaan ama
nacnac ay keentay. Hadalka lagugu yiraahdo ama lagaa yiraahdo waa mid loo
sameeyey ujeedo cad, bareer, gabasho la’aan ama kas iyo maag iyo si niyad
ah.
Dhaqan ahaan iyo taariikh
ahaan maansadu waxay badanaa ka mid tahay hadalada sida niyada ah qofka uga
soo baxa. Maansadu waa oraahyada qofka isagoon is ogayn uu tiraabo si
culeyskii ku kelifay marinteeda uu uga nefiso. Waxay maansadu ka soo go’daa
laabta hoose, qalbiga iyo caloosha, laakiin waxaa nasiib xuma ah in maanta
qof waliba sheegto Abwaan isagoo berya dhan loox ku soo xar-xariiqaya wixii
uu tirin lahaa soona xafidaya. Maansadu maaha xafidaad, xar-xariiq iyo
qor-qorid ee waa wax ku yimaada gubasho, hinqasho iyo laab la kac. Maansadaa
daacada loo tiriyey ayaa waxaa ka buuxa takoor aan meelna loo deyin oo wixii
xun ee la qoonsadaba la yiraahdo Midgaankaa leh! Guntaa leh! Gobtu shaqo
kuma laha!
Waxaa sida maansada loo
gocdaa oo si qalbi furan loo dhahaa cayda, afxumada iyo habaarka oo
Soomaalida ku badan caadana ay u leedahay. Waxay Soomaalidu tiraahdaa
iyagoon is ogeyn Midgaanyahow! Boonyahow! Yibiryahow! Jareeryahow!iwm.
Laakiin marka uu qalbigii maqnaa ee afkan iska ciyaya xakamayn waayey soo
noqdo ayuu qofkii naxaa! Nush! Naxtin, Naxdin! Naxsin! Waar maxaan idhi? Ii,
Ii, Een, Een, Oow, Ixiiiiiiii! Laaaaa!. Maxaa cir fiiris iyo ismaaweelin ah!
Maxaa gidaara salaan bilaabmaya!
Akhristoow dhowaan ayaa
Gabyaaga Abshir Bacadle wuxuu tiriyey gabay uu uga hadlayey Qolo Laandheer
oo Gob sheegataa oo haddana yeelatay ficilada lagu yaqaano dadka Gunta ah.
Wuxuu ka hadlayaa Beesha Reer Ishaaq oo uu leeyahay: “ GOB CUNSURI AHOO
WAXAAD TIHIIN FICIL GUMEED YEESHAY!” Waa cinwaanka gabyagii uu
Bacadle tiriyey
ee kusoo baxay Somalitalk.
Waaxaanse la yaabay
hadalkaa kor ku qoran iyo sida uu Bacadle isugu qiri waarey cunsuri ee uu
cid kale dusha uga saarayo. Akhristoow waxaan doonayaa inkastoo aan lasoo
wada koobi Karin inaan xoogaa ka sheego waxyaabaha ugu badan ee uu
Soomaaligu ku hadaaqo marka uu arko wuxuu dhibsado, naco, ka baqo, quudhsado,
yaso, salalo iwm. Waana waxyaabaha kala duwan ee ay Soomaalida is
Sareysiisaa u taqaano ficil Gumeed.
BAKHTI CUNE
Waa yaabka yaabkiis
iyo amankaag! Soomaalidu quraafaad badanaa! Koley anigu magacba u waayey
quraafaadkooda, beentooda iyo borobagaankooda inaan “Cawro” iraahdo mooyee!
Waxaa la yaab leh in ay Soomaalidu qarisay ninkii la socday ee la waalaalka
ahaa Midgaanka. Sheeko Xariirtu waxay nabaraysaa in labada ninba ay wada
cuneen Bakhtigii, laakiin uu Soomaaliga Gobta sheeganayaa uu iska matajiyey
3 berri kadib markii reero loosoo martiyey. Haddaba waa yaabe muxuu iska
matajiyey? Yaase ka saaraya dheefshiidkiisa (System) xaaraanta bakhtiga?
Haddii aad gaajooto oo aad bakhti aragto miyaadan cunayn mise geeridaad isu
gogli? Imisaa Dagaalkii Sokeeye bakhti cunay oo hooyadood, carruurtoodii oo
meyd ah cunay? Haddaba ninkii la socday Midgaanka ee maanta ku dhexjira
Ajiga waa kuma? Yaa noo sheegi kara ninkaas iyo tafiirtiisii? Haddii uu
ninkaasi dhalay dhamaan Ajiga maanta Soomaaliya jooga, markaa sow Ajigu
Barbar Xaaraan maaha? Sow bakhtigii lama cunin kii la deyriyey? Quraafaadka
uu Ajigu isugu sheekeeyo iyo dhibaatadii laga dhaxlay ee ka timid sheeko
xariirta. Ka akhri qoraalkii hore
Akhri halkan ama
halkan.
BAKHTI KA SHAQEEYE
Inta badan dadkan la yaso
ayaa lagu ceebeeyaa shaqada ay u hayaan bulshada. Waa shaqo loo baahan yahay
oo lagama maarmaan u ah nolol maalmeedka iyo horumarka Soomaaliya
tiigsanayso. Waxaase nasiib darro ah in ay Soomaalida isla weyni ay cay,
yasid iyo fadeexad ugu dhaqaaqaan muruq maalka, inta ay iyagu isku
mashquulinayaan tuugsi, shaxaad iyo geerisheyn. Dadkan shaqaystaa waxay ka
dhaxleen waalidkood waxayna haystaan xirfad ay uga tegayaan ilmahooda.
Laakiin bal ila eega waxa ay kuwa caytamaa uga tagayaan ilmahooda ee ay
barayaan: Shaxaad, tuugsi, iskudulnoolaad, laaluush iyo isdaba marsiin.
Maxaynu aanu gaaraynaa haddii aanu shaqooyinka aanu ka faano aanu ugu kala
tartameyno qurbaha oo uu Ajigu isleeyahay Midgaanku ku arki maayo ee
musqusha hool, hilibka rif, birta tun. Maxaynu horumar gaareynaa haddiiba
dadkii cilmiga lahaa ee noo qabanayey shaqooyinka kala duwan lagu oranayo:
Waa tima jare, waa bir
tume, waa hargaanti, waa hilible, waa isbasiini, waa beeraley, waa fuundi,
waa dheriile, waa bulaacadle, waa umuliso, waa geeda yaqaan, waa
Yibir(dhakhtar), waa qudhun ka shaqeeye iwm.
BAKHAYL
Waxaa Soomaalida
dhaqankeeda ka mid ah marti soorka. Waxaa waayadii hore jirtay in qofku uu
iska socdo isagoo aysan jirin wuxuu sahansaday ama cid ka horeysa oo uu isku
halaynayo waayo wuxuu ogaa in qoyskii uu lakulmaba uu marti soorayo oo uu
wan weyn xawda uga jarayo. Xeerkaa uu Ajigu dejistay ayaa meesha ka saaraya
martisoorida Midgaanka waayo waxaa uu Ajigu aaminsan yahay inuu Midgaanku
yahay fadare ama nijaas. Markaa weel u gooniya ayaa meel loo dhigaa ama ka
ay waxaruhu ku cabaan ayaa wax loogu shubaa. Haddiiba ay dhacdo nin Aji ahi
inuu gabalku ugu dhaco guri Midgaan, duleedka ayuu ka seexanayaa oo wuxuu ka
dugsanayaa dugaaga kale, laakiin marna dhici mayso in cunto Midgaan iyo weel
Midgaan wax lagu cuno!Adilee gaajo isku dilay maha!
BULSHADA ROGE
Wixii xunba Xaawaa leh!.
Soomaalidu waxay leedahay hal il oo qudha, ishaasna waxay ku aragtaa
Midgaanka. Wixii xumaan ah ee ay sameynayaan uma muuqdaan, laakiin waxaa u
muuqda takarta saaran dadka kale. Waxaad maqlaysaa iyagoo eedo kala duwan u
soo jeedinaya dadka ay ku magacaabeen Gun. Waxaad arkaysaa iyagoo isugu
sheekeynaya Gobtu wixii xun ma sameyso ama wixii basar xunba Midgaankaa leh
oo sameeya. Ajigii wax qariba ama si xun u dhaqma ama xeerka ay dejisteen ee
lagu cabudhiyo Midgaanka ka talaaba wuxuu sameeyey falalka lagu yaqaano
Gunta ee aysan Gobtu shaqo ku lahayn. Eedeymahaas xambaarsan takoorka ayaa
waxaa ka mid ah inuu wixii xunba Ajigu dusha u saaro Midgaanka oo uu ku
yiraahdo: Waa sharmuud ama sharmuuto, waa dhaqan laawe iyo dhaqan xume, waa
goor xun socde iyo si xun u socde, waa diin laawe iyo diin kuma dhaqme, waa
fannaan iyo fasahaad, waa kufsade iyo kuuma tudhe, waa…iisii wad
BASAR XUME
Bulshaduu sumeeyaa oo
naga mid maaha!. Waa wax cirkaa laga soo hindhasay!. Waxaa ka mid ah kuwa
carruurta dhufsada oo Xanfalay iyo belaayeey adeegsadaan.! Tolow meel ay ku
dhintaana lama helee miyey is cunaan! Weligiin ma aragteen Yibir xabaashiis!
Basar xumada awoowahood bay ka wataan bakhtiga cunay!.
Dhamaan hadaladaas iyo
kuwo ka sii xun xun bay Ajigu isugu sheekeeyaan iyagoo ku qurxinaya sheeko
baraleey iyo sheeko xariiro. Waxay iska dhaadhiciyeen oo dadka kale ugu
sheekeeyaan in Midgaaku uu basar xunyahay oo: Waa xishood laawe, waa cay
badane, waa cuqdadoole, waa sixiroole, waa basaas, waa nac-nacle, waa buufis
qabe, waa xushmad laawe, waa….iisii wad.
BIDHAAN BAH DILAN
Muxuu Eebe siiyey qurux!
Bal sida loo sameeyey eeg! Biyaha dhuunteeda mareysa baa la arkayaa!
Intaasoo dhan oo ay Soomaalidu ku qawsho marka ay arkaan Gabadh Soomaaliyeed
oo qurux badan waxaa ka sii tilmaan wacan tan lagu qiimeeyo quruxda la
yaabka leh ee aan loo adkaysan Karin! Waa tilmaanta quruxda kama danbaysta
ah ee lagaran waayo wax kaloo lagu suureeyo. Wuxuu Soomaaligu oranayaa marka
uu ka hadlayo qurux tii ugu danbaysay: “ Bal Naagtaa eega! Qurux badanaa ma
Midgaan baa”!!
Soomaaligu wuxuu isku
raacay in ay Qowmiyadan ay takooreen ay yihiin kuwa ka sita kana bidhaan
wanaagsan, laakiin sow beel cuna qabateyn ay saaran tahay maaha!. Yaa
kitaabka Ajiga muqadaska u ah ee la yiraahdo Kitaabul Qabyaala ee uu u
mariyo Kaaba binu Qabyaala ku xadgudbi kara. Yaa Aayada 666 Kutubkaas ee ka
hadlaysa Takoorka ku xadgudbi kara! Yaa suul gaaban laga dhigaa maaha! Yaa
suul goroyo laga dhigaa maaha!.
Wuxuu kaloo Ajigu isugu
sheekeeyaa in Midgaanku leeyahay af jubuqsan oo gaaban oo aan bishimo
waaweyn lahayn. Sow maadan u fiirsan marka uu Ajigu caayayo Franjiga wuxuu
yiraahdo: “ Af jubuqsanaa Gaalkani ma Midgaanbaa!”. Soomaalidu waxay
jeceshahay baan filayaa afka dheer ee soo fiiqan iyo ilkaha dhaadheer ee soo
taagan. Maxay kuugu taalaa, markii la yimid Qurbaha Afkii dheeraa ee ilkaha
fargeetada lahaa silsilad baa lagu wada xiray si ilkaha hoos loogu foorariyo
oo afku u soo gaabto bishimihuna ay u yaraadaan. Ajiyow noo daa alaabtayada:
marna nagu caay marna nagaga dayo!. Waxaa la mid ah isku dhiibka iyo is
qarxiska iyadoo la isticmaalayo magaca Midgaan. Waxaad arkaysaa Ajigoo ku
leh Midgaan aan ku socdaa noo! Kutubul Qabyaala aayadiisa 666 aad jebisay ee
Ajiyow la soco! Saas ma ku wadee hee!
BARBAR XAARAAN
Ma arkaysaa ilmahaas abti
baan u ahay? Ma aragtaa kaas adeer baan u ahay? Ma aragtaa taas habaryar
baan u ahay? Ma aragtaa cunugaas eedaan u ahay? Ma aragtaa reerkaas waxaanu
nahay ilmaadeer? Laakiin waa ubad khariban oo bulshada inay soo dhexgalaan
ay khatar tahay waayo dhinac bay ka sitaan nijaasada. Waxaa ay na dhaxal
siinayaan fir xumo iyo haybad darro. Waa Barbar Xaaraan oo hooyadii ama
aabihii baa midi Gun yahay oo waa Nasab dhiman. Weligaa iska ilaali oo xataa
haddii Ayeeyadood 5-aad ay Midgaan ahayd ficil xun iyo qudhun iyo farsamo
xun lagama waayo. Iska jir oo yaan lagugu sirin dhanka ay Gob-ta ka yihiin
waayo dhankii kale ayaa sumeysan! Weligaa ka waayi meysid cuqdad iyo isbuus
iyo istus!
BURJI IYO BURHAAN LAAWE
Gumeysiga Maskaxdu waa
gumeysiga ka ugu daran ee dad lagu isticmaalo. Waa ka dhaadhicin ama ku
khasbid qof, bulsho ama ummad in aad ka sareyso oo ay aaminaan. Waa
difoose(durbaan tun, taageero) u noqosho qof aan kuu ogeyn. Waa meel cidla
ah ka xiiq!. Waa waxa ay bulshada Soomaaliyeed maanta la liidato. Waxaad
arkaysaa Soomaalida oo isugu sheekeynaysa sidii uu wadankoodu u burburay iyo
dawladaha kala duwan ee ka danbeeya burburkaas haddana waxaad arkaysaa
iyagii oo u kala tartamaya isla dawladihii ay cadowga ku sheegayeen. Waxaad
arkaysaa Soomaaliga oo la soo taagan inuu asal ka asal iyo ab ka ab uu yahay
Binu Qureysh dhulkiisana uusan lahayn oo uu taransid ku yahay. Bal akhri
qoraalkii hore
akhri halkan.
Waxaad arkaysaa qof
hanti Eebahay siiyey oo doonaya inuu dhaafsado dhamaan hantidiisa sidii
qaxooti uu ugu noqon lahaa Canada, USA ama Yurub. Markii meelahaas uu tagana:
“Wooooooooow! Alla yaa dib ii celiya”! Waxaad arkeysaa Soomaalida oo isugu
sheekeynaysa in Franjigu uu ka run badan yahay, ka aaminsanyahay, ka
biniaadamsanyahay ummadaha kale ee dunida. Waxaad arkaysaa taariikhda iyo
soojireenka la bartaa in ay tahay tii Ferenjiga oo la aaminsanyahay inay ka
horeyso kana fiican tahay ta dadyowga kale. Waxaad arkeysaa dhallintii
Soomaaliyeed oo lagu qasbayo inay u hogaansamaan wax walba oo uu Kaaba
Qabyaalada aan waxna akhrin waxna qorin uu soo jeediyo oo ku saabsan
aayahooda iyo mustaqbalkooda. Taasi macnmaheedu waa ma tashan kartid ee
anigaa kuu talinaya ee imaqal oo I dhegeyso. Waxaad arkeysaa gabdhihii
yar-yaraa oo la qalqalayo iyadoo marmarsiiyo looga dhigayo waa la
xalaaleynayaa ama beejadaa laga jarayaa ama sida ay dad badani qabaan
fikirka xun ee ah yaysan suuqa gelin. Soomaaliyeey ama qalqala ama silic u
dila, waxaa xaqiiqa ah in meel walba oo la tago aad arkaysid dumarkii la soo
qalqalay oo meel walba daf yidhi. Ma iska deysaanoo dhibka aad ku haysaan
gabdhaha maadaama fikirkiinii xumaa uu shaqayn waayey! Ma iska deysaanoo
maadama uu baxay magaca Cheap and Clean!. Yaah! Uunsi iska buuxi, catarna
isku dhub, zigtaa, haddana zigtaa, haddana baxarkaa, subixiina beer ku
quraaci, Thank you iyo mahadsanidna ku dar! Wow! Jameeykaankii, Frenjigii
iyo Madowgii baa yaabay! This is great man! Waxba lagu weydiin maayabee!
Adigaaba lagu sii naash-naashayaa! Yaah! Oh! They are cheap and clean dude!
Maxaa ka jaban oo ka caraf badan! Waaba Wan weyn oo mididii lagu qali lahaa
iyo digsigii lagu dubi lahaa wata! Haddaba maxay tartay Xalaalayntii
Fircooniga ahayd haddii ba xaal adduun uu halkaas marayo. Bal akhri
qoraalkii hore
akhri halkan.
Dhulka Soomaaliya, maskax
gumeysiga ugu xun waxaa lagu hayaa dadka laga tira badan yahay. Maxaa ka xun
haddii laguu sameystay sheeko xariiro, sheeko baraley oo la baro carruurta
yar-yar ka dibna uu jiilba jiil ka dhaxlo. Sheeko xariiradaasi waxay hoos u
dhigaysaa fikirka iyo dadnimada Midgaanka waxayna kor u qaadasaa ka Ajiga.
Waxaa uu ilmaha yar ee Ajiga ahi ku barbaaraa isagoo ay ka buuxaan sareeyn
iyo ka faanid Midgaanka isuna arka inay Reerkoodu leeyihiin Midgaanka.
Akhristoow weli ma
aragtay Aji doonaya inuu Midgaan hadal uu yidhi sheego ama dhaajiyo? Ma u
fiirsatay sida uu Ajigu afka u qaloocinayo ama uu hadal tacbaan ah oo aan
nuxur lahayn uu ugu sheegayo wixii uu Midgaanku yidhi? Waxuusan Ajigu
ogolayn inuu marnaba Midgaanku xoolo yeesho, siduu u hadlayo u hadlo, wax
barto, ka xoroobo, deegaan yeesho, dulliga ka baxo, la xidido ama la sinaado.
Yaa maskaxda dad ka degay!
Waxaan kula dardaarmayaa
hal abuurada iyo Abwaanada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan cunsuriya,
Takoorka iyo xumaanta aan loo aaba deyin ee ka buuxda Maansadooda ay
tiriyaan. Waxaan Abshir Bacadlena leeyahay :
GACALOW KA JOOG MEESHAN AAD GACAN
TOGAALEYSAY!!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga kusaxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 4, 2005
»DOWLADDU
CID WALBA WAA U DAN [Dr. Black]
»MA
RA'ISULWASAARE MISE RA'ISULWASAARE-SHARAFEED
»Guushii
Golaha SRRC Waa Gumeeysi Doon ??? [Eng.Cabdi]
»Haa
Hala Keeno Ciidan shisheeye oo Caalami Ah..[Jannogale]
Xildhibaannadii Xabashida Diiday iyo Kuwii Raacay [C/waxid]
»Aragtiyada
kala duwan ee keenista Ciidama Shihseeye [Samatalis]
»Waayaabe
Ethiopia somali maisu keenaysaa mase.... [Saajinka]
»Ammaanka
Magaalada Kismaayo:: [Faalladii
Cabdiqadar]
»Waayaha:
"Inay
na'anfacaan ayaan udhalney mise inay nadhibaan!"
»Farxadii
Qarniga ee Madaxwaynaha Soomaaliya& Rasysulwasaaraha
»Xal
loo Raadinayo Arrinta Xaraashkii Xaafuun | C/waxid
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|