SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri...

Dawaare
Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara


Yurub: Buugga Barashada Waditaanka Baabuurta


Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006: Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
Degaanka Maxalliga iyo Wadaagga Batroolka:
Qaybtii 2aad: Halganka loogu jiro lahaanshada iyo xeer u samaynta batroolka adduunka.... Akhri...

»»»»Qaybta: 1aad | 2aad
cabdirisaqSweden: Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed: Waxaa diyaariyey  macallin Soomaaliyeed Akhri..
Tallaabada la filan karo in uu Golaha Ammaanku ee Qaraamada Midoobey uu ka qaato Soomaliya.. Akhri
Silsiladdii Taariikhda Islaamka:
TAARIIKH
Casharadii Taariikhda Islaamka oo markale dib u bilowday,
Guji..

Qore:  Sh. C/risaq Macallim









  • Wararkii ugu Dambeeyey ee Dagaalada Gobolka Bay
  • Imtixaanadii Jaamacadaha, D/Sare iyo Dhexe oo Dib loo dhigay
  • Gudoomiyaha Midowga Xoraynta Jabahada Soomaali Galbeed oo Muqdisho Shir Jaraa'id ku Qabtay.
  • Cadde Muuse iyo wafdigiisii oo dib ugu soo laabtay Garowe.
  • xaaladda dagaalka Soomaaliya oo ka siidaraysa.
  • Maxkamadaha oo qabtay shir jaraa’id kagana hadlay dagaallada kala dhexeeya Dowladda Federaalka
  • Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Indho-cadde oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho
  • Waa sidee xaalada deeganadii daagaalku ka socday ilaa saaka Waaberigii?

Wararkii ugu Dambeeyey ee Dagaalada Gobolka Bay

Jimce: Dec 22, 2006: Wararka ka imanaya gobolka Gobolka Baay waxay tibaaxeen in dagaalkii uu maanta markale aad u xoogsadey.

Wakaaladda wararka ee AP oo dagaalkii Jimcada ka warbixineysey waxay tiri: Waxaa la arkayey Helicopterada iyo Taangiyada Itoobiya ku sii jeeda jiida dagaalka oo galay maalintii afraad oo u dhexeeya maleeshiyada Islaamiga ah iyo dowladda "Secular-ka" [Cilmaaniga], sida ay hay'addu ka soo xigatey dad goob joogayaal ah iyo saraakiil dawladda. Waxaana wakaaladdu sheegtay in dadka degaanku ay arkeen afar diyaaradood oo ah Helikobtarada Itoobiya.

Wakaaladda oo warkeeda sii wadata waxa ay tiri: Xoogagga Islaamiga ah kuwaas oo ku dhawaaqay in ay dalka oo dhan ku dhaayaan Quraanka {Shareecada} ay sheegeen in dagaalka u dambeeyey ay soo qaadeen dhanka dawladdu, laakiin hadda ay ayagu dhankooda dagaal qaadi doonaan.

Waxana uu warku intaas ku daray: in Sheik Ibraahim Shukri Abuu-Zeynab oo warfidiyeenada la hadlaayey waxa uu yiri dagaalkani waxa uu ahaa uun dhadhansiin waxa soo socda.


Ma Ogtahay:::
Ma Ogtahay: Aleskandr Litvinenko oo ahaa ninkii Ruusha ahaa ee lagu sumeeyey London in uu Islaamka soo galay ka hor intii uusan dhiman. Aabihiis waxa uu Radio Free Yurub u sheegay in uu wiilkiisii soo Islaamay ka hor intii uusan dhiman sidaas daraadeedna ay tahay in loo aaso sida Muslimiinta loo aaso.... EEG HALKAN...

Col. Aadan Kaalmoy oo Hadallo La Yaab leh Ku Hadlay:::
dadkaas ayaa nagu af ah, oo waa soo goyneynaa, oo intaan keeneynaa, wax adduunyada lagu arkay ma ahan. Dastuur ayey Itoobiya leedahay ee iyaga maxaa ka khuseeya, dastuurkooda iyagaa leh haddey goosanayaana iyagay khuseysaa...
Daawo Waraysiga..



Wararkii Dagaalkii Khamiistii ka dhacay Gobolka Bay

Hay'adda wararka ee AFP waxay werisey: "Mujaahidiintanadu waxay dileed 70 askari... Maxkamdaha Islaamiga ayaa guulaysanaya dagaalka ay kula jiraan Itoobiyaanka dalka soo gaay" Sidaas waxaa yiri Sheikh Maxamuud Ibraahim Suuley oo ka tirsan Maxkamadaha oo warsaxaafadeed ku qabtay magaalda Muqdisho. Haka uu wasiir xigeenka difaaca DFKMG, Salaad Cali Jeelle  uu yiri:" Waxaan iska difaacney weerarkii (maxkamadaha), waxaana ka diley boqollaal". Waxana ay hay'addu intaas ku dartay in Cabdullahi Maxamed oo deggan meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Baydhabo uu yiri "Waxaan arkay diyaarad ah nooca Helikoptarka oo uu ka muuqdo calanka Itoobiya oo soo cagadhigatay garoonka Baydhabo, diyaaradaas oo qaaday ciidamo dhaawac ah. Waxaana warku intaas ku daray in madaafiicda la maqlayey qorrax dhacii kadib, sida ay hay'dda wararku kasoo xigatey wasiir katirsan DFKMG, Cali Jaamac. Waxaa warku intaas ku daray in dagaal laga soo sheegay agga xerada Mannaas iyo Diinsoor.

####

Dec 21, 2006: Mar kale ayay saakay saacaddu markii ay ahayd 9kii Subaxnimo dagaaladii dib uga bilowdeen Degaanada Iidaale, Mooda-moode iyo Deynuunaay, Dagaaladaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed iyo kuwa Ethopia-nka ayaa ahaa kuwo la isku adeegsanayay Hubka Noocyadiisa kala duwan.

Shiikh Ibraahim Abuu Zeynab oo ka mid ah Golaha Shuurada Maxaakiimta Islaamiga ee Gobolada Jubbooyinka oo shir jara’id qabtay ayaa sheegay in Ciidamada Maxaakiimtu ay u gaysteen Khasaarooyin Mood iyo Noolba isugu jira, isagoo intaa raaciyay Degaanka Iidaale ay ku dileen Itoobiyan tiradoodu ay ka badan tahay 70 Askeri, Lix Baabuur oo kuwa dagaalka ahna ay ka qabsadeen halka Taangiyana ay ka gubeen Itoobiyankii Weerarka soo qaaday iyadoo isla markaana ay ka qabsadeen oo kale Lix Madaafiicda goobta ah iyo Saanad kale oo aad u tira badan.

Sidoo kale ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen Af-hayeenada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahin Suuleey iyo Shiikh Ibraahin Shukri Axmed ayaa si wadajir ah uga hadlay Cadaawadda qotada dheer ee Itoobiya ay u hayso Ummadda Soomaaliyeed, Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey ayaa caddeeyey in Itoobiya ay Mas’uul ka ahayd bur burkii Xukuumaddii Soomaaliya, welina aysan ka harin dhibaateynta Umadda Soomaaliya, iyadoo Carriga Soomaaliyeed ku soo xad gudubtay isla markaana wadda Weerarada lagu soo qaadayo Degaanada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Degaanka Iidaale ayaa sheegaya in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay si rasmi ah gacanta ugu dhigeen Degaanka Iidaale ka gadaal markii uu halkaasi dagaal qaraari ku dhex maray Ciidamada Itoobiyanka ee iyagu halkaa soo weeraray iyo Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga, Dagaalkaas oo Ciidamada Itoobiyanka looga dilay Ciidamo Tiradoodu ay gaarayso illaa Toddobaatan Askeri oo uu ku jiray Sarkaal Sare oo Ciidamada Hoggaaminayay.

Warar Aan xaley helney waxay sheegaayaan In dagaalkii shaley galab Ciidamada Itoobiya looga diley ilaa iyo 200 oo askari Maxaabiis ahaan looga qabsadey Ilaa iyo 6 askari dhinaca Maxaakiimta waxaa dagaaalka kaga dhintey ilaa 20 askari, waxaa labada dhinac soo gaaraya Gurmad aad u baaxad weyn iyadoo maxaakiimta heleen Ciidamo xoogan oo ka yimid dhinaca Gobolka Hiiraan.

Imtixaanadii Jaamacadaha, D/Sare iyo Dhexe oo Dib loo dhigay

Ku simaha Waaxda Wax Barashada ee Golaha Maxaakiinta Islaamiga Soomaaliyeed Shiikh Xuseen Xasan ayaa shaaca ka qaaday in Imtixaanadii Jaamicadaha, Dugsiyada Sare iyo kuwa dhaxaba ee Gobolkan Banaadir dib loo dhigay iyadoo sababtuna ay tahay buu yiri Ku Simuhu Dagaalka haatan ka bilowdey qaybo ka mid ah gudaha Dalka Soomaaliya.

Toddobaad ka hor bay ahayd markii madaxa Waaxda Wax barashada Golaha Maxaakiimtu uu ka dhawaajiyay in la joojin doono wax barashada haddii dagaalo ay ka bilowdaan dalka iyadoo Ardeyda Soomaaliyeedna loo tababarayo sidii dalkooda, Dadkooda iyo Diintooda ay u difaaci lahaayeen. Madaxa Waaxda Wax Barashada Shiikh Faarax Maxamed Khalaf ayaa horey sheegay in difaaca Dhulka Hooyo iyo Diintu ay Waajib ku tahay Muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed, taasoo Ardeda Soomaaliyeed eek u sugan Gobolkan Banaadirna ay arrintaas kaga jawaabeen isku soo bax ay ku muujinayeen Shucuurtooda ku aaddan Difaaca Dalka iyo Diinta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Gudoomiyaha Midowga Xoraynta Jabahada Soomaali Galbeed oo Muqdisho SHir Jaraa'id ku Qabtay.

Gudoomiyaha Jabhada Xoraynta Soomaali Galbeed Sheikh IBraahin Sheikh Maxamed (Ibraahin Dheere) Ayaa Shir Jaraa,id oo uu Ku Qabtay Hotel peace ee magalada muqdisho ku Sheegay inay ciidamada Itoobiya ay bandow ku soo rogeen deeganada Soomaalida ay degto ee loo yaqaano kilinka shanaad islamarkaana ay tacadiyo ka dhan xuquuqul iinsaanka iyo bani aadanimada u Gaysteen, waxa uuna sheegay inay mujaahidiinta soomali galbeed ay todobaadkan gudahiisa ay ciidamada tigreega ay ka gubeen sadex gaari iyo waxii saarnaa.

Sidoo kale waxuu sheekh ibraahin dheere intaas ku daray inay Soomalida ku nool jigjiga ay bandow ay saareen ciidamada Tigreega , "sadex malyuun ayay ka kooban yihiin ,waxayna gumaystaan dadyowga kale oo ku nool dalka itoobiya oo ah 40-malyan ,waxan illaahay ka rajaynayanaa inay ku laabtaan buurihii dhaadheeraa ee ay ka yimadeen insha allaahna waan ka gulaysan doonaa" ayuu yiri Gudoomiyaha Midowga jabhada xoraynta Soomali Galbeed .

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray inay ciidamada Tigreegu ay Jig Jiga ku xireen arday banaanbaxyo samaynaysay ,kadib markii uu aflagadeeyey wasiirka tacliinta itoobiya (Nabi Muxamad NNKH) Islamrkaana ay ciidamada tigreegu ay si xun u jidh dileen afar arday ah oo kamid ahaa ardaydii banaan baxa samaynaysay iyadoo ay jiraan labo arday oo kamida ardaydas inay si xun u il daran yihiin.

SHeikh Ibraahin sheikh Maxamed oo ku lebisnaa dharka tuutaha ayaa cadeeyey inay xukumada tigreegu tahay cadowga koowaad ee Ummadda soomaliyeed islamarkaana ay Dhinac taagan yihiin walaalohooda soomaaliyeed ee Golaha maxaakiimta islaamka Soomaliyeed.

Mar la waydiiyey sheikha inay xiligan xaalada colaadeed kaga fa,iidaysanayan oo ay taageero kaga rabaan maxakiimta ayuu ku jawaabay '' waxaanu dagaal kula jirnay xukumada tigreega 15sano islamarkaana marka taasi ma noqon karto inaan tageero ka rabno ee anaga waxaa cadowga Tigreega naga dhexeeya cadownimo soo jireen ah oo xornimo doon ah islamarkaana walaala hayaga soomaaliyeed waanu u baahan nahay inay na garab istagaan.

Si kastaba ha ahaatee sheikha ibraahin ayaa carabka ku adkeeyey sida darxumada iyo dhibaatada leh ee ay cadowga tigreegu uu dadka soomali galbeed ay tacadiyada ugu hayaan islamarkaana ka codsaday walaalohooda soomaaliyeed inay la garab istagan Wixii karaamkooda ah,islamarkaana ay ka Hor tagaan cadowga kusoo duulay dalkooda iyo diintooda oo aan marnaba u ogalayn xoriyada diintooda iyo dadnimadooddaba .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916


Garoowe: Cadde Muuse iyo wafdigiisii oo dib ugu soo laabtay Garowe.

Dec 21, 2006: Madaxwaynah DGPL Gen: cade muuse iyo wafti balaaran oo uu hogaaminaya oo mudo 4maalmood ah ku sugnaan magaalda Baydhabo ee xarunta dawlada KMG ah ayaa dib ugu soo laabta Puntland.

Madaxwaynaha iyo waftigiisu intii au ku sugnaayeen magaalada Baydhabo waxay kulamo la qaateen madaxda dawaladda oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DFKMG ee somalia C/laahi yuusuf iyo raisal wasaare Cali Maxamed Geedi, sidoo kalena waxay kulamo la qaateen baarlamaanka somalia iyo golaha wasiirada dawlada KMG ah ee somalia.

Madaxwayne Cadde iyo wafdigiisa oo la filayay in ay magaalada Baydhabo ka soo ambabaxaan maalinnimadii shalay ayaa waxaa ku yimid dib u dhac ka gadaal markii uu dagaal kharaar ka dhacay aaga Baydhabo waxaana la xaqiijiyay in diyaaradii soo qaadi lahayd cadde muuse iyo waftigiisu ay arrintaas awgeed dibu dhacu ugu yimid.

Wafidigan oo maanta soo gaaray magaalada garowe ayaan ilaa iyo hada ka hadlin waxyaabihii ay kala soo kulmeen dawlada somalia iyo sidoo kale kulankii ay la qaateen madaxa u qaabilsan midowga yurub Louis Michel.

Baydhabo: xaaladda dagaalka Soomaaliya oo ka siidaraysa.

Dec 21, 2006: Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya deegaanada ay dagaaladu ka soconayaan ilaa doraad ayaa xaqiijinaya in ay halkaasi ka dhacday khasaare ba'an oo naf iyo maalba leh oo labada dhinacba ah.

Dad goob jogayaal ah oo aanu la xiriirnay ayaa noo xaqiijiyay in dagalku uu socdo ilaa iyo hadana aan la xaqijinkarin duulaha uu mid walba sheeganayo.

labada dhinac ee dirirtu ku dhexmarayso aagaga daynuunay iyo iidaale ayaa mid walba waxa uu sheeeganayaa guul in uu ka soo hooyaya dagaala socda hase ahaatee majirto war iyaga ka madaxbanaan oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheeganayaan labada dhinac.

Sidoo kalena ma cada khasaaraha dhabta ah ee dhinac walba soo gaaray waxaase uusan shaki ku jirin in ay jirto khasaare naf iyo maalba leh oo labada dhinac so gaartay.

Waxaa meesha ka baxday wadahadaladii laga qabay innay dib uga furmaan dalka suudaan ee caasimadiisa khartuum sidoo kalena dagaalka ayaa ku soo beegmay xili uu booqanayay dalka somalia wafdi uu hogaaminayay ninka u qaabilsan midowga yurub horumarinta arimaha bini aadantinimada.

Sidoo kalena dagaalka ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii ay midowga maxaakiimtu u qabteen in ay ka ga baxaan ciidamada ethiopia ee ku sagan dalka mudo 7 casho ah taasi oo ku ekayd maalin ka hore dagaalka inta uusan bilaaman.

xaalka dalka soomaliya ee laga rajada qabay ayaa murugo galay madaama uu dagaal dhexmaray labada dhinac ee isku haya siyaasada dalka somali mana cada xiliga iyo goorta uu hakanayo dagaalku maadaama ay labada dhinac mid walba sheegay in uu dagaalku socondoono ilaa iyo mudooyin aysan cayimin waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaalku ku faafo deegaano hor leh oo nabad ahaa kahor dagaalka.

Dad farabadan ayaa ka qaxaya guryahooda iyaga oo ka cabsiqaba in ay xabadu waxyeelayso dagaalka socda awgiis.

Dadka u dhuundaloola xaalada qalafsan ee dal dagaal ka jiro ayaa sheegaya in marka uu dagaal dhaco ay dumarka iyo caruurtu u dhaga nugulyihiin dhibta ugu badan ayna yihiin kuwa dhibtu ka soo gaarayso dagaalda socda, inta badan qoysaska dagan meelaha uu dagaalku ka socdo ayaa ah kuwa ugu horeeyay ee ka barakaca hoygooda iyaga oo beegsanaya meelo ay nabdi kajirto, hase ahaateed markiiba waxaa soo gaara dhibaatooyin isugu ira naf iyo maalba leh sidoo kalena waxaa soo gaara dhibaatooyin kale oo ay ka mid yihiin kufsiga, dhaca, jirdilka, iyo kabood falo kale maadaama ay soo dageen ama ay soo galeen dhul aysan horay u aqoon taasina ay dhaxal siiso in ay si silic ah ula qabsadaan ayna mudooyin badan qalo ku ahaadaan deegaanka ay soo duldageen.

A/rizak koronto
Garowe Puntland


Maxkamadaha oo qabtay shir jaraa’id kagana hadlay dagaallada kala dhexeeya "Dowladda Federaalka"

Xoghayaha Warfaafinta ee Maxkamadaha Sheekh C/raxiim Cali Muuddeey iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Sheekh Maxamuud Abuukar Suuleey ayaa maanta shir jaraa’id oo ay kaga hadlayaan dagaallada kala dhexeeya Dowladda ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Sheekh C/raxiim Cali Muuddeey ayaa ku eedeeyay Ethiopia inay iyadu dagaalka ku soo qaaday ciidmmada Maxkamadaha, waxaana uu carrabka ku dhuftay in ay ka awood badnaayeen oo ay ka saareen goobihii ay ku jireen.

Sidoo kale Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey ayaa daboolka ka qaaday dhankiisa in goobahooda ay soo weerareen Ciidammada Ethiopia, waxaana uu sheegay in dagaalkaas uu yahay mid ay iyaga ku xoog roonaadeen.

“Dagaalka ay soo qaadeen wuxuu ahaa mid ay ka soo qaadeen labada aag ee Daynuunaay iyo dhanka Iidaale, waxaanan ku jabinnay ciidammada Ethiopia laba dhinacba, annaga ayaana ka guulaysannay” ayuu yiri Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuleey oo ah xoghayaha guud ee Golaha Shuurada Maxkamadaha Midoobay.

Dhanka kale dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu u hadlay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle ayuu sheegay inay kaga xoog roonaadeen labada aag Ciidammada Maxkamadaha Isla markaana ay ka dileen ciidammo aad u xoog badan, iyagoo ka saaray goobihii ay ku jireen oo dhan.

Ma jiraan cadeymo dhab ah oo shaaca ka qaadaya khasaaraha dagaallada maanta ay dhaliyeen inta ay dhan yihiin, waxaana lagu wadaa inay dhawaan soo baxaan.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916


Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Indho-cadde oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho

Dec 21, 2006: Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Maxkamadaha Midoobay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Guddoomiyaha Amniga Maxkamadaha Yuusuf Maxamed Siyaad (Indho-cadde) iyo wafdi ay hoggaaminayaa ayaa dhawaan ka duulay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Sheekh Xasan Daahir iyo Yuusuf Indho-cadde ayaa ka gaabsaday inay sheegaan halka uu safarkooda ku wajahan yahay, waxaan Sheekh Xasan Daahir oo ka hadlayay safarkooda uu sheegay in ay ku socdaan meel ay ka soo laaban doonaan.

Warar aan xaqiiqsanayn ayaa waxay sheegayaan in mas'uuliyiintaan iyo wafdiga ay hoggaaminayaa ay ku sii jeedaan dalka Saudi Arabia si ay u soo gutaan waajibaadka xajka, balse wararkaan ma ahan kuwo xaqiiqo ah.

Mar ay saxaafadda su'aalo ku weydiisay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Maxkamadaha Sheekh Xasan Daahir ayaa wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo halka uu ku sii jeedo, waxaana uu carrabka ku adkeeyay inay dhawaan dalka dib ugu soo laabanayaan.

Waa markii ugu horreysay oo Sheekh Xasan Daahir uu qariyay halka uu ku sii jeedo, balse ma jiraan warar caddeynaya halka dhab ahaan ay ugu sii jeedaan Mas'uuliyiintaan ka tirsan Maxkamadaha Muqdisho.

Xubno ka kala socday Golaha Maxkamadaha Islaamiga, qaar ka mid ah NGO-yada, dhallinyarada, haweenka iyo waxgaradka iyo abwaanada qaarkood oo maanta seminaar uga furmay degmada Xamarweyne

Xubno isugu jira Maxkamadaha, culimaa’udiin, odayaasha dhaqanka , dhallinyarada, haweenka iyo qaar ka mid ah abwaannada ayaa maanta seminaar waxa uu uga furmay xarunta degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.



Seminaarkan waxaa soo qaban qaabiyay Community Concern Organization (COCO), waxaana xubnaha ka qeyb qaadanayay ay gaarayaan 30 xubnood, iyagoo si weyn uga doodaya gudniinka fircooniga iyo sida loo hakin karo maadaama uu yahay dhaqan fircooni ah oo soo jireen ah.

Furitaankii seminaarkaas oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday ururka Haweenka gaar ahaan guddoomiyaha Ururka Haweenka COGWO Batuulo Max’ed Mursal oo furitaankiisii hadal kooban ka jeedisay ayaa ka qeyb galayaasha kala hadashay inay si wanaagsan uga doodaan maadaama ay yihiin xubno laga soo xulay bulshada qeybaheeda kala duwan, diiraddana ay ku saaraan dhibaatooyinka uu geysto gudniinka fircooniga ah gaar ahaan gabdhaha Soomaaliyeed.

Batuulo waxay sheegtay in sideedaba uu gudniinka fircooniga ay xaaraantinimeysay diinta Islaamka, loona baahan yahay in lagu baraarugsanaado arrintaas, laguna beddelo gudniinka fircooniga in la raaco sunnada uu Rasuulka (CSW) jideeyay.

Seminaarkan oo uu soo qaban qaabiyay ururka Community Concern Organization (COCO) ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Marwo Caasha Cabdi Diini oo ah madaxa MCH-ka degmada Xamarweyne, agaasimana ka ah COCO iyo Naadiyo Suufi Cabdi oo ah xubin ka tirsan COCO iyadoo ay sheegeen in seminaarkani loogu talo galay in bulshada lagu wacyi geliyo sidii ay u suulin lahaayeen gudniinka fircooniga, waxayna xuseen in ururka ay howshiisu tahay sidii uu bulshada Soomaaliyeedd mar walba ugu wacyi gelin lahaa waxyaabaha haraadiga ah ee bulshada weli baaqiga ku sii ah.

Seminaarkan ayaa waxaa sidoo kale suurto geliyay ururka lagu magacaabo RAINBO oo dhinaca fulintiisa gacan weyn ka geystay iyo inuu qabsoomo seminaarkan, waxaana muddada uu socdo casharro ka bixinaya macallimiin takhasus u leh gudniinka fircooniga ah iyadoo casharkii ugu horreeyayna maanta ay halkaasi ka bixisay Cayni Abuukar Gacal oo ka mid ah haweenka COGWO qeybna ka ah macallimiinta casharradaasi loogu talo galay.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623


Waa sidee Xaalada magaalada Muqdisho iyo saamaynta daagaladii ka soconayey deeganada gobolka baay ?

Dec 21, 2006: DHaqdhaqaaqyo lagu xoojinayo Amaanka magaalada muqdisho ayaa xalay ilaa saaka laga dareemayey magalada muqdisho ,kasoo kusoo beegmaya dagaalada qaraar ee ka soconayey deegaanada gobolka baay ,islamarkana ciidamada golaha maxakiimta islaamka soomaliyeed ayaa saaka ilaa xalay gaaf wareegayey wadooyinka iyo isgoysyada magaalada muqdisho .

Ciidamada golaha maxaakiimta islamka soomaliyeed ayaa arintan ku xoojinaya sidii loo xakamayn lahaa hubka ay haystaan shacabka ku dhaqan magalada muqdisho ,oo ay hore ugu dhawaaqeen golaha maxaakiimtu inay ururinayaan hubka ku baahsan dadka shacabka ah .

Sidoo kale ciidamada maxaakiimta islaamka ee jooga isgoysyada ayaa baaritaano ku wajahan baabuurta keli ahaanta loo leeyahay iyo kuwa minu baska ahba ka barayey hubka noocyadiisa kala duwan sida uu noo xaqiijiyey mid kamida shacabka ku dhaqan magalada muqdisho oo magaciisa ku sheegay c/casiis cali jamac ayaa noo sheegay inay jiraan inay ciidamada maxaakiimta islaamku ay xalay qabanayeen hubka ay wataan dadka shacabka ahi.

DHaqdhaqaaqyadan lagu xoojinayo amaanka ayaan waxba ka bedelin isu socoshada gaadiidka iyo adeegyada bulshada islamarkaana waa markii ugu horaysay ee ay ciidamada Golaha maxaakiimtu ay dhaqdhaqaaqyo noocan oo kale ah sameeyaan tan iyo intii ay gacan ku haynteeda la wareegeen koonfurta iyo bartmaha soomaliya .

Waa sidee xaalada deeganadii daagaalku ka socday ilaa saaka Waaberigii ?

Dagaal culus oo laysu adeegsaday Hubka culculus ayaa ka socday ilaa saaka waaberigii deegaanka daynunaay oo baydhabo u jira in ka yar 30km dagaalakan ayaa Waxaa ka dhashay Qasaare asan lasoo koobi karin balse aan tirada dhabta ah ee dhimashada aan la ogayn iyo tan dhaawaca ahba waloow ay jiraan dhaawacyo laga kala sheegayo inay soo gaarayaan maagaalooyinka baydhabo iyo muqdisho.

Sidoo kale Magaalooyinka baydhabo iyo muqdisho ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan urursi islamarkana dagaalkan oo iskii u istaagay saaka waberigii ayaa u muuqda mid laysu nasanayo,ayaa xiisadiisu marba marka kasii dambaysa kor usii kacaysa.

DHanka kale dowlada itoobiya oo Qayb libaax leh ka Qadatay dagaalkan islamarkana weriyayaal calami ahi ay cadeeyeen inay dababaadkoodu dagalka si xoogan ugu jiran ayaa beenisay in ay wax lug ah ku leedahay dagaalkii shalay ilaa saaka waberigii ka dhacay meel ku dhow magaalada Baydhabo.

Wasiirka dalxiiska iyo tacliinta ee Ethiopia, Maxamuud Dureer oo u waramayey British Broadcasting Corporation laanteeda afka carabiga ayaa iska fogeeyey eedeyn loo soo jeediyey in ciidamadooda ay ku lug leeyihiin dagaalka ka qarxay Soomaaliya oo ay garabsiiyeen dowlada FKMG.

Maxamuud Dureer waxa uu sheegay in dowlada ay ka xun tahay colaada Soomaaliya, loona baahan yahay in la dhiiro geliyo arrimaha dib u heshiisiinta.

"Waxa dalka Somaaliya ka dhacaya waa wax aad looga xumaado, in haatan dagaal uu qarxo arintuna ay fowdo isu bedesho hase ahaatee anagu ka Ethiopia ahaan waxaan u aragnaa in lagama maarmaan ay tahay in walaalaheena Soomalida iloobaan dagaaladani iyo dhiig daadiskan, ayna ku laabtaan wadahadalada iyo dib u heshiisin Qaran,"

Waxaa kale oo la weydiiyey waxa ka jira eedeynta maxaakimta Islaamiga e ah in Ethiopia ay taageerayso ciidamada DKMG, waxa uu ku jawaabay.

"Anagu dhowr jeer ayaan sheegnay in wax Ciidamo ah naga joogin dhulka Soomaaliya gudihiisa aan ka ahayn koox tababarayaal ah oo tababar siinaya Ciidamada DFKS gaar ahaan dib usoo celinta qaab dhismeedka Ciidanka Soomaaliya iyo Bilayska DF arintanina waxay ku timid go’aaan ay ka Qaateen Midowga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD,"

Maxamuud Dureer, wasiirka dalxiiska iyo tacliinta Ethiopia waxa kale oo la weydiiyey sideed u aragtaan mudadii ay maxaakimtu u qabteen cidamada Ethiopia inay ka baxaan dalka Soomaaliya, mudadiina way dhamaatay marka wax xiriir ah ma idin dhexmaray idinka iyo maxkamadaha islaamiga.

Waxa uu uuna ku jawaabay "Marka ugu horeysa waxa dhacay waxaa uu yahay kooxda xag jirka ah oo isku sheegta inay tahay maxaakiimta Soomaaliya waan mida ku baaqday in Jihaad ka dhan ah dawlada Ethiopia .

Si kastaba ha ahaatee Dagaaladan ayaa saamayn weyn ku yeelanaya guud ahaan dalka soomaliya islamarkaana sii wiiqaya dadaalkii loogu jiray wada hadal in laga dhex abuuro golaha maxakiimta iyo dowlada soomaaliya .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916

Warar dheerad oo ku saabsan Dagaaladii ka dhacay Daynuunaay iyo Iidaale
.Maxkamadaha Iyo DFKMG oo isla ogolaadeyin ay ka..
.Ciidamad Itoobiya ee ku sugan Magaaladda Baydhabo oo.
.Ciidamada Maxkamadaha oo ku dhawaadey Xerada Manaas
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Dec 21


Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
Dawaare
"Nabadda Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto" Sidaas waxaa yiri.... Akhri....



 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD