SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: April 24, 2007

267 qof oo Ku Dhinatay Dagaalka Muqdisho oo Galay Maalintii Lixaad

Ugu yaraan 37 qof ayaa ku dhintay dagaalkii Isniintii ka sii socdey magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen warbixinada iyo hay'adaha xuquuqul insaanka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Hay'adda Elman Human Rights Organisation waxay Isniintii sheegtay in dagaalkii Muqdisho kabilowday Arbacadii hore in ay ku dhinteen ilaa 267 qof.

Dhanka kale dagaal Isniintii ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa warbixinada ka imanaya ay sheegeen in dagaalkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, sida ay sheegtay Aljazeera.


Wararkii: Isniin Apr 23, 2007

Kismaayo oo ka baxday gacanta DFKMG...

Warar SomaliTalk.com ka soo garey magaalada Nairobi, oo soo xiganeyey ilo wargal ah oo ku sugan gobolka Jubbada Hoose, ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Kismaayo ay ka baxday gacanta DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi.

Waxaa warku intaas ku daray in degaanka Kismaayo ay la wareegeen ciidamo Soomaaliyeed oo sida warku tibaaxay ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Waxaa warku sheegay in magaalada uu ka dhacay dagaal culus oo aan weli khasaaraha uu geystey aan la cadayn, laakiin uu dagaalku istaagey kaddib markii ciidamadii taaageerayey DFKMG ay magaalada ka baxeen, una dhaqaaqeen dhanka magaalada Jilib.

DFKMG ayaa magaalada Kismaayo waxay tagtay 113 maalmood ka hor kaddib markii magaaladaas ay qabsadeen ciidamada Itoobiya oo garabsaney diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo dabaabad kuwaas oo Soomaaliya xoog kusoo galay, haddana dagaal ka wada magaalada Muqdisho.

Isha warka: Ilo wargal ah oo ku sugan Nairobi iyo Jubbada Hoose.


Maalinkii Shanaad Oo Ay Magaalada Muqdisho Dagaalo Ka-Fool Ka-fool Ah Iyo Duqayni Ka Socoto..

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
002521-5580916

Waxaa soconaya dagaalo faraha lagaga gubtay iyo duqaynta madaafiicda waaweyn ee lala beegsanayo guud ahaan magalada muqdisho oo saaka galay maalinkii shanaad islamrkaana saaka la arkayey xaafado iska dhan oo ay madafiicdu bur-buriyeen.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya xoogaga kacdoonka wada ee kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka soomaaliya iyo ciidamada xukuumada ethiopia ,dagaalkan oo maalinba maalinta kasii dambaysa sii kululaanaya ayaa xalay ilaa saaka waaberigii waxaa faraha laysula tegey dagaal qaraar oo ka soconaya deegaanka fagax ilaa jamhuuriya kaasoo gaystay qasaaro badan oo ka dhashay dagaalka layskaga soo hor jeedo .

Qasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa badanaaba waxa uu ku dhacayaa dadka rayidka ah ee ku haray xaafadaha magaalada muqdisho kuwasoo badankoodu wardiye ahaan loogaga tegey guryaha iyo meelaha bakhaarada ama dukaamada xaafadaha ku dhexyaala .

Maxaabiis laga Qabtay Ciidamada Itoobiya

Dagaalkan ayaa sida wararku sheegayaan gacanta laysula tegey habeenkii xalay ahaa halkaas oo ay ka dheceen dagaal aan hore loo arag ,sida ay sheegayaan warar dhex-dhexaad ahina waxaa marba marka kasii dambaysa dagaalka ka firxanaya qaar ka tirsan ciidamada xukumada Ethiopia oo u adkaysan la dagaal-yahaniinta sooma jeestayasha ah ee ka soo hor-jeeda.

sarkaal sare oo u hadlay xoogaga wax iska cabinta oo magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay inay hayaan maxaabiis gaaraysa ilaa 20-askari oo tigree ah islamrkaana ay ka bur-buriyeen ciidamada Ethiopia ilaa afar gaari oo naacyada ciidamada xambaara islamrkaana jiida qoryaha madafiicda .

Sidoo kale sarkaalkan ayaa intaas ku daray inay la wareegeen deegaano badan oo ka tirsan magalada muqdisho islamrkaana ay kasaari doonaan dhowrka meelood ay ku harsan yihiin ciidamada xukumada Ethiopia .

Dagaalada ka soconaya magaalada muqdisho ee galay maalinti shanad ayaa saaka waaberigii waxaa bilowday duqaynta madafiicda oo iyagu lagu garaacayo xaafadaha ,towfiiq ,juungal, heliwaa, nawaaxiga hotel ramadan ,iyo meelo kale oo ay ku hoobanayan rasaasta madaafiicda iyo BM-ka .

waxaa xiran guud ahaan suuqa weyn ee bakaaraha oo ay saameeyeen duqaynta madaafiicda lala beegsanayo meelaha fara ku tiriska ah ee ay ka muuqdaan dadka weli jooga caasimada muqdishow.

Si kastaba ha ahatee dagaalkan kasii socda magaalada muqdisho ayaa kusoo beegmaya xili ay wadaan odayaal iyo waxgarad soomaaliyeed wadaan dadaalo nabadeed oo ay ku doonayaan sidii ay kusoo af-jari lahayeen xabada ka soconaysa magaalada muqdisho ,taasoo aan la ogayn sida rasmiga ah ee ay ugu gulaysan doonaan waxgaradkasi oo uu hurmud ka yahay boqor buurmadow dhibaatada siyaasadeed ee gamurtay ee ka jirta magalada caasimada ah ee muqdisho.

Qoysas Kasoo Jeeda Gobolada SSC Oo Ku Dhex Tabaalaysan Qaxootiga Ka Barakacay Magaalada Muqdisho.

Qoysas gaaraya 37-qoys oo kasoo jeeda gobolada sool,sanaag iyo buuhoodle ayaa ku tabalaysan deegaanada loo barakacay ee ceelasha biyaha ,baar xaraf ,siinka dheer iyo weliba gobolka sh/hoose magaalada xarunta u ah ee marka .

Qoyasakan oo markoodii hore deganaa magalada casimada ah ee muqdisho ayaa waxaa saameeyey barakaca balaaran ee ka dhacay guud ahaan shacabka ku dhaqnaa caasimada muqdisho oo ay waxyeelo ba,ani kasoo gaartay madafiicda iyo dagaalada ay ka soconaya magaalada muqdisho .

Hooyo xaliimo cumar oo aan kula kulmay deegaanka ceelasha biyaha ayaa ii sheegtay inay haysato darxumo iyo daryeel la,aan xaga nolosha ah islamarkaana ay haysato 8-caruura oo isuma qado ah oo ay markeedii horeba sida ay ii sheegtay uu u xoojin jiray aabihii dhalay carurtan oo ku geeriyooday dagaaladii sida ay ii sheegtay islamrkaana ay haleeshay rasaasta wiif-tada ee dhex mushaaxaysa daafaha iyo gudaha magaalada muqdisho.

''ma haysto waxaan siiyo sadex kamida caruurta way iga shubmayaan mana haystaan meel caafimaad oo aan kula cararo mana u hayo dhaqaale ,waxaan ku noolahayn geedkaas qudhaca ah hoostiisa mana haysto meel aan ka galo roobabka mahiigaanka ah ee soconaya "" ayay tiri hooyo xaliimo cumar oo diifi ka muuqato .

Dhibaatada haysata dadka kasoo barakacay magaalada muqdisho ayaa ah mid uur-ku taalo ku reebtay qof kasta oo soo indha indheeye deegaanada loo barkacay oo ay haysato dhibaato nolol xumo iyo weliba mid acaafimaad xumoba .

Qoysaskan oo tiro ahaan inta aan soo arkay gaaraya ilaa 37-qoys oo dhamaantood kasoo jeeda gobolada sool,sanaag iyo buhoodle ayaa gar-gaar waydiisanaya dhamaan jaaliyahada kasoo jeeda goboladan iyo weliba muslimiinta u diirnaxaysa umada soomaaliyeedba kuwaasoo sheegay in gar-gaar lala soo gaadho hadii kale ay la kulmi karaan nolol adag .

Si kastaba ha ahaatee dadka kasoo barakacay magaalada muqdisho ayaa waxaa sameeyey dhibaatooyin nolol xumo iyo weliba mid acaafimaad daro taasoo ay ka jirto deegaanada loo barkacay xaalad adag oo u baahan gar-gaar bani aadamanimo iyo mid muslinimo .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Dhawaqa dhibka badan ee madaficda ee hoobiyaha iyo  Bm_ka  oo caadi ka noqday magaalada muqdisho iyo dagaalo ka soconayo qeybo ka tirsan caasimada .

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

 

Dagaalo aad u qaraar oo  goos goos ah ayaa  ka weli ka jira maalintii 5aad  xaafado  ka mid ah  magaalada Muqdisho,waxaana gantaalaha BM-ka oo garbo siman ah ay ciidamada Ethiopia ku asqeysiinayaan  qeybo ka mid ah caasimadda Somalia oo sida ay sheegeen ay ku jiraan kooxo ka soo hordeedo rabitaanka dowlada .

 

Iska hor imaadyadaan iyo gantaalahaan ayaa u muuqdo kuwo magaalada ka noqday sida wax caadi oo kale ah oo waxaa sii yaraanaayo ka argagixida dhawaqa hobiyaha iyo  midka BM-ka  ka soconaya magaalada Muqdisho kuwaas oo geysanayo qasaaro naf iyo maalba leh iayada oo ay sii dheer tahay  barakaca dadka shacabka ah ee aan awoodin in ay safraan ama ay qaxaan .

 

Warar laga helayo ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegayo in ugu yaraan ay geeriyoodeen ilaa 9 ruux oo shacab ah ka dib markii ay ku habsadeenm madaafiicda BM –ka iyo hoobiyayaal habow ah waxaana sii dheer  rasaas aan la garaneyn meel laga soo riday iyo cid soo riday oo dad shacab ah ku leysay xaafado aan wax dafgaalo ah ka socon .

 

Goobihii laga ridi jiray madaafiicda BM-ka ah ayaa la kordhiyey  waxaana horey looga tuuri jiray madaxtooyada iyo MK 7 taliskii hore ee ciidanka asluubta  iyada oo hada lagu kordhiyey goobo cusub oo ay ka mid yihiin  xaafada sanca oo iyadu ah meel sareyso magaaladane laga wada daawan karo iyo agagaara biixaani lafweyn iyo meelo kale oo u badan waqooyiga magaalada muqdisho  . 

 

Xaafada yaashiid ayaa waxaa ka dhacday fal xasuuq ah oo lagula kacay dad ku jiray hotel bin cali ka dib markii albaabkii ay jabsheen ciidamado wato taangiyo oo Ethiopian ah ay gudaha u galeen ka dibna ay risaas ku fureen dadkii ku jiray hotelka halkaasna waxaa ku geeriyooday qaar ka mid ahaa shaqaalihii hotelka iyo dadkale oo shacab ahaa .

 

Xaafadda fagax ayaa ah bartilmaameedka maanta halkaa oo ay ku hoobanayaan madaafiic garbo siman ah oo markiiba ay isku meel ku dhacayaan ugu yaraan lix gantaal.

 

Dagaalkaan dhiiga badani ku daatay ayaa wuxuu u dhaxeeyaa dhexeeyaa ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliyeed iyo kuwa dalka Ethiopia oo taageero siinayo iyo kooxaha diidan joogitaanka ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Somalia.

 

Rasaastaan goos gooska ah ayaa iska soconeyso maalmihii la soo dhaafay oo dhan mana la soo koobi karo qasaaraha dhimasho iyo dhawac oo ay geysaneyso,waxaana yar sida lagu ogaan karo sidoo kale madafiicada aad ka u calculus  ayaa waxey ku dhacayaan xaafado ka mid ah deegaanada juungal, yaashiid ,towfiiq,jamhuuriya ,Heliwaa iyo sos, waxaana jira qasaaraha ay geysanayaan

 

iska horimaadkaan oo galay maalintiisii shanaad  5aad oo xiriir ah ayaa burburiyey guryo badan isla markaana geystey dhimasho iyo dhaawac farabadan arintaan ayaa ku soo aaday xili la sheegayo in ay jirto waan waan laga dhexwado dhinacyada iskaga so horjeedo dagaalamada ka dhacaya magaalada muqdisho ee ciidamada Ethiopia iyo odayaasha beelaha Hawiye, mana jirto ilaa iyo hada  wax wada hadal ah oo ay yeesheen labada dhinac  ee sida aad ka ah uga dhaxeyso cadaawadu sida uu saxaafada u sheegay Max'ed Xasan Xaad oo ah afhayeenka Beelaha Hawiye.

 

 

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623


  • 47 Qof oo Ku Dhintay Dagaalkii Axadii Ka sii socdey Muqdisho...
  • "Dagaalku Waa sii soconayaa" DFKMG
  • Meydka oo Wadooyinka Daadsan
  • Eritrea oo ka baxday ururka IGAD
  • Ciidamada Uganda ee Jooga Muqdisho....
  • Dhaawaca oo aan Daryeel haysan:
  • Kumanaan Qof oo Ka Qaxaya Muqdisho

47 Qof oo Ku Dhintay Dagaalkii Axadii Ka sii socdey Muqdisho...

Dagaalka ka socda magaalada Muqdisho oo galay maalintii shanaad ayaa maalinimadii Axada waxaa dagaalkaas ku dhintay 47 qof, sida ay sheegtay hay'adda xuquuq Insaanka ee Elman Human Rights Organization.

Madaxa hay'addaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkii Axadda ay ku dhinteen 6 ka tirsan kooxaha iska caabinta iyo 41 shacab ah.

Waxaa warbixintu intaas ku dartay in dagaalka shanta maalmood ka socdey Muqdisho in ay ku dhinteen 212 qof, ayna ku dhaawacmeen 291 qof. Tiradaas oo warbixintu sheegtay in laga helay dadka degaanka iyo cisbitaalada. Waxaa jira warbixino dadka dhintay gaarsiinaya 230 qof.

Dagaalkii hore ee afarta beri ka socdey Muqdisho waxaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 1000 qof.

Warbixintu ma sheegin tirada ka dhimatay ciidamada Itoobiya ee ka dagaalamaya magaalada Muqdisho, laakiin dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in la arkayey gawaari militari oo Itoobiyaan ah oo sida meydka askarta Itoobiyaanka iyo dhaawacooda, inkasta oo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee ka dhimatay ciidamadaas itoobiyaanka.

"Dagaalku Waa sii soconayaa" DFKMG

Dhanka kale Salaad Cali Jeelle ayaa yiri "waa in dadka reer Muqdisho ay ka baxaan guryohooda u dhow aagga ay xoogga ku leeyihiin waxa uu ugu yeeray argaggaxisada", waxana uu intaas ku daray "in ay dhowaan burburinayaan muqaawadama iyo waxa uu ugu yeeray argaggaxisada."

Sidoo kale ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, oo la hadlay saxaafadda ayaa isaguna ku hanjabey in ay cirib tiri doonaan waxa uu ugu yeeray "argaggaxisada", waxana uu sheegay in dagaalku sii socon doono.

Meydka oo Wadooyinka Daadsan

Hay'adaaha xuquuqul Insaanku waxa kale oo ay sheegeen in meydka dadkii ku dhintay dagaalada ka socda Muqdisho in ay daadsan yihiin dariiqyada, meydkaas oo aan dariiqa laga qaadi karin ama la aasi karin dagaalka oo socda awgeed.

"Waxaan aragnaa taangiyada ciidamada Itoobiya oo hubka ku ridaaya dhinaca shacabka ayagoo rasaasta u ridaaya si aan loo meel deyin" sidaas waxaa yiri Cabdulkariim Cali oo deggan xaafada loo yaqaan Gubta ee magaalada Muqdisho.

"Dagaalku waxa uu u socdaa si xoog weyn. Labada dhinacba waxay adeegsanayaan hubka culus iyo qoryaha lidka diyaaradaha. Dadweynuhu waxay ku xayiran yihiin guryahay," sidaas waxaa yiri Mukhtaar Maxamed oo deggan aagga Fagax.

Eritrea oo ka baxday ururka IGAD

Dhanka kale dawladda Eritrea ayaa ka baxday xubin-nimadii urur goboleedka IGAD, arrintaas oo ka dambeysey xurguf soo kala dhex-gashay Eretria iyo Itoobiya oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka labadaas dal. Arrintaas oo dadka siyaasadda odorosa ay ku tilmaameen mid sii cakireysa xaaladda geeska Afrika. Wadamada kale ee ku jira IGAD waxa kamid ah: Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia, iyo Sudan (iyo Soomaaliya), kuwaas oo mar haddii Eretria ay ka baxday ka dhigaaya siyaasadoodu mid u janjeerta dhanka Itoobiya, sida uu sheegay weriye u waramayey Aljazeera.

Ciidamada Uganda ee Jooga Muqdisho....

Waxaa lagu qiyaasay in Muqdisho ay joogaan ilaa 1,500 oo ka tirsan ciidamada Uganda kuwaas oo dalka u yimid nabad-ilaalin, kuna socda magaca Afrikaanka, lakiin ma muuqato wax nabad ilaalin ah oo ilaa hadda ay ka qabteen Soomaaliya. Dadka siyaasadda odorosa ayaa ciidamadaas ku tilmaamay sidii "shimbiro lugaha laga xiray = sitting ducks".

Dhaawaca oo aan Daryeel haysan:

Walaac weyn ayaa soo food saaray dadka shacabka ah ee ku dhaawacma madaafiicda sida roobka ugu soo da'eysa Muqdisho, dadkaas oo ay dhici karto in aysan gaari karin cisbitaalada dagaalka oo socda awgiis, iyo cisbitaalada oo aan xamili karin daryeelka ay dadka tirada badan ee dhaawaca ah u baahan yihiin.

Burburka Magaalada

Magaalada Muqdisho ayaa ciidamada Itoobiya waxay madaafiicda ugu ridaan si aan loo meel deyin, arrintaas oo keentay burbur xad-dhaaf ah oo leh naf iyo maalba. Waxaana burbur weyni soo gaarey magaalada.


Burburka Madaafiicdu u geysteen Muqdisho

Kumanaan Qof oo Ka Qaxaya Muqdisho


Dad ka qaxaya Muqdisho. Sawirka. EPA.

Wararka laga helayo hay'adaha gargaarka iyo warbixinada hay'adaha u dooda xuquuql insaanku waxay tibaaxeen in dagaalada ugu dambeeyey ee ka socda Muqdisho in ay ku barakaceen kumanaan qof. Waxaana warbixinadu sheegeen in nus malyuun qof ay ka qaxayaan Muqdisho.

Hay'adda Qaraamada Midoobey waxay ku qiyaastay in ilaa hadda ay magaalada Muqdisho ka xaqeen dad lagu qiyaasay 321,000 qof.

Waxaa jira kumanaan qof oo ku xayiran xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaalida, dhinaca Soomaaliya, kuwaas oo aan loo ogolayn in ay u gudbaan dhanka Kenya, ayagoo aan haysan wax gargaar ah ama daryeel ah.

Waxa kale oo jira warbixino sheegaya in kumanaan qof ay isku deyayaan in ay u gudbaan dalka Yemen ayagoo isku deyaya in ay raacaan doonyo ama sixiimado yaryar oo halis gelinaya naftooda.

Shir11 Waftigii  Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland

Waxaa Galabnimadii shalay ka dhacay Magaalada Zürich kulan aad u ballaaran oo ay isugu imaadeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, axaana kulunka  marti ku ahaa Wafdigii uu hoggaaminayey Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed Mudane Prof.Ibrahim Xassan Caddow iyo Sheikh Cumar Idris oo habeenkii jimcaha ahayd booqasho marti qaad ah ku yimid dalka Switzerland... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 23, 2007

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...


mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com