SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
::QORMADII MAX'ED XAAJI::
Maxaa ka jira in CIA-du Xamar ku Dishay Ganacsade iyaga u shaqeynayey? | Qore: Maxamed Xaaji... Guji
:::ABAARAHA SOOMAALIYA:::
Baaq Abaaraha Soomaaliya Heysta: Soomaalida Joogta Qurbaha, Soomaalida Gudaha Dalka joogta, & Dowlada Federaalka... Guji...
:BANNAANBAXII MINNEAPOLIS

Soomaalida Minnesota iyo muujinta jacaylka Nebi Muxamed NNKH... Guji
::CODSI GARGAAR DEGDEG AH::
Calasey “Ninkaygii oo Kawaanle ahaa baa sidaan ii galay oo aan ku waayey labadeydii Gacmood” Guji...
:::GABAYGA ABSHIR BACADLE::
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} ayaa Gabay iyo geeraar ka tiriyey Aflagadadii loo geystey Nebi Muxamad NNKH GUJI
:::TACSIDA GARAAD C/QANI:::
Maxamed "Abgaalow" oo Tacsi u diray eheladii Garaad Cabdi-qani Garaad Jaamac.. Guji
:::FAALLADII C/SHAKUUR::
Faallo Shirka Baydhabo Ninba Timo Xamar: Bishaaan 26-keeda waxaa la filayaa in magaalada Baydhabo ay... Akhri
:::MAQAALKII CABDI-MAHDI:::
Aqoonta iyo aqoon-yahanka: waxaan is hordhigeynaa su`aasha oranaysa,  waa kuma aqoonyahan?.. Akhri
:::MACHADKA GAROOWE:::

Booqashadii Kuliyada Waxbarshada Macalimiinta Garoowe & Isbitaalka Garowe Guji
:::DUGSIYADII MUQDISHO:::
Warbixin Dugsigii Hoose/Dhexe ee 1da Maajo ee magaalada Muqdisho... Qore: Jiisow... Guji..
:::MAMNUUCIDA QAADKA:::
Britain oo Mamnuucaysa Qaadka: Akhri Qaadka iyo London
:MAQAALKII CUSMAAN AXMED:
Khudbadii Ciida ee Cade Muuse oo ay u Riyaaqeen Shacabka reer Puntland... WQ. Cusmaan Axmed.. Guji
::KASHAWIITO & TALAADADA::
RIYADU MA RUNBAA?: Xiliftan  Siyaasadeed - Waa sheeko mala-awaal ah - Qaybtii 9aad ee Maqaalkii Kashawiito.. Guji
::COLUMBUS, OHIO::
Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio. USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii... Guji
::GUURKA QURBAHA::

GUURKA SOOMAALIDA EE SHISHEEYAHA 
Cabdinaasir Farah Cilmi Shidde waa 26 jir. Wuxuu dalka Norwey yimid isagoo 13 jir ah..
Guji...

::JAAMACADA BARIGA AFRIKA:

Ardaydii ugu Horaysay oo ka qalin jabisa Jaamacada Bariga Afrika oo la gudoonsiiyay Shahaadadii Guji
::TB-da & SOOMAALIYA:
Dr. Axmed Yuusuf Guuleed oo sheegay in Cudurka Qaaxadda uu si aad ah ugu fidayo Soomaaliya.. Guji
:::XABSIGA BOORAME::
Xabsiga Boorama  Iyo Maalmihii Xadhigayga| Gobolka Awdal - Qalinkii Wariye C/Raxman Mohamed Habane.. Guji
 

 WARARKII JUNE 20, 2006

. Masajidyada iyo Goobaha Wacdiga iyo Muxaadarooyinka Xaafada Islii, Nairobi oo laga Canbaareeyeyey Go'aankii Baarlamanka Somalida  ee Keenista Ciidamada Shisheeye. 
. Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo aad uga xumaadey hadalkii Geedi..
. Xildhibaanadii ku sugnaa Magaalada Baydhabo oo intoodii halkaa ka cararey
. Dowladaha Mareykanka iyo Yemen oo ka wada hadley arrimaha Soomaaliya...
. Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka xalan oo xukun Dil ah ku fulisey..
. Hay'adda COGWO oo wacyigelin dhinaca nabadda ah u furtay 16-ka degmo ee G/Banaadir
. Somali Badan oo lagu xirxiray Magaalooyinka Garissa iyo Wajeer 
. Wasiirka Xanada Xoolaha Dawlada: IRAN, LUBNAAN, SUUDAAN ayaa balanqaadey in  Xoola dhaqatada Soomaalida la siin doono Maalgalin iyo Tababaro… 
. Dagaal Gunagado ka dhacay oo gumaysiga lagu jabiyay. 
. Dhalinyaro ka tagay magaalooyinka oo ciidammada xoreynta ku biiray.
 


C/Laahi Yuusuf oo ka Safray Baydhabo:::

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa tibaaxay in maanta uu halkaasi ka dhoofay madaxweynaha DFKMG, waxaana wararka u horeeyey tibaaxeen in uu u dhoofay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Ma jiraan wax faahfaahin ah oo laga bixiyey safarka uu madaxweynaha DFKMG ugu ambabaxay Itoobiya.

Masajidyada iyo Goobaha Wacdiga iyo Muxaadarooyinka Xaafada Islii, Nairobi oo laga Canbaareeyeyey  Go'aankii  Baarlamanka Somalida  ee Keenista Ciidamada Shisheeye. 

Culimada ,ganacsatada iyo dadweynaha badan Soomaali ah oo ku dhaqan xaafada Islii ayaa canbaareeyey go`aanka Baarlamaaka DFKMG ee keenista Ciidamada Deriska iyo kuwa wadamada Afrika ee Soomaaliya.

Goobahaasi ayaa la sheegay in ay keenista Ciidamadaasi keeni karto dagaal cusub oo u dhaxeeya Muslimiinta iyo kuwa diidan in Diinta Muslimka lagu dhaqo Soomaaliya. 

Waxay kaloo Culimada sheegeen in ay taageysan yihiin Maxaakiimta Islaamiga ee qabsadey Magaalooyinka Muqdishu ,Balcad ,Jowhar iyo Magalooyin kale. 

Waxay kaloo culimada ,ganacsatada iyo dadweynaha Soomalida ee ku dhaqan xaafada Islii ka codsadeen Xukumada KMG ee Soomaaliya in ay ka fiirsadaan Go`aankaasi gaaray  Baarlamaanka KMG Somaalida ee fadhiya Baydhaba. 

Abdikarim Aden Hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com
Somalitalk,Nairobi


Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo aad uga xumaadey hadalkii Geedi..

Amiin Yuusuf | Muqdisho

Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa si weyn uga xumaaday hadalkii ka soo yeeray Ra'iisul Wasaare Geeddi ee ahaa in Maxaakiimtu Degmooyinka Balcad iyo Jowhar ay ka gaysteen falal isugu jira Dil, Dhac iyo kufsi, waxayna warkaasi ku tilmaameen in uu yahay mid la doonayo in lagu qariyo guulaha ay Midowga Maxaakiimtu ka gaareen xaaladda Soomaaliya oo ay ahyd mid cakirsaneyd Mudo 16-sano ah.

"Geeddi waxa uu ku dhawaaqay hadal sii kala fogeynaya labada dhinac oo dadaal loogu jiro in laysu soo dhaweeyo" ayay yiraahdeen Midowga Maxaakiimta oo beeniyay warka ka soo yeeray Ra'isul Wasaare Geeddi, hadalkaas oo uu maalintii shalay yiri mar uu kulmay goliha wasiirada ee DFKMG..

Waxaa la xaqiijiyay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah aysan wax Dil, Dhac iyo Kufsi aysan ka gaystan Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, iyadoo Maleeshiyada Maxaakiimta dhamaantood laga saaray Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana maalintii shalay ahayd la magacaabay guddi ku meel gaar ah oo sii maamula Magaalada Jowhar.

Xildhibaanadii ku sugnaa Magaalada Baydhabo oo intoodii halkaa ka cararey

Dad wargal ah oo ka yimid Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in badan Xildhibaanadii Baarlamaanka in ay isaga soo tageen Magaalada Baydhabo oo xarun u ahayd Dowladda Federaalka. Xildhibaanadaasi ayaa la sheegay in ay halkaasi uga soo tageen kaddib markii ay hanjbaadyo uga yimaadeen maleeshiyo ku sugan deegaanka oo sheegay in magaalada Baydhabo ay xoog ku qabsadeen maleeshiyo uu keenay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, iyadoo taasina ay garab socoto Ismaandhaafka ugubka ah ee soo kala dhexgalay Dowladda iyo Maxaakiimta Islaamiga ah. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in xitaa ay ka soo tageen Gawaridoodii arrimo la xiriira dhinaca ammaanka, waxay kaloo sheegeen in Magaalada Baydhabo ay ka soo raaceen gawaarida rakaabka dadwey-naha ee isaga kala goosaha Muqdisho iyo Baydhabo. Baxsashada Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa sii dhiirageliyay markii Golaha Baarlamaanka uu go'aan ku gaaray in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda wadamada safka hore, taasoo ay si weyn uga soo horjeesteen Culuma'u-diinka Gobalada Baay iyo Bakool, iyagoo ku hanjabay cid kasta oo go'aamisay in Soomaaliya ay soo galaan ciidamo ka socda wadamada safka hore ay la dagaalami doonaan. Xildhibaanadii Baarlamaanka oo si xor ah ku mari jiray Magaalada Baydhabo isla markaana ka caweyn jiray Baararka waaweyn ayaa la sheegay in arrintaasi haatan ay dhamaatay iyadoo la sheegay in ay cabsi weyn soo wajahday.

Dowladaha Mareykanka iyo Yemen oo ka wada hadley arrimaha Soomaaliya...

Waxaa dalka Yemen ku sugan taliyaha ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe Gen. John Abizaid, waxa uuna maalintii shalay ahayd la kulmay Madaxweynaha wadanka Yemen Cali Cabdala Saalax, waxayna isla soo qaadeen arrimo la xiriira xaaladda Wadanka Soomaaliya, waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Cali Cabdala Saalax uu warbixin ka siiyay xaaladda wadanka Soomaaliya iyo arrimaha ku soo kordhay.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in ay si wadajir ah looga hortago kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay gabaad ka dhigtaan Soomaaliya, waxayna sheegeen in labada wadan ay iska kaashaan doonaan dhinaca badda iyo Duulimaadyada.

Janaraalka ayaa la filayaa in uu yimaado wadanka Itoobiya oo ay isla soo qaadi doonaan arrimaha Soomaaliya, iyadoo ciidamada Itoobiya la sheegay in ay ka gudbeen xuduuda wadanka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka xalan oo xukun Dil ah ku fulisey..

Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka Xalan ayaa maalintii shalay ahayd xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Cilmi Baaxasan Caddow kadib markii 11/8/2005 uu degmada Afgooye ku dilay marxuum la oran jiray Saney Cumar Xuseen.

Dilkaan oo ka dhacay meel fagaare ah ayaa waxaa ka qaybgalay dadweyne aad u fara badan, waxa uuna Xukunkaan go'aan ka gaarista uu soo jiitamayay mudo aad u fog, iyadoo mar uu u waramayay Saxaafadda Daahir Cumar Xuseen oo la dhashay marxuumkii la dilay ayaa waxa uu sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin in xukun cadaalad ah la mariyo Cilmi Baaxasan, isagoo sheegay in Ehelada uu ka soo jeedo ay dhowr jeer ka wada hadaleen in arrinta lagu dhameeyo diyo, hase yeeshee arrintaasi waxa uu sheegay in ay dhinaca kale diideen kadibna lagu soo afjaray Shareecada Islaamka.

Hay'adda COGWO oo wacyigelin dhinaca nabadda ah u furtay 16-ka degmo ee G/Banaadir

Hay'adda COGWO oo inta badan looga bartay inay wacyigelin dhinaca nabadda ah ka fuliso dalka, gaar ahaan Gobalka Banaadir ayaa maalintii shalay ahayd waxa ay 16-ka degmo ee gobalka Banaadir uga furtay barnaamij wacyigelin ah oo dhinaca nabadda ah oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna Hay'addu ugu talagashay barnaamijkaan sidii Bulshada loogu baraarujin lahaa faa'iidada nabadda iyo xasiloonida.

Mar aan booqanay xarunta Degmada Waabari, ayaa waxaa halkaasi kula kulanay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka qaybgalayay Siminaara ay howlwadeeno ka ahaayeen Ha'adaha COMDES iyo SHOBAY, waxana siminaarkaasi furay Khadiijo Mugambe oo si weyn ugu mahadcelisay intii soo qaban-qaabisay barnaamijkaan waxayna soo jeedisay in barnaamijyada noocaan oo kale ah la joogteeyo si bulshada loogu baraarujiyo dhinaca nabadda, waxaa kaloo ka hadlay Caasho Cabdi Diini iyo Tifeey Cabdi Gacal, waxayna labadoodu sheegeen in nabaddu tahay furaha nabadda bulshada looga baahan yahay in mar kasta ay ka shaqeeyaan, sidoo klae, waxaana booqanay, xarunta COCO oo iyana lagu qabanayay barnaamijka wacyigelinta nabadda ee Gobalka Banaadir, waxaana ka qaybgalay 30 xubnood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulsada ee degmada Xamar Jajab, waxaana furay Aamino Aadan Cabdi (Caga Baruur) oo ah guddoomiyaha COCO waxayna sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ay haatan si aad ah ugu baahan yihiin nabadgelyada maadaama ay 16-sano ku soo jireen dhibaato, waxayna Hay'adda COCO barnaamijkaan la qaybanayay Hay'adda SOWJO oo iyagu gacan ka helayay Hay'adda COGWO, waxaan ahalkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka Hay'adda SOWJO Shamso Cabdi Qayax oo sheegtay in barnaamijyada la xiriira dhinaca nabadda ay mar kasta waxtar u leeyihiin bulshada soomaaliyeed oo si weyn ugu ooman, waxaan casharo ka bixinayay Siminaarkaasi Macaani Khaliif Baana.

Waxaa kaloo barnaamij noocaan oo kale ah lagu qabtay degmada Xamar-Weyne waxaana soo qaban-qaabiyay Hay'adaha BUURFUULE iyo SIFA, waxaana ka qaybgalay 30-xubnood oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana halkaasi ka hadlay Caasho Malaaq Mahdi iyo Faadumo Cismaan Foorto oo kala matalayay Labadaasi Hay'adood, waxayna sheegeen in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn ugu baahan yihiin nabadda, waxayna sheegeen in ururadooda ay labalaabi dooaan howlaha dhinaca nabadda ee Xamar-Weyne, sidoo kale Degmada kaaraan, sidoo kale Degmada Kaaraan ayaa Hay'adaha KAAWO iyo GURYO-SAMO waxay iyana siminaar u qabteen qaybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo xubnihii ka qaybgalay siminaarkaasi oo ka kala socday Haweenka, Dhallinyarada, Odoyaasha iyo Waxgaradka ay sheegeen in loo baahan yahay in barnaamijiyada dhinaca nabadda ah si weyn loogu baahiyo Gobalka Banaadir lana kordhiyo maalmaha la qabanayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 


Somali Badan oo lagu xirxiray Magaalooyinka Garissa iyo Wajeer 

Abdikarim Aden Hussein.
Somalitalk,Nairobi

 Somali gaareysa ilaa  40-tameeyo ayaa lagu xirxirey Magaalooyinka Gaarisa iyo Wajeer saldhigyadooda  3dii-bilood la soo dhaafey, dadkaasi la xirxiray ayaa la sheegay in ay si sharci daro ah uga soo gudbeen xadka Somaaliya iyo Kenya. 

Dadka Somaalida ayaa wadanka Kenya u yimaada sababo kala duwan ,dadka maalin walba soo gala wadanka ayaa waxay u badan yihiin Haween iyo caruur,iyo dhalin yaro shaqo doon ama nololdoon ah oo ka soo cararey dagaalada mar walba ka soo cusboonaada Soomaaliya. 

Dadakaasi soo gala Kenya ayaa aalaba si sharci darro oo baqtiyaanasiib uga soo talaaba xududaha Soomaaliya iyo Kenya ,

Dadkaasi oo lacag badan looga qaato gubin fariisimaha Boliiska ee jidadka ,ayaa mararqaar la kulma Booliiska wareega jidadka  ,taaso sababta in dadkii laqabto ka dib la geeyo saldhigyada boliiska ee magaalooyinka ,maalmo ka dib la soo Taago maxkamad ,ka dibna lagu xukumaa lacag u dhaxeysa 40-kun shilin ila 10-kun shilin Kenya oo ah lacag badan oo qofka safarka  uusan jeebka  ku qaadan Karin.

Dadakaasi la xirxiray ayaa looga yeeraa ehealadooda iyo qaraabadooda ku dhaqan dibada si ay uga bixiyaan lacagtaasdi ,ka dibna waxaa dadkaasi la celyaa soomaaliya iyadoo la geyo xududa Soomaalida.

Wasiirka Xanada Xoolaha Dawlada: IRAN, LUBNAAN, SUUDAAN ayaa balanqaadey in  Xoola dhaqatada Soomaalida la siin doono Maalgalin  iyo Tababaro… 

Wasiirka Xaanada Xoolaha Dawlada Federalka KMG ee Soomalida Dr.Ibrahim Maxamed Isaaq ayaa Axadii Barakat Hotel war warsaxaafadeed kaga hadlay ka qayb galka shirkii 74-aad  ee Haya`adaha Xaanada & Caafimaadka  Xoolaha Adduunka  ee  dhawaan ka dhacay Magaalada Paris, dalka Farankiiska.  

Shirkan sanadkan ayaa waxaa  ka soo qayb galey 167- dal iyo 700 wafdi oo ka kala socda  hay`ado iyo dalalka ka tirsan Ururkaasi.

Hayadaha ka qayb galaey ayaa waxaa ka mid FAO,WHO, WORD BANK, WTO,dalalka xuibnaha joogtada ah ee ururka. 

Shirka ayaa sanad walba looga hadlaa : Cudurada joogtada ee ku dhaca Xoolaha dab joogto iyo duur joogtada iyo xoolaha badda ku nool Xanaaneynta casriga iyo dhawrida xuquqda xoolaha nool iyo Caafimaadkooda.

 ka hortaga iyo la dagaalanka cudurada faafa ee ku dhaca Xoolaha nool,sida dabaka ruubka ,cabeebka iyo hargabka shimbiraha oo wadamo badan oo adduunka ka mid ku faafey taasoo u qalqalgaliyey caafimaad xoolaha iyo dadka. 

Waxaa kaloo si  ba`an looga hadlay xuquuqda xoolaha ,daryeelkooda &caafimaadkooda , keydka xoolaha cuntada laga helo.

waxaa kaloo xubnaha joogtada ee ururka isla meeldhigay qaabkii loo maalgalin lahaa xoolaha ku dhaqan wadamada saboolka ee ku jira ururka . 

Dawlada Soomaaliya ayaa waxaa loo balanqaadey in xoolaha iyo xoolo dhaqatada Somaaliya la siin doono maalgalin iyo tababaro, wacyi galin ku saabasan daryeelka xoolaha,caafimaadka iyo xanaaneytooda.

Wasiirka ayaa waxa u ka codsadey dalalka xubnaha joogtada Ururka ee shirka in lacagta xubunimada laga cafiyo ama wax laga dhaafo madaama Soomaaliya 16-sano ka jirin  Dawlad,waxaana loo dhaafey lacag gaareysa 50-kun,waxaa kaloo wasiirka Dawladaha Carabta iyo Gobolka ka codsadey taageero dhaqaale iyo tabaro la siiyo Soomaalida Xoolo dhaqatada ah,

Waxaana Balanqaadey Dawladaha Iran ,lubnaan iyo Sudan Xiliga ay saldhigato dawlada Federalka Soomaalida.

Dhamaad.

Abdikarim Aden Hussein.
abdikarimhussein@hotmail.com
Somalitalk,Nairobi


Laba Bayaan oo ka kala soo baxdey Gudoomiyihii hore Islaax iyo Afhayeenka hadda

DHAQHDAQAAQA ISLAAMIGA AH EE SOOMAALIYEED AL-ISLAAX

  • ku: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.

  • Ku: Dowladda ku meel gaarka soomaaliyeed.

  • Ku: Shacabka Somaaliyeed.

  • Ku: Beesha Caalamka.

BAAQ FURAN

„« ka dib markii aan aragnay marxaladda cusub ee kala guurka ah ee dalka guud ahaan maraayo gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

„« ka dib markii aan aragnay aamuska dheer ee uu ka galay Hogaanka sare ee (Ururka Al Islaax ee haatan talada haaya arimaha dalka iyo dadka oo aad moodo in uusanba daneyneynin ka qeyb qaadashada arimahaas Khatarta ah ee dalka, ayaan waxaan go, aansanay anagoo kala ah Culumada iyo Aqoonyahanka kana tirsn Golayaalka kala duwan ee (Ururka al-islaax)

1-Waxaan soo dhoweynaynaa isbedelka cusub ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee ah kacdoonka dadwaynaha ee ay Hormuudka ka yihiin Midowga Maxaakiimta islaamiga ah.

2- waxaan ku baaqaynaa in wadahadal shuruud la, aan ah yeeshaan Maxaakiimta islaamiga ah iyo Dowladda ku meel gaarka ah kaasoo gogasha u xaaraayo Midnimo , nabadgalyo iyo xasilooni ka dhalata dalka soomaaliya.

3-waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dhiso Maamul loo dhan yahay oo uu yeesho Gobalka Banaadir kaa soo ay ka wada qayb galaan dhammaan qeybaha Bulshada saldhigna looga dhigaayo maalmulkii hore u jiray

4- waxaan si adag uga digeynaa una diidanahay in dalka la soo galiyo Ciidamo shisheeye, gaar ahaan kuwa safka hore, waayo waxaan u aragnaa soo gelidoodu in ay soo kordhinayso colaad iyo dhiig badan oo sii qubta, iyo xalkii oo sii fogaada.

5- waxaan soo dhawaynaynaa Danaynta isa soo daraysa ee beesha caalamka ee arimaha soomaaliya, waxaan ugu baaqaynaa in soomaalida lagu garabgalo sidii ay u xasilin lahayd arimaheed gudaha ah lagana daayo faragelinta lagu haayo loona guntado sidii dib u dhis iyo gargaar loola soo gaari lahaa dadka iyo dalka soomaaliyeed.

6- waxaan ku baaqaynaa in caalamku uu la soo gaaro gargaar degdeg ah dadka soomaaliyeed ee ku taabaaloobay Dagaalada iyo Abaaraha isdaba jooga ah, gaar ahaan waxaan shucuubta iyo Dowladaha islaamka iyo Carabta ugu baaqaynaa ugunaa yeeraynaa in ay walaalahooda soomaaliyeed isugu garab taagaan sidii ay lugahooda ugu istaagi lahaayeen.

Dr. Maxed Cali Ibraahim, Guddoomiyihii hore ee Ururka Al-Islaax.

Muqdisho-Soomaaliya.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-Islaax

War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xarakada Al-Islaax ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay si weyn uga hadashay xaaladda wadanku marayo iyo is bedelada haatan ku soo kordhay dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxayna Xarakada Al-Islaax ka soo saartay xaaladdaasi dhowr qodob.

  1. In xalka Mushkilada Soomaaliya ay ku jirto Soomaalida oo wada hadasha.
  2. In laga shaqeeyo baajinta dhiig sokeeye oo sii daata lagana hortago wax kasta oo keeni kara sii socoshada dagaal sokeeye.
  3. Waxaan ku baaqeynaa Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay dhaqsi u balaabaan wada hadal kana fogaadaan hadalada dhaawici kara jawiga dib u heshiisiinta.
  4. In Xukuumadda KMG ah ay si firfircoon ula falgasho is bedelada socda, si fiicana u gudato waajibaadkeeda, kana shaqeyso hirgelinta dib u heshiisiin waarta.
  5. In bulshada Soomaaliyeed gacan ka gaystaan xoojinta dadaalada nabadeynta kana waantoobaan hurinta iyo ka qaybgalka dagaalada sokeeye.
  6. Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan taabagelinta maamulka Gobalka Banaadir.
  7. In beesha Caalamka iyo Dowladaha deriska ee taageera hiil iyo hooba la garab taagnaa Dowladda, taageeraaana dhameystirka dib u heshiisiinta dalka,

Waxaana ku saxiixnaa war-saxaafadeedkaan afhayeenka Xarakada Islaax ee Soomaaliya Dr. Ibraahim Dasuuqi

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jun 20, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 Jun 2006
 
Dagaal Gunagado ka dhacay oo gumaysiga lagu jabiyay.
 
Dhalinyaro ka tagay magaalooyinka oo ciidammada xoreynta ku biiray.
 
Maxaakimta Soomaaliya oo Itoobiya u digay.
 
 Midowga Afrika oo ansixinaya ciidammo la geeyo Soomaaliya.
 
UNHCR oo ka digtay xaaladda Soomaaliya.
 
 
======================               
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaal adag oo toddobaadkii hore ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysatada Itoobiya ku dhex maraya meesha lagau magacaabo Balli-Sareedo, oo ku yaalla duleedka magaalada Gunagado, kaasoo ciidammada cadowga loogu gaystay jab iyo halaag aad u ba’an.
 
Dagaalkan, oo ahaa mid aad u adag, waxaa ciidammada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay inta la ogyahay 94 askari, waxaa sidoo kale laga dhaawacy tiro badab oon faahfaahinteeda la haynin.
 
Ciidammada gumaysatada Itoobiya waxaa sidoo kale aagga Sasabane lagaga gubay labo baabuur oo Uuraal ah oo ay ciidammo ka buuxeen markii la gubayay, waxaana halkaas ku bas-beelay labadaas baabuur iyo wixii saarnaa oo dhan. Labadan baabuur, oo la gubay maalintii jimcaha ahayd ee bisha Juun 17-ka ahayd, waxaa lagu qiyasay askarta saarnayd 120 askari.
 
Waxaa sidoo kale toddobaadkii hore ciidammada gumaystada Itoobiya baabuur Uuraal ah lagaga gubay duleedka magaalada Qabridaharre, waxaana halkaas ku bas-beelay baabuurkaas iyo wixii saarnaa oo dhan.
 
Muddo seddex toddobaad ka yar waa baabuurkii shanaad ee ciidammada cadowga laga gubo.
 
Dhalinyaro ka tagay magaalooyinka oo ciidammada xoreynta ku biiray.
 
Cadaadiska ay ciidammada Wayaanuhu ku kordhiyeen dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya bilihii u denbeeyay wuxuu sii kordhiyay go’aankii iyo dhiirranaantii dadwaynaha ee la xidhiidhay diidmada ay diiddan yihiin gumaysiga Itoobiya ee dalkooda haysta.
 
Waxayna dadwaynuhu sii labanlaabeen kalsoonidii iyo taageeradii ay u hayeen ciidammada xoreynta Ogaadeenya. Waxaa arrintaas ugu denbeeyay dhalinyaro 21 gaadhaya oo toddobadkii hore ka baxay degmada Xamaro ee gobolka Nogob, kuwaasoo ku biiray ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee dagaalka qadhaadh kula jira ciidammada caga-jiidka ah ee Ogaadeenya lagu soo daabulay.
 
Dhalinyaradan, oo shan ka mid ahi ay gabdho ahaayeen, ayaa go’aankan qaatay, ka dib markii ay u adkaysan waayeen cadaadiska iyo dulmiga lagu hayo dadkooda, waxayna go’aansadeen inay hubka u qaadaan sidii dulmigaas dadkooda iyo dalkooda uga dulqaadi lahaayeen.
 
Maxaakimta Soomaaliya oo Itoobiya u digay.
 
Guddoomiyaha Midowga Maxaakimta Islaamiga ah Sh shariif Sh Axmed ayaa maalintii axadda ahayd shirk jaraa’id ku qabtay magaalada Jawhar ee dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xukuumadda Itoobiya ay waddo daandaansi marka ay ciidammadeeda soo galinayso dalka Soomaaliya.
 
Sh Shariif wuxuu shirkaas jaraa’id ku sheegay in ciidammada Midowga Maxaakimta Islaamiga ahi ayna hadda diyaar u ahayn inay weeraraan ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya soo galay, laakiin wuxuu ka digay damaaciga xukuumadda Itoobiya kaga jira dalka Soomaaliya iyo sida ay isugu dayayso inay ka hortegto xasillooni ka dhacda Soomaaliya.
 
Sheekhu wuxuu kaloo sheegay in ciidammo shisheeye ah oo la keeno dalka Soomaaliya ayna waxba ka taraynin nabadgelyada dalka, isla markaana ay bar-kuma-taal ka dhigayaan wadahadallada uu Midowga Maxaakimta Islaamiga ahi diyaarka u ahaa inuu la galo dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
 
Midowga Maxaakimta islaamiga ah oo markii hore oggolaaday inuu wadahadal toos ah la galo madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inaanuu wadahadalladaas dawlada la gali doonin inta ciidammo Itoobiyaan ahi dalka Soomaaliya gudihiisa ku sugan yihiin.
 
Arrintan ayaa ka denbaysay, ka dib markii ciidammo Itoobiyaan oo si wayn u hubaysan la xaqiijiyay inay sabtidii soo galeen meelo ka mid ah gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya.
 
Ciidammada Itoobiya ayaa la sheegay inay yimaadeen magaalooyinka Doolow iyo Luuq. Wararka qaarkoodna waxay sheegayaan inay ciidammada Itoobiya ay tageen magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
 
Wararku waxay kaloo intaas ku darayaan in ciidammo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah sidoo kale la soo dhoobay xuduudda u dhaxaysa Ogaadeenya iyo Soomaaliya, kuwaasoo wararka qaarkood sheegayaan inay ku sii jeedaan magaalada Baydhabo iyo meelo kale oo koonfurta Soomaaliya ka mid ah.
 
Dhinaca kale dadwaynaha ku dhaqan gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya ayaa si wayn uga cabsi qaba ciidammada Itoobiyaanka ah ee la soo dhoobay nawaaxiga magaalada Feerfeer.
 
Dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Hiiraan, oo dadka kale ee soomaalida ah la qaba walwalka ay ka walwalsan yihiin duullaanka cusub ee xukuumadda Itoobiya ku soo qaadday dalkooda, ayaa tan iyo markii ciidammada xadka la soo dhoobay muujiyay walwal iyo cabsi xad-dhaaf ah oo ay ka qabaan ciidammadan nacaka ah ee looga bartay inay cagta mariyaan wixii dagan ama tabar daran ee ay la kulmaan.
 
Midowga Afrika oo ansixinaya ciidammo la geeyo Soomaaliya.
 
Midowga Afrika ayaa isniintii kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa oo xarun u ah, waxaana kulankaas lagaga hadlay qaabkii ciidammo nabad ilaalin loogu magac daray loo gayn lahaa dalka Soomaaliya.
 
Midowga Afrika ayaa kulankan isugu yimid, ka dib markii uu Baarlamaanka dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya dhawaan soo saaray go’aan uu ku oggolaaday in Soomaaliya la keeno ciidammo nabad ilaalin ah oo ay qayb ka yihiin ciidammada dalalka Soomaaliya deriska la ah, gaar ahaan kuwa Itoobiya.
 
Kulankan ayaa si rasmi ah looga soo saaray go’aan ciidammo loogu dirayo dalka Soomaaliya, waxaana lagu diyaariyay qorshe la xidhiidha qaabkii ciidammadaas loo diri lahaa.
 
Kulankan ayaa lagu go’aamiyay in dalka Soomaaliya loo diro koox khubaro ah oo ka kooban Midowga Afrika iyo dalal reer galbeed ah, waxaana kooxdan loogu talagalay inay soo qiimeeyaan siday ay suuragal u tahay in ciidammo nabad ilaalin ah la geeyo dalka Soomaaliya iyo meelaha ay ciidammadaasi ka hawlgali doonaan.
 
Xukuumadda Itoobiya ayaa iyadoo kulankani aanuu dhicin waxay soo saartay qoraal ay ku faahfaahinayso sababta ay ciidammadeeda u gaysay xadka Soomaaliya, waxayna tilmaantay inuu waajib ka saaran yahay inay caawiso dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya oo ay difaacdo hay’adaheeda kala duwan, waxayna sheegtay in arrintaas ay masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay, ayna masuuliyadaas gudanayso.
 
UNHCR oo ka digtay xaaladda Soomaaliya.
 
Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR ayaa ka digtay in dagaal ka dhex oogma xoogagga Midowga Maxaakimta Islaamiga iyo dawlada ku meelgaadhka ahi uu sababi karo dhibaatooyin bani’aadamnimo oo aad u xunxun.
 
Madaxa Hay’adda UNHCR Antonio Guterres ayaa sheegay in beesha caalamku ay muddaba ka gaabinaysay inay gacan taageero u fidiso dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, taasina ay keentay in dalka Soomaaliya ku sii jiro xasillooni darro.
 
Madaxa Hay’adda UNHCR ayaa hadalkiisu ku soo beegmay xilli ay xaaladda Soomaaliya cirka isku shareertay, isla markaana uu aad u kordhay walwalka ay beesha caalamku ka qabto inuu dagaal cusub oo lagu hoobto ka oogmo, iyadoo ay ugu wacan tahay xoogagga awoodda cusub la soo baxay ee Midowga Maxaakimta Islaamiga ah iyo xukuumadda Itoobiya oo iyaduna isu diyaarisay inay xoogaggaas dagaal kala hortegto, isla markaana ciidammadeedii soo galisay dalka Soomaaliya.
 
20 Jun 2006.
Axmed Gaal-Eri                   
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Xaggee ku sugan yihiin hogaamiye kooxeedyadii laga adkaadey..?
»Sheekh Shariif “Dowladda iyadoon la soo dooran ayaa..
»Xaaji Bakiin “kuwa ku faraxsan waxa ka socda Muqdisho
»Ismaaciil Cumar Geele “Umadda Soomaaliyeed muddo..
»Jabhadda Midowga Xoreynta Ogaadeeniya oo ka...
»Mowqifkii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham UK....
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji.... Jun 19

Xafladii Nugaal University ee Minnesota U.S.A
Xaflad aad loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota... Guji....

  TAARIIKH KOOBAN EE ISBEDELADA UGU DAMBEEYEY SOOMAALIYA::: Akhri...:


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD