Wararkii Nov 2, 2006
- Maxaa ka jira in Xabsiga loo
taxaabay Qaar kamid ah Hoggaanka Beeshii Maxkamada Islaamiga ah kaga
dhawaaqday Galkacyo..
- Askari
Itoobiyaan ah oo nin Soomaali ah ku dilay Xerada Daynuunay
- Shirkii Khartuum oo gebihaanba burburay
- Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka
qaybgalaya kulanka shiinaha iyo Afrika…
- Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in
ciidamo itoobiyaan ah oo gashan Dareyska Ciidamada..
- Maxkamad ku taal Magaalada Mombasa oo
10 nin oo Somali ah ku xukuntay ilaa 7 sano.
- Marxuum Shire Suudi
Maxamed oo ku geeriyoodey Nairobi
- Madax waynaha DFKMG oo Nairobi Yimid
isagoo Dalka China ku sii jeeda.
- Shirkii Khartuum oo labada dhinac ay
kula tageen iyadoo anan laga soo bixin Hotelada Khartum.
- Xaflad ay soo qaban
qaabiyey maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada ee Garowe.
- CARUUR RAASHIN SUMEYSAN KU
CUNTAY...
Maxaa ka jira in Xabsiga loo taxaabay
Qaar kamid ah Hoggaanka Beeshii Maxkamada Islaamiga ah kaga dhawaaqday
Galkacyo..
SomaliTalk.com | Galkacyo, Nov 2,
2006:
Warar SomaliTalk ka soo gaarey Galkacyo
ayaa caddeeyey in aysan jirin wax xarig ah oo DGPL ay u geysatey rag ka
tirsan hoggaanka beesha Maxamed Cumar oo Talaadadii Galkacyo kaga
dhawaaqday Maxakamada Islaamiga ah.
Arrintaas si aan u xaqiiqsano waxaan
khadka telefoonka kula xiriirnay Sheikh Nadiir Qorane oo ka mid ah ragga
la sheegay in la xiray, waxana uu SomaliTalk.com u sheegay in aysan
jirin wax xarig ah oo loo geystey asaga iyo Axmed Muuse Nuur ama cid
kale oo ka tisan haggaanka beesha Galkacyo kaga dhawaaqday maxkamada.
Sheikh Nadiir Qorane waxa uu caddeeyey
in mowqofkoodu uu yahay sidii ay ugu dhawaaqeen Maxkamada Islaamiga ah.
Waxa kale oo uu sheegay in madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse uu beesha
ka codsaday in uu la kulmo, kulankaas oo aan weli dhicin laakiin la
filayo in uu qabsoomo.
Warka xaqiiqada ka fog ee sheegaya in
shalay la xiray Axmed Muuse Nuur iyo Sheikh Nadiir Qorane waxaa qoray
warbaahinta reer Puntland ee loo yaqaan Puntlanders ee aan ka fiirsan
waxa ay qorayaan, sidaas waxaa yiri waxgarad Soomaaliyeed.
Wararka kale ee ka imanaya Galkacyo
ayaa tibaaxay in halkaas markii uu gaarey Wasiirka maaliyada Dowlad
Goboleedka Puntland Dr. Gaagaab uu warbaahinta la hadlay, waxaana
dadweynuhu hadaladiisa ku tilmaameen kuwo aan munaasab ahayn, waxaana
markiiba reer Galkacyo is weydiiyeen sababta kalliftay in uu Gaagaab ka
soo hormaray madaxweynihii dalka, maadaama uusan ahayn wasiirka amniga
ama wasiirka arrimaha gudaha, asagoo si degdeg ah uga soo baxay kulankii
baarlamaanka xilligaas oo uu kulankaas goobjoog ka ahaa madaxweynaha oo
la sheegay uu shirkaas ka soo baxay madaxweynaha oo aan arrintaas ku
baraarugsanayn. Sidaas daraadeed ayaa shacabku garan waayey meesha uu
hadalka Gaagaab ku salaysan yahay. Waxaa kale oo la tilmaamay in Gaagaab
ay xurgufi ka dhexeysey beesha maxkamada kaga dhawaaqday Galkacyo.
Shacabka Puntland ayaa xilligan u
muuqda kuwo ku baraarugey sidii ay u heli lahaayeen maamul hufan oo
dalka aan u keenayn kala qoqobid iyo isku dir, maamul waxqabad rasmi ah
leh oo ku salaysan sharciga, kana fog muqus maasuqa.
Talaadadii ayey ahayd markii
Madaxwaynaha DGPL gen: Cadde Muuse uu Dr. Gaagaab ku eedeeyey lunsasho
hanti, asagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu shegay "in ay iminka
jiraan 2 Maaliyadood wuxuuna intaasi ku daray in dhaqaalihii dalka ay
qaateen Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Guud,
Gaagaabna si
wayn loo xamanayo, anigu waxba qarinmayo wixii jira ayaan cadaynayaa,
arintaas jirta oo ay shacabku ka cabanayaana dhawaan waanu sixi doonaa.".
Askari
Itoobiyaan ah oo nin Soomaali ah ku dilay Xerada Daynuunay..
Warar aan ka ilo ilo wargal ah ayaa waxay
sheegayaan in Askari Itoobiyaan ah uu xerada Manaas ku dhex dilay nin
Soomaali ah habeen hore.
Ciidamada Itoobiya oo si aad ah ilaalo
isaga haya ayaa ninka la dilayo, waxa uu ka yimid banaanka, isaga oo
damcay in uu galo xerada, markiiba rasaas ayaan lagu furay goobtii
ayuuna ku geeryooday.
Dhacdadaas oo la qariyey ayaa waxaa
kaloo noo xaqiijiyey dad diiday in magacooda la xuso, waxaana haatan
socda baaritaan la xiriir dilkaasi.
Ciidamada Itoobiya oo si aad ah ugu sii
qulqulaya Magaalada Baydhabo agagaar-keeda ayaa haddana ciidamada
Dowladda Federaalka oo markii horey ku jiray furinta ayaa haatan dib loo
celiyay kaddib markii looga shakiyey inay xiriir la sameeyaan
Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana arrintaani ka carooday qaar ka mid ah
saraakiisha sar sare ee Dowladda Federaalka oo qaarkood sheegay inay
isaga tagi doonaan shaqada.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan
nawaaxiga Magaalada Baydhabo ayaa halkaasi waxay ka wadaan dhaqdhaqaaq
aad u xoogaan iyagoo ka cabsi qaba in uu dagaal kaga yimaado Maxaakiimta
Islaamiga ah..
Shirkii Khartuum oo gebihaanba burburay
Jaamacadda Carabta oo ayaa habeenkii
xalay ahayd ku dhawaaqday in gebi ahaanba uu fashilmay ama uu burburay
shirkii u dhexeeyay Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka,
inkastoo Jaamacadda Carabta aysan iclaamin in mar kale la isugu imaanayo
shirkaasi, haddana waxay sheegtay in shirkaasi uu fashilamay shuruudo ay
soo hor dhigeen Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka.
Afhayeen u hadlay Jaamacadda Carabta
ayaa sheegay inay sii wadayaan dadaalka ay ku dhex dhexaadinayaan
Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah si loo baajiyo dagaal
ku faafa wadamada Geesa Afrika.
Dowladda Suudaan ayaa la sheegay inay
wafdi xaqiiqo raadin ah u diri doonto gudaha Dalka Soomaaliya, si loo
soo ogaado eedeymaha uu dhinaca waliba sheegayo sida ciidamada Shisheeye
ee la sheegayo inay ku sugan yihiin Soomaaliya, isla markaana ay la kala
safan yihiin Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka
qaybgalaya kulanka shiinaha iyo Afrika…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi
Yuusuf Amxed oo haatan ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenaya ayaa
maanta la filayaa inuu kicitimo Magaalada Bakiin ee dalka Shiinaha,
halkaas oo uu kaga qaybgalayo shirka ay isugu imaanayaan Dowladda
Shiinaha iyo madaxda qaaradda AFrika. Waa markii ugu horeeyey oo ay
Dowladda Shiinaha martigeliso kulankaani, waxa uuna ku soo beegmay xili
ay Dowladda Shiinaha Xiriir wanaagsan la yeelaneyso wadamada Afrika,
gaar ahaan sidii wadamada Afrika ay u qaadan lahaayeen tiknoolajiyada
casriga ah ee dalka Shiinaha oo si aad ah uga riqiisisan kuwa Mareyanka
iyo Yurub.
Xiriirka sii adkaanaya ee u dhexeeya
Dowladda Shiinaha iyo Qaaradda Afrika ayaa waxaa si weyn uga walwalsan
Dowladda Mareykanka iyo wadamada Yurub.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa
la filayaa in uu shirkaasi ka jeediyo khudbad dheer oo la xiriirta sidii
loo xoojin lahaa xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Shiinaha, waxayna
shacabka Soomaaliyeed og yihiin in Dowladda Shiinaha Soomaaliya ka
hirgelisay mashaariic fara badan. (Wararka hoose ayaad ku arki doontaa
madaxweynaha oo gaarey Nairobi).
Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in
ciidamo itoobiyaan ah oo gashan Dareyska Ciidamada..
Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta
Maxaakiimta Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay
madaxa ammaanka ee Golaha Maxaakiimta Sheikh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde),
waxa uuna shirkiisa jaraa’id ku faahfaahiyey in ciidamo
Itoobiyaan ah oo gashan dareeska Ciidanka Kenya ay soo buux dhaafiyeen
xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinaca Jubbooyinka.
Sheekh Yuusuf Maxed’ Siyaad Indha-Cadde
waxa uu sheegay in Dowladda Kenya ay haatan caddeysatay inay la safato
Dowladda Itoobiya oo uu sheegay inay uu naga dhexeeyo dagaal soo jireen
ah.
“Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Kenya in
ay arrintaasi ka waantoowdo, waayo labada dal waxaa ka dhexeeya xiriir,
mana doonayo in xiriirkaasi uu xumaado” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Max’ed
Siyaad (indha-Cadde) oo sheegay in Dowladda Kenya looga baahan yahay
inay dhowrto deris wanaaga.
Ilaa iyo hadda Dowladda Kenya wax war
ah kama soo saarin warkaas ka soo yeeray golaha Maxaakiimta, hase
yeeshee wakiilka u qaabilsan Keya arrimaha Soomaaliya ayaa waxa uu
sheegay in Dowladda Kenya ay wax badan u qabatay Soomaaliya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail :
amiinkhasaaro@hotmail.com
Maxkamad ku taal Magaalada Mombasa oo
10 nin oo Somali ah ku xukuntay ilaa 7 sano.
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
botaan1@hotmail.com

Lawyer Hassan Abdi iyo qaar ka mid ah 10ka nin AP
Magaalada Mumbasa ee gobolka Xeebta
dalka Kenya magaalo madaxa u ah oo dhawrkii maalmood ii ugu danbeeyay ay
ka socotay maxkamada lagu waday 10 nin oo Somali ah ayaa waxaa Arbacadii
Nov 1, 2006
lagu soo gaba gabeeyay halkaasi .

Sawirka Afar ka mid ah 10ka nin ee la xukumay AP
10ka nin ee somalida ah ayaa waxaa lagu
xukumay 7 sano oo xarig ah ka dib markii lagu eedeeyay in 22 January
2006 iyadoo ay gacanta ku soo dhigeen ciidmada badda ee dalka maraynka oo
iyagu ka soo qabtay xeebta Somalia meel ka baxsan 320 kilometers (200
miles) oo dhanka bariga xeebta somalia kaga taal ‘’ Xarar Dheere’’

Mid ka mid ah 10ka nin ee la xukamay iyo askari REUTERS
iyadoo lagu eedeeyay in ay ahayeen
burcad badeed balse ay arintaasi beeniyeen waxayna ciidamada maraynku
ku cadeeyeen in ay ragaani wateen hub sida AK47.
Ragan dhallinyarada ah ee somalida ah ayaa iyagu waxay
sheegeeteen in ay yihiin kaluumaysto oo si sharci daro ah maxkamadan
loo saaray dalka Kenya iyagoo marar badan ku baaqay in wadan
kale lagu wareejiyo .
Marxuum Shire Suudi
Maxamed oo ku geeriyoodey Nairobi
- Ilaa lilaahi wa ina ilahayi Raajicuun ‘’
Waxaa Nairobi ku Geeriyooday Siyaasi Caan ahaa ‘’ Marxuum Shire Suudi
Maxamed iyadoo lagu aaasay Nairobi .
Waxaaa habeenkii xalay ahayd magaalada
Nairobi ee caasimada Kenya ku geeriyooday Isbitalka Dawlada Siyaasi Caan
ahaa oo somaliyeed kana soo jeeday Deegaanka Caabud Waaq ee gobolka
Galguduud ,
Marxuum Shire Suudi aya maalmaaan guu
danbeeyay jiifay isbitaalka isagoo ku xanuunsanaa waxaana oo daganaan in
dhawale magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.
Waxaa oo ahaa Marxuum Shire Suudi
Wasiir ku xigaynki wasaaradii Kaluumaysgia xiligii Dawladii Maxamd
Siyaad Barre sidoo kale waxaa uu ahaa Xildhiban ka tirsanaa Baarlamankii
dawladii Somalia ee uu C/qaasim Saalad Xasan Madax waynaha ka ahaa ee
lagu dhisay dalka Jabuuti Tuulada Carta.
Marxuumka Aaskiisa ayaa waxaa oo ka
dhacay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya iyadoo ay goob joog ka
ahaayeen madax ka tirsan dawlada Somalia oo uu horkacayay Gudoomiyaha
baarlamaka Somalia Sharif Xasan Sheikh Aadan iyo xubo siyaasiyiin ah iyo
waliba jaaliyadda somaliyeed.
Bud dhigasta Marxuumka ayaa waxa ka
duceeyay culumo somaliyed oo halkaasi joogtay aaskiisa ayaa waxaa uu ka
dhacay Xarunta qabooraha islamka ee Karikoy
Madax waynaha DFKMG oo Nairobi Yimid
isagoo Dalka China ku sii jeeda.
Madax waynaha DFKMG ah ee Somalia Col
C/laahi Yuusuf Axmed ayaa caawa soo gaaray magaalada Nairobi ee
caasimada dalka Kenya isagoo ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo ee
xarunta KMG ah ee dawladiisa .
Qaar ka tirsan Xafiiska madaxtooyada
dawlda Somalia oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa SomaliTalk waxay u
sheegeen in Madaxweynaha Somalia Mudane C/laahi Yusuf Axmed oo dalka
China ku sii jeedo si oo uga qayb galo Shirka ‘’ Isaagshiga Africa iyo
China oo halkaasi ka furmay oo ay ka soo qay galayaan madax badan oo ka
tirsan qaarada Africa.
Xiriirka u dhexeeya dawlada Somalia iyo
China ayaa ah mid aad u saraya iyadoo dawlada China ay tahay dawlada
garabsiiyo dawlada Somalia ee lagu so dhisay dalka Kenya 2004 .
Magaalada Nairobi ee oo madax waynaha
Somalia yimid ayaa waxaa ku sii sognaa Gudoomiyaha baarlamaka Somalia
Sharif Xasan oo isagu isga haray waftigii dawlada ee khartuum aaday ka
dib markii madax waynaha Somalia Mr Yusuf xiligii wada xaaajoodka ka
wareejiyay .
Shirkii Khartuum oo labada dhinac ay
kula tageen iyadoo anan laga soo bixin Hotelada Khartum.
Magaalada Khartuum ee dalka sudan ayaa
waxaa waxaa la isku mari waayay In shirku wajigiisa 3 aad la furo iyadoo
maxakinta islamiga ah ee somaaaliyeed iyo dawlada Somalia ay wali ku
dhagan yihiin shuruudii adkayd.
Maxaakinta islamiga ah ee somaliyed aya
waxay soo bandhigtay in markaasi ay dalka Somalia ka baxan ciidamada
Ethiopianka ah iyo waliba in dawlada Kenya aysan gudoomin shirka
khartuum .
Halka Dawlada Somalia ay ku adkaysatay
in shirku ay gudoomiso dawlada Kenya oo ah iminka dawlada haysto
madaxtimada urur goboleedka IGAD .
Dublumaasiyintii carbeed iyo kuwii kale
ee isugu jiray reer galbeedka iyo afrikaanka aya waxay sheegen in
maxaakinta islaamiga ah iyo dawlada somalia ay dib ugu labtan magaalada
baydhabo iyo Muqdisho si ay wada hadal iyo la tashiyo ula soo sameeyaan
madaxdii ka danbaysay .
Shiekh Ibrahim Xasan Cadow ayaa waxaa
uu sheegay in loo diro somalia xubno ka tirsan beesha caalamka si ay u
soo arkaan ciidamada Ethiopianka ah ee somalia ku jira waxana oo sheegay
in loo bahan yahay arintaasi oo meeshu ay ka baxdo tuhunka ah in aysan
ciidamo joogin balse la cadeeyo.
Shirka ayaa waxaa dib loo dhigay sida
ilo wareed naga soo gaaray Khartum ay sheegayan 15ka November iyadoo
hotelada magalada khartuum aysan isaga soo bixin labada dhinac waxaana
ay taasi keentay in dib loo dhigo shirka lagu dhex dhexaadinayo dawlada
iyo maxaakinta .
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
botaan1@hotmail.com
Garowe: Xaflad casho sharaf ah oo si
weyn loo soo agaasimey oo ay soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Nugaal
iyo kan degmada ee Garowe.
A/rizak koronto, Garowe puntland
Xaflad ay si wayn u soo qaban qaabiyeen
maamulka degmada iyo kan gobalka Nugaal oo ahayd xaflad casho sharaf ah
kana dhacday habeen kii xalay ahayd xarunta maamulka Puntland ee garowe.
Xafladda ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse iyo
golihiisa xukuumada, Guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi iyo
goloihiisa Wakiilada, isimo, waxgaradka gobolka Nugaal, Aqoonyahanada,
Nabadoonada, Shacabweynaha gobolka Nugaal iyo Haween-weynaha gobolka
Nugaal,
Xafladan ay soo qaban qaabiyeen
maamulka gobalka iyo kan degmada Gobalka Nugaal ayaa ula jeedkeedu ahayd
sidii ay mas’uuliyiinta gobolka iyo waxgaradkeedu ay ugu xog warami
lahaayeen dawladda uu horkacayo Madaxweyne cadde muuse iyo
baarlamaankana.
Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminyeyna ay u xog waramaan dadweynaha iyo
maamulkaba ee gobolka Nugaal.
Duqa degmada Garowe ahan gudoomiyaha
golaha shacbka degmada ayaa ugu horaynba ka hadlay xafladii xalay isaga
oo ka hadlay arimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen, Nabadgalyada,
Caafimaadka, Nadaafada, Biyaha, Hormarka,Ganacsiga, Waxwada qabsiga, iyo
Waxbarashada, Duqa degmada Garowe C/qaadir Cismaan Samatar ( Food cade)
ayaa ku booriyay maamulka uu horkacayo cade muuse in wax loo qabto
bulshada islamrkaana ay bulshadu u heelan tahay wax qabad lataaban karo.
Food cade ayaa sheegay in Puntland ay
tahay deegaano nabdoon loona baahan yahay in laga sii qaado halka ay
hada marayso loona dhaafo dhan walba oo la higsankaro.
Gudoomiyaha gobalka oo isna halkaasi ka
hadlay ayaa sheegay in amaanka Puntland uu yahya mid adag islamarkaana
la iska kaashan lahaa sidii loo hagaajin lahaa waxa uu ugu baaqay
maamulka puntland in wax laga qabto dhanka hormarka iyo hagaajinta
caasimada, waxa uu shegay in aysan maanta ka jirin deegaanada puntland
wax amaan daro ah lakiin intii la isku mashquulin lahaa xaalad abuur
xooga lasaaro in hor marka laga shaqeeyo.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Suldaan Siciid Maxamed Garraase,
isagoo sheegay in uu aad ugu hambalyeynayo maamulka gobolka iyo kan
degmada ee xafladan soo agaasimay, dadkana ku booriyey in la adkeeyo
nabadgelyada iyo midnimada, Suldanka ayaa isna dhankiisa ka codsaday
maamulka puntland in lagu dadaalo ka shaqaynta dhanka hormarka
Halkaasina uu ugu duceeyey ummadda puntland iyo soomaali weynba in
ilaahay haybaddeedii u soo celiyo.
Hadaba ugu dambayntii ayaa waxa halkaasi qudbad dheer ka soo jeediyey
Madaxweynaha DGPL,taasi oo taabanaysa dhinacyo badan oo ku wajahan
waxqabadka dawladda iyo arrimaha nabadgelyada in la adkeeyo lagana
shaqeeyo dawladda, iyo warbixin ku saabsan safarkoodii guulihii ay ka
soo gaareen iyo waxa ay rajenayaan.
Sikastaba dhamaan madaxdii iyo marti
sharaftii halkaasi isugu timid habeenkii xalay ahayd ayaa waxa ay ka
sinaayeen sidii maamulku uu u hormarin lahaa arimaha bulshada oo aan tan
iyo intii uu maamulku dhisnaa waxba laga qaban, maamulka ayaa isagu
dhankiisa garawsaday in ay habacsanaan ka jirto wax u qabadka bulshada.
Fagaarayaasha magaalada garowe ee loo
yaqaano fadhi ku dirirka ayaa maalmahaan waxa laga hadal hayay wax qabad
la'aanta maamulka cade muuse iyo sida cade muuse uu isugu haysto nin
karti wax qabad leh dadka qaar ayaaba u arka dhagax la soo tuuray oo aan
dan u hayn bulshada inteeda badan lakin xiriir la leh cid gaara oo
qalin shubato ah dhaqaalihii wadankana galisay jeeb ama meel iyaga u
gaara.
Cade muuse ayaa waxaa maamulkiisa lagu
eedeeyaa mid aan dan u hayn mushtamaca oo islamarkaana aan lahayn
awood wax qabad iyo mid daacadnimo ku dhisan toona.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo u
safraya Muqdisho....
Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623
Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in
guddoomiyaha baarlamaanka federalka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan
oo maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu haatan isu
diyaarinayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisha.
Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan
Sheekh Aadan oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golihiisa baarlamaanka oo
maalmahan ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa wararku sheegayaan in ay
haatan Muqdisho ku soo jeedaan iyagoo fariisin ka dhiganaya magaalada
Muqdisho oo muddo haatan laga joogo toban bilood ku dhowaad fariisin u
aheyd garab ka mid ah dowladda Federalka oo uu isagu hormuud ka ahaa.
Arrintan ayaa lala xiriirinayaa inuu mar kale khilaaf soo kala dhex
galay madaxda sarsare ee dowladda Federalka, kaasoo sababay inay mar
kale dib u soo if baxaan khilaafkii muddada dheer u dhexeeyay dowladda
Federalka oo markii ugu dambeysay ay dib u heshiisiin ka dhex dhalisay
dowladda Yemen.
Khilaafkan haatan soo cusboon-aaday ayaa ka dambeeyay kaddib markii
guddoomiyaha baarlamaanka uu shirguddoo-minayay shirkii koowaad iyo kii
labaad ee dowladda Federalka iyo golaha Maxkamadaha Islaamka, balse
markii dambe uu iska casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo mar kale
soo if baxo khilaafkan sababay guddoomiyaha baarlamaanka inuu Muqdisho
fariisin ka sameysto, iyadoo in ka badan 50 xubnood oo isugu jira
wasiiro iyo xildhibaanana ay haatan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho,
taasoo dhabar jab ku ah dowladda Federalka ah inay mar kale la arko
iyadoo labo garab u kala qeybsan, kalana deggan labo goobood.
CARUUR RAASHIN SUMEYSAN KU CUNTAY...
Canug Sideed jir ah ayaa maanta geeriyooday mid kalena xaalad-iisa
caafimaad ayaa laga deyr-inayaa kadib markii Caruurtaas raashin sumeysan
ay ku cuneen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhaxe.
Carruurtan oo sida la sheegay ahaa kuwa is koris ah oo waalidiintooda la
nooleyn ayaa da'dooda lagu sheegay kan geeriyooday oo jiray Sideed sano
iyo Saddax iyo toban jir kuwaas oo ku sumoobay raashin ay cuneen.
Maxamed Ibraahib Barrow oo ka mid ah kalkaaliyaasha isbitaalka magaalada
Jowhar oo mid ka ka mid ah carruurtaas lagu dawey-nayo ayaa sheegay in
raashin ay caruurtaas uga soo qaateen maqaayadaha raashinka ay reebeen
iyadoo carruurtaas ay bacaha ay ku qaateen raashinka ay ahaayeen kuwa
sun lahaa.
Xabiibo Muxumad Maaxi oo ah Hooyada mid ka mid ah Carruurtaas ayaa
sheegtay in cunigeeda uu iyada la noolaa kaddib markii ay Aabihii kala
tageen taasoo kaliftay in wiilk-eeda ay u dirto sidii uu qeyb uga qaadan
lahaa kobcinta nolasha qoyska waxa ayna sheegtay inay aad uga xun tahay
xaala-dda wiilkeeda imminka ku sugan yahay kaddib markii uu ku sum-oobay
raashin uu maqaayad ka soo qaatay islamarkaana bac sumeysan uu ku
shubtay.
Carruurta aan waalidkood la joogin ee ku jira suuqyada ayaa qaba
dhibaatooyinn dhinaca nolosha oo isugu jira Hoy la'aan, cuno la.aan iyo
dhar la'aanba qaarkood ayaana tacadiyo kala kulmo bulshada ay ku hoos
nool yihiin mana jirto cid ilaa iyo hadda si gaar ah isaka xil saartay
wax u qabashada Carruurtaas.
MADAXWAYNAHA
DOWLADDA FEDERALKA
Madaxwaynaha dowladda Federalka Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka
maanta ka dhoofay magaalada Baydhabo isagoo ku sii jeeda magaalada
Bejing ee xarunta dalka Shiinaha.
Madaxwayne C/laahi Yuusuf ayaa dalka Shiinaha uga qeyb geli doona kulan
ay isugu imaanayaan madaxda qaaradda Afrika iyo Shiinaha.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa waxaa socdaalkii magaa-lada Nayroobi ka
raacaya wasiirka maaliyadda ee dawlada federalka Somalia Xasan Max'ed
Nuur (Shaatiguduud) Sida ay sheegeen xubno ka mid ah xukuumadda
Soomaaliya.
Madaxwaynaha dowladda Federalka ayaa waxa uu sidoo kale xukuumadda
Bikiin la soo saxiixanayaa heshiis iskaashi oo ku aadan dhanka
horumarinta.
Goor sii horreysay ayuu madaxwayne C/laahi Yuusuf ula kulmay saraakiil
ka mid ah xukuumadda Shiinaha.
Warar ka soo baxay madax sar sare oo ka tirsan dawladda Federalka ayaa
xaqiijinaya in madaxwayne C/laahi Yuusfu uu kala soo hadlayo madaxda
Shiinaha sidii dalka looga fulin lahaa mashaariic horumarineed oo ay ka
mid tahay baaridda shidaalka iyo samaynta wadooyin kala duwan.
DOWLADDA KENYA OO DHAQ DHAQAAQ
CIIDAN
Ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq ciidan
ay ka wadaan xadka u dhaxeeya Kenya iyo Somalia ee dhinaca gobolada
Jubbooyinka, iyadoo dhaq dhaqaaqaasi ciidan ay ku sugayaan amaanka.
Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqoojin ujeedada ciidamo badan oo Kenya ah
oo soo dhoobtay xuduudaha Kenya ayaa hadana wararka laga helayo Liboyo
Kenya waxa ay tilmaamayaan in dhaqdhaqaa-qaan uu yahay mid Kenya ay ku
xoojineyso amaanka.
Dhaqdhaqaaqa ciidamada Kenya ay ka wadaan xuduudaha ayaa waxa uu gaaray
xeryaha qaxootiga Somalida, iyadoo la joojiyay gaadiidkii gali jirey
halkaasi.
Dhinaca kale roobab mahiigaan ah ayaa waxa ay ka da'een inta badan
gobolada Jubbooyinka, iyadoo roobabkaasi ay geeysteen qasaarooyin si
rasmi ah aan loo shaacin, waxaana ay gooyeen wadooyinkii ay mari jireen
gaadiidka.
MAXKAMADAHA ISLAAMKA OO DIGNIIN U
...
Golaha Maxkamadaha islaamka ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ciidamo
Itoobiyaan ah oo wata dareeska ciidamada Kenya ay soo buux dhaafiyeen
xuduu-dda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, iyadoo Maxkamaadaha islaamka
ay ka digeen xasilooni darro ka dilaacda halkaasi, hadii ciidamadaasi ay
kala bixi weyso halkaasi.
Madaxa amaanka golaha Maxkamadaha islaamka Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad
Indho cadde oo shir Jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho
Ex-Nabad sugida ayaa waxa uu sheegay in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah
ay haatan ku sugan yihiin xadka Kenya ay la leedahay Somalia, iyadoo uu
sheegay in ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ay xiran yihiin dareeska
ciidamada Kenya.
Yuusuf Indhocadde ayaa waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamka aysan
weerar ku aheyn Kenya, isla markaana Kenya aan loo baahneyn in ay la mid
noqoto Itoobiya oo uu sheegay in ay soo weerartay dalka Somalia, ciidamo
fara badana ay kaga sugan yihiin, si ay u qabsato dalka.
Sheekha ayaa waxa uu kaga digay dowladda Kenya in nabad darro baahsan ay
ka bilaaban doonto, waa haddii si deg deg ah ciidamada Itoobiya aan
looga saarin, iyadoo uu shacabka Kenya kula taliyay in ay ka hortagaan
in dowladooda ay taageerto fara galinta iyo sidoo kale nabad galyo
xumada ay Ethiopia ka wado geeska Afrika si gaar ah Somalia.
Madaxa amaanka golaha Maxkamadaha islaamka ayaa waxa uu sheegay in
arintaan ay ku soo beegmeyso xilli kenya ay ku guul-dareysatay in ay
dhex dhexaad ka noqoto amuuraha gudaha ee dalka Somalia.
Sheekha ayaa waxa uu dhinaca kale ugu baaqay beesha caala-mka in uu ka
hortago fara galinta Kenya ay ku dooneyso in ay ku taageerto dowladda
Itoobiya ee lagu sameynayo gudaha Somalia.
XUKUUMADDA ERITREA OO MAREYKANKA
KU...
Dowladda Erittrea ayaa mar kale dib u soo cusbooneysiisay hadalo ay ku
cambaareyneyso dowladda Mareykanka, oo ku aadan arimaha Somalia, iyadoo
Eritrea lagu eedeeyay in ay gacan siiso Maxkamadaha islaamka.
Dowladda Eritrea ayaa ku eedeysay dowlada Mareykanka in ay ka dambeyso
muranka u dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya in ay saameyn ku yeesheen
arimaha somalia.
Bayaan la soo dhigay Internetka oo ka timid wasaaradda arrim-aha dibadda
ee Eritrea ayaa lagu beeniyay wararka sheega-ya in Eritea iyo Itoobiya
ay u isticmaalayaan dalka Somalia goobo ay ku dagaa-lamaan, warkaasi oo
horey uga soo yeeray waaxda amuuraha dibadda ee Mareykanka.
Xukuumadda Eritrea ayaa waxa ay ku muujisay bayaankeeda in ay jiraan
dagaalo u dhaxeeya Mareykanka iyo dadka Somalida, iyadoo Mareykan-kana
ay ku hoos gambanayaan la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ayna
adeeg-saneyso wakiilkeeda calooshiis u shaqeystayaasha ee dalka Ethiopia
iyo qabqablayaasha.
Dowladda Eritrea ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu kaga hiiliyay
dagaalkii dhex maray iyada iyo Itoobiya sanadkii 1998 dii ilaa 2000.
Dowladda Eritrea ayaa horey sheegtay in aysan ciidamo kuweedaa aysan ku
sugneyn gudaha Somalia, xilli Q.M ay sheegtay in 2 kun oo Eritrean ah
iyo 8 kun oo ciidamo Ethipian ah ay ku sugan yihiin gudaha Somalia.
DOWLADA MASAR OO SHEEGTAY INAY....
Dowladda Masar ayaa sheegtay inay dhexdhexaadin doonto Dowladda
Federalka Somalia iyo Golaha Maxkamadaha, xilli aad looga cabsi qabo
inay isku dhacaan ciidamadda labadaasi dhinac ee ku kala sugan Baydhabo
iyo Buur-hakabo.
Mas'uul u hadlay Dowladda Masar ayaa sheegay inay wadaan dadaal lagu
doonayo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Madaxda golaha Maxkamadaha iyo
dowladda Federalka oo uu khilaafkooda sababi karo dagaal xooggan oo ka
qarxa dalka Somalia.
Mas'uulkaasi ayaa arrintaasi ku sheegay wareysi uu siiyay Wargeyska
Asharqal Awsad, wuxuuna xusay inay Dowladda Masar ku wargelisay labada
dhinac dadaalka diblomaasiyad-eed ee ay ku doonayaan inay isugu soo
dhaweeyaan Labada dhinac, isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo wuxuu ku
nuux nuuxsaday inay Xukuumadda Masar door shariif ah ka qaadan karto
sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Golaha Maxkamadaha iyo dowladda
Federalka.
Sidoo kale Mas'uuliyiin isugu jirta Masaari iyo Soomaali oo iyagana
maanta Wareysi siiyey Wargeyska Asharqal Awsad, ayaa sheegay inay
Dowladda Masar ku hawlan tahay sidii ay Mas'uuliyiinta GMIS ugu qancin
lahaayeen inay taageeraan Dowladda Federalka, si loo xaqiijiyo
Maslaxadda guud ee Qaranka iyo sidii loo soo af-jari lahaa colaadaha
sokeeye ee ragaadiyey dalka Somalia.
MAXKAMAD KU TAALA KENYA OO XUKUN
XABSI
toban nin oo Somalia ah oo ku eedeysnaa burcad badeed iyo afduub ayaa
Maxkamad ku taala dalka Kenya waxa ay ku xukuntay 10 sano oo xarig ah.
Tobankan nin ayaa waxaa horraantii sanadkaan soo xirey ciidamada
Mareykanka oo ka jawaabayay qeylo dhaan afduub oo dooni laga leeyahay
Hindia ay u geeysteen raggani.
Burcad badeedaan ayaa ku dooday inta dacwadooda socotey in ay ahaayeen
kaluumeysato, iyagoo sheegay in wax afduub ah aysan u geysan 16 shaqaale
hindi ah oo saarnaa doonida ay heeysteen ragani somalida ah.
Dacwada raggan Somalida ah ee ku eedeysan burcad badeednimo ayaa waxa ay
ka furantay magaalada Mombasa ee dalka Kenya bishii Feberury ee
sanadkaan, waxa ayna bilowgii dacwadani ay sheegeen in ay ahaayeen
Kaluumeysato ka jilaabanaya xeebaha Somalia, iyagoo ku eedeeyay
ciidamada mariiniska Mareykanka ee iyaga xirey in ay kula kaceen fal
afduub ah iyaga laftigooda hase yeeshee badmaaxayaashii Hindida ayaa ku
marag furey in raggani Somalida ah ee burcad badeedka ay xoog ku
heysteen doontooda, ayna u geesyteen jirdil intii ay gacantooda ku
jireen.
CADE MUUSE OO SI HAL HALEEL AH
MAGAALADA...
Madaxwaynaha Puntland Max'ud Muuse Xirsi ayaa maanta subax gaaray
magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Madaxwayne Cadde oo si dag dag ah uga soo ambabaxay magaalada Garoowe
ayaa ujeedada uu u yimid magaalada Gaalkacyo waxa ay la xiriirtaa sidii
u wax uga qaban lahaa maxkamad maalintii maanta looga dhawaaqay
magaalada Gaalkacyo.
Madaxwayne Cadde ayaa waxa uu horay u sheegay in amaanka Puntland aanay
cidna uga haybaysan doonin, ayna samaynayaan sidii ay uga hor tagi
lahaayeen cid waliba oo khalkhal galisa amaanak gobolada Puntland.
Gen. Cadde Muuse ayaa waxaa magaalada uga soo horeeyay xubno wasiiro ah
oo uu ka mid yahay wasiirka maalliyadda ee maamul goboleedka Puntland
Max'ed Cali Yusuf (Gaagaab).
Waxaa la filayaa in madaxwaynuhu dhowaan uu saxaafadda la hadlo, kana
waramo tallaabada ay ka qaadayaan xubnahaasi.
SHIRKII KHARTOUM OO NATIIJO LA'AAN
KU...
Shirkii seddexaad ee u dhexeeyay dowladda Federalka Soomaaliya iyo
golaha Maxaak-iimta Islaamiga ee lagu waday inuu ka furmo magaalada
Khartoum ee dalka Suudaan 30kii bishii hore ayaa guul darro iyo fashil
ku dhamaaday, iyadoo haba yaraatee aanay suurto gelin inuu furmo oo lays
hor fariisto.
Kulankan seddexaad ayaa lagu waday in lagu soo gabagabeeyo heshiisna
looga gaaro arrimaha Soomaaliya ee u dhexeeya labada qeybood oo ah
dowladda Federalka iyo golaha Maxkamadaha Islaamiga, hase yeeshee
furitaankii shirkaasi ayaa waxaa hareeyay caqabado ay labada dhinac ku
hor gudbeen furitaankiisa, kuwaasoo qolaba ay soo jeedisay qodobbo ay
iyadu wadatay oo u gaar ah, kuwaasoo haba yaraatee aan wax go'aan ah ka
qaadan karin qodobada ay la shir tageen, taasoo loo baahday in mar kale
la tashiyo ay la sameeyaan madaxda sarsare ee labada dhinac kala
hoggaamisa.
Dadaal dheer iyo kulano gaar-gaar ah oo socday seddaxdii maalmood ee ugu
dambeysay ayna lahaayeen beesha caalamka iyo dowladaha sida gaarka ah u
daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa gabagabadiisii iyana guul darro ku
dhamaaday iyadoo aan wax natiijo ah ka soo bixin marka laga reebo in dib
loo dhigo mar kale muddo ah in la tashiyo ay dib ugula noqdaan labada
dhinac, beesha caalamka ay diyaariso kulan afraad oo mar kale laysugu
soo laabto haddii ay suurto gal noqoto, waxaa suurto gal ah oo saadaallo
kala duwan laga bixinayaa haddii faro marnaan laga soo laabto magaalada
Khartoum ee dalka Suudaan inuu qarxo jihaad lala galo ciidamada
Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka Soomaaliya oo haatan si weyn ay
shacbiga Soomaaliyeed ugu diyaar garoobaan sidii ay dalkooda uga xoreyn
lahaayeen, iyadoo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho toddobo
xarumood oo xubno mutadawiciin Soomaali ah ay iska diiwaan gelinayeen si
ay uga qeyb qaataan jihaadka baaxadda leh ee lala galayo ciidamada
Itoobiyaanka ah ee gardarrada ku soo galay gudaha dalka Soomaaliya.
Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623