SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

KU:  Maamul Goboleedka Puntland (Gorowe)                      
KU:  Hogaanka Maxaakiimta Islaamiga ah (Muqdisho)
KU:  Madax Dhaqameedyada Soomaaliyeed (Rugahooda)
KU:  Warfidiyeenka Gobalka iyo kuwa Caalamka (Rugahooda)
 
UJ: Bayaan ku sabsaan tageerida Maxaakiimta islaamiga ah iyo hirgelinta maxkamad islaami ah oo ka soo baxay beesha Max’ed Cumar-Puntland     10/10/06
 
Anagoo ah Siyaasiyiinta,Culumaa’udiinka,Aqoonyahanka,Nabadoonada iyoWaxgaradka Beesha Maxamed Cumar- Cumar Maxamuud ee ku nool Dalka iyo dibadaba:Puntland,Koonfurta Soomaaliya iyo Jaaliyaddaha dibadda(W/ameerika-Canada iyo Maraykanka,Yurub,Asia iyo Afrika).
 
Waxaan si cad  idinkugu soo gudbinaynaa dhamaan intiina uu ku socdo Bayaankan Mowqifkeena Beel ahaan ku wajahan Isbedelka Siyaasadeed iyo xaaladaha ka aloosan Dalka waqtigan,taas oo wadatashi dheer dabadeed Shirbeeleedyo noogu qabsoomay dalka gudihiisa iyo dibadaba(tar-02/09/06-10/10/06) aanu go’aansanay in aan kaalinteena Beel ahaan si dhab ah ugu istaagno isbadbaadinteena Beel ahaan iyo Badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed ee aan ka midka nahay kadib:
 
  • markaan aragnay tacadiga iyo dhibaatada Maamulka Puntland uu ku hayo Shacabka.
  • markaan aragnay u hawlgelida Maamulka PL caburinta dareenka shacabka iyo cabsi gelinta dadwaynaha.
  • markaan aragnay soo dhaweenta iyo gabaad usamaynta qaarkood dagaal oogayaashii reer Muqdisha ee Laga awood badnaaday kuwaas oo Maamulka PL uu hub iyo ciidanba la garab istaagay.
  • markaan aragnay keenista Maamulka PL ciidamo ethiopian ah oo weerar ku ah nabada iyo deganaashaha maanta ka jira koonfurta soomaaliya ee ay Maxaakiimta Islaamiga ah gacanta ku hayaan.markaan aragnay in maamulka PL uu yahay mid aan maalina u adeegin rabitaanka shacabka uuna noqday taas bedelkeed mid xaga danaysiga iyo damiir la’aanta la mid ah qawlaysatadii Muqdisho laga badbaadiyey. markaan aragnay in dawlada taagta daran ee Baydhabo ku sugan ay si dhab ah uga soo horjeedo Isbedelka Badbaado ee maanta ka muuqda Koonfurta soomaaliya ee ay maxaakiimtu gacanta ku hayso ayna qorshaynayaan sidii ay ciidamo shisheeye ay dalka ku keeni lahayeen.
  • Markaan aragnay in cadawgeena ethopia uu qorshaynayo dagaal uu ku qaado Ummadda Soomaaliyeed iyadoo adeegsanaysa dawlada fadhiidka ah ee Baydhabo ee ay siyaasadeeda hagaan iyo hogaamiye kooxeedyadii lagaga soo adkaaday koonfurta soomaaliya.
  • markaan aragnay in xalka badbaado ee ummadda Soomaaliyeed u baahan tahay uu yahay qaadashada Kitaabka ALLAAH iyo sunada Nabigeena(S.C.W) iyo isku xukumida Shareecada islaamka.
Haddaba Mawqifkayaga Beel ahaan waxa uu yahay:
 
1.  in aannu ka hirgelino dhamaan deegaamadeena Beel ahaan Maxkamad islaami ah oo ku adeegta iskumaamulida Kitaabka ALLAAH iyo Sunada Nabigeena(S.C.W)      
2.  in aannu raali ka ahayn joogitaanka ciidamada ethiopia iyo haraagii mujrimiintii laga soosaaray muqdisho taas oo aanu u sheegayno in wixii dhibaato ah ee ka yimaada ay mas’uul ka yihiin madaxda maamulka puntland.
        
Guddiga fulinta ee Beesha
 
1. Shiikh C/ladiif Muuse Nuuryare(sanyare)________Kenya
2.Shiikh C/laahi Max’ed Faarax________________Kenya
3.Dr.Ax’ed Ciise Nuur Godane_________________Kenya
4.Prof.Max’ed Shiikh Max’ed__________________UK
5.Shiikh C/laahi Yuusuf Jamac(timojilac)__________UK
6.Shiikh Max’ud Siciid Xirsi____________________UK
7.Shiikh Xassan Max’ed Cabdi(dhooyo)___________USA
8.Xaaji Cumar Aw Ax’ed_____________________USA
9.Dr.Mire Max’ed Shiikh______________________USA
10.Shiikh C/qani  Qorane Max’ud________________Denmark
11.Shiikh Cumar Qorane Max’ud_________________Canada
12.Dr Salaad C/le Caroog_______________________Canada
13.Dr.Cumar xaaji Yuusuf_______________________Canada
14.Shiikh Ax’ed C/le Caroog______________________Saudi arabia
15.Shiikh C/laahi Cabdi Ciise Nuur Gurey_____________Australia
16.Shiikh Muuse Cabdi warfaa______________________Puntland-Somaliya
17.Shiikh Muxyadiin Aadan Gaashaan_________________J/hoose-Somaliya
18.Dr.Cabdi cali nuur Fatiiroow______________________Puntland-Somaliya
 
Afhayeenka Guddiga Beesha
 
Shiikh C/ladiif Muuse NuurYare(Sanyare)______Tel-254722959380
Email: sanyarem@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD