SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYAAN

BAYAAN KA SOO BAXAY CULIMADA GOBOLKA T/ DHEER-BURCO

Anagoo ah culimada G/Togdheer ee bayankan ku saxeexan Ka dib markii aanu derisnay xaalada guud ee dalku marayo iyo arimo  badan oo si isdaba  jooga ah uga dhacaya dalka kuwaas oo meel kadhac ku ah umadda reer s/land dibna u celinaya yididdiladii wayneed ee umaddu ka qabtay in ay mar uun dulmiga ka baxaan oo cadaalad iyo horumar ay ku hiigsadaan ku dhaqanka shareecada islaamka oo nafo iyo maal tira badan  ay u soo hureen xaqiijinta yoolkaas wayn,  

waxaa muuqda oo xaqiiq aan la dafiri Karin ah in ay jiraan xadgudubyo waawayn oo shacabka s/land aanu geyin kuwaas oo si is daba joog ah uga imanaya xukuumada dalka iyada oo tusaale aynu u soo qaadan karo qodobadan 

  • maamulka dalku waxa uu ka baaqsaday fulinta balantii iyo cahdigii adkaa ee umadu ay ilaahay la gashay kaas oo ahaa ku dhaqanka shareecada islaamka , welina sida la wada og yahay maamulka dalku uu yahay mid aan ku socon shareecda islaamka
  • waxa si badheedh ah oo marag ma doonto ah warbaahinta caalamka ay uga sii daayeen qaar ka mid ah wasiirada dawlada ugu saareyaa in dastuurka iyo nidaamka s/land uu yahay mid (cilmaani ah) kelmadaas oo macnaheedu yahay( DIIN LA,AAN) ilaa hadeerna xumuudadu jawaab rasmi ah kamaysan bixin odhaahdaa khatarta ah ee dhaawaca ku ah diinta iyo caqiidada umaddan.
  • xadgudubyada foosha xun ee lagula kacay culimada iyo dadka muwaadiniinta ah ee ku jira jeelasha taas oo meel ka dhac ku ah xuquuqda islaamka iyo tan  baniaadamkaba .
  • waxaa si aad u faafsan dalka uga jira cadaalad xumo, fasaad ,maamul iyo mid akhlaaqeed 

hadaba iyda oo ay dalka ka jiraan arimaha kor ku xusan iyo kuwo kaleba waxaa waajib sharci ah oo culimada iyo wax garadka kaleba saaran in dariiqa saxda ah la bayaamiyo xaqana la cadeeyo si looga badbaado aafooyinkii haleelay dawladihii hore ee dalkan ka talin jiray ,iyada oo taa laga duulayo   waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada iyo guud ahaan shacabka s/land ba qodobadan. 

  1. in la tix geliyo rabitaanka shacabka S/land ee muslimka ah oo si aan dib udhig lahayn loogu dabaqo shareecada islaamka taas si cad ugu qeexan dastuurka dalka u yaala qodobkiisa 5aad.oo sidan u qoran

    Diinta.

    • Diinta qaranka s/land waa diinta islaamka waxaana geyiga S/land  ka reeban faafinta diin aan ahayn diinta islaamka
    • Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa shareecada islaamka waxaana reeban wixii xeer ah ee ka soo hor jeeda
    • Dawladu waxay oogaysaa shacaa,irta diiniga ah (umuurta diinta)waxayna fulinaysaa axkaamta shareecada sidoo kale waxay ka hor tegaysaa fisqiga iyo anshax xumada
    • Tirsiga taariikhda waxaa laga raacayaa tan islaamiga ah ee Hijriga iyo tan miilaadiyada
  1. in xukuumadu cudurdaar rasmi ah ka bixiso warkii wasiirka arimaha dibadu uu ka sii daayay idaacada British Broadcasting Corporation oo uu ku sheegay in nidaamka s/land uu yahay mid ku dhisan    nidaam cilmaani ah ( Diin la,aan )
  2. in si dhakhso ah loo sii daayo culimada xadgudubka iyo jidhdilka loogu gaystay jeelka Hargaysa islamar ahaantaana cadaalada la hor keeno kuwii falkaa foosha xun gaystay
  3. in la xaq dhawro karaamada iyo quxuuqda ay leeyihiin  muwaadiniinta iyo dadka martida u ah dalka isla mar ahaantaana laga dhawrsado dacaayadaha lidka ku ah culimada oo door wayn ka soo qaatay nabadgelyada iyo horumarka dalka.
  4. in garsoorka dalka laga dhigo mid madax banaan oo ku salaysan shareecada islaamka lagana hufo qawaaniinta diinta khilaafsan
  5. in xad loo yeelo oo si wayn wax looga qabto fasaadka,iyo dhaqan xumada dalka ku soo kordhaysa
  6. in warbaahinta dalku ay ka waantowdo baahinta Borobogaandada iyo  wax kasta oo ka soo hor jeeda diinta iyo danaha umada.

Magacyada Culimada  saxeexday bayaanka 

    1. sh. Jaamac cismaan axmed:-----------------------------------
    2. sh. Maxamed shukri xasan:-------------------------------------
    3. sh. Yuusuf cabdi cawad:----------------------------------------
    4. sh. Cismaan ibraahim faarax:----------------------------------
    5. sh. Maxamuud c/laahi:------------------------------------------
    6. sh.rashiid xaaji aadm cilmi:-------------------------------------
    7. sh. Jaamac aadam xasan:-------------------------------------
    8. sh. Xasan xuseen:-----------------------------------------------
    9. sh. Kamaal cusmaan:--------------------------------------------
    10. sh. Jaamac cali cabdule:------------------------------------
    11. sh. Ciise maxamuud faarax:---------------------------------
    12. sh. C/laahi daahir jaamac:-----------------------------------
    13. sh. Shariif abokor dhuuxyare:-------------------------------
    14. sh. Siciid axmed jaar:-----------------------------------------
    15. sh. Aadam axmed ducaale:----------------------------------
    16. sh. Mustafe aadam maxamed:-------------------------------
    17. sh. Mubaarak diiriye axmed;---------------------------------
    18. sh. Aadam cabdi ismaaciil:-----------------------------------
    19. sh. Siciid muuse;-----------------------------------------------
    20. sh. Nuux cismaan abokor;-------------------------------------
    21. sh.yuusuf maxamuud diiriye:----------------------------------
    22. sh. c/casiis maxamed jama:------------------------------------
    23. sh. Muuse sahal diiriye:-----------------------------------------
    24. sh. C/qani saalax cali:-------------------------------------------
    25. sh:Maxamed nuur baaruud--------------------------------------
    26. sh. Yuusuf jaamac warsame:--------------------------------------
    27. sh. Xasan abokor dhuuxyare:-------------------------------------
    28. sh. xuseen saleebaan aadam:--------------------------------------
    29. sh. Hayaan maxamuud xirsi:----------------------------------------
    30. sh. Axmed xaaji muuse cali:------------------------------------------

wixii faah faahin waxaad kala soo xidhiidhi karataan
Afhayaeenka Culimada bayaanka soo saartay Sh, Jaamac
Cismaan tell 002522-4437136 Burco.

Laixiir: Diriye Abdiazziz | negeeye@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2006


»Qoodhiin iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»
Xaalada Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?

»Difaacid Bayaankii Harti-waamo  | M.N.Salaad
»Rice u sheega hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»
Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood  noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA  | Liibaan
»Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad

»Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD