Wararkii Nov 15, 2006
- Dowladda
Federaalka oo uu saameyn ku yeelatay joojintii..
- Dagaal laga cabsi qabo in uu ka qarxo
mar kale..
- Nin ganacsade ah oo si xun loogu
dilay..
- Banaanbax ay shalay dhigeen
shaqaalihii iyo..
- Afar qof oo ku dhimatay god Kaawo
ah oo ku yaal Kaaraan
- Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo
shalay furay...
- Dowladda Kenya oo ganaaxday labo
Diyaaradood oo..
- Naadiga
Saxaafadda Soomaaliyeed oo xusay Sannad guuradii 7aad...
-
Diyaarad ay ciidammada Xoreynta
Ogaadeenya ka gubeen kuwa gumaysiga Itoobiya.
Dowladda
Federaalka oo uu saameyn ku yeelatay joojintii..
Waxaa maalintii Isniinta ahayd gebi ahaanba Dowladda Kenya joojisay
Duulimaadyadii Ganacsiga iyo kuwii qaadka kaddib markii Dowladda Kenya
ay sheegtay inay arrintaasi u sameysay arrimo la xiriira dhinaca
Ammaanka. Dowladda Federaalka oo iyadu soo dhaweysay arrintaasi ayaa
haatan u muuqata mid iyana ay saameyn ku yeelatay, iyadoo maalintii
shalay ahayd Wasiiro u bixin lahaa Wadanka Kenya iyana ay waayeen
Diyaaraddii qaadi lahayd, sidoo kale Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo
oo iyana sugayey Duulimaadyada dhinaca qaadka ah ayaa iyana shalay
Garoonka Diyaaradaha ku hungoobay, waxayna ganacsigii isago soo
caraabeen garoonkaasi goor ay saacaddu ahayd 2:00 Duhurnimo.
Dowladda Kenya ayaan faahfaahin rasmi
ah ka bixin sababaha ay Soomaaliya uga joojisay duulimaadyada, hase
yeeshee Siyaasiyinta qaar ka mid ah ayaa qaba in joojintaani ay ka timid
Dowlado shisheeye oo doonaya inay la dagaalamaan dhaqaalaha wadana
Kenya, Shacabka Kenya ayaa iyana si aad ah uga xumaaday joojintaasi,
kuna tilmaamay mid lagu wiiqayo dhaqaalaha wadanka Kenya, waxayna
Dowladda Kenya ka codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado
xayiraada Duulimaadyada ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya. Ganacsiga
Kenya ayaa Malaayiin Doolar ka heli jiray ka ganacsiga Qaadka.
Xayiraadaani waxay kaloo saameyn ku yeelatay Gobalada Puntland oo aysan
ka deign wax diyaarado ah. Danjire Max’ed Cabdi Afey ayaa mar uu soo
booqday Magaalada Muqdisho Maalintii Isniinta ahayd ayaa waxa uu sheegay
in xayiraadaani ay socon doonto maalmo kooban, waayo ayuu yiri labada
shacab ee Kenya iyo Soomaaliya ma ahan kuwo kala maarma, waxayna
weligood ahaayeen kuwo uu ka dhexeyn jiray ganacsi soo jireen ah.
Dagaal laga cabsi qabo in uu ka
qarxo mar kale..
Wararka naga soo gaaray Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in cabsi
xoogan ay soo wajahday dadweynaha ku nool Magaalada Gaalkacyo iyo
Bandiiradley kaddib markii Ciidamada Maxaakiimta iyo kuwo Puntland ee is
hor fadhiya ay isku soo jirsadeen ilaa iyo 6Km.
Saddex goobood ayaa la sheegay in laga soo degay deegaanka Bandiiradley
waxayna kala yihiin Ciidamo Itoobiyaan iyo kuwo Puntland ah oo soo degay
qaybta galebeed, Maleeshiyo ka amar qaata Cabdi Qaybdiid oo iyana soo
degay dhinaca Bari ee Bandiiradley iyo Ciidamada Maxaakiimta oo aad u
xoogan oo iyana gacanta ku haya deegaankasi oo heegan buuxa la geliyey
iyagoo isku qaybiyey saddex qaybood.
Deegaanka Bandiiradley ayaa iyana waxaa la sheegay in dadkii ganacsatada
ahaa ay halkaasi ka rarteen ganacsigoodii iyagoo ula baxay dhinaca
Baadiyaha, sidoo kale Magaalada Gaalkacyo ayaa iyana laga dareemay cabsi
aad u xoogan, waxaana shalay kulan deg deg ah wada yeeshay Madaxweynaha
maamul gobaleedka Puntland iyo saraakiisha Ciidamada, waxaana shalay si
dhaqsi leh loo bedley Taliyihii ciidanka Booliiska ee Puntland.
Nin ganacsade ah oo si xun loogu
dilay..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in habeen
hore nin ganacsade caan ah ka ahaa Nayroobi Maydkiisa laga helay isagoo
jarjaran goob ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Nayroobi.
Ninkaasi ayaa waxaa la sheegay in ay u soo dhaceen koox tuugo ah,
kaddibna inta ay dukaankiisii kala baxeen jarjareen iyagoo u adeegsaday
Faas iyo Toorey.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga carooday falkaasi, waxayna
ka codsadeen Dowladda Kenya in ay sida ugu dhaqsiyaha badana ay
baaritaan ku sameyso dadkii ka dambeeyay dilkaasi oo lagu magacaabi
jiray Cabdi Gaab.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ganacsato Soomaaliyed lagu dilo Kenya,
iyadoo la og yahay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato weyn ku qabaan
booliiska wadanka Kenya oo maalin walba ka qaata baad isla markaana kula
kaca xarig iyo jirdil.
Ganacsatada ku nool Kenya ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan cid
kasta oo ku soo gardaroota naftooda iyo maalkooda.
Banaanbax ay shalay dhigeen
shaqaalihii iyo..
Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa albaabka hore ee Dekedda weyn ee
Magaalada Muqdisho banaanbax ka sameeyay shaqaalihii hore iyo
muruq-maalkii Dekedda Weyn ee Muqdisho, iyagoo ka cabanaya shaqo la’aan
soo wajahday iyo xaquuqdii ay ku lahaayeen Dekeddaasi ee dhinaca
shaqaalenimada.
Dadkaasi oo ku dhawaaqayey (Alaahu Akbar) iyo ereyo ay ka mid ahaayeen (Waa
in nala siiyaan xaqqii aan ku laheyn Dekedda, maadaama aan mudo u soo
shaqeyneynay”.
Dadkaas ayaa waxaa markii dambe la hadlay madaxa Arrimaha Bulshada ee
Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan
cabashadooda wax looga qaban doono, balse aan loo baahneyn dulmi iyo in
ay si aan wanaagsaneyn ku raadiyaan xaqooda.
Dekedda oo ay ka socdaan hawlo ayaa waxaa waagii hore ka shaqeyn jiray
shaqaale kor u dhaafaya ilaa iyo dhowr kun oo qof.
Afar qof oo ku dhimatay god Kaawo
ah oo ku yaal Kaaraan
Shalay ayaa laga soo saaray afar qof maydkoodii god Kaawo ah oo ku yaala
Duleedka Degmada Karaan, waxaa kaloo ku dhaawacmay labo qofood, iyadoo
dadkaasi ay u soo gurmadeen Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmada Karaan ,
waxayna halkaasi ka soo saareen maydka Afarta qof oo uu godkasi ku dumay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Kaawo noocaan oo kale ah ay ku dunto dad
qodayey, iyagoo ka qodaya ciid iyo dhagxaan, waxaana la sheegay in
sababaha ay Kaawadaani u duntay ay tahay kaddib markii mudooyinkaan la
waayay Miinooyin ay ka fasameysan jireen oo ay ku jabin jireen Kaawada.
Kaawadii shalay ayaa waxay kaloo khasaaro soo gaarsiisay labo gaari oo
doonayay inay halkaasi ka qaadaan ciid iyo dhagxaan.
Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo
shalay furay...
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Maxaakiimta Sheekh C/qaadir Cali
Cumar ayaa shalay ka qaybgalay xaflad loo sameynayey dhameystirka Duugis
lagu sameeyey bohol weyn oo ku taala Degmada Wardhiigley agagaarka
suuqii hore ee Xoolaha gaar ahaan wadada ka tagta Masjidka Cabdalla iyo
Cawareere.
Xafladdaan oo ka dhacday Hotel Muqdisho ayaa ugu horeyntii halkaasi
waxaa warbixin ka soo jeediyey C/llaahi Sheekh Xasan iyo Sayid Cumar
Macallin Abshir waxayna sheegeen in ay mudo ay la rafanayeen duugista
boho-shaasi, iyagoo sheegay in dadweyne mudo 16-sano kala xayirnaa
maalintii shalay ahayd bilaabeen in ay isku gudbaan.
Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ka halday xafladdaasi ayaa u mahadceliyey
intii gacanta ka gaysatay duugista bohoshaasi, isagoo ugu baaqay
shacabka in ay isku tashadaan, kaddibna Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo
mas’uuliyiintii kale waxa ay mareen wadadii la sameeyay bohoshii la
daboolay, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay ardayda wax ka barata
dugsiyada ku yaala deegaankaasi iyo waliba dadweyne ku faraxsanaa.
Dowladda Kenya oo ganaaxday labo
Diyaaradood oo.
Dowladda Kenya ayaa ganaaxday labo diyaaradood oo shalay u soo gudbay
dhinaca Soomaaliya kaddib markii labo magaalo ay geeyeen qaad.
Diyaaradahan ayaa laga joojiyey gebi ahaanba wixii duulimaad ahaa,
waxaana loogu daray ganaax lacageed.
Maalintii Isniinta ahayd ayay Dowladda Kenya waxay gebi ahaanba joojisay
duulimaadyadii diyaaradaha iyo kuwii qaadka ee tagi jiray Soomaaliya,
waxaana arrintaani si weyn u soo dhaweeyay Golaha Maxaakiimta
Soomaali-yeed oo sheegay in Soomaaliya aysan wax dhaqaale ah ku qabin
ganacsiga Qaadka, sidoo kale, waxaa dhawaan yimid Muqdisho danjiraha
Kenya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Afey oo sheegay in xayiraadaani ay
socon doono mudo kooban, isla markana wixii dhibaatooyin ah ee jirana
laga xaali doono, isagoo sheegay in xayiraada noocaan oo kale ah ay
horey u dhici jirtay.
Naadiga
Saxaafadda Soomaaliyeed oo xusay Sannad guuradii 7aad...
Maalintii shalay ahayd xarunta Naadiga saxaafadda Soomaaliyeed lagu
qabtay xaflad lagu xusayay sanad guuradii 7aad ee ka soo wareegtay aas
aaskii Naadigaasi, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka socotey
Maxaakiimta Islaamiga, Suxufiyiintii hore, Suxufiyiinta Maanta iyo marti
sharaf.

Xafladda oo isugu jirtey xuska toddoba guurada Naadigaas iyo ardey ka
qalin jabinaysey Naadiga Saxaafadda ayaa ugu horeyn waxaa halkaa war
bixin ka soo jeediyay guddoo-miyaha Naadiga Saxaafadda Eng. Muqtaar
Xasan Maxamuud oo sheegay in Naadigu uu soo maray heerar kala duwan ayna
ka qalin jabiyeen ardey fara badan kuwaasoo uu sheegay inay haatan ka
shaqeeyaan qaybaha kala duwan ee saxaafadda “waxaan la soo shaqayney
dawladihii isaga danbeeyay dalka, anaga ayaana ka soo harnay,
maxaakiimta Islaamiga mar bay iyaguna iska hari doonaan, hadba qoladii
timaadda ayaan la shaqaynaa” ayuu yiri Eng. Muqtaar oo sheegay in
weligood bulshada ay ku buraarujin jireen ku dhaqanka shareecada
Islaamka, waana ilaaheey mahaddii haddii maanta la qaatay
“Anaga iyo Maxkamadaha waxay inoo taalaa markay Kitaabka Alle Bistoolad
soo dhex geliyaan oo ay Qabiil iyo eex noola yimaadaan” ayuu yiri
Injineer Mukhtaar.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Sheekh Cabdi Khaaliq C/llaahi Xamza oo ah
ku xigeenka xoghayaha Warfaafinta iyo Dacwada ee Maxaakiimta Islaamiga
isagoo kula dardaarmay Saxaafadda in ay u shaqeeyaan dalkooda iyo
diintooda, sidoo kale waxaa ka hadlay C/raxiim Cali Muudey oo ah madaxa
Warfaafinta ee Golaha Maxaakiimta waxa uuna isna sheegay in Saxaafaddu
ay tahay mid door muhiim ah ku leh bulshada dhexdeeda loona baahan yahay
in lagu shaqeeyo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka, waxaa kaloo Sheekh
Aadan Cali Xasan oo ka mid ahaa Culima’udiinkii Raido Muqdisho, isagoo
siiyey warfaafinta dardaaran balaaran, ugu dambeyntiina ardaydii ka
qallinjabiysay ayaa la guddoon-siiyey Shahaadooyin iyo Abaalmarino kala
duwan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Barnaamijkii Radio Xoriyo
14 November 2006
Diyaarad ay ciidammada
Xoreynta Ogaadeenya ka gubeen kuwa gumaysiga Itoobiya.
Ciidammada Xoreynta
Ogaadeenya oo gumaysiga askar badan ka laayay
Dadwayne la laayay iyo kuwo
la xidhxidhay.
Ciidammada Maraykanka oo gargaar
gaadhsiiyay dadwayne ku tabaaloobay Ogaadeenya.
Sanadguuradii 1aad ee aas-aaskii
ururka Ogaden Youth Forum(OSF).
Gumaysiga Itoobiya oo shirqoolo la
damacsan Maxkamadaha Somaliya(Faalo).
======================
Diyaarad ay ciidammada
Xoreynta Ogaadeenya ka gubeen kuwa gumaysiga Itoobiya.
Wariyaha RX ee Gobolka Qorraxey ayaa
noo soo sheegay in Ciidammada sida gaarka ah u tababaarn ee Xoreynta
Ogaadeenya ay diyaarad cadowga Itoobiya leeyahay ku gebeen Magaalada
Qabridaharre, ka dib markii ay weerar mir ah ku qaadeen saldhiga
ciidammada Itoobiya ee magaalada Qabridaharre.
Weerarkan diyaarada lagu
gubay waxaa magaalada Qabridaharre lagu qaaday habaynimadii ay
Axaddu soo galaysay ee taariikhdu ahayd 12/11/06.
Diyaaradan ayaa ahayd nooca loo yaqaan Helicopter ee qumaatiga u
kaca oo ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya u adeegsadaan dagaalka.
Waxaa sidoo kale weerarkaas ciidammada maxaysatada ah ee Itoobiya
lagaga laayay ciidammo badan oo tiradoodu kor u dhaaftay 40 askari.
Waa diyaaradii labaad ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ka gubaan
ciidammada gumaysatada Itoobiya. Diyaaraddii hore waxaa lagu gubay
magaalada Gabagabo bishii Juulay 8, 2006, iyadoo ay ku dhinteen in
ka badan 25 ka mid ah saraakiisha ciidammada Itoobiya.
Ciidammada Xoreynta
Ogaadeenya oo gumaysiga askar badan ka laayay.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka
Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo ka dhacay meelo
kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah, kuwaasoo dhex maray
ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya, iyo kuwa
maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen
sidatan;
04/11/06 dagaal ka dhacay
Qarsoodi waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, waxaa
sidoo kale lagaga dhaawacay 9 askari.
05/11/06 dagaal sidoo kale
ka dhacay magaalada Awaare waxaa ciidammada
gumaysiga Itoobiya lagaga
dilay 10 askari, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 7 askari.
05/11/06 Dagaal ka dhacay
Maakuule, oo ka tirsan degmada Iimey, waxaa ciidammada saama la-luudka
ah ee gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 15 askari, waxaa sidoo kale
lagaga dhaawacay 17 kale.
07/11/06 waxaa weerar lagu
qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiya Maakuule, waxaana weerarkaas
lagaga dilay 7 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
06/11/06 dagaal isaguna ka
dhacay magaalada Dig waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6
askari, waxaana lagaga dhaawacay 11 kale. Askarta gumaysiga halkaas
lagaga laayay waxaa ku jiray taliyihii ciidammada Dig, oo ahaa
sargaal seddex xiddigle ah.
08/11/06 Gudhis dagaal ka
dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Isla
08/11/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah la
beegsadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada awaare,
waxayna weerarkaas ku dileen inta la ogyahay 8 askari.
27/10/06 weerar mir ah oo
ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen kuwa cadowga Itoobiya ee
fadhigoodu yahay magaalada Garbo waxay kaga dileen 3 askari, 6
kalana way kaga dhaawaceen.
Dhinaca kale markii ay
taariikhdu ahayd 06/11/06 waxaa ciidammada gumaysiga ee ku sugan
magaalada Birqod ka goostay 25 askari oo hubkoodii wata.
Waxaa sidoo kale markii ay
taariikhdu ahayd 29/10/06 ka goostay ciidammada gumaysiga ee Garbo
49 askari, oo wata 7 Qori oo BKM ah.
Dadwayne la laayay iyo kuwo la xidhxidhay.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga
Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay
dadywayne rayad ah oon waxba galabsanin, qaar kalana ku xidhxidhay.
Maalmihii ina dhaafay waxay ciidammada
gumaysigu nawaaxiga Dhagaxbuur ku dileen Alla ha u naxariistee nin
shacab ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali maxmuud.
Ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale
magaalada Awaare ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo aad u fara
badan, waxaanan magacyadooda helnay dadka kala ah;
1- Maxamed Yuusuf Gaanbays
2- Axmed Maxamed Axmed
3- Axmed Doolaal Cali
4- Axmed Daahir Maxamuud
5- Maxamuud Maxamed Xayd
6- Axmed C/llaahi Muxumed
7- Cumar
Maxamed Aaden
8- Axmed C/llaahi
Geelle
9- Jawhar
Sandar Khaliif
10- Yaasiin
Sh Cismaan Mukhtaar
11- Baddal Wali Ismaaciil
12- Mustafe Huruud
13- Baddal Maxamuud Muxumed
14- Maxamed Yuusuf Cabdi
15- Bashiir Maxamuud Jaamac
16- Cabdi Haybe Cabdi
17- Mukhtaar Mahdi Daahir
18- Axmed Yaasiin Xaaji Muxumed
19- C/llaahi Aw Maxamuud
Ciidammada Maraykanka oo
gargaar gaadhsiiyay dadwayne ku tabaaloobay Ogaadeenya.
Ciidammada Cirka ee dalka Maraykanka
ayaa daboolka ka qaaday inay gargaar kala duwan gaadhsiiyeen
dadwayne ku tabaaloobay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabka lixaadka
leh ee ka da'ay Ogaadeenya iyo fatahaaddii Wabiga Shabeelle ee dalka
Ogaadeenya, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof, isla markaana
ay kumayaal kalana ku guryo beeleen.
Gargaarkan ayaa lagu geeyay
diyaaradaha nooca loo yaqaano C-130 ee xamuulka loo adeegsado,
kuwaasoo jimcihii gaadhsiiyay gargaar kala duwan dadwayne ku
tabaalaysan gobollada xiga dhinaca xadka Soomaaliya ee dalka
Ogaadeenya.
Diyaaradahan ayaa maalintii jimacaha
ahayd dhawr mar geeyay meelahaas gargaar isugu jira cunto, biyo,
teendhooyin, maryo iyo walxaha biyaha lagu nadiifiyo.
Daadadka ka dhashay roobabkii lixaadka
lahaa ee dhawaan ka da'ay dalka Ogaadeenya waxaa ku dhintay in ka
badan 80 qof, waxaana ku guryo beelay in ka badan 217,000 oo qof.
Waa gargaarkii ugu horreeyay ee la gaadhsiiyo dadwaynaha ku
tabaalaysan gobollada kala duwan ee dalka Ogaadeenya, waxaana ugu
wacan iyadoo xukuumadda Itoobiya ay ka mamnuucday ururrada samafalka
ah inay si xor ugu adeegaan dadwaynaha Ogaadeenya, isla markaana ku
soo rogtay xayiraado aad u culculus oo is hortaagay inay ka
shaqeeyaan Ogaadeenya.
14 November
2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu
yahay 9445 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalinta
Talaadada ah 7:00PM � 8:00 waqtiga Afrikada Bari