SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha iyo m/xigeenka puntland oo  lagala horjimi mudaharaad lagaga soo horjeedo booqashadooda soo daahday ee laascaanood
 
Laascaanood Somalitalk
 
Waxaa Khamiistii soo gaadhay magaalada laascaanood wefti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxweynaha puntland ayna ka mid yihiin M/kuxigeenka, wasiiro iyo xildhimaano.
 
Isimadii soo dhoweeyay madaxweynuhu waxa uu u sheegay inuu u tacsideeyo qoyskii uu ka geeriyooday alle hawnaxariistee Garaad C/qani Garaad Jaamac oo ahaa isinka ugu facaweyn deegaamadan S.S.Cayn ahaana garaadka guud ee Beelaha Dhulbahante.
 
Hase ahaatee markii weftigu ay soo gaadheen magaalada ayna marayeen jidka weyn ee dhexmara ayaa waxaa iyagu dhoobnaa Boqolaal qof oo muda haraadaya hareeraha wadada laamiga ah kuwaasoo ku dhawaaqayey "doonimayno Cade, "had dhaco Xasan Daahir afqudhacna".
 
Maraan la kulmay Qaar kamida dadkii mudaharaadayey waxa ay ii sheegeen inaysan jeclayn in ay hada tacsi ugu yimaadaan Garaadkayaga geeriyooday maadaaba aysan markii hore ka soo qayb gelin aaskiisii ma maanta oo aanu laabaney tacsidii ayaanu tacsi idiin wadnaa.
 
Dadkaa mudaharaadayey waxaa wejiyadooda ka muuqday sida aysan u jeclayn madaxdan sare ee iyagu aan xushmayn inay ka soo qayb galaan aaska.Waxayna lahaayeen dadkaa isu soo baxa samaynayey waa in laga tashadaa oo ay tashadaan dadka deegaamadani.
 
Inta badan waxa cadhada dadkan mudaharaadayey ay ku aadanayed ninka isagu ugu sareeya deegaamada SSC ee isagu madaxweyne ku xigeenka ka ah puntland waa Xasan Daahir Afqudhace   oo aan ka soo xaadirin aaskii garaadkiisa maadaaba xubnihii la dhiga ahaa ee ka soo jeeday maamulka Somaliland aanay cidina ka hadhin waxaana xubnahaa ka mid ahaa Axmed Maxamed Aadan (aybe) iyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka somaliland Baashe Maxamed Cade iyo xubno isugu jira golayaasha maamulkaa iyo isimoba.
 
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in isin ka mida ah garaadadu uu la hadlay maalintii meydka garaadka diyaarada laga soo dejiyay uuna ku yidhi madaxweyne-kuxigeen xasan nagala soo qayb gal aaska garaadka hase ahaatee taasna ay isku af garan waayeen.
 
Loogama filayn sida uu sameeyey m/kuxigeenku ee uu ka yeelay dadka SSC maadaaba uu qadarin waayay aaskii garaadka guud ee Beeshiisa. Sidoo kale waxa horay loogu eedeynayey madaxweyne ku xigeenka sida dadka ka soo jeeda deegaamadani aysan uga helin maamulka puntland xaqsoor.
 
Sida jirtana dadka lagama siiyo wax shaqo ah hay,adaha puntland iyadoo dhacda marmarka qaarkoodna in shaqadii ay imtixaanka u galeen loo bedelo weji reer taas oo uusan wax uu ka qabtayna aysan jirin, ayey dadka qaar aaminsan yihiin.
 
Dhanka kale maamulka magaalada ayaa iyana inta badan lagu eedeeyaa inuu masuul ka yahay qaska iyo qalalaasaha ka jira oo halkii uu u soo magacaabi lahaa xubno tayo leh ayuu waxa uu ku soo magacaabaa Qabiil taasina waxa ay ku keentaa dadka inay is qabqabsadaan iyadoo nin waliba ku dacwinayo reerkayagaa iska leh kursiga. 
 
Sidaa darteed waxaa Khamiistii dadkan ku banaanbaxayey madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay tusaysaa maamulka  sida dadka deegaamadani aysan u jeclaysan maamulka ay madaxda ka yihiin Cade iyo Xasan daahir.
 
Maraan isku daynay inaan wax ka weydiin banaanbaxan lagu sameeyay weftiga madaxweynaha ayuu madaxweyne ku xigeenku ka gaabsaday inaysan qaabilayn wax saxaafad ah .
 
Maxamed  Gaaxnuug
laascaanood SSC
gahnugw@yahoo.com

»Warbixintii & Tacsidii: Geeridii Garaad C/qani Garaad

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2006


70,000 oo Qof oo Mudaharaad ku dhigay Pakistan
iyo Baarlamaanka Norway oo soosaaray xeer mamnuucaya aflagaadada Diimaha iyo
Xildhibaanad reer Australia ah oo Raali gelin ka bixisay hadalkeed "Qaranka Islaamka" Guji..


Kismaayo: Maleeshiyo si Nabad ah looga saaray Xaafadda Guulwade
»Cali Max’ed Geedi oo la filayo in uu gaaro Adis –Ababa
»C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo dib ugu soo laabtay Jowhar
iyo Warar Ku Saabsan Abaaraha Soomaaliya .. Akhri Feb 16


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?