Fadlan
walaalkay iyo walaashay Muslim ah 10 ka danbe ee Ramadaaan ka
Faa’iidayso.
Caawa ayaa waxay ku began tahay habeenkii ugu
horeeyay ee 10ka ugu danbayso bisha
ramadaan
ee martida u ah dadka muslimiinta ah eek u nool dunida daafaheeda kala duwan
waxaana la gudboon caawa iyo 9ka haben ee foda nagu soo haya in dadka musliminta
ah ay ku dadaalaan cibaadada EEBE.
Walaalkay iyo walaashay muslimka ahow waxaa aan
soo ku dhex jiraan bisha ugu barakada iyo khayraadka badan ee islaamku lee
yihiin waxaana bishan ay u qaybtan tahay sadex qaybood.

1 Bilawga waa Naxariis
2- Bartamaheedo waa Danbi Dhaaf
3- Dhamaadkeedu waa Naar ka xorays.
Marka muslimiintow waxaan iminka galnay
wakhtigii Naarta laga xoroobi lahaa waxaana haboon in laga faa’iidayso 10kan
habeen ee caawa aan galay waxaa xusid wayn mudan in EEBE oo u soo dagayo samada
dunida isagoo u danbi dhaafaya cidii danbi dhaaf waydiisato siinayo cidii siin
dalbato ajiibayo cidii barida ama toogta .
10ka danbe ee bisha Ramadan ee Martida noo ah
waxaa uu ahaa Nabiga SCW ee aan jecelanay inaan ku dayano mid isago istaaga uu
isaaago cirbihiisu ay dil dilaaci jireen iyadoo marka ay caa’sha hooyada
muslimiinta ay tiri maad iska dayside uu ugu jawbay miyaanan noqonayn aduun
ilaah ku mahad celiya.
Xadiis nabiga la wariyay wariyay Muslim ayaa
waxaa uu ahaa ‘’ Nabiga SCW waxaa uu ku dadaali jiray 10ka danbe Ramadaan si
uusan ugu dadaalin xiliyada kale ‘’ walaalayaan anka oo aan gaari Karin Nabiga
iyo waliba Asaxaabta waxa loo bahan yahay in aan moojiyno dadaal kaas u dhigma
EEBE hana aqbalee .
Xadiith kale oo ay Ca’sha Nabiga ka soo warisay
oo ku qoran kitaabka saxiixaynka Muslim iyo Bukhaari ayaa waxaa uu ahaa ‘’
Nabigu SCW waxaa uu aha hadii oo kalo 10ka danbe ee bisha ramdaan mid nooleeya
habeenka isagoo kiciya ama toosiya ehelkiisa macawuustana si adag u xirta’’ .
Fadliga 10ka Danbe ee Bisha Ramadaan.
Eebe ayaa Suurad dhan kaga hadlay fadliga ay
lee dadalay 10ka danbe gaar ahaan habeenka laylatul Qadar.
Qaar ka tirsan Salafka umada islaamka gaar
ahaan Ibnu Cabaas iyo Qataadaha iyo Siciid bin jabiir iyo cikaramah iyo mujaaid
ayaa waxay sheegeen in habeenka leelaytul qadar quraanku soo dagay .
Eebe ayaa quraanka Kariimka ku yiri ‘’ 'Annagaa
soo dejinnay Quraanka Habeenkii Laylatul Qadriga (Habeen barakaysan ee sharafta
leh), ma taqaannaa Leylatul Qadriga? Waa habeen ka khayr badan kun bilood, waxa
habeenkaa soo dega malaa'igta iyo Malagga Jibriil idinka illaahay dartii iyo
amarkiisa, waa habeen nabadgelyo inta waagu beryayo" {Suurat Al Qadr-1-5}.
waxayna u dhigataa 84 sano iyo dhawr bilood
habeenkaasi oo kaliya ayaa waxaa laga yaabaa ajar iyo acmaal khayraad ah oo aad
samaysan lahayd 84 sano inaad heshid ALLAHU AKBAR faa'du badnaa eebow na waafaji
.
Ictakaafka Masaajidyada ama ku nagaanta
waxaa haboon cidii wakhti u saamaxayo in 10kaa
danbe lagu nagado masaajiyada habeen iyo maalin in marka laga baxanaya looga
baxo arimo adag oo xaajadu lagama maarman ka dhigayso waxaana Nabigu ahaa mid
ictikaafa 10ka danbe ee bisha Ramadaan .
waxaan ku boorin mar labaad walaalahays
somaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka fa'idaystaan 10kaan bari ee aduunka
aan laga yaabin inta hada joogta in badan oo ka mid ah inoosan soo marin ama mar
danbeba uusan soo laaban .
Habeennada sida adag loogu tilaamo in ay ku
jiran oo lagu tilaamo habeenkaasi laylatul Qadarka ayaa waxaa ay kala yihiin
21-23-25-27-29 waxaana culumadu u badiyeen 27ka
Aan faaidayso walaalayaan Aduun ayaa la joogaa
Adoon Rabi ayaan nahay
Akharinaa na sugasyo Adkaarta iyo Aayadaha
Eeebe aan badino
Aduunku waa inta aad joogtid Akharinana waa tan
dheer ee Aan dhamaan
Aboowe iyo Abaayo Aan ka faa'idaysno habeenkaas
aan soo sheganay.
waad mahad san tihin
Maxamed cabdi Maxame Bootaan
Somali Talk Nairobi kenya
botaan1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2006
»Qoodhiin
iyo Xeradiin Maxaa Baajuun & Jareer Looga Qadiyay J/Hoose
»Hooyadii
labaad ee Rasuulka calayhissalaam | Zahra
»Xaalada
Hubka Nukliyeerka Ee W/kuuriya Halkee mareysaa?
»Difaacid
Bayaankii Harti-waamo | M.N.Salaad
»Rice u sheega
hadey carab u taliso in anagana Illaahey noo taliyo
»Hilinka La
Haboon Maxkamadaha Islaamiga iyo Dawlada
»Bayaan: Beesha
Harti-Daarood ee Waamo ee UK
»Sooyaalka
magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha
»Badbaadiyayaasha
Geeska Africa "maxkamadaha" | Cali
»Lamood
noqonse wayday "maxkamadaha" | Jamaal
»BURBURKII
QABYAALADA IYO MAXKAMADAHA | Liibaan
»Hadba meel ku
duul duul darajiyo wanaag maleh | Mahad
»Hawsha
koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo | xasan
»Warqad furan
oo ku socoto maamulihii hore ee Dalsan Dubai | Axmed
»MUSAAFURINTA
SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU:
MAXAAKIMTA KISMAAYO | Darwiish
»MAXKAMADO
CALANKII GUBAY & DOWLAD DALKEEDA CADAW
»MAXKAMADUHU
KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»Ramadaan
Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»Ramadaan
Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu
lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA
IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin
dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA
LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad
ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi
Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya
.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali
Xaashi
»MAQAALADA KALE
EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
|