SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: April 29, 2007

  • Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Yurub oo deeq dhaqaale u fidiyay Qoysas agoon ah Muqdisho oo ka soo barakacay
  • Deeqdii Ugu Horaysay Ee Ay Soo Dhiibaan Haweenka Jaaliyada Somaliyed Ee Newzeland Ee kaSoo Jeeda Gobolada SSC.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Yurub oo deeq dhaqaale u fidiyay Qoysas agoon ah Muqdisho oo ka soo barakacay

Qoysas isugu jiray agoon iyo curyaamiin ka barakacay dagaaladii Muqdisho ayaa Sabtidii la gaarsiiyay deeq dhaqaale oo ay ku deeqeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool dalalka Yurub iyo Mareykanka, waxaana qoysaskan oo ku sugan Kulliyadii Beeraha Afgooye deeqdan dhaqaale maanta qoysaskaasi guddoonsiiyay Urur u dooda xuquuqda agoonta oo lagu magacaabo Maandeeq.

Munaasabadda guddoonsiinta deeqdaasi lacageed waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Maandeeq Drs.Cudbi oo u mahad celisay Jaaliyadaha ku dhaqan dalka dibadiisa sida Yurub iyo Mareykanka oo ay sheegtay inay iyagu iska soo ururiyeen kharash ka badan 2500-USD, waxayna intaasi ku dartay in haddii ay yihiin ururka Maandeeq ay iyaguna gaarsiin doonaan gacmaha dadkii loo soo dhiibay.



Qoysaskan oo ka badan 298-Qoys ayaa waxaa soo gaaray kharashaadyo kala duwan, walow intooda badan la siinayay lacagta Shilin Soomaaliga ah oo qofkiiba soo gaartay Lacag dhan 150-Shilin Soomaali, ayaa hadana waxaa jirtay in shan qoys oo ka mida la siiyay lacago Dollar, iyadoo qoyskii ugu badnaa uu helay Lacag dhan 300 USD$, waxaana qoyskan oo ka koobnaa Hooyo iyo laba Wiil oo mataano naafo ah ay ka soo barakaceen dagaaladii Muqdisho, waxaana labada wiil oo iyagu naafo aad u liita ahaa ay u mahad celiyeen dadkii u soo dhiibay lacagtan.

Sidoo kale qoysaska kale ee helay lacagta Dollarka ah ayaa iyagu ka koobnaa hooyo iyo shan caruur ah oo ay dhashay, taasoo halkaasi ka sheegtay in ninkeedii uu ku geeriyooday dagaaladii Muqdisho ka dhacay, isla markaana iyaguna ay isaga soo qaxeen, sidaas darteedna ay ka mahad celinayaan gurmadka bani'aadaminimo ee ay u fidiyeen walaalahooda ku sugan dalka dibadiisa.

Dhinaca kale degaanada u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Afgooye oo ay buux dhaafiyeen dad ka barakacay dagaaladii Muqdisho ayaad ku arkeysaa hareeraha wadada laamiga ah, kuwaasoo ay soo wajahday dhibaatooyin kala duwan, waxaana ugu daran dadka markoodii hore qaxootiga ku ahaa magaalada Muqdisho, oo ay saameeyeen dagaaladii ka dhacay kuwaasoo aan heysan wax ay cunaan iyo meel goob ay kaga gabadaan dhaxanta iyo roobka.

Hase yeeshee ururka Maandeeq oo sanadadii la soo dhaafay mar walba u taagnaa inuu caawiyo dadka soo barakacay, aqoonta iyo wax ka qabashada arrimaha bani'aadaminimada ayaa iminka gacan ka geystay sidii ay dadkaasi ku heli lahaayeen gargaar dhaqaale ee ay ku deeqeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Yurub iyo Mareykanka, waxaana Guddoomiyaha ururka Maandeeq oo faahfaahin ka bixinayay kharashka kaalmada ah.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623


Deeqdii Ugu Horaysay Ee Ay Soo Dhiibaan Haweenka Jaaliyada Somaliyed Ee Newzeland Ee kaSoo Jeeda Gobolada SSC.

Haweenka Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool dalka Newzeland kana soo jeeda Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) ayaa deeq lacageed oo ay soo direen maanta loo qaybiyay Qoysas Soomaaliyeed oo ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC), waxaana qoysaskaan ay ahaayeen kuwo ka barokacay Muqdisho.

Qoysaskaan oo ka koobnaa 37-qoys ayaa waxaa deeqdaan lacageed loogu qaybiyay duleedka Muqdisho, Ceelasha Biyaha, Afgooye, KM 13 illa Degmada Marka oo loogu diray, waxaana qoysaskaan ka mid ah afar qoys oo ay aabbayaashood dhinteen.

Deeqdaan lacageed oo gaaraysa 700-Dollar ayaa waxaa lagu soo hagaajiyay weriyeYaasiin Maxamed Cali (Feytin) oo Muqdisho ku sugan, waxaana deeqdaan la gaarsiiyay Qoysaskaas oo aan haysan lacago, kaddib markii ay ka qaxeen Muqdisho.

Xaliimo Cumar Gurey oo ah haweeney haysata 8-caruur oo agoon ah oo deeqdaan qaarkeed la gaarsiiyay ayaa waxay sheegtay inay deeqdaas lacageed soo gaartaya iyadoo baahi weyn u qabta, waxayna si weyn ugu duceystay Haweenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Newzeland.

"Waxaan helay lacag dhan 50-Dollar anigoo baahi weyn ay ii haysay lacagtaas, waxaan kaga mahadcelinayaan deeqdaas lacageed Walaalahay ku nool dalka Newzeland, anigoo EEBBE uga rajeynaya inuu ugu badalo wax ay ku farxaan" ayay tiri Xaliimo Gurey oo intaas ku daray: "Baahida na haysa wallaahi cid ALLE aan ahayn oo loo sheegto ma jirto, balse waxaan kaga Mahadcelinaynaa Haweenkaan Soomaaliyeed ee noo gartay inay lacag noo soo diraan annagoo baahi weyn u qabna".

Qoysaska oo qaarkood ay ahaayeen kuwo aan haysan wax hanti ah, kaddib cararkii ay kaga soo carareen Muqdisho dagaallo qaraar oo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeyay Kooxo hubeysan oo isbadal doon ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Haweeney kale oo lagu magacaabo Saynab Maxamed Cabdi oo ahayd hooyo Uur leh kuna sugnayd agagaarka Ceelasha Biyaha ayaa waxay si weyn uga mahadcelisay deeqdaan lacageed oo la gaarsiiyay, waxayna sheegtay inay RABBI uga baryayso Haweenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Newzeland inuu dhaxalsiiyo wax ay ku farxaan.

"Waxaan ahay hooyo haysata dhowr caruur ah, odaygii wuxuu nooga dhaawacmay dagaalladii qaraaraa ee Xamar ka dhacay, waana kan inta jiifa, deeqdaannada waa mid aan ku faraxsannahay innagoo dhan" ayay tiri Saynab oo waxyar kaddib farta ku fiiqaysay odaygeeda oo dhex jiifa guri ka sameysan teendho oo halkaas ugu yaallay.

Cawil Canjeex oo ah wiil dhallinyaro ah oo qoyskaas aabbe u ah ayaa wuxuu jiifay guri ka sameysan teendho oo uu inoo sheegay inay deggenaayeen intii ay dagaallada ka socdeen Muqdisho, waxaana ka muuqday dhaawac rasaas ah oo ka gaartay dagaalladii Muqdisho.



Qoysaska lacagaha deeqda ah la gaarsiiyay oo qaarkood ay haysateen caruur agoon ah ayaa waxay sheegeen inay si weyn ugu farxeen deeqda, waxaana sido kale dhoobnaa goobta deeqaha lacageed lagu guddoonsiinayay qoysaskaas caruurta agoonta ah iyo kuwo kale oo ku faraxsanaa deeqdaas la gaarsiiyay, iyadoo goobjoog ay ka ahaayeen bixinta deeqdaas Guddiga Beesha SSC ee Magaalada Muqdisho.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
002521-5580916


Corneyl cabdi xasan cawaale ( qeybdiid ) oo ka hadlay howgalada amaanka lagu sugayo oo ay ka wadaan suuqa bakaaraha

Markii ugu horeysay ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay lagu arkayey iyaga oo degay isgoysyo hor leh oo ka tirsan magaalada muqdisho , kadib sided maalmood oo dagaal dadbadani ku hoobteen ah markii uu dhacay ayey si rasmi ah gacanta ugu dhigeen meelo muhiim ah .

Taliyaha ciidanka boliska qeybta hogaamineyso howgalada amaanka lagu sugayo ee suuqa bakaarha corneyl cali axmed oo saxaafada la hadlayey ayaa sheegay in uu Ciidamadan saakay howlo baaris ah ka bilaabay Isgoysyada Waaweyn ee wadada wadnaha, kan Sodonka iyo wadooyinka kale ee magaalada, iyadoo markii ugu horeysay ciidamada dowladda saakay lagu arkayey isgoyska Howl-wadaag iyo Isgoyska Bakaaraha oo amaanka Suuqa bakaaraha ay si rasmi ah ula wareegeen ciidamada dowladda.

Arintaan ayaa waxaa ay ka danbeysay wadahadal dhex maray taliska sare ee ciidanka boliska somaliyeed iyo gudiga ganacsatada gobolka banadir oo wada hadal dheer ka dib la isla meel dhigay dhowr qodob oo amaanka wax looga qabanayo Isla markaana lagu badbaadinayo hantida umada ka dhaxeyso ee taala gudaha suuqa bakaaraha

Waxaana la isku afgartey in baritaano laga fuliyo suuqa bakarha isla markaana ciidanka boliska lagu daro ciidamo horey ay ganacsatadu u qorteen oo tiradoodu gaarayso ilaa 200 kuwaas oo amaanka bakaarha gacantoodu horey ugu jiray balse haatan wixii ka danbeeyo ay hos tegi doonaan ciidanka boliska somaliyeed

cali maxamed geedi oo soo hoggaamiyey xababshida markii ay soo geleysey Soomaaliya
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

Maanta ayaa markii ugu horeysay ciidanka dowladu la wareegay gacan ku heynta inta badan ee magaalda muqdisho sida suuqa weyn ee bakaaraha iyo wadooyinka soo gala kana baxa sidoo kale ciidamada dowlada ayaa gaafwareegyo isgoysyada waaweyn sida isgoyska bakaaraha , isgoyska balack sea , isgoyska baar ubax , isgoyska howlwadag, , isgoyska kaasa bobolaare taalaabooyinka noocaan ah ayaa ah kuwo lagu sugayo amaanka guud ee magaalda muqdisho iyaga oo degay saldhiga boliska howl wadag manta oo la soo dhobay ciidamo fara badan

Arintaa ayaa waxaa saxafada u xaqiijiyey taliyaha booliska somaliyeed corneyl cabdi xasan cawaale qeyb diid isaga o sheegay in si amaanka loo sugo laga ma marmaan tahay in kaarar aqoonsi ah la siiyo ilalada suuqa bakaarha ee la howgelaya cidamad adowlada

Ciidamada booliska ayaa burbruriyey sandaqado wadada ku dhexdhisnaa oo sharcidaro lagu sheegay in arkoodii horeba lagu dhisay waana markii labad ee ay ciidaada dowladu burbriyaan sandaqado si sharci daro ah wadooyinka looga dhexdhisay iyada o goor sii horeysane laga burburiyey agagarka KM4 dhismayaashii cooshadaha ahaa ee wadad hareeraheeda ku dhisnaa kuwaa soo dad ganacsatoa h ay lahaayeen .

Dhanka kale waxaa la soo gabagabeeyey aasitaan meydad hor leh loogu aasayey xabaalo wadareeyo kaas oo ka dhacay xaafadihii ay degaaladu sida aad ka ah uga dhacayeen oo loo geliwaayey maaliihii ay shaqeyneysay xabadjoojintii iyo kuwo ka danbeeyey waxaana ku jiray meydad bil ka badan warnaa wadaooyinka oo qalalay kuwas oo noqday dhar iyo lafo iyo timo waana cuslaatey in la aqoonsado arintasine waxey ka dhacday isgoyska towfiiq iyo inta u dhaxeyso hotel bin cali halkaasi oo ay weli u sugan yihiin ciidamada thiopia waxaana ay shacabkii bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaa guryahoodii iyo qaar soo indho indheynayey wallow ay jiraan guryo la dahcay oo haawinayo kuwaas oo aan lagu arag wax qalab ah oo ooga tegey dad raxan raxan u socdo ayaa waxaa lagu arkayey xafadaha cali kamiin towfiiq ,fagax, hotel ramadaan yaaqshiid ,xamar bile arjantiin ,xafada jamhuuriya iyo heli waa iyo kuwo kale oo dhaantooda xaaladdu ay hada degan tahay mana jiraan wax iska horimaadyo ah oo ay la kulmeen ciidamda howgalada ka fulinaya magaalda muqdisho

Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

025215576666

00252165362
 

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 29, 2007

ShiineDhagaxbuur: 74 Qof oo Ku Dhintay Weerar lagu qaaday Xarun ay Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen..
9 qof oo shaqaale Shiine ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaas oo ay sheegatay jabhadda...
Akhri...

 

mplsQabsashada Sharcidarada ah ee Itoobiya iyo Xasuuqa ummadda...
Shir weyne lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa looga hadlay xaalada Soomaaliya..
Akhri...


 

soomaaliBAYAAN KA SOO BAXAY JAALIYADDA DAAROOD EE LONDON, UK...

Waxayna ugu baaqeynaa ummadda Soomaliyeed in ay ka qayb galaan dagaalka looga xoreynaayo dalka gumeystaha Itoobiya iyo in...

Akhri...

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri
 

bannaanbaxSoomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho
In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax Akhri...


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com