SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Qabsashada Sharcidarada ah ee Itoobiya iyo Xasuuqa ummadda ay ku hayso.



Waxaa xalay kadhacay Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka shir wayn oo aad loo soo agaasimay, loogana hadlayey Xaalada adag ee Dadka iyo Dalka Soomaaliya hada ku sugan yahay. Waxaa kasoo qayb galay dhamaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee dagan Gobolka Minnesota. Sida; Culimo'awdiin, Jaamiciyiin, Siyaasiyiin iyo wax garad kale oo farabadan, kuwaas oo ay qaadi wayday goobtii loo cayimay laguna qiyaasay in kabadan 500 oo ruux.

Ujeedada shirka ayaa ahayd sidii loo caawin lahaa Maatada ay xasuuqayaan Axmaarada iyo Axmaar raaca uu hogaaminayo Malez sanaawi. Maatadaas oo aan haysan gargaar kale oo aan ahayn kan rabi iyo inay geedo hoostood gabaad ka dhigtaan.

Shirka waxaa ka hadlay Akhyaar badan oo ay ka mid ahaayeen Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, C/risaaq Xaaji Xuseen, In. Khaliif, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, Xasan Dhooye iyo Marwooyin iyo Mudanyaal kale.

Wax yaabihii ugu waawaynaa ee shirka looga hadlayey ayaa waxaa ka mid ahaa. In Soomaaliya ay gashay gacan Gumaysi aan naf iyo maal toona reebayn, Xasuuqa, Kufsiga, barakaca loogaysanayo umada Soomaaliyeed, Itoobiya inaysan ku baxayn sahal, in la Taageero Halgama-yaasha xornimo u dirirka ah (Muqaawamadda) iyo in meel looga soo wada jeesto Axmaarka iyo kuwa daba dhilifka u ah.



Sh. C/raxmaan hadaladiisii ayaa waxaa ka mid ahaa inay munaafaqnimo tahay cidii kaalmo u fidisiya noocay doontaba ha ahaatee Itoobiyaanka isla markaasna cidii ku sifowda Munaafaqnimo ay naar ku mutaysanyso. Sidoo kale wuxuu Sh. C/raxmaan ugu baaqay umada Soomaaliyeed in kaalmo gargaar loo fidiyo maatada dhibaataysan.

Mudane C/risaaq X. Xuseen ayaa isna afka ku adkeeyey in la iska dhiciyo Axmaarka meelna looga soo wada jeesto wuxuu kaloo yiri " Waxaan bogaadin u dirayaa Muqaawamada" sidoo kale wuxuu yiri Qabiil iyo Qaran meel mawada galaan".



Prof. Samatar mar uu ka hadlayey erayga macnaha badan ee kolba dhan loo rogo ee ARGAGAXISO wuxuu yiri " Dagaalka lagula jiro Argagixisada'' waxaa loola jeedaa Islaamka" iyo nooc kale oo ah dagaalka argagaxisadu hayso" Samatar ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ahaa " Qabyaalada lama wada huwan karo Kitaabka waa lawada huwan karaa" Diinta Islaamka iyo Qaranimadu waa is ogol yihiin" sidoo kale hadaladiisii waxaa ka mid ahaa cidwaliba dan bay naga leedahay, Maraykan ku dan buu naga leeyahay, Itoobiya dan bay naga leedahay. Wuxuu yiri "Danta itoobiya waa inay Soomaaliya kala tagto ama Duulad ay dusha ka fuushan tahay ay hesho"



Xasan Dhooye hadaladiisii ayaa waxaa ka mid ahaa aan midowno oo walaalowno, wuxuuna " Wixii inaga dhexdeena ah aan dib dhigano oo cadowga na haysta aan meel uga soo wada jeesano" isagoo maah maahaya wuxuu lahaa "labada haraga isku haysata Hooyadood waa sida gacantaas"

Sidoo kale maruu ka hadlayey qoloda axmaarka usha u sida wuxuu yiri " Dowlada kumeel gaarka loo yaqaan ma ahan kumeel gaar ee waa MEEL KU GAAR qolo walba meel ayey ku gaaraysaa Maraykanku meel ayuu ku gaarayaa, Itoobiyaankuna meel ayuu ku gaarayaa, iyaguna meel ayey isku gaarayaan" wuxuu kaloo yiri raga ciidama Milatariga Itoobiya keeneen iyagoo ku dhex jira Taangi iyo diyaarado dagaal oo Axmaaro masi daasay dowlad ku noqonayaan oo umada ku xukumayaan" umada Soomaaliyeed waxay ka muujiyeen Meel ku gaarka diidmo". Sidoo kale wuxuu ku nuux nuux saday in la is garabsado umada Soomaaliyeed ee cadowgu hiigayana naf iyo maal loo huro.



Waxaa kaloo lagu saxiixay goobta shirku ka dhacay waraaqo loo dirayey dowlada Maraykanka madaxdeeda qayb kamida laguna muujinayo dhibaatada ka socota Soomaaliya in wax laga saxo wixii hore.

Ugu dan bayntii shirka ayaa aad u daganaa jawiro murugo lehna ka muuqday isla markaasna aan ahayn mid quustay oo is dhiibay ee ahaa mid diyaar u ah in cadowga wadanka laga xoreeyo. Waxaa xasuusin mudan in dad badan ilmaynayeen marka laga hadlayey ama lasoo ban dhigay sawirada maxasta Soomaaliyeed ee qaarna ladilay, qaarna la kufsaday, qaarna la dhaawacay, qaarna la bara kiciyey.




Gabagabdii shirka ayaa lagu soo xiray wax qabad iyo tabarucaad loo fidiyey Maatada Soomaaliyeed ee cadowgu ku wiirsanayo. Waxaana laga codsaday dhamaan ka soo qayb galayaashii shirka inay asxaabtooda iyo aqaaribtoodaba gaar siiyaan gurmad kaan dag daga ah lana soo xiriiraan howl wadeena shirka.

Qaban qaabiyaashii shirka ayaa gabagabeeyey kuna daray in kulamo iyo shirar isdaba jooga laqaban doono mudada fooda inagu soo haysa lana soo war galin doono, waxayna ka codsadeen dhagays tayaashii in arintaas loo toog hayo.

 

Somalitalk Minneapolis

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 23, 2007

Shir11 Waftigii  Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland

Waxaa Galabnimadii shalay ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, axaana kulunka  marti ku ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland... Akhri...

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com