SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowlada Cusub ma ka badbaadaysaa dibin daabyada  BBC Laanta Afsomaliga?

BBCda Laanta Afsomaligu waa Dabayshay afuufaysa Dabka Somaliya ka baxaya. waxana la yaab leh in Yuusuf Garaad oo ah Madaxa BBCda Laanta Afsomlaiga uu Somaliya ka hirgalayiyey Radiyo FM ah oo isaga hoostahaan, kuwaas oo uu u adeegsado qalalaaso  abuurid iyo xiisad aloosid iyo waliba in uu Dowlada cusub ku curyaamiyo. Waxaana Radiyowgaasi ka furan yihiin Xamar, Marka iyo Boosaaso.

Radyayowgaas iyo Homepagiyo ku lifaaqan waxay si ay Ujeedadaas guracan u gaaraan ay bilaabeen in ay War been ah Dowlada cusub ka falkixaan iyo in ay Waraysiyo ka soo qaadaan Koox aan Tobon Qof ka badnay oo ay Waraysigooda si Ujeedo leh had iyo jeer ugu  celceliyaan si ay uga dhigaan Tobankii tarmaayey oo ay tobankaas Qof u beekhaamiyaan.
waxaanay taas uga gol leeyihiin in ay Dadka ka dhaadhiciyaan in ay Dad badan Dowlada mucaarad ku yihiin.

Tabanka qof ee faro ku tiriska ah ee sida Boqolkii badaayey loo buunbuuniyo waxay kala yihiin.

1. Jini boqor oo maalintii kun  jeer la waraysto.
2. Casha Cabdile oo lexdan jeer la waraysto.
3. Cali baasha( ooyaaye) oo toban  jeer la waraysto.
4. Jamac Cali Jaamac oo maalintii labo jeer la waraysto.
5. Cali khalif galayr iyo Cabdirisaaq Xaaj Xuseen oo maalintiiba mar la waraysto.
6. Sakariye iyo Sifir oo iyana markii la shiro meelaha ka hadlaan.
7. Cumar jees, Barre hiiraale iyo xaabsade oo iyana waraysigooda lagu soo celceliyo.
8. iyo Hogaamiyaasha Xamar Isbaaradu u taal ee musiibada somaliya ka dhacday masuulka ka ahaa oo laga dhigo in ay halyeeyo Qaran oo  Dalka iyo Dadkana wax u qabanaya yihiin.
 

BBC-da: SIYAASADAHA DAHSOON EE GUMAYSTAHA:
Hassan Salahudin

Kuma koobna tabta uu yuusuf garaad dowlada cusub ku curyaaminaayo been abuur iyo waraysiga tobankaas tarmaaya laga soo qaado ee wuxuu buunbuuniyaa oo uu ka been shegaa wax Qabadka kooxda yar ee xamar aaday wuxuna maalinkasta sheegaa shirar iyo kulamo iyo balan qaado aanay waxba ka soo naaso cadayn oo u dhigmaan sheekada tobanka sano sacotay ee ah.
“ Dakada iyo Garoonka Diyaaradah waa la fura”.

Wuxuna buunbuunintaa beenta ah uga goleeyahay in uu tirada yar ee Xamar aaday ka dhigo in ay tabar ay wax ku qabtaan leeyihiin iyo in uu Xaajada ka dhigo labo Kooxood oo in la wado hadalsiiyo ay tahay, taas oo wiiqaysay Xaarka ay Somali ku heshiisay ee ah in inta tirada badan waxay go´aamiyaan loo hogaansamo.

Waxaa kale oo buunbuuninta Kooxdaas iyo ha lala heshiiyo looga gol leeyahay in meesha laga soo dhiraandhiriyo Shirkii 15_naad ee ay Somali lagu heshiisiinayo iyo in Dowlada cusub qaab kooxaysi lagu curyaan dhadhiyo oo Natiijadii Shirka Kenya ka soo baxday Ciida lagu daadsho.

BEEN ABUURKII NAAGO ISKU GUURSADEY BOOSAASO GUJI...  [21 Feb. 2001]

Waxaana  taas u suurto galinaya  markii waxa ay ugu yeeraan Beesha Caalamka ay arinta Baarlamanka faraha la soo gasho loona wada hadlo labo Kooxood, taasi oo la micno ah, Axdigii lagu heshiiyey ee cod dheerida ku dhisnaa ha la laalo oo kooxaysi ha loo laabto. waana taas Ujeeda runta ah ee ay Kooxda Xamar aaday leeyihiin.

Haddaba si ay Dowlada cusub u guriso Ujeedooyinkaas guracan waxaa loo baahan yahay.

1. in Dowlada aanay iloobin in Axdiga la dhigtay loo baahan yahay in loo wado hogaansamo iyo in aanay Dowladu ku simbiririxoon heshiis kooxaysi.

2. waxaa kale oo muhiim ah in ay Dowlada cusub IGAD kala tashashato sida ugu fiican ee talaabo wada jir ah BBCda la´aanta Afsomaliga looga qaadi lahaa iyo in dhamaan Wariyaasha BBCda La´aanta Afsomaliga ee wadamada IGAD joogaan Sharciga Wartabinta laga xayuubiyo.

Waxaana hubaal haddii ay Dowlada talaabooyinkaas qaado in su´aasha ah. “Dowlada Cusub ma ka badbaadaysaa dibindaabyada  BBC Laanta Afsomaliga???” in jawaabteedu “haa” noqon.

Maxaa yeelay Waxaa xaqiiq ah
· in madaxda sare ee BBCdu isweydiinayaan waxa Talaabada IGAD kalifay.
· Waxaa kale oo ay Dowladu ka badbaadaysaa kooxaysi.

Madsanidin.
jagne |
jagne3@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2005

»Shirweynaha Magaalooyinka SL oo ka Furmay Hargeysa | Diridhaba
»
Baarlamaan iyo Waqtigii Kacaanka! | Dr. Dhaan-wade
»
Saboolka  iyo hodanka aduunka oo sii kala fogaanaya! | Siciid
»
Kacdoonada dadweynaha ee Georgia Somaliland maku soo xigtaa?  M.I
»Yuusuf iyo Geedi ma Dumiyayaalbaa mise waa Dabranayaal? | c.geel
»Madaxa BBC da afsomali iyo Cabashadda Suxufiyiinta Nairobi | Qalanjo
»Nin Swedish ah Islaamka iyo Nabi Muxameb scw caayay | haldhaa
»Baaqa Naadiga Somali PEN ee Madaxda Soomaaliyeed | wacays
»Waxaa la gaarey xilligii Isutaagida Isku Tashi Dhamaystiran | Ismacil
»Hagardiid Hayin ma Noqoqdo (Hawato Hawshiisa)  | Ahemd Ali
»Waa su aal da' weyne  dalka yaa iska leh ?? !!! | A.Hashi
»Qoyskay Tiisu Sii Dhammaanayso oo Masaakiin sii Jicsintay! | Ahmed
»Ku: Umaadda Soomaaliyeed Dalka Iyo Dibaddaba | Jannogale
»Dad-qalatada Sacuudiga oo aan Cambaaraynayo | S.Xasan
»GABAY: Gabaygii Daawo Qabiil  | Darwiish
»GABAY: Gabay Jacbur Cajiib ah | Fareey
AKHRI: BOGGA RA'YIGA & MAQAALADA DADWEYNAHA

BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD